
Wariye Karar Aadan Rukow oo maalintii 6-aad si sharci darro ah u xiran
Wariye Karar Aadan Rukow oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa maalintii 6-aad si sharci darro ah ugu xiran Magaaladaasi. Wariyaha oo xabsiga la dhigay Axadii, ayaan faah faahin laga bixin
waxa uu salka ku haayo xarigiisa, waxaana jira eedeymo loo jeediyay
Maamulka Garbahaarey.
Suxufiyiinta, ayaa soo sheegaaya illaa iyo hadda inaanay jirin wax Maxkamad ah oo la horkeenay Wariyaha, mudada uu ku xiran yahay Xarunta Gobolka Gedo.
Karar Aadan Rukow
Qoyska iyo asxaabta Wariyaha, ayaa walaac ka muujinaaya xarigiisa, waxayna jeclaan lahaayen in Maxkamad la horkeeno, si kiiska xarigiisa ay u qaado, loona ogaado waxa uu Maamulku ku haysto.
Somaliya waxay ka mid tahay dalalka caalamka ee ugu halista badan, isla-markaana ay Suxufiyiinta ka hawlgalaan. 3-dii bishan waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay Hindiya Xaaji Maxamed, oo ka tirsaneyd Warbaahinta Dowladda.
xigasho:-dhacdo.com


0 




Wariye Karar Aadan Rukow oo maalintii 6-aad si sharci darro ah u xiran
Wariye Karar Aadan Rukow oo ka tirsan Suxufiyiinta ka hawlgala Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobolka Gedo, ayaa maalintii 6-aad si sharci darro ah ugu xiran Magaaladaasi.