WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA DICEMBAR 2017-KA

0
Saturday December 23, 2017 - 09:04:33 in Wararka by
  • Visits: 765
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 23-KA DICEMBAR 2017-KA

    JUBBALAND OO KU GUULEYSATAY TART ANKA KUBADDA CAGTA MAAMUL GOBOLLEEDYADA R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khe yre ayaa ugu danbeyntii soo gabaga beeyay Tartanka Kubadda Cagta Maa mul Gobolleedyada oo ay ku guuleys teen Cayaartooydii ku cayaarayay ma gaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JUBBALAND OO KU GUULEYSATAY TART ANKA KUBADDA CAGTA MAAMUL GOBOLLEEDYADA R/wasaaraha XFS Xasan Cali Khe yre ayaa ugu danbeyntii soo gabaga beeyay Tartanka Kubadda Cagta Maa mul Gobolleedyada oo ay ku guuleys teen Cayaartooydii ku cayaarayay ma gaca Maamul Gobolleedyada Jubbal and. Kooxda Kubadda Cagta Jubbal and ayaa 1-0 uga adkaatay Xiddigihii ku cayaarayay magaca maamulka Puntland, waxaana muuqata in Jub baland ka Aargoosatay Puntland oo sanadkii hore ka qaaday Koobka , wa xaana maanta ay soo bandhigeen Ciy aar aad u wanaagsan.

Jubbaland ayaa Goolka dhalisay da qiiqadii 74aad ee qeybtii 2aad ee ci yaarta, waxaana markii garsooraha uu ku dhawaaqay seeriga inay dhamaat ay ciyaarta ayaa waxaa ciyaartooyda iyo taageerayaashooda ay bilaabeen dabaal deg.

R/wasaaraha XFS Kheyre ayaa Ko obka guddoonsiiyay xulka Kubadda Cagta Jubbalanad, sidoo kalana wax aa la bixiyay abaalmarino kala duwan oo la siiyay cayaartooy ka tirsaneyd ko oxihi ka qeybgalay tartanka.

MAREYKANKA OO BAARAYO XADGUD UBYO LOO GEYSTAY MUWADINIIN SOOMAALI AH
Mudane ka tirsan koonkareyska Mar eykanka ayaa ku baaqay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo xadgudub yo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagula kacay Muaa diniin Soomaali ah oo laga soo Masaafurinayay Dalkaasi.
Keith Ellison oo ka tirsan Xisbiga Dum oquraadiga ee Dalka Mareykanka lag ana soo doorto Gobolka ay ku badan tahay Soomaalida ee Minnesota ayaa sheegay inuu si weyn uga walaacsan yahay dhibaatooyinka lagula kacay dadkaasi Soomaalida ah .
Dadka loo geystay dhibaatooyinka asi xadgudubyada ah waxaa dhawa an diyaarad waday oo dooneysay in ay geyso Soomaaliya ay ka noqotay M/Dakar ee Caasimadda Dalka Sene ga, iyadoo ku laabatay Dalka Mareyka nka. Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo tiro ahaan gaarayay 92 ruux ayaa la sheegay in xadgudubyada lagula kac ay mudadii diyaarada ay saarn ayeen ay ku jirtay Safarka oo ka badneyd 40 Saacadood.Waxaana qaarkood la xaq iijiyay in Gacmaha ka xirnaayeen, hal ka kuwa kalena si xooggan loogu Jir dilay guda ha diyaarada oo si sharci darro ah uga qaaday Dalka Mareykan ka. Mr Ellison ayaa sheegay in Dowl adda Mareykan ka uu u gudbin doono Dacwad ka dha nah xadgudubyada la gula kacay dad kaasi Soomalaida ah, isagoo xusay in su’aalaha uu weydiin doono ay ka mid tahay sababta ay diy aarada dib ugu soo noqotay Mareyka nka.
Waaxda Socdaalka Mareykanka ay aa beenisay eedeymaha loo jeediyay ee ku aaddan xadgudubyada lagula kacay 92 ruux ee ka soo jeeda Soom aaliya, kuwaas oo dhawaan la isku da yay in loo soo masaafuriyo Soomaali ya. Maxkamad ku taalla G/florida ee Dalka Mareykanka ayaa dhawaan amar ku bixisay in aan markale Muwa adiniintaasi loo soo masaafurin Somal iya,si loo sameyo baaritano dheraada.
TALIYIHII CIIDANKA BOOLISKA G/CAYN OO KU GEERIYOODAY GAROWE
Taliyihii ciidanka booliska Puntland ee G/ Cayn Col, Maxamuud Jaamac Cali ayaa ku geeriyoodey M/ Garowe ee Taliyaha ayaa u geeriyooday xan uun awgiis,sida ay eheladiisa u xaqiij iyeen warbaahinta Puntlandi, wuxuu na uu ku geeriyooday isbitaalka guud ee Garowe. shalay oo jimco aheyd ay aa marxuum ka lagu aasayaa M/Garo we, iyadoo ay ka qeyb galayaan mas uuliiin katirsan maamulkaiyo saraakiil ciidan.
SHIRKA MADASHA WASAARADAHA DAS TUURKA OO KA FURMAY GAROOWE
Shirka 3xdii bilba mar qabsooma ee Madasha W/Arrimaha Dastuurka (Mo CA Forum) ayaa shalay si habsami ah uga furmay M/Garoowe, waxaana shir ka furay Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Md.C/xakiim X.Cumar {Ca meey}. Kulanka shalay ee MoCA For um waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Dastuurka ee XFS, Gudoomiye Ku-Xi geenka Arrimaha Siyaasadda iyo Am niga ee G/Banaadir, iyo Wasiirada Da wlad Goboleedyada (DG) ee Arrimaha Dastuurka.
Md.Camey ayaa khudbad khiiro lah ayd ku furay shirka isaga oo ku dhee raaday in wadashaqeynta in la xooj iyo. "Farxad bay ii tahay inaan ka soo qaybgalo shirkan, waxa aan idiin xus uusinayaa in Madashan aysan noqon sida madallo hore oo aan danta shac abka Soomaaliyeed ka shaqayn jirin, Wasiirada D/G/-yada waxa aan kula dardaarmayaa inay garab istaagaan Wasiir Cabdi Xoosh oo laga fogaado khilaaf, si taa la mid ah waxa aan idin kula dardaarmayaa in aad xoojisaan wadashaqeynta iyo midnimadiina si lo oga miradhaliyo hawlaha baaxadda leh ee idiin horyaalla; shirkuna waa inoo furanyahay” ayuu yiri Mudane Ca meey.
Intaa kadib Wasiir Xoosh ayaa ka hadlay shirka isaga oo ka warbixiyay hawlihii Wasaaradda u qabsoomay 3-dii bil ee la soo dhaafay. "100-kii maa lin ee aan ka soo gudubnay waxa aan ku soo guuleysanay hawlo badan oo ay kamid ahaayeen heshiiskii aan la saxiixanay Guddiyada ay hawsha Qar an inaga dhaxeyso iyo sidoo kale diy aarinta Istiraatiijiyadda Wacyigelinta Dadweynaha ee Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka oo madasha inta ay socoto lagu soo bandhigi doono” ayuu yiri AVV Cabdi Xoosh.
Dhanka kale, Wasiirada D/G/-yada ayaa dhankooda ka warbixiyeen wax qabadka Wasaaradahooda iyo hawla ha u qorsheeysan bilooyinka soo soc da. Ugu dambayn, shirka MoCA For um ayaa la soo xiri doonaa maanta Sab tida ah waxaana laga soo saari
doona War murtiyeed. –DHAMMAAD-
MD.XASAN SH .OO KHUDBAD KA JEEDI YAY SHIR CILMIYEED AY QABATAY JAAMACADDA ANKARA YILDIRIM BEYAZIT
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Xasan Sh.Maxamuud ayaa lagu martiqaaday shir Cilmiyeed uu soo ab aabulay Jaamacadda Ankara Yildirim Beyazit, gaar ahaan kulyadeeda Cilm iga Siyaasadda. Shir cilmiyeedkan ay aa cinwaankiisu ahaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliga, waxaa ka soo qeyb galay G/-yaha Jaamacadda Prof. Dr. Metin Dogan iyo 2diisa ku xigeen, saf iirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga Ja amac C/llaahi Maxamed, diblomaasiy iin ka kala socday qaar kamid ah safaaradaha Ankara ku yaalla, agaas imaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga iyo arday, macallamiin iyo aqoonyahanno ka ka la yimid hay’ado iyo jaamacado kala duwan oo kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu horeyn ka ha dlay taariikhda xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, isagoo kasoo bilaabay xilligii Cusmaaniyiinta, wuxuu sidoo kale aad u sharraxay taariikhda iyo marxalada ha kala duwan ay Soomaaliya soo ma rtay, waxaa uu aad u ammaanay daw lad wanaagga iyo dimiquraadiyad Aad an Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) oo Madaxweynihii u horreeyay Afrika ee xukunka si nabad ah oo dimuqraa di ah uga degay.
Sidoo kale waxaa uu aad sharaxay dhibaatooyinkii soo maray dalka, xilligii burburkja iyo khaladaadka ay madax da Soomaaliya sameeyeen, isagoo dhibaatada Soomaaliya haysata ay u gu wayn tahay is aaminaad darro iyo kalsoonida dadka u dhaxaysay oo luntay. Waxaa uu ka hadlay fursadaha ganacsi ee Soomaaliya ka jira, wuxuu na u mahad celiyay dawladda Turkiga oo uu ku sheegay dal walaal ah oo wa qti loo baahnaa u soo gurmaday Shac abka Soomaaliyeed.
Khudbadda ka dib ayaa waxaa la we ydiiyay su’aalo kala duwan, waxaa ka mid ahaa inuu doorashada 2021 u tar tamayo iyo in kale, isagoo sheegay in ta daruufaha hadda dalka ka jira ay jir aan inuu mar walba tartamayo, 2021 iyo kadibba. Xeel dheere dhanka arri maha bariga dhexe oo u dhashay dal ka Bangaledesh ayaa waydiiyay saa maynta "Proxy War–Dagaalka wakiilla da” ee u dhax eeya dawladaha bariga dhexe iyo sida ay Soomaaliya ku lee dahay iyo haddii xilligiisa uu la kulmay.
Waxaa uu sheegay inay arrimaha asi mar walba jiraan, dowladaha daga alsanna ay mar walba tan kale faquuq ayso, waxaa uu tilmaamay intuu dalka maamulayay inuu ka ilaaliyay in dawl ado shisheeye ay dalka ku hardama an, isla mar Xasan Sheekh ayaa she egay in Soomaaliya xaaladda ay had da ku jirto awgeed ay cid walba u baa han tahay oo aysan dawladna xiriirkee da ka tanaasuli karin, wuxuu sheegay in maamulka hadda Soomaaliya ka jira uu u muuqdo inuu dhibbane u yah ay mowqifka dhexdhexaadnimada ah ee uu ka qaatay khilaafka khaliijka, wu xuu caddeeyay in dawladda Turkiga aysan waligeed kala hadlin, ka caban in, isla markaana aysan marnaba fara galinin xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka kale.
Ugu dambeyn Madaxweynihii hore Xa san Sheekh ayaa la guddoonsiiyay bil lad sharaf, ka dibna waxaa lagu soo wareejiyay Xarunta Jaamacadda iyo Xafiisyada, waxaana casuumaada Jaa macadda u fidisay ku soo aaday, maa lin ka dib markii Jaamacadda Yildirim Beyazit University ay shahadada PHD sharafeed guddoonsiisay Madaxweyn aha Jabuuti Md.Ismaaciil C. Geelle.
DOWLADAHA MAREYKANKA GARGAAR KA UGU BADAN KA QAATA HADDANA KA SOO HORJEESTAY
10 Dowladood ee kaalmada ugu ba dneyd ka helay Mareykanka sanadkii lasoo dhaafay ayaa intoonada badan ama ka codeeyay go’aanka Mareykan ka ee Qudus ama ka aamusay.
Sida ku qoran website-ka "Wakaal adda Mareykanka ee Horumarinta ca alamiga ah” ee USAID dowaldaha kaa lmada ugu badan ka helay Mareykan ka 2017, waxaa ugu horreeyay dalka Ciraaq, halka aaney Soomaaliya kas oo dhex muuqan liiska 10 Ka dal ee uu Mareykanku lacagaha ugu badan ku bixiyo, waxaa kasoo dhex muuqd ay,koonfurta Suudaan oo inaga kaal mo badan iyo Tanzania oo la mid ah.
1.Ciraaq, waxay Mareykanku sanadkii ku maalgeliyaan 5.28 Bilayn oo dollar.
2 .Afghanistan: 5.06 bilayn oo dollar.
3 .Masar: 1.23 billion oo dollar.
4 .Urdun: 1.21 billion oo dollar
5 .Kenya: 1.14 bilyan oo dollar.
6 .Ethiopia : 1.11 billion oo dollar.
7 .Pakistan: 778 milyan oo dollar.
8 .Nigeria: 718 milyan oo dollar.
9 .K/ta Suudaan: 708 milyan oo dollar.
10 .Tanzania: $629 Milyan.
Hadadba, 10 kaa dowladood sag aal ka mid ah ayaa u codeeyeen go’a anka Mareykanka lagaga soo horje edo,halka Koonfurta Suudaan iyo Key nya ay sheegeen in ay ka aamuseen
Si kastaba, Safiirka Mareykanka u fa dhida Qaramada Midoobay Nikki Ha ley Ayaa Arbacadii ku hanjabtay in ey hoosta ka xariiqi doonaan dowladaha Mareykanku uu kaalmada siiyo ee ka codeeya. Iyadoo ay u muuqato in ha njabaadaasi aaney wax saameyn ah yeelan, fadeexad iyo weji gabaxna ay ku noqotay Mareykanka iyo waliba Israel.
SH.SHAAKIR "MIDEYNTA GALMUDUG IYO AHLU SUNNA DHIBAATO AYAY KU TAHAY SHABAAB”
Madaxa Golaha Xukuumadda maa mulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo la hadlay wara abinta ayaa warbixiyay mideynta maa mulada Glamudug iyo Ahlu Sunna, kadib markii dhowaan ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Muqdisho.
Wuxuu sheegay wax lagu farxo in ay tahay in ay midoobaan labada maam ul ee walaalaha ah, wuxuuna shacab ka G-la dhexe ugu baaqay inay si dirir an u soo dhaweeyaan hormarka midni mada ah ee lagu talaabsaday.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in midnimadan ay sii xoojineyso awooda maamulka Galmudug, dhibaato we yna ay ku tahay ururka Al-shabaab oo markii hore ka faa’ideysan jiray kala qeybsanaanta labada maamul.
Dho waan ayaa la rajeynayaa ma amulka Galmudug inuu ka soo guuro M/Cadaado, si uu u soo dego M/Dhu usamareeb, waxaana shacabka Dhu usa mareeb ay u diyaar garoobayaan soo dhaweynta Madaxda Galmudug.
GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO DALBADAY IN AMNIGA CAASIMADA LAGU WAREEJIYO
G/G/Banaadir ahna Duqa Muqdi sho Taabid Cabdi Maxamed ayaa mar kale dalbaday in si toos ah maamulkii sa loo hoos keeno Ciidamada amma anka, si wax looga qabto xaalada am niga Caasimada Muqdisho.
Xeer lambar 2 ee soo baxay sanad kii 1963 ayaa amraya in hay’adaha amaniga gobolka ay hoos yimaadaan maamulka Gbanaadir . Gud.Taabid oo ka hadlayay Munaasabadda Maalinta Ciidanka Booliska ayaa sheegay baah ida loo qabo in maamulka G/Banaadir iyo ammaankiisa la is waafajiyo, si loo helo isla xisaabtan dhab ah oo dhanka ammaanka.
"Waxaan daadejiinnay awoodda ma amul ee dhammaan qeybaha G/Bena adir,taas waxaad ka arkeysaan horum arka aan dhan walba ka sameynay. Waxaan rumeysannahay haddii awo odda amniga sidaas oo kale loo daa dejiyo in aan horumar la taaban karo ka sameyneyno waliba muddo koob an” ayuu yiri guddoomiye Taabid.
Guddoomiye Taabid ayaa dhowaan soo bandhigay barnaamij loo bixiyay "Isha Xaafadda” oo isku xiraya hay’a daha ammaanka iyo shacabka reer Muqdisho, kaasoo ka soo billaabana ya tabbeelle, Waax, Xaafad ilaa Deg mo, waxaana Ciidamada booliska iyo nabad sugidda u suurtagelinayo in ay xog ka helaan shacabka.
"Ma aha in aan maalin walba daawn no dhibaatooyinka dadka reer Muqdi sho ku dhaca oo cadowgu geeysana yo, waxaan la nimid qorshe cad oo is la xisaabtan leh oo aan ammaanka muwaadiniinta ku ilaalineyno, waxaan codsaneynaa in nalagu tixgeliyo”ayuu yiri Guddoomiye Taabid. Ciidamada booliska G/Ciidamada booliska gobol ka Banaadir iyo kuwa Nabad sugidda ayaa iminka hoos yimaada talisyado oda dhexe, taasoo meesha ka saartay xiriir, wada shaqeyn iyo isla xisaabtan dhex mara mas’uuliyiinta maamulka gobolka.
MADAXWEYNAHA HIRSHABEELLE OO DADAAL UGU JIRA SIDII LOO ANSIXIN LAHAA GOLIHIISA WASIIRADA
Madaxweynaha Hirshabeelle Md.. Maxamed Cabdi Waare ayaa dadaal ugu jira sidii Golihiisa Wasiirada codka kalsoonida uga heli lahaayeen Xildhi baanada, ka dib markii uu dib ugu laa btay M/ Jowhar. Md. Waare ayaa hab een hore kulamo la lahaa Xildhibaan ada Hirshabeelle, waxaana uu kala ha dlay sidii ay u ansixin lahaayeen Gola ha Wasiirada, sidoo kale kulamada wa xaa qeyb ka ahaa odayaasha dhaqan ka.
Kulamada uu waday Md.Waare ay aa waxaa qeyb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoonka Baarlama anka Hirshabeelle, waxaana rajo laga qabaa in la meel mariyo Golaha Wasii rada Wararka ayaa sheegaya in maa lmaha soo socda lagu wado in Golaha Wasiirada cusub ee Hirshabeelle ay hor-tagaan Baarlamaanka, si codka kalsoonida loogu qaado. Dhamaad kii bishii hore ayay aheyd markii Md –Waare uu ku dhawaaqay Gole Wasiiro cusub oo aanay ku jirin Xildhibaanada Baarlamaanka, waxaa na arrintan ka soo horjeestay Xildhi baanada qaar.
AMISOM OO DALBATAY DHAQAALE DHEERAAD AH, SI LOOGA GUULEYSTO AL-SHABAAB
Hawlgalka M/ Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay u baa han yihiin Dhaqaale deg deg ah oo la gu kalsoonaan karo si looga guuleysto dagaalyahannada ururka Al-Shabaab.
Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afr ika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caet ano Madeira ayaa oo wariyeyaa sha kula hadlayay magaalada Nairobi ayaa sheegay inay u baahan yihiin taa geero degdeg ah.
"Waxaan u baahan nahay taag eero deg deg ah, Ciidankeenu waa diy aar, laakiin waxay u baahan yihiin in ay noqdaan kuwo kobciya, tani ma ay san noqon wixii laga filayey, inkasta oo ay ku soo noqnoqonayaan ballan-qaadyadii ay sameeyeen wada-haw lgalayaasha.” Ayuu yiri Madeira.
Madeira ayaa ka digay hadii la waayo dhaqaale in halis ay geli karto ku guu leysiga ee dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab Tobankii sano ee la soo dhaafay, kaasi oo ka socda Soomaal iya.
"Soomaaliya xasiloonida muhiim ayay u tahay iyo guud ahaan xasill o nida Gobolka Bariga Afrika iyo wixii ka baxsan, haddii aanan si xeeladaysan u wajihin khatarta Al-Shabaab, waxay sii wadi doonaan inay khatar galiyaan Gobolka,” Ayuu sidoo kale yiri Francisco.
Wuxuu kaloo sheegay Madeira in qorshooyinka AMISOM ee 2018 ay ka mid yihiin in loo wareejiyo saldhigyo waa weyn oo hor leh oo ku yaala guud ahaan Soomaaliya oo ay ku wajahan yihiin Ciidamada xoogga dalka.Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Mareykanka ayaa isku diyaarinaya weeraro culus oo ay Al-shabaab kaga saarayaan goobahoo da ay ku xoogganyihiin Jubb ooyinka iyo Gobolada kale ee dalka.
Talaadadii, ayuu Wasiirka Difaaca Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in qii meyn ay samaysay xukuumaddu ay o gaatay in qiyaastii boqolkiiba 30 Askari oo ka tirsan ciidamada Soomaaliya ay san hubeysneyn.
Q/MIDOOBAY OO COD AQLIBIYAD LEH KU DIIDAY AQOONSIGA TRUMP EE QUDUS
Golaha loo dhan yahay ee QM ay aa si wayn u taageeray qaraarka Ma raykanka ugu baaqaya in uu ka laabto in uu Qudus u aqoonsado caasima d a Israa’iil. Warka qoraalka ah ayaa la gu sheegay in go’aankasta oo laga qa atay Qudus uu yahay mid aan wa xka ka jirin,ayna wajib tahay in laga laabto.
Qaraarkan oo dhaqangalintiisu ay san qasab ahayn waxaa meelmariy ay 128 dal, waxaa ka aamusay 35 dal wa xaana ka soo horjeedsaday sagaal dal.
Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Trump uu ku goodiyay in uu kaalmada dhaqaale ka jari doo no dalalka taageera qaraarkaas.
Waxaa qaraarkan ka soo horjeedsad ay Maraykanka, Israa’iil, Guatemala, Honduras, the Marshall Islands, Micro nesia, Nauru, Palau iyo Togo.
Dalalka aan codkooda dhiibaninna waxaa ka mid ah Canada iyo Mexico
Dalalka taageeray oo ay ku jiraan xu bnaha joogtada ah ee G/Amma anka ee QM-na waxaa ka mid ah Shiinaha, Faransiiska, Ruushka iyo UK iyo wali sidoo kale dalalka Muslimiinta ah ee xulafada la ah Maraykanka. Codaynta na waxan soo xaadirin 21dal.BBC
DFS OO SI KULUL U CAMBAAREYSAY GANTAAL XUUTIYIINTA YAMEN
War qoraal ah oo ka soo baxay W/Arimaha Dibada ee XFS ayaa loo ga hadlay Gantaal ay xuutiyiinta Yem en Talaadadii aynu soo dhaafnay ku ri deen M/Riyaad ee dalka sacuudiga.
War saxaafadeedka w/Arimaha dib adda Somaliya ayaa lagu cambaaree yay weerarkii gantaalka ahaa ee ay xu utiyiinta ku rideen M/Riyaad waxaana lagu sheegay in dowlada Somaliya ay ca nbareyneyso falkaasi ay ku kaceen xuutiyiinta.
Waa mid muujineysa in xutiyiintu w adan carqaladeyn dhanica amaanka iyo nabad gelyada ah ayaa lagu yiri war saxaafadeedka. Gantaalkaasi aya a lagu qarxiyay hawada isaga oo aan wax qasaro ah geysan balse bartilma aml meedka aya ahaa madaxtoyada riyad. Warka ka soo baxay xukuuma da Somaliya ee looga hadlay gantaal ka ay xuutiyiinta ku rideen sacuudiga ayaa noqonaya mid ay dowlada Som aliya ugu muujineyso sacuudiga in ay garab tagan tahay.
La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha oo la magacaabay Cabdi Saciid Muse Cali oo ah ah Aqoonyahan ayaa loo magacaabay La Taliyaha Amniga Qaranka ee Mad axweynaha, ka dib wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Farma ajo.Jowhar.com ayaa ogaatay in Cab di Saciid loo magacaabay xilkan, wax aana markii ay soo shaac baxday ma gacaabidiisa ku shaaciyay bartiisa Twitterka Ergeyga QM u qaabilsan So omaaliya Micheal Keating oo kulan la qaatay.
Xiriir aan la sameynay ayuu inoogu xaqiijiyay Mr CabdiSaciid in xilkan loo magacaabay, waxaa ahaa La Taliya ha Wakiilka gaarka ah ee Midowga Yu rub ee Geeska Afrika, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay IGAD iyo meelo kale. Cabdi Saciid ayaa dowlad dii TF G-da ee lagu soo dhisay dalka K enya sanadkii 2004, waxaa uu ahaa La tal iye dhinaca farsamada, waxaa uu si doo kale dowladda uu isku xire uu ka ahaa hey’ado badan oo caalami ah. Mr.CabdiSaciid ayaa ku dhashay M/ Jowhar ee G/Sh/Dhexe, waxaa uu ku hadlaa luqadaha English, Talyaaniga, Jarmalka, iyo Dutch Xigasho.jowhar.com.
MD.C/RAXMAAN C/SHAKUUR: WAA LAGA GUDBAY XILIGII QORI CAARADII WAX LA GU MAAMULAYAY
Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo Khamiistii dib xoriyadi isii u helay ayaa markii ugu horeysay ka dib xariggiisa waxaa uu la hadlay Warbaahinta, isaga oo sheegay in u gu danbeyntii Cadaalladu guuleysa tay. ‘’Waxaan rabaa inaan halkan u ga mahad celiyay dhammaan dadkii i barbar istaagay oo ay ka mid yihiin odayaasha Muqdisho, sidoo kale wa xaa u mahad celinayaa guddoomiya ha maxkamada G/Banaadir,waad ar keyseen maxkamadana waad joogte en sida uu xukunku u dhacay, in du lmi leygu soo weeraray, ilaaladeydii lagu laayay hantideydiina lagu bur buriyay’’ ayuu yiri C/raxmaan C/sha kuur Warsame.
Wuxuu sheegay in qeybtii 1aad ee maxkamada soo dhamaatay loona gudbi doono qeybta 2aad oo sida uu hadalka u dhigay uu raadsan doono xuquuqdiisa. ‘’Maxkamada qeybtiidii hore wey soo dhamaatay waxaa dhi man qeybtii 2aad oo aan xuquuqdey da ku raadsan doono, ciddii igu been abuuratay beenteedii waa la cadeey ay, waxaan rabaa inaan u sheego madaxda dalka waa laga soo gudb ay waqtigii Qori wax lagu maamuli ji ray dalkaanna xili dib loo celiyo ma jo ogo ayuu yiri’’ C/raxmaan C/ishaku r.
Guddoonka 2da Aqal ee dowlad da ayuu ugu baaqay in sharciga la taagsadaan sida uu hadalka u dhi gay cid kasta oo dastuurka iyo qawa anniinta dalka ka weynaata.
Shirka jaraa’id ee C/raxmaan C/sh akuur ayaa imanaya ka dib markii maxkamada G/Banaadir ku dhawa aqday in wax danbi ah lagu waayay siyaasiga, islamarkaana xeer ilaalin tu ku soo gudbin weyday cadeymo waqtigii loo qabtay.
GUDDIGA JOOGATADA AH EE GOLAHA SHACABKA OO SU’AALO WEYDIIYAY XEER ILAALIYAHA QARANKA.
Guddiga joogatada ah ee G/shac abka Soomaaliya ayaa kahmiistii u yeeray Xeer ilaaliyaha Qaranka Soo maaliya Dr.Axmed Cali Daahir.
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa boggiisa Facebook ku sheegay in Xe er ilaaliyaha uu hortagay guddiga isl amarkaana wax laga weydiiyay cadd eymaha uu u hayo 2 xildhibaan oo uu dhawaan dalbaday in xasaanad da laga qaado.
Hadalka Axmed Macallin Fiqi ayaa u qornaa sidan. "Guddiga joogtada ah ee G/Shacabka ayaa dorraad u yeeray Axmed Cali Daahir oo si shar ciga baalmarsan hawada u mariyey eedaymo 2 xildhibaan oo ka mid ah golaha shacabka kuwaas oo uu soo codsaday in xasaanadda laga qaa do.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir ayaa golaha joogtada ah hortooda lagu weydiiyey caddyama ha uu u hayo arrinta xildhibaanada labada ah, waxeyna ugu danbeyn ar rintiisii ku soo dhamaatay Afsoomaa li, aan wax caddeyn soo hordhigin guddiga joogtada ah hortooda.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay aa arrinta ugu danbeyn la wareegay asagoo sheegay inuusan qaadan karin in lagu gafo sharafta xildhibaa nada iyo golaha shacabka.
Dr.Axmed Cali Daahir wuxuu ku hor fadeexoobay dorraad maxkamad da kiiskii C/raxmaan C/shukuur, had dana wuxuu ku hor fadeexoobi doo naa mar kale golaha shacabka.
Xeer Ilaaliya sida magaciisa ka muuqata wuxuu ilaaliyaa xeerka iyo shuruucda dalka laakin Axmed Cali Daahir wuxuu u muuqdaa "Xayn Ila aliye” ku milmay siyaasadda dalka, noqdayna gacan loo adeegsado si yaasiyiinta iyo xildhibaanada ka arag tida duwan madaxda dalka”.
Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa she egay in Xukunka Maxkamadda G/Ba naadir uusan ahayn sharci islamar kaana ay racfaan ka qaateen.
SHIRKA G/WASIIRADA OO LOOGA HAD LAY ARRIMAHA DOORASHOOYINKA, AMNIGA, SHARCIGA ADEEGA RAYIDKA AH IYO ARRIMO KALE
Shirkii caadiga ahee ee G/Wasiira da ee XFS ayaa khamiistii ay yee sheen oo uu shir-guddoominayey R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre, ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, amniga, Sharciga Adeega Rayidka ah iyo arrimo kale.
Ugu horeyn, golaha wasiirada ayaa waxey warbixin amniga ka dhageyst een Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican mareyso, lana dardargelin doono iya doo uu ka codsaday in shacabka ay kaalin weyn ka qaataan sugida amni ga iyo nabadeynta dalka. Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ee Al-Shaba ab ay arbush ku sameeyeen ciidan ka oo marayey Balidoogle, hase yee shee la baacsaday oo xirfadkooda lagu raad joogo.
Wasaarada Gaashaandhiga ay aa golaha u soo bandhigtay warbixin ku aaddan Daraasad ay sameeyeen oo lagu qiimeynayey diyaar garowga cii danka. Guddi ka kooban 25 ayaa da raasadan ka soo sameeyey gobolla da dalka oo ay ku jireen khubaro ka socday Qaramada Midoobey iyo Beesha Caalamka. Daraasadan ay aa lagu qiimeynayey agabyada ciid anka heysto, caqabadaha jira, tabab arka ay heystaan iyo diyaar garowgo oda. Daraasada ayaa soo bandhigt ay inay jiraan gaadiid ciidanka XDS oo shaqsiyaad mas’uuliyiin hore iyo dadkale ay wataan, tanoo ka soo hor jeeda nidaamka sharciga.
G/Wasiirada ayaa si aqlabiyad leh u codeeyey in dhammaan gaadiidka ciidanka la soo celiyo oo cidii soo celin weysana sharciga la horgeyn doono.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka warbixiyey nooca matalaad ee doorasho ee 2020 oo uu sheegay in guddi ka kooban hay’adaha ay khu seyso ay muddo wadeen daraasad iyagoo isku barbardhigayey doora shooyinka caalamka iyo kuwii Soo maaliya ay soo mareen oo ay ku jir aan kuwa Somaliland. Daraasad dhe er ka dib waxaa weli socda wadata shi ballaaran oo laga yeelanayo no oca doorasho, iyadoo la isku raacs anyahay in doorashooyin hal-cod iyo hal-qof ah la qaban doono 2020ka. Noocyada matalaad doorasho oo la ga tashanayo ayaa waxaa ka mid ah ah isku dheelitiran oo dhammaan qe ybaha bulshada laga wada qeybgeli nayo, mid doorasho furan oo xisbiya da dadka matalaya ay doorasho ka raadsanayaan deegaanada,ama mid xiran oo xisbiga la dooranayo ka dib na uu soo xulanayo xildhibaanada matalaya. Wasiirka ayaa sheegay in wadatashi ballaaran la sameyanayo inta aan la go’aamin nooca matalaad ee doorasho.
W/Arrimaha Gudaha ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey dardargelin ta heshiiskii GalMudug iyo Ahlu Su nna oo uu sheegay in xiriiriyo uu ka yahay Wasiirkii hore Abdisamad Mac allin Maxamud, wasaaradana ay wa do qorsheyashii loo dhaqangelin la aa heshiiskaas taariikhiga ah ee muhiimka ah.
Wasiirka Shaqada ayaa golaha wa siirada uga warbixiyey Hindise Sharc iyeedka Adeega Rayidka ah oo usbu uca danbe loo ballamay si looga doo do oo loo ansaxiyo. Wasiirka Hawe enka & Xaquuqul Insaanka ah ayaa golaha siisey warbixin la xiriirta dhi smaha Guddiga Xaquuqul Insaanka ah oo guddigii loo xilsaaray oo ka ko obnaa 19ka xubnood oo ka kala yim id dhammaan gobollada ay soo gaar tay 600 araaji, oo markii la xulay laga soo reebay 74 oo la marsiiyey imtixa an, ka dibna laga soo reebey 45 u soo gudubtay xog-wareysi(interview) oo lagu ballamay in usbuuca danbe golaha wasiirada ka doodaan.
---DHAMMAAD----
JUBBALAND OO KORDHINEYSA SUGIDDA AMNIGA DEGAANADEEDA
Wasiirka Amniga mamulka Jubbal and C/rashiid Xasan Nuur (Janan) oo meel fagaare ah kula hadlayay dadw eyne fara badan ayaa sheegay in la kordhinayo Howlaha xasilinta ee ka socda Jubbaland. Wuxuu sheegay shacabka in looga baahan yahay in Hay’adaha ammaanka ay uga dambe eyaan ninka dambiilaha ah ee gacan ta lagu soo dhigo, taasi oo inta badan ay sameeyaan shacabka inay u dooda an qof dambiile ah.
Wuxuu sheegay Ciidamada amma anka Jubbaland qeybahooda kala duw an in har iyo habeen ay u soo jeedaan sidii cadowga ay uga difaaci lahaaye en shacabka, wuxuuna dalbaday in Ciidamada la siiyo kalsooni iyo dhiira naan. Madaxweynaha Jubbaland Axm ed Maxamed Islaam (Axmed Madoo be) ayaa dhowaan amray Ciidamada inay kordhiyaan dagaalka ka dhanka ah ee ururka Al-shabaab, si guud aha an looga saaro degaanada Maamulka.
SHAN CARRUUR AH OO KU DHIMATAY QARAX KA DHASHAY BAM AY KU CAYAARAYEEN DEGMADA MANDERA
Shan Caruur ah ayaa lagu waram ayaa ay ku dhinteen Ban ay ku caya arayeen habeennimadii Khamiista dee gaan lagu magacaabo Banisa oo ka tirsan degmada Mandera.
Ku-xigeenka guddoomiyaha deeg aanka Banisa Mathias Chisambo oo tagay goobta uu shilku ka dhacay ay aa sheegay Qaraxan uu ka dhashay Bam gacameed ay Carruurtan ku cayaarayeen, isaga oo sheegay in uu socdo baaritaan arintan ku saabsan.
Carruurtay dhimatay ayuu sheegay in ay da’doodu u dhaxeysa 12- 17 sano jir ah Maxamed Cali Cismaan oo ah xubin ka tirsan golaha degmada ayaa Hiiraan Online u sheegay in Car ruurtan ay helleen Qaraxa maalin ka hor xiliga uu Bamku qarxay oo aheyd habeenkii Khamiista.
Bishii Marso ee sanadka Labo Car ruur ah ayaa ku dhimtay Saddex kal ana waa ay ku dhaawacmeen Bam ku la qarxay deegaan lagu magacaabo Hareri-Hoosle oo ku yaala xadka Kenya iyo Soomaaliya. 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip