Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa

0
Thursday December 10, 2015 - 20:10:46 in Wararka by
  • Visits: 685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsan Nabadsugida oo ku geeriyooday qarax loogu xiray gaarigiisa

    Sarkaal ka tirsan nabadsugida Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax miino oo gaarigiisa lagu xiro, iyadoo qaraxa uu dhacay xilli uu marayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waabari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsan nabadsugida Soomaaliya ayaa ku geeriyooday qarax miino oo gaarigiisa lagu xiro, iyadoo qaraxa uu dhacay xilli uu marayay wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan agagaarka Saldhiga Booliska degmada Waabari.

Goob joogayaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in mar qura ay maqleen qarax xoogan, markii dambe ay arkeen gaari kuwa raaxada oo gubanayay.

Sarkaalka watay gaariga ayaa lagu magacaabayay Maxamed C/llaahi Gardhuub, kaasoo markii dambe u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxa.

Taliyaha Saldhiga Degmada Waabari ayaa sheegay in Qaraxu uu ahaa Miino lagu soo xiray Gaariga Sargaalka dhintay, isla markaana uu ku qarxay xilli uu marayay meel aan sidaa uga fogeyn Saldhiga Degmada Waabari.

Qaraxyadan noocaan ah ee lagu xiro gawaarida gaarka loo leeyahay ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo todobaadkii hore Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka tirsaneyd Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ay ku geeriyootay qarax loogu xiray baabuurkeeda.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Hey’addaha ammaanka ee dowladda oo ku aadan qaraxan, waxaana horay u jiray digniino hey’adaha ammaanka ka soo saareen oo ahaa inay ka war qabaan ama la hubiyo gaadiidka la dhigto wadooyinka ee ay leeyihiin saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip