2017: Sanad ay soo baxeen tirooyin lama filaan ah

0
Thursday December 28, 2017 - 23:59:12 in Wararka by
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    2017: Sanad ay soo baxeen tirooyin lama filaan ah

    Mid ka mid ah siyaabaha lagu sharixi karo waxyaabihii dhacay illaa bishii janaayo ee sanadkan ayaa ah in aan soo bandhigno tirakoobyo laga yaabo in dadka oo dhan aysan ka warqabin. Sidaas darteed ayaa waxaan soo diyaarinay tirooyinkan layaabka leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid ka mid ah siyaabaha lagu sharixi karo waxyaabihii dhacay illaa bishii janaayo ee sanadkan ayaa ah in aan soo bandhigno tirakoobyo laga yaabo in dadka oo dhan aysan ka warqabin. Sidaas darteed ayaa waxaan soo diyaarinay tirooyinkan layaabka leh.

Qariidada

37,993

Waa tirada bambaanooyinka iyo gantaalada ay isbahaysiga Maraykanka hoggaaminayo ku rideen dalalka Ciraaq iyo Suuriya laga soo bilaabo Janaayo illaa bishii Oktoobar ee sanadka. Ruushka ayaa iyaguna sidoo kale tuuray gantaalo badan, balse tirakoob rasmi ah lagama hayo.

Qasaaraha shacabka aad ayuu uga badanyahay tirooyinka ay sheegaan Maraykanka iyo Ruushka, hase yeeshee duulaanka waxa uu eryay kooxdii Daacish.

Fulkaano

127

Waa inta dambaaburada falkaanaha ay ka qarxeen buuraha dalka Indonesia. Bishii November buurta dalkaas ku taala ee Agung ayaa qaraxday, waxaana halkaas ka qaxay kumanaan dad ah.

Koonka

1.7 Milyan oo dad ah

Tirada dadka ee isticmaalay halku dhega #metoo ee bogga twitter-ka si ay u cambaareeyaan xadgudubyada galmada ee ka dhanka ah dumarka kadib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirta atooraha caanka ah ee Bollywood Harvet Weinstein. Dumar ku kala nool 85 dal ayaa ka qeybqaatay ololahan.

Myanmar

Eber

Haweenayda heysata abaalmarinta nabadda adduunka Aung San Suu Kyi oo aanan laga heynin xitaa halmar oo ay cambaarey gaboodfalada ka dhanka ah dadka muslimiinta ah ee Rohingya . Inkasta oo marar badan loogu baaqay in ay cambaareyso, haddane kama aysan hadlin.

Sida ay sheegeen dhaqaatiirta aan xuduudda lahayn, illaa 6,000 qof oo Rohingya ayaa lagu dilay Myamar, oo ay ka midyihiin 730 oo caruur ah.

Bishii Sebtember, Aung San Suu Kyi waxa ay sheegtay in ay been abuur yihiin wararka ku saabsan xasuuqa Rohingya.

Garoon kubbad

812 Garoomada Kubbadda Cagta

Jamal baraf ah oo lagu magacaabo A68 ayaa ka fuqay dhulka qaboobaha ah ee Larson ee badda Antarctica bishii July, waxa uu jamalkan la egyahay bedka dhul 812 garoomada ciyaaraha.

Seynisyahanada waxa ay sheegeen in adduunyada sii kululaanayso ay ugu wacantahay arrintan.

Sigaar

44 maalinkii

Sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka, tiradan waa inta jeer ee dadka degan magaalada New Delhi ay jiidaan qaaca hawada wasaqaysa ee magaalada bishii November.

Hindiya waxaa ku yaa;a 10ka magaalo ee ku jira 20ka dal ee hawadooda ay aadka u wasaqaysantahay adduunka.

Lacag

1600%

Lacagta aan muuqan ee Bitcoin ayuu qiimaheeda halkii rodol gaaray $20,000 bishii diseembar, 2017-kamark in December 2017 , taas oo micnaheedu yahay in qiimaha lacagtan internetka wax lagu kala gato uu kordhay boqolkiiba 1600%.

Barkad

60 milyan oo barkadaha dabaasha

Duufaantii Harvey ee ku dhufatay dalka Maraykanka ayaa soo rogtay daadad buuxin kara illaa 60 milyan oo barkadaha dabaasha ah.

Xiddigo

17

Tirada xiddiga caanka ee dhintay sanadkan 2017-ka. waxayna tani ka dhigaysaa sanadkii ay ugu dhimasho badnaayeen sida lagu baahiyay bogga dadka geeriyooda ee deadlist.net.

Dadkii dhintay waxaa ka mid ah bilyan dheerkii David Rockefeller iyo dad caan ah oo aflaamka jila.

Temer

Boqolkiiba Saddex

Aragti uruurin heer caalami ah oo ay samaysay shirkadda qiimeysa halista siyaasadda adduunka ee Eurasia ayaa shaacisay in dadka taageersan madaxweynaha Brazil Michel Temer ay kaliya tahay boqolkii 3%, taas ah tirada ugu yar ee uu madaxweyne dadkiisa ka heysto adduunka.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip