Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidanka Amisom ee ku sugan Deegaanka Ceelasha biyaha

0
Thursday December 10, 2015 - 20:26:09 in Wararka by
  • Visits: 638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shabaab oo weerar culus ku qaaday ciidanka Amisom ee ku sugan Deegaanka Ceelasha biyaha

    Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Arbacoow oo ka tirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, Xoogaga Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar culus oo ku soo qaadeen ciidamada Amisom ee halkaasi fariisi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Arbacoow oo ka tirsan Deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho, Xoogaga Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay weerar culus oo ku soo qaadeen ciidamada Amisom ee halkaasi fariisimada ku leh.


Ciidanka Amisom oo Difaacyadooda ku jira ayaa mar qura waxaa lagu asqeeyay rasaas kala duwan oo ka dhaceysay Qoryaha Ak47 iyo Daba jeexa, waxaana markii dambe dagaalka uu noqday mid cuslaaday.

Ciidamada Shabaabka ayaa Bambooyinka gacanta laga tuuro iyo Sabano la beegsaday ciidamada Amisom fariisinka ay ku leeyihiin deegaankaasi Arbacoow, waxaana ciidanka Amisom ay bilaabeen inay hub culus ridaan.

Wararka ayaa sheegaya in rasaas haboow ah dad ay waxyeelo ku gaarsiisay deegaanka Ceelasha Biyaha, maadaama dadka intooda badan xalay ay hurdeen, ayna ku baraarugeen Dhawaqa rasaasta culus ee dhaceysay.

xigasho:-dhacdo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip