WAA WARARAKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 31-KA DICEMBAR 2017-KA

0
Sunday December 31, 2017 - 10:41:41 in Wararka by
  • Visits: 477
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARAKA WARGEYSKA MOGADISHUMTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 31-KA DICEMBAR 2017-KA

    WASIIR BEYLE OO SAXIIXAY 2.7 $ Cabdiraxman Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu Saxiixay heshiiska lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun oo Dollar ($2.7m) oo loogu tala galay in wax lo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIR BEYLE OO SAXIIXAY 2.7 $ Cabdiraxman Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa maanta ku dhawaaqay in uu Saxiixay heshiiska lacag gaaraysa Labo Milyan iyo Todobo Boqol oo Kun oo Dollar ($2.7m) oo loogu tala galay in wax looga qabto Abaaraha ka dhaca Soomaaliya.

Hay’adda NRC oo kaashanaya Bangiga Aduunka ayaa lacagtaasi bixin doonta sidda ay shee geen Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka Maaliyadda mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle waxaa uu faah faahin ka bixiyay meelaha muddan in wax looga qabto,wuxuuna si gaar ah u tilmamaay in Degaanada Maamulgobole edyada dalka ka jira wax loogu qaban doono,maadaama ay ka jiraan baahiyo badan.

Madaxa hey,adda N.R.C Barnabaa Asarg ayaa uga mahadceliyay Wasaradda Maaliyadda Dowladda Soomaaliya, nidaamka wada shaqeyneed ee dhexmaray labada dhinac.

HOOS U DHAC KU YIMID SICIRKA XOOLAHA NOOL EE SUUQYADA HIRSHABELLE ..

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowlad goboleedka Hirshabelle Xuseen Cis man Cilmi oo uu weheliyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha siyaasada maamulka gobolka Sh/ dhexe Maxamed Cabdi Sheekh ayaa shalay kormeeray suuqa lagu iibiyo xoolaha magaalada Jow har.

Booqashada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlad goboleedka Hirshabelle ee suuqa xoolaha magaalada Jowhar ayaa la xiriirtay sidii uu ugu kuurgali lahaa xaalada ganacsi ee xoolaha lagu iibiyo magaalada Jowhar.

Wasiirka ayaa la kulmay qaar kamid ah ganacsatada iyo xoolo dhaqatada Hirshabelle isagoo ka dhagaystey warbixino.

"Xoolaha qiimahooda hoos u dhac weyn ayaa ka jira waxaana hadda la iibinayaa kala bar qii mihii la iibin jirey sanadkii hore.”ayuu yiri mid kamid ah ganacsatada xoolaha magaalada Jowhar.

Ganacsadahan ayaa ku macneeyay hoos u dhacan inuu ka yimid kadib markii la joojiyay xool ihii dibada loo dhoofin jirey.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa dowlad goboledka Hirshabelle Xuseen Cism aan Cilmi”Sunni” ayaa u sheegay xoolo dhaqatada iyo ganacsatada uu la kulmay inay ku dadaali doonaan sidii suuq loogu heli lahaa arrintaasna ay kala kaashan doonaan dowlada federalka.

Ganacsatada iyo xoolo dhaqatada gobolka Sh/dhexe ayaa aad u soo dhoweeyay booqashada uu wasiirka cusub ee Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Maamul Goboleedka Hirshabelle Xus een Cismaan Sunni uu shalay ku booqday seylada lagu iibiyo xoolaha magaalada Jowhar.

GUDDIGA GURMADKA OO LACAG U QAYBIYAY QOYSAS SAAMEYN UU KU YEESHAY QARAXII ZOOBE

Gudiga Gurmad Qaran ee qaraxii 14ka October ayaa shalay qaar kamid ah dadkii eheladooda kuwaayay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii soobe lacago u qeybiyay.

14 qoys iyo caruurtooda ayaa waxaa la siiyay qofkiiba min sadex boqol oo doolar .

Sidoo kale gudigga ayaa waxa ay siiyeen lacago ay ugu talagaleen in ay ku iibsadaan gawaari qaar kamid ah dadkii gadiidkooda kuwaayay qaraxaasi

Gudoomiyaha gudiga gurmad qaran cabdulaahi maxamed shirwac ayaa qeybinta lacagaha kadib warbaahinta lahadlay.

Gudiga Gurmad qaran ayaa waday maalmii lasoo dhaafay dadaallo lagu garab istaagayo da dkii ay waxyeelada kasoo gaartay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii Zoobe.

ASKAR LOO XIRXIREY WEERARKII LAGU QAADAY GURIGA SENATOR QEYBDIID

Ugu yaraan afartan askari ayaa loo xirxirey weerarkii iyo baaritaankii lagu sameeyay shalay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Gorod oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40Askari oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sarkaal oo falkan lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii shalay lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsdaday dowlada federalka inay baarit aan ku sameyso cidii ka dambeysay baaritaanka guriga uu ka degen yahay degmada Hod on,Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo cidii ka dambeysay falkan lana horkeeno sharciga.

WASIIRKA AMNIGA ISLOW OO KA HADLAY BAARITAANKII LAGU SAMEEYAY GURIGA SENATOR QEYBDIID

Wasiirka Wasaaradda Amniga dowladda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in dowladda ay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga u horkeeni doonto cidii ka dambeysay falkii ka dhacay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale” Qeybdiid”,

Maxamed Abukar Islow Wasiirka Amniga ayaa sheegay in baaris deg deg ah ay sameyn doonaan. "Ciddii ka danbeysay falka ka dhacay Guriga Senator Cabdi Qeybdiid sharciga ayaa la ho rkeeni doonaa, sida ugu dhaqsiyaha badan.”

Gelitaanka iyo Baaritaanka lagu sameeyay mid kamid ah guryaha Senator Qeybdiid ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo mid sharci darro ah waxana uu amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo.

Ciidamada weeraray ayaa la sheegay in ay yihiin ciidamo ay tababartay dowladda Imaara adka Carabta oo Muqdisho ka howlgalla.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay loogu wareejiyay ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

ASKAR LOO XIRXIREY WEERARKII LAGU QAADAY GURIGA SENATOR QEYBDIID

Ugu yaraan afartan askari ayaa loo xirxirey weerarkii iyo baaritaankii lagu sameeyay shalay guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka General Gorod oo loo xil saaray baaritaanka weerarkii lagu qaaday hoyga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa xabsiga u taxaabay ilaa iyo 40Askari oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday guriga Cabdi Qeybdiid.

Taliyaha ayaa sidoo kale xabsiga dhigay laba sarkaal oo falkan lala xiriirinayo, waxaana sidoo kale jira baaritaano ku soconaya saraakiil kale oo lagu tuhmayo iney ku lug lahaayeen weerarkii shalay lagu qaaday Hoyga Sanatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ka codsdaday dowlada federalka inay baaritaan ku sameyso cidii ka dambeysay baaritaanka guriga uu ka degen yahay degmada Hod on,Madaxweyne Farmaajo ayaa amray in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo cidii ka dambeysay falkan lana horkeeno sharciga.

FEYSAL: "DIYAARADII MUQDISHO KA AMAR QAADATA EE HAWADEENA SOO MARTA WAAN SOO RIDEYNAA..”

Guddooomiyaha Xisbiga UCID ee Soomaaliland Faysal Cali Waraabe ayaa ku hanjabay inay soo ridayaan diyaaradii amarka Somaliland diida ee hawadooda marta.

Isagoo shalay ka hadlayey munaasabad lagu dooranayo Gudoomiyaha ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayuu sheegay inay sharci darro tahay in dowlada Soomaaliya ay sheegato maamulka hawada Somaliland, taasina aan la aqbali karin.

"Hawadeenna cidina ma qaadi karto, diyaaradahana tii amarkeenna qaadan wayda waan soo ridaynaa, haddii ay xamar ka amar qaadato” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe dhinaca kale Madax weyne Farmaajo ku eedeeyay in uu weeraray dadkii ka qeyb qaatay doorashadiisii.

Wuxuu sheegay in Farmaajo la mid yahay Siyaad Barre oo ku jeestay kuwii ugu dhowaa ee kacaanka la dhaliyey. "Farmaajo emotional ayaa lagu doortay. Sidii Maxamed Siyaad Barre, raggii dhisay ayuu ku bilaabay oo wuxuu markiiba weeraray Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo uu lix ka dilay reerkooda” ayuuna sii raaciyey.

Feysal Cali Waraabe ayaa ku caan baxay hadallo aan loo meel dayin oo intooda badan aan miisaan lahayn, isagoo si toos ah u weerarra madaxda dowladda Soomaaliya iyo beelo gaara.

CIIDAMADA AMISOM OO MADAAFIIC KU LAAYAY BOQOL NEEF OO GEEL AH.

Qaar kamid ah shacabka ku nool deegaanka muuri ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku eedeyay ciidamdada Midowga Afrika AMISOM in ay laayeen boqol neef Geel ah oo ay lahaayeen.

Dadkaan oo u waramayay wakiil wareedka idaacadda simba ee Gobolada Shabeelooyinka ay aa sheegay in maadaafiicdii ugu dambeysay ay ciidamadda AMISOM rideen ay laayeen xoolo ba dan oo ay laahaayeen dad shacab ahaa.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in sidaan oo kale ciidamadda Midowga Afrika AMISOM ay madaafiic ugu laayeen xoolo ay lahaayeen, islamarkaana aysan bixinin wax lacago ah oo u dhigma xoolaha duqeynta lagu laayay.

SHEEKH SHARIIF OO KA HADLAY XAALADDA SOOMAALIYA

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay Xaaladda uu hadda dalka ku sugan yahay.

Sheekh Shariif oo kulan la qaatay Ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga ayaa sheegay in xilliggaan Soomaaliya ay ka jiraan dhibaatooyin kala duwan.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in dadka Soomaaliyeed ay ogaadaan in sababta ay Soomaaliya ay u gaari la’day Horumar.

Shariif Sheekh Axmed ayaa xusay in dhammaan dadka Soomaaliyeed laga doonaayo in ay horumariyaan dalkooda, islamarkaana ay taageeraan dowladda.

Waxaa uu tilmaamay in isku duubnida iyo wadatashiga ay tahay Tilaabada ugu wanaagsan ee ay Soomaaliya ay ku hormarikarto.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO AMRAY IN BAARITAAN DEGDEG AH LAGU SAMEEYO FALKII LAGU GALAY GURIGA SENATOR CABDI QEYBDIID

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa amar ku bixiyay in baaritaan degdeg ah lagu sameeyo falkii ay ciidamo ka tirsan dowlada ku galeen kuna baareen guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Barta Twitterka uu ku leeyahay ayuu Madaxweyne Farmaajo soo dhigey in uu amar siiyay tali yaha ciidamada xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod, cid walba oo ku lug yeelatana sharciga lala tiigsado.

Qoraalka uu soo dhigey barta Twitterka ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Farmaajo baaritaan ka ay ciidamadu ka sameeyeen hoyga Senator Cabdi Qeybdiid mid sharci darro.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gereral Gorod oo ay la socdaan saraakiil ay durba bilaabeen baaritaanka ciddii ka dambeysay falka lagu galay mid kamid ah guryaha uu ka degen yahay Senator Cabdi Qeybdiid.

GUDDIGA GURMADKA OO LACAG U QAYBIYAY QOYSAS SAAMEYN UU KU YEESHAY QARAXII ZOOBE

Gudiga Gurmad Qaran ee qaraxii 14ka October ayaa shalay qaar kamid ah dadkii eheladooda kuwaayay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii soobe lacago u qeybiyay.

14 qoys iyo caruurtooda ayaa waxaa la siiyay qofkiiba min sadex boqol oo doolar .

Sidoo kale gudigga ayaa waxa ay siiyeen lacago ay ugu talagaleen in ay ku iibsadaan gawaari qaar kamid ah dadkii gadiidkooda kuwaayay qaraxaasi

Gudoomiyaha gudiga gurmad qaran cabdulaahi maxamed shirwac ayaa qeybinta lacagaha kadib warbaahinta lahadlay.

Gudiga Gurmad qaran ayaa waday maalmii lasoo dhaafay dadaallo lagu garab istaagayo dad kii ay waxyeelada kasoo gaartay iyo kuwii ku hanti beelay qarixii Zoobe.

CALI GACAL:"MA HAYSANO XARUN AAN KU YEELANAYO KULAMADDA BAARLAMAANKA”,

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in aysan laheyn xildhibaanada baarlamaanka Maamulkaas howl ay ku shiraan.

Waxa uu sheegay in qarashka ay helaan oo yar awgeed aanay socon kareyn howlaha guud ee shaqooyinkooda baarlamanka Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay guddoomiye Casir inaanu jirin daqli fiican oo uu helo maa mulkooda, maadaama aanu jirin qaadis canshuur, isaga oo ku baaqay in Galmudug ay hesho miisaaniyad rasmi ah oo ay hay’adaheeda ku shaqeyn karaan.

Hay’adaha Maamulka Galmudug ayaa ku shaqeeya dhamaantood xarunta madaxtooyadda Maamulkaas ee magaaladda Cadaado ee Caasimadda KMG ah.

WARBIXIN KU SAABSAN: QARAXYADII, DILALKII IYO WEERARADII DHACAY SANADKAN 2017

Q/2aad

dhimashada waxaa lagu sheegay illaa 500 halka dhaawa ca intaasi ka badan yahay, waxaa kale uu geystay khasaa re maaliyadeed. Isla Bishaas October, 28, 2017: Inta la og yahay ku dhawaad 10 ruux oo shacab u badan ayaa ku dhintay qarax ka dhacay ilinka hore ee Hotelka Naasa Habl ood 2 degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho.

Bisha Novemberwaa bishii ugu deganeed bilaha san adka gaar ahaan Muqdisho,waxaa jiray qarax ka dhacay 2 dii bisha degmada Hodan khasaare badan kama dhalan, qaraxyo kale oo qaar saraakiil loogu xiray ayaa jiray, Ga shaanle Maxamed Yuusuf Cali oo lagu dilay Degmada Yaa qshiid, Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed ayaa isna la dilay iyo khasaare ka dhashay duqeyn Mareykanka ka fuliy een meel ku dhaw Daaru Salaam

Bishan December, dilal badan oo rayid iyo ciidan waa jir aan, waxaase ugu khasaare badnaa qaraxii 14-kii bishan ka dhacay xerada tababarka ee General Kaahiye, dhima sho iyo dhaawac badan. Saraakiisha caafimaadka ayaa xa qiijiyay in 13 qof ku dhinteen halka 15 kale ku dhaawacan tay.

December 17, 2017: Waxaa goor habeen ah gurigiisa lagu weeraray siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdis hakuur Warsame, 5 ilaaladiisa ka tirsan ayaa la dil ay isagana waa la dhaawacay.

Duqeymaha Mareykanka 2017:

Dalka Mareykanka ayaa sanadkan waxaa uu kordhiyay duqeymaha uu ka sameeyo gudaha Soomaaliya laguna bar-tilmaameedsado xarakada Al-shabaab.

Illaa 34 jeer ayey Mareykanka duqe eyeen gudaha Sooma aliya, iyaga oo dilay in ka badan 228 qof.

Weerrarada Al-shabaab 2017:

Sanadkan Xarakada Al-shabaab waxaa ay weerareen Kulb iyow, Afgooye, Cali Fooldheere oo ka tirsan Gobolka Shab ellaha Dhexe, War-maxan iyo Tixsiile ee gobolka Sh/hoo se, Baraawe, Qoryooley, Deegaanka Bariirre, Af-urur, Dul eedka Kismaayo, demooyinka Baydhabo iyo Qansax dhee re ee koonfur galbeed, Maxaas, Hiiraan, Degmada Waajid ee G/Bakool, Galgala iyo meelo kale.

Weerarradaas Waxaa Ka Mid Ahaa:

Janaayo 21, 2017: Al-shabaab ayaa soo weerartey Afg ooye, ilaa 8 qof ayaa ku dhimatay, Guddoomiyaha deg ma da Afgooye Cabdinaasir Caalim Ibraahim ayaa sheeg ay in dagaallamayaasha Al-shabaab saddex jiho ka soo we erar een saldhigyada ciidamada dowladda ee degmada ku su gan, kuwaas oo si weyn isaga caabbiyay.

Afgooye iyo deegaannada ku dhaw, waxaa ay Al-shaba ab soo weerareen sanadkan marar badan, taasi oo keen tay khasaare badan oo soo gaaray ciidamada xoogga dal ka Soomaaliyeed.

January 27, 2017: Xarakada Al-shabaab ayaa weerar gaadma ah ku qaadey saldhigga AMISOM ee deegaanka Ku lbiyow ee gobolka Jubbada Hoose, iyagoo sheegay in ay dileen in ka badan 50 askari.

February 2, 2017: Xooggaga Ururka Al Shabaab, ayaa goor habeen ah weerar ku qaaday Deegaanka Carabiya, oo ka tirsan Degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Ba ri Kenya, dadka deegaanka ayaa sheegay in Shabaabku ay weerarkaasi ku dileen 15 ka mid ah Ciidamada Boolis ka, sidoo kalena ay gubeen gaari ay askartu laheyd.

March 3, 2017: Ciidamada Kenya waxaa ay sheegeen in Al-shabaab ka dileen in ka badan 57 dagaalyahan, dag aalka ayaa ka dhacay saldhig Al-shabaab ay ku lahaydd nawaaxiga Afmadow. March 23, 2017: Al-shabaab ayaa weerar ku qaadday Baraawe, warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaara ha, 5 askari iyo gaari la gubay ayaa la sheegayaa in uu soo gaaray dhanka dowladda, hal qof ayaa dhankooda laga dilay Al-shabaab.

April 30, 2017: Ururka Al Shabaab oo dagaal qorshey san ku qaaday Waajid ee Gobolka Bakool ayaa sheegtay guulo, waxaa goobta la weeraray joogay ciidamada Koonf ur Galbeed iyo ciidamada Itoobiya.

May 23, 2017: Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowlad da Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaanka Laanta Buuro ee gobolka Sha beellaha Hoose, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasa are kala duwan.

June 8, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Deegaanka Af Urur oo ah duleedka magaalada Boosa aso ee xarunta go bolka Bari, waxaa uu dhex-maray maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab.

Korneyl Axmed Muuse Sangal, oo ahaa taliyihii aagga dagaalka uu ka socdo iyo 20 askari ayaa la gowracay, sida ay ilo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Goobjoog News.

June 10, 2017: dagaal ayaa ku dhex maray Dowladda iyo Al-shabaab Deegaanka Bariirre, Inta la xaqiijiyey 10-ru ux oo shacab iyo dhinacyadii dagaallamay isugu jira ay aa dagaalkaasi ku dhintay, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.

Xarakada waxaa ay xeradaasi iyo goobo kale oo Bariire ka tirsan sanadkan weerartay dhawr jeer oo September 29 iyo October 2 ugu dambeeyeen, mar walbo khasaare bad an ayaa laga sheegayey.

July 31, 2017: Dagaal ayaa ka dhacay Buulo-mareer, Shabeellada hoose, Ururka Al Shabaab ayaa sheegay in ay ku dileen 39 ka mid ah Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah AMISOM, isla-mark aana ay gacanta ku hayaan meydad ka askartaasi.

August 10, 2017: Al-shabaab ayaa weerartay Abuu-mansuur, dhimashada waxaa lagu sheegay in ka badan

25, gawaari ayaa laga gubay Abuu Mansuur.

August 27, 2017: Xoogagga Al shabaab ayaa weerar cul us ku qaadey Fariisimo Ciidamada Mido wga Africa, ee AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn .

September 3, 2017: Alshabaab ay dagaal culus ku qa adeen saldhig ay ciidammada dowladda Soomaaliya ku lee yihiin deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30 km dhina ca waqooyi uga bee gan magaalada Kismaayo.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigaas ku dishay in ka badan 20 askari, halka warar iyaga ka madax bannaanna ay sheegayaan in halkaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari.

GUNAANAD:

Inkasta oo DFS sameysay dadaallo badan oo amniga la gu sugayo sida dhismaha ciidanka xasi llinta Banaadir

May11, 2017, haddana taasi kama hortagin in ay Muqdi sho cel-celis ahaan bishii ka dhacaan 2 qarax, Waxaa Si doo kale Muqdisho ka dhacay qaraxii ugu khasaaraha bad naa ee Afrika, waxaa intaasi dheer in markii ugu horreysay Al-shabaab weerarto xerooyinkii ugu badnaa iyo Dalka Ma rey kanka oo Soomaaliya ka fuliyay duqeyntii ugu tirada ba dneyd ee dal Afrikaan ah uu ka geysto.

Haddaba, Khubaro la hadlay Goobjoog News, waxaa ay DFS ah kula taliyeen in ay difaaca ka baxdo sanadka soo socdo, inaaney iclaamin dagaal aan ey qaadi-doonin iyo inay ka dhabeyso dhis maha ciidCXDS iyaga oo tiro iyo tayo ahaan dhameystiran .. Dhammaad

Xigasho: Goobjoog News

WAR MURTIYEEDKA LAGA SOO SAARAY SHIRKA BAARLAMAANADA KU YEESHEEN BAYDHABO…

Waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeeyay Shir ay lahaayeen Gudoonka Baarlam aanka Federaalka Soomaaliya iyo Gudoonada Baarlamaanada Maamul goboleedyada dalka.

Kulanka lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo ayaa Ujeedkiisu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheynta barnaamijyada tayokordhinta hay’adaha xeerdejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’adahaxeerdejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeerdejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qorsheynta xal u helido oda, iyo dib u eegista heshiiska isafgaradka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

HALKAN KA AKHRISO WAR MURTIYEEDKA KASOO BAXAY SHIRKA 

BAYDHABO

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-Dejinta Soomaaliya

26-29 Diseembar 2017 Baydhabo

Golaha Afhayeenada Golayaasha Xeer-dejinta ayaa kulankoodii 4aad ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed 26kii ilaa 29ka Diseembar 2017 waxaana ka soo qaybgalay:

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, MudaneMaxamed Sheekh Cusmaan Jawaari

Guddoomiye ku xiggeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalle Cawad

Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Puntland:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Axmed Cali Xa ashi

Guddoomiye ku-xiggeenka 1aad Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Puntland Mudane Cabdixamiid Sheekh Cabdisalaan Ciise

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Jubaland:

Guddoomiye ku-Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dawladgoboleedka Jubaland Mudane Adan Khaliif Xaaji Yuusuf

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Galmudug:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Cali Gacal Casyre

Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Galmudug Mudane Maxamed Axmed Maalin

Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed:

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdiqaadir Sharif Sheekhuna Maye

Guddoomiye ku- Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mud ane Maxamed Nuur Maxamed Macalin

Guddoomiye ku – Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Aweys Xuseen Macalin

Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele: Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad – Goboleedka Hirshabeele Mudane Sheikh Cusman Bare Maxamed

Ujeedada kulanka 4aad wuxuu ahaa sii xoojinta iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, qorsheyn ta barnaamijyada tayo-kordhinta hay’adaha xeer-dejinta, qiimeynta mashruuca taakuleynta hay’ adahaxeer-dejinta (Parliament Support Project) oo kulmiya dhamaan Golayaasha Xeer-dejinta dalka, u kuurgalidda baahiyaha Golayaasha iyo qor-sheynta xal u helidooda, iyo dib u eegista he shiiska isaf-garadka ee Golayaasha Xeer-dejinta.

Afhayeenadu waxay mahadnaq iyo boogaadin u jeediyeen Golaha Xeer-dejinta ee Dowlad – Goboleedka Koonfur-Galbeed soo dhoweynta diirran iyo martigalinta qiimaha badan muddada uu kulanku ka socday Xarunta KMG ah Koonfurgalbeed ee Baydhabo. Ka qeybgalayaasha kulanka 4aad ee Afhayeenada waxay fursad u heleen kormeeridda xarumaha hay’adaha Dowlad – Gobol eedka Koonfur-Galbeed, waxaana farxad weyn noo ah horumarka muuqda ee muddada kooban ugu hirgalay Dowlad – Goboleedka iyo shacabka Koonfur-Galbeed.

Kulankan 4aad waxaa diiradda lagu saaray baahida guud iyo baahiyaha gaar ahaaneed ee Golayaasha Xeer-dejinta, waxaana lagu diyaariyey nuqul-qoraal soo koobaya baahidda Gole walba leeyahay iyada oo la isla gartay in si wadajir ah xal loogu raadiyo caqabadahaas, hortabinna la siin ayo hadba sida loo kala baahi badan yahay, gaar ahaan Golayaasha dhowaan dhismay sida Hir shabelle iyo Galmudug.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in kulan wadajir ah lala yeesho hay’adaha deeq-bixiyey aasha iyo hay’adaha sida tooska ah ula shaqeeya Golayaasha Xeer-dejinta horraanta sanadka 2018.

Waxaa kulanka lagu guddoonsaday in dib-u-eegis iyo toosin lagu sameeyo mashruuca tayo-dhisidda Golayaasha (Parliament Support Project) si loo waafajiyo baahiyaha hortabinta u leh Golayaasha Xeer-dejinta.

Waxaa lagu heshiiyey in lagu dhiirigaliyo, garabna lagu siiyo hay’adaha fulinta heer Federaal iyo Dowlad-Goboleed dardargalinta iyo dhamaystirka arrimaha ka dhiman federaaleynta dalka.

Waxaa kulankan lagu guddoonsaday xoojinta xiriirka guddiyada Golayaasha ee isku shaqada ah, sare u qaadidda tababarada wadajirka ah ee xubnaha iyo shaqaalaha Golayaasha, aqoon-iswe ydaarsiga iyo xog-isweydaarsi ku dhisan in Gole walba garab ku siiyo Golaha uu ka hor dhismay ama ka khibrad iyo tayo roon yahay.

Waxaa la isku afgartay in la dhiirigaliyo addeegsiga tiknoolojiyada casriga ah ee isgaarsiinta (Video Conferencing Technology) si xiriirka, aqoon-isweydaarsiga iyo xog-isweydaarsigu u noqdo joogto.

Waxaa la isla qaatay in Gole walba wadatashi isugu noqdo si looga fiirsado adeegsiga kalm adda ‘SHARCI-DEJINTA’ iyada oo kulankan lagu soo Jeediyey inay ku habboon tahay lana dhiirigal iyo adeegsiga kalmadda ‘XEER-DEJINTA’.

Si waafaqsan qodobka 6aad ee Heshiiska Isafgaradka Golaha Afhayeenada, kulanka 5aad wuxuu ka dhici doonaa Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho Abriil 2018.

BOGGA CITAARAHA

BOGGA CAYAARAHA




QIIMAYTA CIYAARTOYDA KOOXAHA LIVERPOOL & LIVESTER CITY EE KULANKII AY REDS GUUSHA SOO LAABASHADA AH GAADHAY- KUMAA AHAA XIDIGII GAROONKA?

Liverpool ayaa ka soo kabsatay gool ay Leicester City kaga hor martay bilawgii kulankii ay Reds garoonkeeda Anfield ku soo dhawaysay Foxes waxaana goolka deg deg ahaa Reds kaga naxsaday Jamie Vardy iyada oo qalad fadeexad ah ay sameeyeen difaaca Liverpool. Qof kasta ayaa iskugu jawaabay in qaladka noocan oo kale ahi uu sabab u ahaa in Liverpool ay lacag waali ah ka soo bixiso Van Dijk.

Kabtankii hore ee Southampton ee Vargil Van Dijka ayaa markii ugu horaysay soo gaadhay Anfield wuxuuna soo fadhiistay taaraboonka si uu u daawada kooxdiisa cusub oo Anfield ku ciyaaraysa waxaana kulankan jamaahiirta Liverpool laga dareemayay xamaasad waali ah. Mohamed Salah ayaa laba gool u dhaliyay kooxdiisa Liverpool si uu ugu hogaamiyo gool muhiim xili ciyaareedkeeda u ah.

XIDIGII GAROONKA: Mohamed Salah ayaa markale noqday xidigii garoonka ugu fiicnaa kadib markii uu sameeyay farqigii u dhexeeyay kooxdiisa Liverpool iyo Leicester City oo si wayn ugu dagaalantay in ay kulankan dhibco ka hesho balse taas xidiga ree Masar ayaa diiday.

Mohamed Salah ayaa noqday xidiga waqtigii ay kooxdiisu xaalada ugu adag ku jitay isku taagay in uu saamayntiisa la soo baxo wuxuuna dhaliyay laba gool si uu rekoodhkiisa gool dhalinta Premier league ee xili ciyaareedkan uu uga dhigo 17 gool laakiin Salah ayaa soo dhaliyay ku soo lug lahaa 22 gool oo Premier league ah waana 17 gool iyo 5 gool caawineed.

Mohamed Salah ayaa tartamada oo dhan kaga goolal batay siddeed kooxood oo Premer League ka ciyaara kuwaas oo soo dhaliyay goolal ka hooseeya tirada goolasha xidiga ree Masar wuxuuna dhaliyay goolal ka badan inta ay soo dhaliyeen kooxaha (Crystal Palace, Burnley, Brighton, Swansea, West brom, Huddersfield, Southampton & Newcastle).

QIIMAYNTA CIYAARTOYDA LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Liverpool: Karius (6), Gomez (7), Matip (6), Lovren (6), Robertson (7), Milner (6), Can (6), Coutinho (7), Salah (8), Firmino (6), Mane (6)

Badalkii: Oxlade-Chamberlain (5), Wijnaldum (5), Klavan (5)

Leicester: Schmeichel (6), Amartey (7), Morgan (6), Maguire (6), Fuchs (6), Gray (5), Ndidi (5), Iborra (6), Albrighton (5), Mahrez (4), Vardy (6)

Badalkii: Slimani (5), Okazaki (5), James (5)

RONALDO OO SHEEGAY IN UU QANDARAAS LA GALAY JUVNETUS HALKA UU DAAHA KA ROGAY SERIE A-GA IYO PREMIER LEAGUE-GA KII DOOKHIISA AHAA MARKII UU YARAA

Ronaldo waxa uu dib u milicsaday waqti tagay, isaga oo daaha ka rogay in uu qandaraas la galay Juventus s uu u tago Italy 2003dii, balse wuu ku biiray Manchested United badalkeeda.

"Waan ku faraxsanaa xiisaha Juventus, maxaa yeelay waa koox qeyrul caadi ah, laakiin waxaan go’aansaday in aan aado United.

"Premier League-ga ayaan ka jeclaa Serie A-ga.

"Sidoo kale waxa ay ka hadlaan Real Madrid, laakiin waxaan qaatay go’aan sax ah waxaana uga mahadcelinayaa wakiilkeyg Mendes.””

"MAYA MA ORAN”, – MORATA OO BEEN KU TILMAAMAY ARIN UU KA HADLAY POCHETTINO

Waxyaabihii loogu hadal haynta badnaa ee xagaagii hore waxaa ka mid ahaa mustaqbalka Alvaro Morata, hase ahaateem Morata waxa uu beeniyey hadalkii Mauricio Pochettino ee uu ku sameeyey sababta uu Spaniard-ku iman Spurs sanad kahor ay ahayd maadaamo Tottenham haysatay Harry Kane.

Manchester United ayaa aad ugu cad cadeyd saxiixa xiddigga balse waxa uu ku dambeeyey Chelsea.

Walow uu ka ciyaari karay waqooyiga London kahor Blues.

Tababaraha reer Argentina waxa uu sheegay in ay isku dayeen saxiixa weeraryahanka 2016 balse dhaliyihiii hore ee Juventus uu diiday arintaas.

"Maxaad igu faleysaa haddii aad haysato Harry Kane? Ayaa laga sheegay in uu ku jawaabay.

Wareysi uu dhawaan siiyey Sky Sports weeraryahanka Chelsea wuu beeniyey hadalka tababarihii hore ee Espanyol.

"Maya, run ma aha,” ayuu qiray.

"Lama hadlin, waxa uu sheegay in uu rabay labadeena in aan weerarka ka wada dheelno.

"Hadda ma jirto fursad aan ugu saxiixo Tottenham”.

Mar wax laga weydiiyey weeraryahanka reer England – Morata waxa uu sheegay in uusan dhib ku qabeen la ciyaariddiisa.

"Dabcan waan jeclaan lahaa in aan la ciyaaro,” ayuu yiri.

"Waa ciyaaryahan weyn.

"Waa mid ka mida weeraryahanada dunida ugu wanaagsan.”

England - Premier League December 30

AFC Bournemouth 2 - 1 Everton

Chelsea 5 - 0 Stoke City

Huddersfield Town 0 - 0 Burnley

Liverpool 2 - 1 Leicester City

Newcastle United 0 - 0 Brighton & Hove Albion

Watford 1 - 2 Swansea City

ENGLAND - PREMIER LEAGUE DECEMBER 30

AFC Bournemouth 2 - 1 Everton

Chelsea 5 - 0 Stoke City

Huddersfield Town 0 - 0 Burnley

Liverpool 2 - 1 Leicester City

Newcastle United 0 - 0 Brighton & Hove Albion

Watford 1 - 2 Swansea City

ITALY - SERIE A DECEMBER 30

Fiorentina 1 - 1 AC Milan

Atalanta 1 - 2 Cagliari

Benevento 1 - 0 ChievoVerona

Bologna 1 - 2 Udinese

Roma 1 - 1 Sassuolo

Sampdoria 2 - 0 SPAL 2013

Torino 0 - 0 Genoa

Inter - Lazio

Hellas Verona - Juventus



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip