Hogaamiyaha Daacish Abubakar Al-Baqdaadi oo la sheegay inuu u baxsaday Libiya

0
Thursday December 10, 2015 - 08:58:50 in Wararka by
  • Visits: 675
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaha Daacish Abubakar Al-Baqdaadi oo la sheegay inuu u baxsaday Libiya

    Hogaamiyaha Daacish ama ISIS Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu u baxsaday dalka Libiya, kadib markii uu si dirqi ah kaga bad baaday duqeyn ka dhacday dalka Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Daacish ama ISIS Abuubakar Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu u baxsaday dalka Libiya, kadib markii uu si dirqi ah kaga bad baaday duqeyn ka dhacday dalka Ciraaq.

Al-Baqdaadi ayaa la sheegay inuu u wareegay Waqooyiga Afrika, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin koox taabacsan ISIS.

Wakaalada Wararka ee Iiraan FARS ayaa sheegtay in Abuubakar Al-Baqdaadi uu saldhig ka dhigtay magaalada Sirte, halkaasoo uu ka soo jeedo hogaamiyihii hore ee Libiya Col. Muammar Gaddafi.

Sidoo kale wakaalada wararka ee Iiraan ayaa sheegtay in Baqdaadi caafimaad ahaan loogu qaaday Turkiga, ka dib markii uu ku dhaawacmay duqeyn ka dhacday waqooyiga Gobolka Anbar ee dalka Ciraaq.

Ilo wareedyo ay soo xiganeyso Wakaaladda ayaa sheegay in Baqdaadi markii dhaawac culus soo gaaray loola cararay magaalada xarunta u ah ISIS ee Raqqa, halkaasoo dhaqaatiir ku sugnaayeen, hase ahaatee daawooyin iyo qalab caafimaad oo u baahnaa darteed ayaa loogu qaaday Turkiga.

"Iyadoo qof walba uu ka raadinayo Ciraaq iyo Suuriya, laakiin qofna ma filayo inuu ku sugan yahay Sirte”ayuu yiri ilo wareedyo ku sugan Libiya oo u waramay Wakaalada wararka Iiraan ee FARS.

Baqdaadi ayaa la sheegay in Turkiga ugu sii gudbay Libiya, iyadoo xulafada uu hogaaminayo Mareykanka ay aad u ugaarsanayaan.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa soo baxay warar is burinayay oo sheegayay in la dilay Al-Baqdaadi, hase ahaatee waxaa Hogaanka ISIS ku cel celiyeen in wararkaas ay ahaayeen kuwo aan xaqiiqo aheyn.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip