
Kenya oo sheegtay Haweenaydii Meydkeeda laga helay Duleedka Mandheere inay cuntada u karin jirtay Shabaab
Joseph Nkaissery, waxa uu sheegay haweenaydaasi in Shabaab ay cuntada ugu karin jirtay Degmada Belad Xaawo ee Gobolka Gedo, ka hor inta aysan ciidamada Kenya gudaha dalka Somaliya soo gelin.
Waxa uu sheegay inay isaga carartay Degmada Belad Xaawo, kadibna ay goob ganacsi ka furatay Magaalada Mandheere ee dalka Kenya, halkaasi oo ay ku nooleyd waayihii dambe.
Dilkeeda ayuu sheegay inay suuragal tahay inay fuliyeen Ururka Shabaab, xilli ehelada Haweenaydaasi ay tuhun badan ka qabaan Xoogaga ammaanka Mandheera inay dileen Gabadhaasi.
"Warbixinta kooban ee aynu hayno ayaa ah in Haweeneydaasi oo la oran jirey Isniina Muuse Shiikh ay Cuntada u karin jirtey Dagaalamayaasha Shabaabka ku sugnaa Degmadda Buulo-xaawo, ka hor intaysan Ciiddanka Kenya la wareegin Jubbooyinka.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya.
Hadalkaan ka soo baxay Dowladda Kenya ayaa u muuqda mid ay Kenya isaga fogeynayso eedeymaha ku aadan ku lug lahaanshaha dilka Haweenaydaasi.
xigasho:-dhacdo.com
Kenya oo sheegtay Haweenaydii Meydkeeda laga helay Duleedka Mandheere inay cuntada u karin jirtay Shabaab
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Ammaanka dalka Kenya Joseph Nkaissery, ayaa shalay Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, haweenaydii meydkeeda laga helay duleedka Magaalada Mandheere ee dalka Kenya inay cuntada u karin Al Shabaab.