Saddex Burcad Koonfur Afrikan ah oo dilay Ganacsade Somaliyed oo lagu xukumay Xabsi daa'in

0
Thursday December 10, 2015 - 20:12:18 in Wararka by
  • Visits: 641
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Burcad Koonfur Afrikan ah oo dilay Ganacsade Somaliyed oo lagu xukumay Xabsi daa'in

    Maxkamad ku taalla MagaaladaPretoria ee Caasimadda Dalka Koofur Afrika ayaa xabsi madaxaa haku furto ah ku xukuntay 3 Nin oo Madow Koofur Afrikaan ah kuwaas oo dilay Axmed Salaad oo ahaa Dukaanlle Soomaali ah Sanadkii 2012kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamad ku taalla MagaaladaPretoria ee Caasimadda Dalka Koofur Afrika ayaa xabsi madaxaa haku furto ah ku xukuntay 3 Nin oo Madow Koofur Afrikaan ah kuwaas oo dilay Axmed Salaad oo ahaa Dukaanlle Soomaali ah Sanadkii 2012kii. Themba Mathibela, oo 33 jir ah, Elias Skosana,oo 33 jir ah, iyoJoseph Masombuka,oo 27 Jir ah ayey Maxkamaddu ku heshay in ay ku lug lahaayeen dilka Axmed Salaad oo Dukaan ku lahaa degaankaMdutjana.

Burcadda Koonfur Afrikaanka ah ayaa dilka u geystay Axmed Xilli ay isku dayayeen in ay dhacaan Dukaanka,waxaana ka baxsaday weerarkaasi mid kale oo ay saaxiibo ahaayeen.

Raggan ayaa waxaa kale oo marka laga tago Xabsiga madaxaa haku furto ah waxaa u raacsan 20 Sano oo xabsi kale ah oo ay ku muteysteen dhaca ay u geysteen Dukaanka Muwaaddinka Soomaaliga ah.

Dalka Koofur Afrka waxaa sanad waliba lagu dilaa dad Ajnabi ah oo ay Soomaalida ka mid tahay kuwaas oo nolol dhaanta midda dalalkooda u doonta Koofur Afrika,hayeeshee Buracd Koofur Afrikaan ah ayaa dil ,dhaawac iyo dhac hantiyadeedba isagu dara ,waxaan Hay’adaha amaanka Koofur Afrika ay sheegaan ay caddaaladda horkeenayaan dambiilayaasha inkastoo oo ay dhif iyo naadir tahay in taasi ay rumowdo.

Ganacsatada Soomaalida ah ee ku nool Koofur Afrika ayaa sheega in mararka qaar iyada oo falka dhibaateynta ah uu ku socdo ay ciidamada Booliiska ah sheedda ka daawadaan kadibna marka falku dhaco ay tagaan goobta iyaga oo iska dhigaya Boolis soo gurmaday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip