
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA DICEMBAR 2017-KA
JAMHUURIYADDA SOMALILAND
XAFIISKA MADAXWEYNAHA
Sum:JSL/XM/WAREEGTO/01/12/122017 Taar:14 Dicember,2017
Wareegto Madaxwyne
Markaan Arkay: Dastuurka J/Somalilnad,Qodobka 90aad,Farqadiisa2aad;
Markaan Arkay:Ahamiyadda ay Wasaaradaha Hoos ku xusbi u leeyihiin u Adeegidda Shacabka iyo Dhis maha Qaranka;
Markaan Arkay:Aqoontooda, Kartidooda, Waaya arag nimadooda iyo Hufnaantoda Shaqo;
Markaan ku Qancay:In ay hanan karaan Masuliyadda ka Dhalaneysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: Wada-tashi Bllaaran;
WAXAAN GO'AANSADAY:
INAAN U MAGACAABO MAUULIYIINTA MAGACYADOODA HOOS KU XUSAN YIHIIN XILALKAN:
TIR MAGACA XILKA |
1.Dr.Sacad Cali Shire Naaleeye Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
2.Yaasiin X.Maxamuud XiinFaarax Wasiirka Wasaarad da Waxbrashada iyo Sayniska |
3.Dr.Xsan Ismaaciil Yuusuf Warsame Wasiirka Wasaar adda Horumarinta Caafimaadka |
4.Cawaale Ibraahin Shirwac loddoon Wasiirka Wasa radda Qorsheynta iyo Horumarinta Qaranka |
5.Maxamed Kaahin Axmed Maxamed Wasiirka Arrim aha Gudaha |
6.Ciise Yuusuf Cabdalle Wasiirka Wasaaradda Gasha andhigga |
7.Yuusuf Maxamed Cabdi Raage Wasiirka Wasaarad da Horumarinta Maaliyadda |
8.Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda |
9. Sh.Khaliil Cabdillaahi Axmed Rooble Wasiirka Was aaradda Diinta iyo Awqaafta. |
10. Axmed Muumin Seed Habbane Wasiirka Wasaar adda Horumarinta Beeraha |
11.Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi Cabdulle Wasi irka Wasaradda Howlaha Guud Dhulka iyo Guryeynta |
12.Yuusuf Maxamed Nuux {Boos} Wasiirka Wasaarad da Dahllinyarada iyo Ciyaaraha |
13.Dr. C/wali Sh. C/laahi Wasiirkla Wasaaradda Isgaa rsiinta iyo Tiknaloojiyadda |
14.Maxamuud Xasan Sacad Iidle {Saajin} Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska |
15.Hinda Jaamac Xirsi Maxamed Wasiirka Wasaarad da Sahqo-Gelinta,Arrimaha Bulshada iyo Qoyska |
16. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad Wasiirka Wa saaradda Horumainta Maalgashiga |
17.Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi W/Wasaarada Xa nnaanada Xoolaha iyo Horumainta Kalluumeysiga |
18.Cabadiraxmaan Cabdullaahi Faarax Diiriye{Guri Barwaaqo} W/Wasaaradda Deegaanka iyo hor umarinta Biyaha |
19.Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud Baandare W/Wa saaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga |
20.Saleebaan Yuusuf Cali Koore W/Wasaaradda horu marinta Biyaha |
21.Jaamac Maxamuud Cigaal Maxamed W/Wasaarad da Mcdanta iyo Tamarta |
22.Cabdullaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf W/Was aarada Gaadiidka iyo Horumainta Jidadka |
23.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamud Wasaara dda Xidhiidhka Golayaasha Arrimaha Dastuurka |
24.Libaan Yuusuf Cismaan Xuseen Wasiirka ku Xig eenka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah |
25.Maxamed Muuse Diiriye Waceys Wasiir ku xigeen ka wasaaradda Arrimaha Gudaha |
26.Maxamed Muuse Abees Faarax W/Ku Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, wacyigelinta iyo Dhaqanka |
27.Yurub Abiib Cabdi Cumar W/ku xigeenka wasaar adda xannaanada xoolaha iyo Horumainta Kaluumeys Iga |
28.Maxamed Daahir Axmed Furreh Wasiir ku xigeen ka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda |
29.Eng.Xuseen Ibraahin Xasan Buuni W/ku Xigeenka Wasaaradda Qorshyenta iyo Horumarinta Qaranka |
30.C/dir Maxamuud Sh.Maxamuud Warsame W/ku Xi geenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Seyniska |
31.Cbadinaasir Cumar Jaamac W/ku Xigeenka Wasa aradda Horumarinta Caafimaadka |
32.Sahal Maxamed Jaamac Faarax W/Ku Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka |
|
MADAXWEYNE FARMAAJO OO LA KUL MAY AMIIRKA QATAR
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la kulmay Amiirka Qatar Sh.Tamiim Bin Hamad Al Thani. Kulanka ayaa dhacay ka dib intii uu socday shirkii aan caad iga aheyd ee ay isugu yimaadeen Ururka Iskaashiga Isla amka (OIC) oo ka dhacay M/Istanbul ee dalka Turkiga.
Waxaa kulanka dib loogu eegay xiriirka labada dal iyo qaab ka loo xoojin karo, loona hormarin karo. Sidoo kale waxaa inta as dheer in kulanka looga hadlay mowduucyo dhowr ah iyo danaha ay labada dal wadaagaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay taageerada Amiirka Qatar u fidiyay shac abka iyo dowladda Soomaaliyeed, si loo abuuro jawi nabadgelyo iyo xasilooni dowladeed. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyay dadaaladaay Qatar waday iyo mashaariicda hor umarineed ee ay ka fulineyso Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa Wafuuda labada dhinac ka socday, sida Amiiro iyo xubno Wasiiro ah. Dowladda Qatar ayaa dhowaan ku dhawaaqday inay Soomaal iya ka fulin doo nto mashaariic ku baxeysa lacag gaareysa 200 milyan, waxaa mashaariicda qeyb ka ah dhis maha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo go bolada deriska la ah.
SHABAAB OO SHEEGTAY MASUULIYADDA ISMIIDAAMINTA KA DHACDAY GENERAL KAAHIYE
Al
Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka ismiidaaminta ah ee ka dhacay
Dugsiga tababar ka Ciidanka Booliska Somaliyed ee General Kaahiye ee Magaalada
Muqdisho. Ismiidaa mintan oo uu fuliyay ruux xirnaa dharka ciidanka Booliska
ayaa wararka waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ku dilay tobanaan ka tirsan
ciidamada Booliska Somaliyed.
Shabaab ayaa sheegtay in qaraxaasi iyaga ay fuliyeen, isl amarkaana ay ku dileen askar badan oo Boolis ah, khasaaraha weerarka ka dhashayna dib ay ka soo sheegi doonaan. "Muja ahidiinta ayaa Qarax xooggan ku beegsad ay Maleeshiyaad ah xilli ay safaf kujireen gudaha xarunta Tababarka Booliska Is koola Boliisiyo khasaaraha ka dhashay weerarka dib ayaan ka soo sheegi doonnaa.” ay aa lagu yiri warka Al Shabaab ka soo baxay.
Saraakiisha ciidamada Boolis ka Somaliya weli kama aysan hadlin ismiidaamintaan ka dhac day Dugsiga Tababarka ciidanka Boolis ka Somaliyed ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Booliska Somaliya ayaa tagay goobta qaraxa ismii daaminta ah uu ka dhacay, halkaasi oo ay ku qiimeynayaan khasaaraha ka dhashay qaraxa.
HOGAAMIYAHA XISBULLAH OO KU HAN-JABAY IN MARAYKANKA IYO ISRAEL UU BURBURIN DOONO
Hogaamiyaha ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa ku dhaartay inuu baa bi’in doono dalka Maraykanka waxana uu ku baaqay Jihaad in lagu qaado Magaalada Qudus, ka dib markii toddobaadii hore Madaxweynaha Maraykanka u aqoonsaday magaalada barakay san ee Qudus inay tah ay caasimada Israel. Xoghayaha Guud ee Xisbullah ayaa qudbad ka jee diyay taleefish in xaruntiisu tahay Beirut iyadoo kumanaan taagee rayaashiisa ka mid ahna ay meel fa gaare ah isugu soo baxeen waxayna ku dhowaaqayeen ”Ha Dhinto Maraykanka”.
"Waa waqtigii qof walba uu ogaan lahaa in Maraykanku uusan taageerin Nabada Falastiin iyo tan gobolkaba, ”ayuu yiri Nasrullah. Waxana uu sidoo kale ku baaqay in mala ayiin Muslimiin ah oo jihaadaya ay abaaraan magaalada Qudus.
"Maraykanka waa maalgeliyaha argagaxisada,dadka dhulka xoog ku haysta ee Yuhuuda, waana kan abuuray ISIS iyo ururada Takfiir ka,”ayuu sii raaciyay wadaada Shiicada ah ee reer Lubnaan.
Nasrullah ayaa sheegay in qof walba oo Muslim ah ay tahay in Maraykanka uu aqoonsado oo kali ya "Ha Dhinto Maraykanka”, waxana uu ugu baaqay taageerayaashiisa inay uga dhigaan aqoonsiga Trump ee Qudus mid bilow u ah dhammaadka Maraykanka iyo Isra el. Ururka uu hog aamiyo Xasan Na srallah ayaa dagaal la galay dowlada Israel sanadkii 2006dii waxayna labada dhinac marwalba ay is dhaafsadaan ereyo hanjabaadyo ah, hase yeeshee wasiir u hadlay Israel ayaa sheegay in haddii Xisbullah uu weerar ku soo qaado inay beegsan doonaan dalka Lubn aan.
Hase yeeshee wasiirka sirdoonka Yisrael Katz ayaa ku hanjabay haddii uu ururka Xisbullah we erar ku soo qaado Israel in dalka Lubnaan dhulka ay dhigi doonaan oo uu dib ugu laabanayo wa ayihii hore ee "Facii Dhagaxa”.
shalay oo Jimce aheyd ayaa la banaanbaxyo waaweyn ay ka dhaceen caalamka Islaamka iyadoo loo gaga soo horjeedo aqoonsiga dowl ada Maraykanka ay u aqoonsatay M/ Qudus xarunta Israel,sidoo kale banaabax yada ayaa lagu taageer ayaa warkii ka soo baxay shirkii aan caadiga ahayn ee wadamada Islaamka kaasoo loogu aqoonsa day in Bariga Qudus ay tahay ca asi mada Falastiin.
WASIIR KA TIRSAN XUKUUMADDA SOOMAALIYA OO KU BAAQAY IN LA KORDHIYO DUQE YMAHA DIYAARADA HA DRONES
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Md. Maxam ed Cali Xagaa ayaa ka dal baday dowlad da Mareykanka taageero badan iyo in la kordhiyo weerarada cirka ah ee ay fuliya an diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga oo la hadlayay Wargeyska The Wall Street Journal ee ka soo baxa Mareykanka ayaa sheegay in taageero la’aan aan la jebin karin Argagixisada
Mr.Xagaa ayaa sheegay in taageerada Mareykanka uu saameyn doono ama jebin doono dag aalka ka dhan ka ah Al-Shabaab, isagoo xusay in weerarada cirka ee ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay qeyb ka yihiin nooc gaar ah oo waxtar leh.
"Haddii aanan heysan taageerada Mareykanka,cagahayaga kuma istaagi karno, Qeybta Amniga Soomaaliya wali ma habeysna, waxaan u baahanahay weeraro badan oo diyaaradaha aan duul iyaha laheyn, sababtoo ah diyaaradaha ayaa beegsan kara madaxa Maska”ayuu yiri Maxamed Cali Xagaa.
Mareykanka ayaa sanadkan kor dhiyay weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya, waxaa na sanadkan dhacay illaa 30meeyo weeraro cirka ah oo lagu bartilmaameed saday Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.
XILKA WASIIR GEERIYOODAY OO LOO MAGACAABAY XILKAASI WIIL UU DHALAY
Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka Koofur galbeed Madoobe Nuunow Maxamed oo kamid ah aa dad kii ku dhintey weerarkii ka dhacay hoteelka Naasa Hablood 2, degmada Xamar weyne ee M/Muqdisho ayaa xilkii uu ka hayay inta uu noolaa Maamulkaasi waxaa loo magacaa bay wiil uu dhalay wasiir nuunow. Mdaxweyna ha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan ayaa xilkaasi u magacaabay Maxamed nuur madoobe nuunow oo ah wiil uu dhalay wasiirkii ho re ee arimaha gudaha Maamulka k/Galbeed oo ku geeriyooday M/Muqdisho dabayaaqadii bishii October-2017.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in markii uu madaxweyne Shariif uu la tashtay wasiirada kala duwan ee Maamulkaasi, markuu go’aans aday in Maxamed nuur madoobe nuunow loo magac aabay Wasiirka arimaha gu daha ee maamulka KGS waxaa isla magacaabistaasi uu madaxwey naha u magacaabay Maxamed cumar say tuun Wasiiru dowlahda wasaarada maaliyada Maamul kaasi. Shariif Xasan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in mas’uuliyiintan la magacaabay iney wa xbadan ka qaban donaan shaqo oyinka horyaalla.
MAREYKANKA: IIRAAN BAA KU DEEQD AY GANTAALADII SACUUDIGA LAGU WEERARAY
Danjiraha dowladda Mareykan ka u fadhida QM. Nikki Haley,ayaa soo bandhigtay wax ay she egtay in ay yih iin gantaalo ay dowladda Iira an siisay mucaaradka Yaman.
Gantaaladan ayay Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dhulka Sacuudiga. Mar ay ka hadla ysay haraadigii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay in ay tahay mid muujin aysa sida ay Iir aan u hur inayso colaadda bariga dhexe.
Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horin ayso colaadaha bariga dhe xe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay. Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in Mareykan ka ay doonayaan inay qariyaan da mbiyada dagaal ee ay Sacuudiga ka gaysteen Yamen. Xuutiyiinta ay aa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay ho gaamiyaan Sacuudi ga. Horraantii bishan ayay ahayd markii kooxda Xuutiyiinta ay dileen madaxwaynihii hore ee Yamen Cali Cabdalle Saalax.
BOOLISKA KENYA OO LAGU EEDEEY AY KUFSI IYO JIRDIL
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa shee gtay in inti lagu guda jiray doora sha di madaxtinimo ee Kenya ka dhac day sanadkan, ay ciidanka boolisku kufsadeen tiro haween ah islamark aana jirdil u geysteen dad rayid ah.
Warbixin cusub oo soo saartay Hay ’addan, ayay ku sheegtay inay dha ceen xad gudubyo baa hsan oo dhi naca galmada ah oo loo geystay Dumar, Waxaa kale oo ay ku eede eysay ciidanka booliska, in ay awo od xad-dhaaf ah u adeegsadeen dad mudaaharaadaayay.
Jirdil, dhac iyo dil ayaa ka mid ahaa danbiyada ay Human Rights Watch ku eedeysay ciidam ada Booliska Kenya. Taliyaha ciidanka Booliska Kenya Joseph Boinnet, ayaa ku tilmaamay war bixintan been la soo dhoo dhoobay. Wuxuu ugu ba aqay Human Rights Watch in ay ke ento ca ddeymo.
CIIDAMADA PUNTLAND OO HOWLGA LLO KA DHAN AH AL-SHABAAB KA SAMEEYAY DEEGAANKA BUURAHA GALGALA.
Wararka ka imaanaya Buuraha Goolis degaanka Galgala ee gobalka Bari ayaa sheegayo in ay halkaasi ku dagaalameen Al-Shabaab iyo Ciidamada amaanka maamul Goboleedka Puntla nd. Saraakiisha Militeriga Puntland ayaa sheegay inay weerareen Al-Shabaab oo damacsanaa inay weerar dhaba gal ah ku qaadaan Ciid amada Puntl and laga hortagay,islamarkaana uu halkaasi ka dhacay dagaal mu do kooban socday.
Khasaaraha dagaalkaasi ka dha shay ayaan la ogayn ilaa iyo hada lama oga inta uu gaars iisan yahay dhi mashada iyo dhaawaca ee ka dhashay dagaalkaasi. Dhanka kale maamulka Pun tland ayaa sheegtay inay wado qorshe ay ku dooneyso in Al-Shabaab iyo Daacish ay uga saarto deeganada ay ka taliso, lab adaasi koox ayaa ah kuwo ku xoog gan Buuraha Gobalka Bari ee Gal-gala waxayna halkaasi ka soo qaa daan dagaalo. iya doo marar badan ay ka dhaceen dag aalada looga soo hor jeedo dacish iyo al shaba ab.
SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO LOO GA HADLAY AMNIGA, KOBACA DHAQ AALAHA DALKA, DHISMAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO QODOBO KALE.
Golaha Wasiirada ee XFS ayaa khamiistii yeeshay kulankoodii caa diga ahaa oo uu shir-gud doominay ay R/Wasaaraha XFS Md. Xasan Cali Khayre. Arrimaha kulanka loo ga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, amniga guud ee dalka, geeddi socodka kobcinta dhaqaalaha, war bixin la xiriirta maxaabiista Sooma aliyeed ee ku xiran Jazeeradda Se ychelles iyo qodobo kale oo muhi im ah.
Ugu horeyn, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa ugu horreyn golaha siiyey warbixin la xiriirta xaal ada a mniga guud, gaar ahaan falkii arga gixiso ee subaxnimadii khamiistii ruux dhagar-qabe ah ka geystay xa runta Ak aadeemiyada Booliska ee Jen. Kaahiye oo ku shahiideen 18 Askari 15 ka lana ay ku dhaawacme en. Golaha ayaana ka tacsiyeeyey askartii halkaas ku shahiiday. Waxuu na sheegay Wasiirku in hay’ad aha amniga ay la ba jibaarayaan howlgallada xasilinta dalka.
Wasiirka Gaashaadhigga ayaa laga dhagaystay warbixin kooban oo ku saabsan tirakoobka ciidanka XDS halka ay marayso iyo howlihii u qabsoomay, waxuuna sheegay in la dar-dar gal iyey howlihii diyaargarowga ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ee badali lahaa kuwo AMISOM.
Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale war-bixin ka dhagaystay Wasi irka Boostada iyo isgaarsiin ta oo ka hadlay halka ay marayaan howlihii la soo wareegidda Domain ama lahaanshaha DOT.SO oo hadda ku jira gacmo kale .Wasiirka Maaliyad da ayaa golaha warbixin ka siiyey gee ddi socodka koboca dhaqaala ha dalka iyo muhii madda maareyn ta maaliyadda dalka oo xiligan ay dawladdu ku howlan tahay hagaaji ntooda meel wanaagsan oo caalamku ammaanayna mar aya. Wax uuna tilmaamay in la kordhiyey aru urinta canshuuraha si meesha loo ga saaro mus uq-maasuqa iyo gac maha kale ee ku dhacayeen lacaga ha ka soo xarooda canshuuraha dal ka. Wasiirka ayaa sidoo kale warbixin ka bixiyey halka ay mare yso daabacadda lacagta shilinka Soomaaliga.
Dhanka kale, Wasiirka Arimaha Dibedda ayaa ka war-bixiyay safa radii uu dibedda ku aaday waxuuna sheegay in dhamaantood ay guul ku soo dhamaadeen, islamarkaa na cadeeyay in how lihii soo deynta maxaabiista ku xiran Jazeeradda Seychelles ay meel gabo-gabo ah maryso dha waana la filayo in xo riyaddoo da ay helaan. Dhanka kale safaradii uu u raacay Madaxweyna ha Jamhuuriyadda iyo wadamadii ay tageen ayuu sheegay in ay kala kulmeen soo dhowayn heer sare iyo iyo guulo.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiid ka Badda ayaa sheegtay in Soom aaliya ay soo ceshatay xubinimade eda Hay’adda Badaha Aduunka oo mudo 27 sano ay ka maqnayd Soo maaliya, iyad oo laga cafiyey daym ihii hay’ addu ku lahayd dalka.
Ugu danbeyn, Shirka Golaha Wa siirada ayaa looga hadlay halka ay marayaan howshii dhis maha Gudi ga dhaqaalaha qaranka oo xiligan maraya heer gabo-gabo ah dhawa ana la soo ban dhigi doono. Waxaa kaloo ay goluhu ka hadleen shuru ucdii ay XFS Ballan qaaday inay u soo gu dbiso Baarlamaanka oo ah aa ilaa iyo 15 ay na gudbiyeen ilaa iyo 14 sharci iyo hal hindise dhow aana baarlamaanka la horgeyn doo no inta aysan fasaxa galin.---DHAMMAAD----
KALFADHIGA LABAAD EE BAARLAMAANKA OO MAANTA LA SOO XIRAAYO
Kalfadhiga labaad ee Golaha Shacabka Somaliya, ayaa maanta oo Sabti ah waxaa lagu wadaa in lagu soo xiro Magaalada Muqd-isho, sida ay xaqiijiyeen Xildhib-aano ka tirsan Baarlam aanka Som-aliya.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cism-aan (Jawaari) ayaa todob aadkii la soo dhaafay wuxuu sheegay 16-ka Bisha oo maanta ku beegan in si rasmi ah loo soo xiraayo kalfad-higa.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inuu kalfadhig aan soo xiro si da ku qoran Dastuurka Soo-maaliya, Madaxweynaha ayaa kul-amada Baarlaman ka soo xira, isa-ga ayaana fura.
Xildhibaanada Golaha Sha-cabka ayaa geli doona fasax laba bilood ah oo ay dib ugu laab an-ayaan deeg aan doorashooyinkii la-ga soo doortay si ay halkaasi uga keenaan warbixino la xiriira xaala-daha kala duwan ee deeganad-ooda. Inkastoo sharciyo kala duw-an ay horyaalaan Golaha Shac-abka Somaliya, ayaa haddana waxa ay maanta qaadan doonaan fas-axooda shar ciyan xaqqa ay u le-eyihiin Xildhibaanada.
Kulanka maanta lagu soo xiraayo kalfadhiga labaad ee Baarl-amaanka Somaliya ayaa waxaa warbixin lo oga dhageysan doonaa Guddiga Dastuurka Baarlamaanka Somaliya, kadibna kulanka ayaa la soo xiri doonaa.
WARIYE BOQORKA BARTAMAHA OO DIB U HELAY XURIYADIISA
Maxamed Aweys Muudeey "Boqorka Bartamaha ” oo mudo 4 sano ah ku xirna dalka Itoob iya ay-aa dib u helay xuriyadiisa.
Dowladda Madaxweyne Fa-rmaajo ayaa ku guuleystay in xa-bsiga kasii dayso wariyan oo ugu xirnaa xab si ku yaalla magaalada Addis Ababa eedaymo la xiriira fa-lal aggagaxiso.
Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha oo ah Weriye rug cadaa ah ayaa dow-ladda Itoob iya ku xukuntay 27 sano oo xarig ah.
Dowladihii hore ee soo mar-ay dalka ayaanan ku guuleysan in Muwaadinkan Soomaaliy eed ay kasii daay aan Xabsiga, iyadoo uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyay Itoobiya.
Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa maxaabiis badan kasoo daysay dalka Itoo biya kadib markii ay heshiis la gashay dowladda Itoobiya.
MARAYKANKA OO SHEEGAY IN UU JOOJIYAY SAADKII AY SIIN JIRAYN MILATARIGA SOOMAALIYA.
Sida lagu qoray wakaaladda wararka Reuters dawlada Marayk anka ayaa joojisay taageera dda dhanka saadka ah ee uu siin jiray ciidamada Militryga Soomaaliya kadib markii ay soo bax day wax isd abarin lagu eedeeyay saraakiisha ciidanka. wakaaladda wararka Reuters oo soo xig anaysa xubno ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxay sheegaysaa in xukuum adda Washington ay hakad galisay taageeradda dhanka saad ka ah ee ay ku bixin jireen mil itryga Soomaaliya.
Taageeradaas oo iskugu jirta shidaalka iyo cunnada ayaa laga joojinayaa ciidamada sababt una waxay tahay in guddiga u xilsaaran saadka ciidanka Soomaaliya ay diideen inay horyimaa daan guddiga ka socday Maraykanka iyo DFS oo do onayay inay su’aalo ka weydiinaya an sida uu ku baxay saadkii ciidan ka loogu talo galay.
"Waxaan go’aan ku gaarnay inaa hakad galino dhamaan taageerad dii dhanka saadka ahaa ee aan ku bixin ji rnay raashinka iyo shidaalka ciidamada militryga Soomaaliya ku baxa” ayaa lagu yiri warka ay daab acday wa kaaladda Reuters ee ay kasoo xigatay saraakiisha waaxda arrima ha dibbadda Maraykanka.
Go’aankaan waxaa uu soo bax ay kadib markii saraakiil aan maga cyadooda la shaacin oo mil itryga Soom aaliya ka tirsan ay ku guul da raysteen inay hor tagaan guddi su’ aalo weydiin lahaa oo ka socday dawlada Soo maaliya iyo dawlada Maraykanka.
Su’aalahaas waxay la xariireen isla xisaabtan sida warkaan ku qoran. Waaxda arrimaha dibb ada Maray kan ka waxay aaminsantahay in si sax aheyn loo maamulay saadka loogu talo galay ciidamada xooga Soomaaliya
Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageeradda uu siiyo ciida mada gaarka ah ee hawlgalada ga arka ah fuliya dawlada Soomaaliya na kala shaq aynayo in la helo sug naanta hal ka uu maro taageerada ciidanka loogu talo galay ayadoo mal aayiin dollar lagu bixiyo taageer adda dhanka saadka ah ee ciidan ka xooga.
Intii u dhaxaysay bilihii May iyo June guddi isku dhaf ahaa ayaa booqday illaa 9 xero oo ay degeny ihiin ciidamada xooga waxaana la ogaaday inay helin wax raashin ah xeryahaasna wax aa ku jiraa illaa 5 kun oo askari.
Xeryaha qaar warbixinta wax aa lagu sheegay in askarta badan ko od ay iyagoo diwaan gas han had dana xer yaha joogin oo ay saraakiil gaar ah ilaalo u yihiin. Xeryaha qa arna askar aan hub heysan ayaa jo oga sida war bixintaan lagu xusay.
Sidoo kale Maraykanku waxaa uu sheegay inuu joojin doono lacag dhan 100 Dollar oo askarta la siin jiraytaa soo qeyb ka ah qorshaha taageeradda ciidanka xooga Soo maaliya.
Wasiirka gaashaandhiga Soo maaliya Max’ed Mursal ayay Reut e rs kasoo xigatay inuu qirs anyah ay inuu jiro walaac laga qabo halka uu maro taageeradda ciidamada mi ltryga lagu bixiyo iyo sida loo maa mulo.
Wasiirku waxaa uu sheegay in ay hadda wadaan qorshe Q,M kala shaqaynayso oo ciidam ada xooga lagu diwaan galinayo taasoo ugu dambeyn askari waliba uu mushaar kiisa ku helayo hanaanka koonto oyinka ban giyadda.
Maraykanku waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaliya uu ku bixiyay lacag dhan 66 billion oo dollar To dobadii sanno ee lasoo dhaafay ha se ahaatee ay ogaadeen in lacagta as ay ku bixin askartii loogu talo galay ee furimaha jooga.
Taageeradda Maraykanku ka jo ojiyay ciidanka Xooga Soomaaliya waxay imaanaysaa ay adoo midaw ga Afr ica uu la baxayo ciidamadiisa Soomaaliya ka jooga ee magaca AMISOM ku jooga kuwaasoo dawl ada Sooma aliya ka caawiya dagaal ka ay Al Shabab kula jiraan.
kumiye ayaa ka qaaday wuxuuna xigtay ...xigasho Wakaaladda Wararka Reuters
GUDOOMIYAHA GOBALKA BANAADIR OO CULIMADA SOOMALIYEED UGU BAAQAY IN DHALIN YARADA SOOMAALIYEED AY WACYO GELIYAAN
Gudoomiyaha gobalka bana-adir ahna duqa Magaalada Muqdisho Thaabid Cabdi Max amed mar uu la hadlay war baahinta ayuu ka dalbaday culimadda Soomaliyeed, imaamyada ma saajidyada iyo waliba macalimi inta dugsiyada qur’aanka ee ku yaala Ma-gaalada Muqdisho in ay u istaagaan la dagaaalanka afkaarta guracan ee Al-Shabaab ku marin habaabinayaan dh-ali nyarada Soomaliyeed sida uu ha-dalka u dhigay.
Sidoo kale gudoomiye Thaabid ayaa sheegay inay ka doonayaan cu-limadda Soomaliye ed, macalimiinta dugsiyada qur’anka iyo waliba imaa-myada masaajidyada in ay u diyaar garoo baan dagaal lala gelo Al-Sha-ba ab ,maadaama buu yiri ay ku dha-meeyeen shacabka soomali yeed mus-iibadii Zoobe oo kale, islamarkaana aan ka qeyb qaadanaa dagaal ka dha-nka ah ee Al-Shabaab, kaasi oo ay ku dhawaaqday dowladda Soomaliya goor hore.
MADAXWAYNAHA ZIMBABWE OO BALANQAADAY IN DIMUQRAADIYADA UU XUSHMAYN DOONO
Madaxwayne Mnangagwa ayaa sidoo kale noqonaya musharaxa tart-anka madaxwayn animada ugu qa yb gali doona doorashada sanadka soo socda.
Kulanka sanadlaha ee ay ye-eshaan golaha fulinta ee xisbiga ayaa waxa xisbiga laga cey riyay madaxw-aynihii hore Robert Mugabe iyo xaa-skiisa, Grace,iyo dadkii ay siyaasad ahaan ay aadka isugu dhawaayeen.
Mr Mnangagwa oo khudbad u jeediyay saraakiisha xisbiga ayaa sheegay in hogaankiisa xisbiga,Z-ANU-PF uu xushmayn doono geedi socodka dimuqraadiyadda.
Waxa uu sheegay in geedi socodka isbadalka lagu samaynayo arrimaha dhulka ay tahay midjoogto ah.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 16-KA DICEMBAR 2017-KA
MADAXWEYNAHA SOMALILAND OO KU DHAWAAQAY GOLIHIISA WASIIRADA CUSUB Madaxweynaha Somaliland Muuse Bii xi Cabdi ayaa ku dhawaaqay liiska Golaha Wasiirrada ka dib markii xilkan loo dhaari yay maalintii dorraad ahayd Golaha Wasiir rada ayaa waxaa ka mi