Bilow Keerow iyo xildhibaano kale oo lagu xirey Nairobo oo la sii daayay

0
Thursday December 10, 2015 - 20:20:15 in Wararka by
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bilow Keerow iyo xildhibaano kale oo lagu xirey Nairobo oo la sii daayay

    Senator Billow Keerow iyo saddex xildhibaan oo saaka lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sii daayay saacado kadib markii ay su'aalo weydiiyeen saraakiil tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Senator Billow Keerow iyo saddex xildhibaan oo saaka lagu xirey magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa la sii daayay saacado kadib markii ay su'aalo weydiiyeen saraakiil tirsan ciidamada ammaanka dalka Kenya.

Senator Keerow ayaa sheegay in la sii daayay kadib markii ay su’aalo weydiiyeen ciidamada ammaanka kuwaasoo ku saabsanaa xabaalo wadareed oo uu hore ugu eedeeyay dowlada inay mas’uul ka yihiin.

Waxa uu qirey Senator Keerow in ay ka heleen warar odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Mandheera ay u sheegeen in xabaalo wadareed laga helay duleedka Mandhera.

Bilow Keerow ayaa sheegay in su’aalaha isaga kaliya la weydiiyay oo xildhibaanada kale la iska fasaxay.

"Cudurdaarka waxaan siinay shacabka Kenya balse annaga wax cudurdaar ah ma siin dowlada Kenya.”ayuu yiri Bilow Keerow.

Senatarada iyo xildhibaanada dalka Kenya ayaan lahayn xasaanad aan lagu xiri karin marka ay dibada ka joogaan baarlamaanka dalka Kenya.

Xildhibaan Keerow oo laga soo doorto Magaalada Mandhera oo gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ku eedeeyay dowlada Kenya xabaalo wadareed laga helay duleedka magaalada Mandhera, hase yeeshee baaritaano ay dowlada Kenya sameysay ayaa laga helay xabaalahas meydka haweeney qoyskeedu ay waayeen toddobaadkii hore.

Wasiirka arrimaha gudaha dowlada Kenya ayaa sheegay in haweeneydaas ay ahayd mid a shaqeysa Alshabaab ayna ka shakisan yihiin in ay ururkaAlshabaab dileeen.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip