
Maxkamad ku taala Holland oo xukuntay lix nin oo lagu helay inay taageereen Ururka Daacish
Gudoomiyaha Maxkamadda, Rene Elkerbout, ayaa sheegay raggaasi in ay ka qayb qaateen hawlo la xiriira argagaxisada, isla-markaana ay Maxkamaddu ku xukuntay min lix sano oo xabsi ah.
Dadka qaarkii, ayaa dhaliilay in la caburiyo xoriyatul qowlka, iyadoo dadkaasi la sheegay in afka uun ay ka shaaciyeen taageeridooda Daacish, balse aanay weli si dhab ihi kaga mid noqon.
Afhayeen u hadlay Xafiiska Xeer Ilaalinta Holland oo lagu magacaabo Wouter Bos, kana jawaabaayay eedeymahaasi, ayaa sheegay in xoriyaddu ay xadidan tahay, in la shaaciyo ku biirista sida Daacsh iyo Al Nusra oo kalana, ay la macno tahay in laga tallaabay xuduudii xoriyatul qowlka.
"Xoriyatul qowlka waa wax wanaagsan, laakiin way xadidan tahay. Kolka aad si dhab ah dadka u kicinayso, in ay dembiyo culus galaan. Marka aad dadka ku boorinayso in ay ku biiraan kooxo, sida Daacish iyo Al Nusra oo kale, waxaad ka gudubtay xadka, mana jirto xoriyad dambe oo ra’yi dhiibasho ah.” Ayuu yiri Wouter Bos.
220 qof oo haysta dhalashada dalka Holland, ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay u socdaaleen dalalka Ciraaq iyo Suuriya, si ay kaga barbar dagaalamaan Ururka Daacish.
Wadamada Reer Galbeedka, ayaa baqdin weyn ka muujiyay weeraradii 13-kii bishii November ka dhacay Magaalada Paris Ee Xarunta Wadanka Faransiiska.


0 



Maxkamad ku taala Holland oo xukuntay lix nin oo lagu helay inay taageereen Ururka Daacish
Maxkamad ku taala Magaalada Amsterdam, ayaa waxay Khamiistii xukuntay lix ka mid ah sagaal xubnood oo Maxkamadda la horkeenay, ka dib markii ay Maxkamaddu ku heshay in ay taageereen Ururka Daacish.