Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay nin Maraykan ah oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

0
Thursday December 10, 2015 - 08:55:42 in Wararka by
  • Visits: 771
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gaashaandhigga oo ka hadlay nin Maraykan ah oo isku soo dhiibay ciidamada dowladda

    Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kahadlay nin u dhashay dalka Maraykanka oo dowlada Soomaaliya isku soo dhiibay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa kahadlay nin u dhashay dalka Maraykanka oo dowlada Soomaaliya isku soo dhiibay.

Cabdulwaadir Sheekh Cali Diini Wasiirka Gaashaandhigga dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ninkan oo la yiraahdo Cabdimaalik Cabdisamad Jones uu isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka kadib markii uu kasoo baxsaday kooxda Al-Shabaab.

"Ninkan waxa uu ka yimid magaalada Baltimore ee gobolka Maryland ee dalka Mareykanka, waxaa uu muddo afar sano ah ka mid ahaa ururka Alshabaab.”ayuu yiri Diini.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Jones ururka Alshabaab dhexdiisa looga yiqiin Khaliil uuna ka soo galay dalka soomaaliya deegaanka Dhoobley ee xadka dalka Kenya, mudadii uu joogay dalkana uu guursaday gabar Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay ciidanka xoogga dalka ee badbaadiyay ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku ay heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi karaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip