
Xarumo Milateri ku yaal Burundi oo la weeraray iyo xaalad kacsanaan oo ka jirta Bujumbura
Afhayeen u hadlay Milateriga Burundi ayaa sheegay in 12 dabley ay dileen, halka labaatameeyo kalena ay xireen.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayay deegaanka Musaga ee koofurta ah iyo Ngagara ee waqooyiga Burundi ku yaal.
Dhacdooyinkan ayaa ah kuwii ugu xumaa dalkaas ka dhacay, kadib isku daygii afgambigii lala damacsanaa Madaxweyne Peirre Nkurunziza bishii May.
Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeyay Xukuumadda iyo mucaaradka inay kicinayaan xiisad ka dhex bilaabata qowmiyadaha Hutu iyo Tutsi, isla markaana dib u soo laabata xasuuqii horay u dhacay.
Dadka ku dhaqan Caasimada Bujumbura ayaa xaalad cabsi ah ay soo wajahday, waxaana dadka ay ku negaadeen guryahooda, iyagoo aanay shaqo tagin, caruurtoodana aanay dugsiyada aanay, wadooyinkana waxay ahaayeen kuwo cidlo ahaa.
Diyaaradaha Kenya Airways iyo RwandAir ayaa baajiyay duulimaadyadii ay ku tagi lahaayeen caasimada Bujumbura, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin in la xiray garoonka diyaaradaha.
Si kastaba ha ahaatee mucaaradka Burundi ee ka soo horjeeda Madaxweyne Peirre Nkurunziza ayaa ku goodiyay inay sii wadayaan kacdoonka ay kala soo horjeedaan.
Xarumo Milateri ku yaal Burundi oo la weeraray iyo xaalad kacsanaan oo ka jirta Bujumbura
Xoogag hubeysan ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday xarumo dhowr ah oo Milateriga Burundi leeyihiin, iyadoo isku dhacyada ay yihiin kuwii ugu xumaa ee ka dhaca dalkaas, tan iyo markii dalkaas bishii April ka bilowdeen rabshadaha.