Ra'iisal Wasaaraha Israel oo fadeexad weyn dhex fariistay

0
Friday December 11, 2015 - 12:31:40 in Wararka by
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal Wasaaraha Israel oo fadeexad weyn dhex fariistay

    Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa wuxuu la kulmay fadeexad weyn, ka gadaal markii eey uu lahaa uu qaniinay dad marti u ahaa, oo la joogay Arbacadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa wuxuu la kulmay fadeexad weyn, ka gadaal markii eey uu lahaa uu qaniinay dad marti u ahaa, oo la joogay Arbacadii.

Eeygan oo lagu magacaabo Kaiya, ayaa dhaawacay ugu yaraan laba qof, oo middi uu ahaa sayga/ninka qaba Sharren Haskel, oo ah Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Maamulka Israel.

Warbaahinta Israel, ayaa qortay in ay jiraan Xildhibaano Baarlamaanka Israel ka tirsan, oo sidoo kale uu qaniinay eeyga Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaare Benjamin Netanyahu, ayay tani ku noqotay mid lama fillaan ah, illaa iyo hadana sharaxaad lagama bixin, baahida keentay in eeygiisu uu martida qaniino.

Martida imaanaysa hoyga Ra’iisal Wasaaraha Israel oo jecleyd la kulanka eeyga Kaiya, ayaa waxay hadda ka dib il gaar ihi isaga eeggi doonaan Kaiya, kolka ay tagayaan hoygiisa.

Netanyahu

Dhanka kale Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Madaxtinimada Mareykanka doonaaya in uu u tartamo, Donald Trump, ayaa ka baaqsaday safar uu ku taggi lahaa Israel, ka dib markii ay fadeexadaan soo shaac-baxday.

Trump, ayaa Khamiistii sheegay in uu ka laabtay safarkii uu ku doonaayay inuu ku taggo Israel, isagoona sheegay inaanu tagi doonin Israel, illaa iyo inta uu ka noqonaayay Madaxweynaha Mareykanka.

Siyaasigan, ayaa wuxuu qorsheynaayay in Magaalada Tel Aviv uu kula kulmo Ra’iisal Wasaaraha Israel, si uu ugala hadlo loolanka uu ugu jiro, in uu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga uga qaybgelaaya doorashada Madaxweynaha Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip