Ra'iisul Wasaare kuxigeenka oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

0
Friday December 11, 2015 - 12:29:49 in Wararka by
  • Visits: 657
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka oo ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland

    Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib oo ku sugan dalka Switzerland ayaa ku baaqay in dib loo bilaabo wada hadalkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland.

Mr Carte ayaa sheegay inay muhiim tahay in la isu tanaasulo, lana kala roonaado, isagoo tilmaamay in qofkii qaldan la saxo.

"Hadaan la isu tanaasulin oo aan la kala roonaan, roob ma da’o, waa in la kala roonaado, oo la isku dayo sidii la isugu tanaasuli lahaa, hadii qofkan qaldan yahay inaad si wanaagsan u sixi kartid baa la rabaa, xaqa iyo waajibaadkana waxaa horeeya waajibaadka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in siyaasada ay noqoto mid isu tanaasul iyo dhex dhexaad, isla markaana aanay noqon mid xaqjirnimo ku jirto, si xal iyo dib u dib u heshiisiin loogu soo dabaalo.

"Hadii wada hadalka Soomaaliya iyo Somaliland aanu bilaabmin waxay noqoneysaa inay xaalka halkii un uu taagnaado, dhibteeda leedahay, xalka waxaa uu ku jira in wada hadalka bilowdo, markaas ayay dib u heshiisiin imaan kartaa”ayuu yiri Maxamed Cumar Carte

Wada hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland ayaa wali hakad ku jira, iyadoo wada hadalada ay fashilmeen bartamihii sanadkan markii Guddiyo ka kala socday labada dhinac oo isugu tagay Istanbul uu shirkooda qabsoomi waayay, markii Somaliland ay diideen inay la fariistaan xubno ka mid ah Guddigii dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen in deegaanadooda ka soo jeedaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip