Cumar C/rashiid:-"Siyaasaddii Dalka Waxaa Kusoo Korodhay in La is Gaalaysiiyo", +Dhageyso

0
Wednesday December 27, 2017 - 10:15:07 in Wararka by
  • Visits: 342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cumar C/rashiid:-"Siyaasaddii Dalka Waxaa Kusoo Korodhay in La is Gaalaysiiyo", +Dhageyso

    Raisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaliya in ay caburin ku hayso siyaasiyiinta iyo dadka ka arakti duwan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa mar kale ku eedeeyay dowladda federaalka Soomaliya in ay caburin ku hayso siyaasiyiinta iyo dadka ka arakti duwan.

Isagoo la hadlayay laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayuu sheegay in madaxda dowladda Soomaliya isku dayayaan in ay caburiyaan siyaasiyiinta dalka ku sugan, kuwaasi oo inta badan ka hadla qaladaadka dowladda.

"Siyaasaddii dalka waxaa kusoo korodhay in la is gaalaysiiyo sida Al-Shabaab lagu yaqaano – qofkii dawladda hadda jirta ka aragti duwan waxaa loo adeegsanayaa in uu yahay qaran dumis,anaga hadaan siyaasiyiin nahay waxaan ka hadlaynaa wixii jira, laakin ma haboona in dowladda ay dadka gaalaysiiyo sida lagu yaqaano Al-shabaab”, ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Dhanka kale Cumar Cabdirashiid Cali SharmaarkeRaisulwasaarihii hore ee Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya aysan kaligeed waxba qaban Karin islamarkaana ay u baahan tahay talooyinka siyaasiyiinta Soomaliyeed.

Audio Player
 
 
00:00
00:00



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip