Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta uga hadlay qodobo kala duwan

0
Friday December 11, 2015 - 12:35:14 in Wararka by
  • Visits: 910
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta uga hadlay qodobo kala duwan

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo ay ka mi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo ay ka mid yihiin nin u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo ay ka mid yihiin nin u dhashay dalka Mareykanka oo ka barbar dagaalamayay kooxda Nabadiidka ah ee Al-shabaab oo dhawaan isku soo dhiibay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha Wasiirada uga warbixiyey amniga guud ee dalka, isagoo tilmaamay in todobaadkan hay’daha amniga uu isku soo dhiibay nin Maraykan madow ah (African American) oo magaciisa la yiraahdo Cabdimaalik Johns kana yimid gobolka Maryland magaalada Baltimore.

"Ninkan ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Shabaab, wuxuu ka mid ahaa kooxdaasi 4tii sano ee lasoo dhaafay, ayaa hadda isu soo dhiibay dowladda, Gacantana waa lagu hayaa, ninkani markuu dalka soo galayey wuxuu kasoo galay dhanka kenya, wuxuuna kasoo galay xuduudda dhoobley” ayuu yiri Wasir Amniga Gudaha.

Sidoo kale Shirka Golaha Wasiirada ayaa warbixin looga dhageystay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali ,wuxuuna golaha warbixin ka siiyey diyaarinta qorshaha horumarinta Qaranka ee sanadaha 2017-2019. Golaha Wasiirada ayaa soo dhoweeyay qorshahan Qaran ee soo bandhigtay Wasaaradda qorsheynta.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Mudane Maxamed Mukhtaar Ibrahim ayaa golaha Wasiirada usoo gudbiyey Sharciga Diiwaan gelinta Shidaalka kaasoo lagu keydin doono laguna diiwaan gelin doono arrimaha la xiriira batroolka .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane C/salaan Hadliye ayaa Golaha usoo jeediyey Mabaa’dida aas-aaska u noqonaya siyaasadda arrimaha dibadda soomaaliya. Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee siyaasadda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ah xaqiijinta nabadgelyada, kaamilnimada dhuleed iyo madax banaanida, kor u qaadidda kaabayaasha nololeed ee dalka .

"Soomaaliya waxay bilowday geeddi socod dib u dhis, horumarin iyo nidaam dimuqraadiyadeed. Siyaasadda arrimaha dibadda waxaa dhinac socda iskaashi dhex maraya soomaaliya iyo bulshada Caalamka. Dowladdu waxay leedahay siyaasad bilow ah oo ay ku xoojinayso midaynta xiriirka ay la leedahay bulshada caalamka, hayado goboleed oo ay ku jiraan ururka midowga afrika iyo jamacadda carabta” ayuu yiri Wasiir Hadliye, waxana dood kadib Golaha wasiirada ay halkaas ku ansixiyeen Mabaadii’da aas-aaska u noqonaya Siyaasadda Dibedda ee Soomaaliya.

----DHAMMAAD----

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka


Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

IMG 2056
IMG 2061
IMG 2073

1px
©2015 Office Of the Prime Minister | Mogadishu | Somalia



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip