
Madaxweynaha Somaliya oo Agaasimeyaasha Wasaaradaha ku tilmaamay Caqabad hor taagan Dowladnimada
Madaxweynaha wuxuu sheegay Dhibaatada haysata Dowladnimada inay tahay in Agaasimeyaasha qaar xilalka aanan laga qaadi karin, iyadoo loo eegaayo reer Hebel.
"Dowladnimada waxa dhibaatada ku haayo in laga xishooda ma’ahan meelaha ay boogaha ay ku jiraan Agaasimeyaasha Wasaaradaha ayaa ka mid ah Agaasimaha Wasaarada Waa laf dhabarta Shaqada Wasiirka waa tagaa mid kale ayaa imaanaayo beri, laakiin waxa ay aheyd Agaasimaha guud waxa uu yahay qofka hoos ka yimid ee soo dhismay, laakiin qof gacanta laga soo qabtay oo la keenay Wasiir ayaa keenay, Wasiirka Cadaadis ayaa lagu saaray Xildhibaano ayaa ku saaray ama reer Hebel, ama Madaxweynaha ayaa geey dhahay ama Ra’iisul Wasaaraha” Ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha waxa uu sheegay cabsida jirta inay tahay Hadii Agaasime Guud xilka laga qaado Beesha uu ka soo jeedo Xildhibaanada ku jira inay qabsanayaan Masuulka xilka ka qaaday Agaasimahaasi, taasina ay tahay sababta shaqada Dowladnimada ay u socon la’dahay.
"Cabsida Qofka Somaliga ah waxa waaye waxyaabaha ugu muhiimsan ayeey ka mid tahay, dadkeena mid waliba oo ka mid ah waa uu cabsanayaa waxa uu ka cabsanayaa waa lagu eedeyaa, hadii aad tiraahdid qofkaan waa yuslis shaqada macno kuma fadhiyo, hadii uu yiraahdo waxa uu ka cabsanayaa reer Hebel ayaad shaqada ka eriday in la dhaho, waxa uu ka baqayaa Siyaasiyiinta armeey ku qabsadaan, Madaxweynaha armuu ku qabsadaa, Wasiirka ama Xildhibaanada armeey ku qabsadaan, taasina waxa ay keenaysa qof aanan Dowladnimada waxba ku soo kordhineyn in meesha la iska keeno oo la iska dhaafo, lana dhaho sideen yeelaa.” Ayuu Warkiisasii raaciyay Madaxweynaha.
Madaxweynaha wuxuu sheegay Dhawaan inay isbedel ku sameynayaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha si loo helo dad aqoon u leh howlaha ay qabanayaan.
Hadalka Madaxweynaha Somaliya ayaa ifinaya inay jiraan Agaasimeyaal badan oo aanan aqoon u laheyn Shaqada ay hayaan inay ka buuxaan Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya, qaarkoodna ayba yihiin kuwa aanan xilka laga qaadi Karin, maadaama ay keensadeen masuuliyiin miisaan ku leh Dowladda.
xigasho:-dhacdo.com
Madaxweynaha Somaliya oo Agaasimeyaasha Wasaaradaha ku tilmaamay Caqabad hor taagan Dowladnimada
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si kulul uga hadlay Agaasimeyaasha Wasaaradaha Xukuumadda Somaliya inay yihiin caqabad hor taagan Haykalka Dowladnimo ee dalka Somaliya.