Labo Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay dalka Mareykanka

0
Thursday December 10, 2015 - 08:52:50 in Wararka by
  • Visits: 660
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labo Dhalinyaro Somali ah oo lagu dilay dalka Mareykanka

    Labo dhalinyaro Somali ah oo dalka Mareykanka ku noolaa, ayaa Siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen Waalidiinta Dhalinyaradaasi la dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo dhalinyaro Somali ah oo dalka Mareykanka ku noolaa, ayaa Siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalkaasi, sida ay xaqiijiyeen Waalidiinta Dhalinyaradaasi la dilay. Habeenkii Axada todobaadkaan ayaa Wiil Dhalinyaro Somali ah oo lagu magacaabi jiray Xamze Xasan Warsame lagu arkay Meydkiisa Magaalada Seattle ee Gobolka Washington Galbeedka dalka Mareykanka, kadib markii Wiilkaasi la sheegay inuu ka soo dhacay Dabaq lix biyaano ka kooban, kadibna uu sidaasi ku geeriyooday.

Warbixinada la helay ayaa sidaasi sheegaya, balse lama oga in Dabaqa laga soo tuuray iyo in kale, Aabaha dhalay Wiilkaasi Xasan Warsame, ayaa u sheegay Idaacada VOA, Booliska ilaa hada inaysan bixin macluumaad dheeri ah oo ku saabsan arinta ka dambeysay geerida Wiilkooda.

Xamze ayaa ahaa Wiil Dhalinyaro Arday ah oo aad u dadaal badan oo wuxuu dhiganayay Dugsiga Sare iyo College, hamigiisana wuxuu ahaa inuu mar ka wado baxo, hayeeshe ifka ayuu ka tagay.

Sidoo kale Magaalada Washington, iska hor imaad dhexmaray Koox Burcad ah iyo Wiil Somali ah ayaa halkaasi waxaa ku geeriyoday Wiilkii Somaliga ah, sida ay xaqiijiyeen Jaaliyada Somalida ee Magaalada Washington.

Arintaan dilalka qorsheysan ayaa ku soo aadeysa, xilli laga cabsi qabo in dalka Mareykanka uu ka biloowdo falal beegsi dadka Muslimiinta ah, maadaama hada laga cabsi qabo in dalalka reer Galbeedka qaarkood ay ka biloowdan Muslim naceyb.

Beegsiga lagu haayo dadka Somalida ah ee dalka Mareykanka ku nool, ayaa lagu sheegay mid ay wax ka qaban waayeen Booliska dalka Mareykanka oo sheegaya kaliya inay Baaris wadaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip