WAA WARARKA WARGYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA DICEMBAR 2015-KA

0
Thursday December 10, 2015 - 08:35:08 in Wararka by
  • Visits: 940
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA OO FURAY SHIR KU SAABSAN XOOJINTA WAXQABADKA HAY'ADAHA IYO HUFNAANTA MAALIYADEED EE SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shir la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA OO FURAY SHIR KU SAABSAN XOOJINTA WAXQABADKA HAY'ADAHA IYO HUFNAANTA MAALIYADEED EE SOOMAALIYA Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shir laba maalmod socon doona oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay'adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka.            Madaxweynaha oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo muhim adda ay leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Sooma aliya.

           "Waxaan u baahanahay inaan hoos ka soo dhisno dhaqanka dowladnimada iyo ku shaqeynta sharciga iyo kala dambeynta. Shacabkeena waxay soo mareen waayo mugdi ah oo keenay in la kala aamin baxo. Hawsha inoo taalla ma ahan mid yar, ee waa inaan u wada istaagnaa sidii aan dib kalsoonidii dadka ka dhexeysey u soo celin lahayn, dalkana aan ugu sameyn lahayn dowlad tayad eedu ay sareyso’’.

           Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inay jiraan caqabado isku wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo , isagoo tusaale u soo qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka.

           Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa beesha caalamka ku ammaanay taageerada ay Soomaaliya la garab taagan tahay, balse loo baahan yahay in waddanka laga caawiyo waxyaab aha muhiimka ah ee dib u dhiska dedejin kara.

           "Ma jiro dal dunida ka mid ah oo intuu burpbur ku dhacay soo kabtey, iyadoon kaalmo caala mi ah la siin. Hadaan nahay Soomaaliya waan qireynaa in wax la inoo qabtey, laakiin waxaan doon aynaa in tixgelin gaar ah nala siiyo, iyadoo loo eegayo baaxadda dhibaatada nagu dhacday iyo waq tigan la joogo oo wax badan ay is beddeleen’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

           Madaxweynaha ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka.

           Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga.

           "Waxaa waajib inaga saaran yahay inaan xooogga saarno laba arrimood oo kala ah dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhalinyaradeeda intooda badan qoriga ayay noloshooda ka raadsadaan, ha noqdeen ciidan ama kuwo la shaqeeya kooxo fal dembiyeed wada. Waa inaan dhalinyaradeena fursad u siinnaa inay dib u dhiska dalkooda kaalin ka qaataan. Waana inaan maanka ku haynaa in mustaqbalkeena uu ku xiran yahay hadba waxa aan haatan beerano’’.

           Waxaa uu ugu dambeyn Madaxweynaha sheegay in dhibaatada Soomaaliya ku habsatey inteeda badan loo aaneynayo siyaasad xumo, si taasi looga gudbana loo baahan yahay in siyaas adda waddanka ay dejiyaan dadka aqoonta u leh, ee ay ka go’an tahay inay waddankan ka saar aan marxaladda adag ee uu ku jiro.

           Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaram ada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Wakiilka Baanka Adduunka ee Soomaal iya, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan, Ali Issa Abdi , Raxma Axmed , mas’uuliyiin, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

DAAH FURKA DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA BATROOLKA & MACDANTA, IYO LA SOO WAREGIDA XOGTII AY ARUURISAY SOMA OIL & GAS.

           Waxaa shalay la qabtay xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta taas oo ku taala bartamaha magaalada Muqdisho, isla markaana Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas.

           Xarunta cusub ee Wasaaradda waxay u dhowdahay Barlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60dameeyadii. Labadii sano ee la soo dhaafeey, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha.

           Isla munaasabaddaas, shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliye ed (DFS) ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay qeeb ka mid ah bad da fog ee Soomaaliya. Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo Soma Oil & Gas.

           Mudane Mohamed Mukhtar Ibrahim, Wasiirka Batroolka & Macdanta ayaa yiri: "Daah furitaa nka dhismaha cusub ee Wasaaradda waa aqbaar fiican gaar ahaan xilii dowladda culus ka haysto dib u dhiska hay’adaha qaranka”. Dhismahani waxa uu yeelanayaa Qolka Keeydka Xogta (Data Ro om) taas oo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Soomaliyeed. Haddii la rabo in ay Soom aaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana gaarto, waxaa muhiim ah in marka hore la aruuriyo xog, lanana diyaariyo aqoonyahanno Soomaliyeed of fahmikara xogtaa. "Qolka Keeydka Xogta” waxa lagu xafidayaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh Wasaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo ciddi iskashi ganacsiwadaag la leh, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya in ay Soomaaliya maalgashadaan.

Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta sokeye eeka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda wa xa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira "badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

Qolka Keeydka Xogta Waxaa La Dhigi Doonaa:

1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);

2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);

3. Xogta la turjumay (Interpreted data);

4. Xogta laga keenay midda laga baraandageey iyo midda la turjumay (Derivative data from processed and interpreted data);

5. Xogaha hore ee ay Soma Oil & Gas ka soo heshay meelo kale sii eey uu fahamto jiyoolojiyadda Soomaaliya.

           Helida xog dhameestiran waa qeeb ka mid ah qorshaha guud ee lagu horumarinaayo baarista shidaalka Soomaaliya. Waxybaaha kale ee ay Wasaaraddu wado waxaa ka mid ah sidii Soomaa lida u yeelan lahayeen aragti mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga waxsoosaarka, sameynta Shirkada Shidaalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO WFP U CUSBOONEYSIISAY HESHIIS AY UGA HOWLGALEYSO DALKA.

           Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey'adda WFP uga howlgaleyso dalka Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore.

           Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta MaalgashigaH.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omeri yo Wakiilka WFP SomaliaMr. Laurent Bukeraayaa shalay heshiiskaasi ku kala saxiixday Xaru nta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Caasimadda Muqdisho , halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladdaDr. Osman Elmi Guled,Xoghayaha joogtada Wasaaradda ,Muda ne, Ali Mohamed Aliiyo mas’uuliyiin kale .

           Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha bani’a adanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya .

ALSHABAAB OO SHALAY XUKUN KU FULISAY NIN LAGU SOO EEDEEYAY INUU KUFSADAY GABAR DHALLINYARO AH

           Maxkamad hoosttagta Xarakada Alshabaab oo ku taalla dulleedka Degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa shalay xukun karbaash ah ku fulisay nin ay sheegeen in lagu soo eedeeyay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah.

           Ninka xukunka lagu fuliyay oo lagu magaacabaa, Xasan Macallin Madeey ayaa la sheegay inuu kufsaday gabar dhallinyaro ah oo magaceeda lagu sheegay Xabiibo Caliyow C/llaahi, iyadoo xaakimka maxkamadda Alshabaab uu sheegay inuu ninkan uu qirtay dambiga lagu soo eedeeyay.

           "Xasan Macallin wuxuu maxkamadda horteeda ka qirtay inuu kufsaday Xabiibo Caliyoow oo soo dacweysatay, wuxuuna dambiga ah in uu xoogay gabadhan ka Qirtay maxkamadda isagoo maskaxdiisu ay taam tahay,” ayuu yiri garsooraha maxkamadda xukunka ridday.

           Sidoo kale, Qaadiga ayaa wuxuu sheegay in maxkaamddu ay weydiisay Xasan Macallin oo lasoo eedeeyay inuu horay guur u soo maray, wuxuuna caddeeyay inuusan guur soo marin, sidaa awgeedna ay maxkamaddu ku xukuntay 100karbaash, sida ay qabto diinta Islaamka.

           "Ruux Muslim ah oo aan horay u soo guursan; haddii uu Zino ku dhaco, xukunka Islaamku wuxuu noqonayaa 100karbaash; waxaana xukunkeenna u cuskannay sharcigaas islaamiga ah,” ayuu Qaaligu mar kale yiri.

           Intaas kaddib waxaa xukun karbaash ah lagu fuliyay eedeysanaya lagu helay dambiga lagu soo eedeeyay, iyadoo goobta ay joogeen dadweyne badan oo u soo daawasho tagay sida uu xuk unkan u dhacayo.

           Ugu dambeyn, ma ahan markii ugu Horreysay oo ay Alshabaab Xukunno isugu jira Dilal iyo karbaash ay ku fuliso dad lagu soo eedeeya Zino iyo dambiyo kale oo ay ka mid yihiin jaajuusnimo, sida ay sheegeen mas’uuliyiintii Alshabaab ee ka hadlay goobta Xukunkaan lagu fuliyay.

BOOLISKA FARANSIISKA OO AQOON-SADAY QOFKII SADDEXAAD EE FULI-YAY WEERARKII TIYAATARKA BATACLAN.     

Booliska Faransiiska ayaa aqoonsaday qof saddexaad oo fuliyay weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen bishii la soo dhaafay ee lagu qaaday magaalada Paris.

           Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska Manule Valls ayaa sheegay in booliska ay garteen qof sadde xaad oo ku lug lahaa weerarkii lagu qaaday xarunta Tiyaatarka ee Bataclan.

           Foued Mohamed Aggad oo 23 jir ah ayaa ka mid ahaa sadexdii nin ee weerartay Tiyaatarka Bataclan oo ay ka socotay bandhig faneed ay dhigayeen koox fanaaniin ah oo u dhashay Mare ykanka.

           Waxaa la sheegay in sanadkii 2013 uu u safray dalka Suuriya isaga, walaalkii iyo koox kale oo dhalinyaro ka tagay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska.

           Booliska ayaa la sheegay inay aqoonsadeen markii dhiiga DNA laga qaaday xubno ka mid ah eheladiisa, taasna ay sahashay in la aqoonsado.

           Illaa 90ruux ayaa ku dhintay weerarkaas oo dhacay 13kii bishii hore ee November, waxaana saddexda ruux ee fuliyay weerarka ay ahaayeen kuwo xirnaa suumanka qarxa, isl markaana gebi ahaantood is qarxiyay.

           Saddexda ruux ee weerarka fuliyay Tiyaatarka Bataclan ayaa dhamaantood ahaa muwa adiniin Faransiis ah, sida ay xaqiijiyeen Booliska.

           Omar Ismail Mostefai oo 29 iyo Samy Amimour oo 28jir ahaa ayaa ahaa dadkii u horeeyay ee la aqoonsaday .

           Abdelhamid Abaaoud oo ahaa ninkii abaabulay weeraradaas ayaa la dilay shan maalmood kadib weeraradii Paris, markii Ciidamada Booliska ay ugu dhaceen guriga uu ka degenaa duleedka Paris.

           Goor sii horeysay ayaa waxaa la shaaciyay in Abaaoud uu ka baxsaday isku day la doonayay in lagu soo xiro bishii Janaayo, isagoo ku sugnaa magaalada Athens ee dalka Greece.

           Weeraradii Paris lagu qaaday ayaa waxaa ku dhintay 130ruux oo lagu dilay goobo kala duwan, waxaana uu ahaa dhimashadii ugu badneyd ee Faransiiska soo marta tan iyo dagaalkii laba ad ee Adduunka.

MADAXWEYNAHA CUSUB EE TANZANIA OO BOQOLAAL RUUX KALA QEYB GALAY OLOLE NADAAFADEED

           Madaxweynaha cusub ee Tanzania John Magufuli ayaa la soo baxay tallaaabooyin aan horay lo oga baran Madaxda Afrikaanka ah, kadib markii dhowaan uu xafiiska la wareegay.

           John Magufuli ayaa ka qeyb galay olole nadaafadeed oo boqolaal ruux ay ka wadeen wado oyinka magaalada Dar es Salam ee Caasimada Tanzania, taasoo dadka layaab ku aheyd markii ay arkeen Madaxweynaha oo gacmihiisa qashin ku qaadaya.

           Mr Magufuli ayaa dadka kula soo biiray olole nadaafadeed ka socday Madaxtooyada, waxaana uu ku baaqay in dadka ay ka qeyb qaataan nadaafada, si caafimaadka u wanaagsan aado.

           "Aan wada jir uga wada shaqeyno sidii dalkeena, magaalooyinka, guryaha iyo goobaha shaq ada aanu u nadiifin laheyn, si caafimaadka iyo ammaanka u wanaagsanaado”ayuu yiri Madax weyne Magufuli.

           Madaxweynaha cusub ee Tanzania ayaa bishii horey baajiyay dabaal dega maalinta xornima da Tanzania, oo qeyb ka ah dhoolatus milateri, ruwaayado iyo xaflado, isagoo xusay in aanay habo oneyn in lacago lagu qarashgareeyo xafladahaas, bedelkii uu dalka oo dhan ka dilaacay daacuun halis ah

           Dadka ayaa u arka tallaabadaas mid lagula dagaalamayo musuq maasuqa, waxaana dadwey naha reer Tanzania ay hadal hayaan tallaabooyinka Madaxweynaha iyo is bedelada uu la yimid, iya goo isla dhex marayay in tani ay tahay Tanzaniayada cusub.

MAXKAMAD KU TAALLA JOHANNESBURG OO XABSI 50SANO AH KU RIDDAY MUWAADIN SOOMAALIYEED

           Maxkamad ku taalla magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika ayaa xabsi 50sano ah ku xukuntay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu helay faldambiyeed la xiriira inuu si kas ah magaa lada Johanesburg ugu dilay muwaadin kale oo Soomaali ah.

           Yoonis Yuusuf Maxamed oo 32sano jir ah ayaa maxkamaddu waxay ku heshay dambigii lagu soo eedeeyay ee ahaa inuu si bareer ah u toogasho una dilay 03dii bishan December ruux Soom aali ah oo lagu magacaabi jiray Ilyaas Maxamed C/maalik oo 25 jir ahaa.

           Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Soomaalidu ka degto magaalada Johanesburg ee Mayfir, wuxuuna dilkan yimid kaddib markii labadan nin ay ku murmeen goob lagu ciyaaro bilyaardiga sida uu warbaahinta u sheegay afhayeen booliiska dalka Koonfur Afrika u hadlay oo lagu magacabao Xoli Mbele.

           Sidoo kale, afhayeenka ayaa sheegay inay soo qabashada tuhmanahahan ka geysteen gac an weyn dadka deegaanka uu dilku ka dhacay, isagoo xusay inuu eedeysanahan dambiga lagu he lay uu baxsaday markii uu dilku geystay, waxaa sidoo kale la helay bistooladdii uu diilka ku fuliyay, taasoo qayb ka ah xukunka xabsiga in loo sii dheereeyo.

           Afhayeenka ayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Johannesburg ugu mahad celiyay soo qabashada eedeeysanaha wuxuuna sheegay inay wadashaqeynta booliiska iyo jaaliya da, taasoo uu xusay inay qayb weyn ka qaadan doonto yareyta falaldambiyeedyada ka dhaxdhaca jaaliyadda qoxootiga ku ah Johannseburg iyo guud ahaan Koonfur Afrika.

           Ugu dambeyn, Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin kumannaan Soomaali ah ayaa xilliy ada qaar waxaa ka dhaca dilal ay Somalida dhaxdooda isku geeystaan, kuwaasoo la xiriira isqabq absi ganacsiga iyo arrimo kale; iyadoo marar badan magaalooyin ku yaalla dalkaas ka dhaceen dilal  ay Soomaalida dhaxdooda isku geesteen; kuwaasaoo qaarkood lagu xaliyay wadahadal dhax maraya dhinacyada ay dhibaatada dhaxmartay.

MARKAB LOOGA SHAKIYAY KALLUUMEEYSI SHARCIDARO AH OO LAGA QABTAY XEEBAHA KISMAAYO..

           Ciidamada maamulka Jubaland oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ku sugan degmada Kis maayo ayaa gacanta kusoo dhigay Markab la tuhunsan yahay in uu kalluumeeysi sharci darro ah ka waday xeebaha gobolka J/hoose.

           Markabkan oo madaxda dowlad goboleedka Jubaland ay sheegeen in uu ka diiwaangashan yahay dalka Madagascar ayaa waxaa saarnaa shaqaale gaaraya sagaal qof oo uu ku jiro Kabtanka markabka.

           Madaxweeyne kuxigeenka Jubaland C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), afhayeenka maa mulka C/naasir Seeraar Maax, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga mudane Max'ed Warsame Dar wiish, saraakiil iyo madax kale ayaa kormeeray dekedda Kismaayo halkaasoo la geeyay Markabka ay ciidamadu soo qabteen.

           Waxaa warbaahinta la hadlay afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax, isagoo sheegay in Markabkani ay kasoo qabteen meel ku dhow dekedda Kismaayo islamarkaana ay ku wadaan baa ritaanno.

           "Markabka waxaa soo qabtay ciidamada Jubaland iyo kuwa AMISOM, ma garaneeyno ilaa ha dda waxa uu yahay, Ma daacish baa leh, ma Alshabaab buu u socday, mise kaluumeeysi sharci dar ro ah ayuu waday, laakiin waa la ogaan doonaa, waxaana loo saaray guddi," ayuu afhayeenku ha dalkiisii raaciyay.

           Madaxweeyne kuxigeenka ayaa guddi ka kooban 11 qof u saaray in ay baaritaan kusoo sam eeyaan waxa uu yahay markabka iyo weliba howsha uu ka hayay xeebaha gobolka J/hoose.

           Xeebaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa aalaaba ka jalaabta maraakiib shisheeye kuwaa oo dhibaato ba'an ku haya kalluumeeysatada Soomaaliyeed ee ka jalaabta xeebaha dalkeenna.

KU DHAWAAD 10 RUUX OO KU DHAAWACMAY SHIL GAARI OO KA DHACAY MAGAALADA BAARDHEERE

           Wararka laga helayo Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ugu yaraan 7 Ruux ay ku dhaawacmeen Shil Gaari oo ka dhacay Degaan qiyaas ahaan 7 Km u jira Magaalada Baardheere.

           Gaarigan oo ka soo baxay Degaanka Ceelgaduud oo 100Km u jirta Magaalada Baardheere ayaa waxuu shilkaasi ku galay Degaanka  Tago Bixiyo Xirka oo 7 Km u jira Magaalada Baardheere ka dib markii Gaarigaasi uu god ku dhacay.

           Ibraahin Axmed Maxamed oo ah mid ka mid ah ehelada Dadkii halkaasi ku dhaawacmay ay aa sheegay in 3 Ruux xaaladood laga deyrinayo kuwaasi oo lagu wado in la keenayo magaalada Muqdisho.

           Shilalka nuucan oo kale ayaa inta badan waxaa loo aaneeyaa Dareewalada oo aan qibrad wa naagsan u laheyn kaxeynta Gawaarida iyo wadooyinka oo ah ku  bur buran oo aan Gaadiidka qaar kood ku socon Karin.

AXMED MADOOBE: ” DF TALLAABO KASTA AY QAADEYSO HA KALA TASHATO MAAMUL GOBOLEEDYADA”.

           Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo daraad ka qeyb galay shirka madasha wadatashiga Qaranka ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in wax weliba oo taallabo ay qaad eyso ay la tashi kala sameyso maamul Goboleedyada.

           " waa in la is ixtiraamaa, oo maamul Goboleedyada laga qeyb galiyo tashiyada si wax weliba is fahan iyo is aaminaad ay ugu dhamaadaan” ayuu yiri Axmed Madoobe.

           Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in si siman loo qeybsado Kheyraadka dalka ta asina ay aabuureyso kalsooni fiican ee dhexmarta maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe.

           Maamul Goboleedyada ayaa uga qeyb galay shir looga tashanayay mustaqbalka dalka gaar ahaan go’aan ka gaarista nuuca doorasho ee lagu qabanayo dalka 2016.

M.WEYNAHA MAAMULKA GALMUDUG OO WADA HADAL LA FURAYA MAAMULKA GOBOLADA DHEXE EE AHLU SUNNA

           Madaxweynaha Maamulka KMG ah ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa shaaca ka qaaday tan iyo markii la dhisay Maamulkiisa in uu waxyaabo badan u qabsoomay.

           Cabdikariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug, ayaa sheegay in uu ku guuleystay dhisida Maamulo Degmo oo ay ku wada qanacsan yihiin Shacabka sidoo kale hub ka dhig Maamulkisa ay ku sameeyeen Maleeshiyaad ku sugnaa qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud.

           Madaxweyne Guuleed ayaa sidoo kale carabka ku dhuftay in Maamulkiisa sidoo kale uu ku guuleystay in Al Shabaab laga saaray Degaano badan oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartam aha Soomaaliya.

           Sikastaba, Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ugu dambeyn soo hadal qaaday in Maamulkiisa uu dhawaan wada hadal la furi doono Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna Walj ameeca.

DOODWADAAG LA XIRIIRTA ISDHEXGALKA BULSHADA IYO GANACSIGA OO LAGU QABTAY PRETORIA

Doodcilmiyeed lagu qabtay magaalada Pretoria ee xarunta Koonfur Afrika ayna iska kaashadeen safaaradaha Somalia iyo Sweden ee Koonfur Afrika ayaa looga hadlay isdhexgalka bulshada, gaar ahaan Soomaalida Koonfur Afrika ku nool iyo dadka Koonfur Afrikaanka ah iyo waliba sida ay Soomaalida ganacsiyada ku leh dalkaas ay ugu soo kordhiyeen Horumarka dhaqaale iyo in laga barto Khibradaha ay u leeyihiin ganacsiga.

           Waxaa dooddan ka ka wadaqaybgalay labada danjire ee wadamada Somalia iyo Sweden, qaar ka mid ha mas’uuliyiinta labada safaaradood, xubno wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuum adda Koonfur Afrika ka tirsan, qaar ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool ka md ah, xubno matalayay ururada bulshada, khuburo ka socotay dalka Sweden iyo martisharaf kale.

           Danjiraha Sewden u fadhiya Koonfur Afrika, Anders Hagelberg oo shirkan furay ayaa ugu hor reyn u mahadceliyay madxada safaaradda Somalia oo qayb ka qaadatay in dooddaan ay qabso onto, wuxuuna xusay in doodan ay muhiim u tahay Somalida oo ah dad maskaxfuran oo mudan in wax laga barto habka ay ganacsiga u sameeyaan; isagoo carrabka ku dhuftay in Somalida ku nool dalka Sweden ay yihiin bulsho ka dhexmuuqata shucuubta kale, inkastoo aan ganacsi la mid ah kan dalka Koonfur Afrika aysan sameyn.

           "Marka ugu horreysa waxa loo baahan yahay in la fahmo in isdhexgalka dadka la barto, waxa ana ka hadlayaa dhanka dhaqaalaha. Shalay waxaan rabnaa in aan fahano sida wax loogu baran lahaa Soomaalida ku dhaqan Koonfur Afrika, gaar ahaan dhinaca ganacsiga,” ayuu yiri safiirka Swe den u fadhiya Koonfur Afrika.

           Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo soo noqday wasiirkii warfaafinta Somalia & afh ayeenkii madaxtooyada DFS oo ka mid ahaa martisharaftii doodda lagu casuumay ayaa isagana si weyn ugu hadlay Soomaalida Qurbaha ku nool iyo horumarka ay ka sameeyeen dalalka maga ngalayada siiyay.

           "Somalida waa dad u maskax furan halabuurka ganacsiga, iyagoo mararka Qaar la kulma caq bado, waa dad ku wanaagsan xagga iskaashiga; sidoo kale waxay abuuraan fursado iyo ganacsiyo yaryar meelaha tuulooyinka ah eek u yaalla Koonfur Afrika,” ayuu doodda ka yiri Inj. Yariisoow.

           Qaar ka mid ah ganacstada Soomaalida ee Koonfur Afrika muddada fog galay oo iyaguna ha dlay ayaa sheegay in Soomaalida ay kasoo billaabaan ganacsigooda meelo hoose, ayna marka da mbe ay wax la qaybsada bulshada inteeda kale.

           Dhanka kale, Safiirka Somalia u fadhiya dalka Koonfur Afrika, Danjire Jamaal Maxamed Barro ow oo isagana kulanka doodda ah ka hadlay ayaa u mahadceliyay safiirka safaaradda Sweden iyo kasoo qaybgalaayasha kulanka, isagoo intaas ku daray in Soomaalida dalkaan kusoo kordhiyeen horumar wanaagsan oo la taaban karo.

           "Waxaan dhiirigalinaynaa dadkeena ganacsatada ah inay dhexgalaan bulshada deegaanka u dhashay, ha noqoto kuwa leh ganacsiga yaryar ama kuwa ganacsi waaweyn leh; ayna la wadaaga an khibradooda, waxaan dowladda Koonfur Afrika iyo shacabkooda u sheegaynaa in ganacsatada Somalida ah ay si dadban wax ugu soo kordhiyaan ayna abuuraya fursado, canshuurtana bixiy aan,” ayuu yiri ayuu yiri danjire Jamaal Barroow.

           Ugu dambeyn, kulankan doodda ah oo socotay hal maalin ah ayaa kusoo dhammaaday jawi wanaagsan; iyadoo dadkii kasoo qaybgalay kulanka ay wadaageen fikirado kala duwan oo wax ku ool ah.

LIBAAXYO CAAN KU NOQDAY BARNAAMIJKA BISADAHA WAAWEYN OO LAGU SUMEEYAY DALKA KENYA

 

Libaaxyadan, ayaa waxaa lagu sumeeyay dhulka cowska taagga leh (Maasai Mara) ee Koonfur Gal beed Kenya, waxaana jira tiro dad ah oo falkaasi loo soo xir xiray.

           Ugu yaraan sideed libaax, ayaa lagu sumeeyay sac baqtiyay oo la sumeeyay. Ugu yaraan la ba ka mid ihi ayaa ku dhimatay sumeyntaasi, iyadoo mid ka mid ah la la’yahay, halka shanta kalana ay xaaladoodu la tacaalayaan dhakhaatiirta duurjoogta.

           Kooxdan libaaxyada oo leesku yiraahdo xidigaha Marsh, ayaa waxay ku soo caan baxeen Ba rnaamijka Bisadaha Waaweyn (Big Cat Diary), oo muddo sanado ihi ka baxaayay Telefishinka BB Cda.

           Tallaabada lagu sumeeyay libaaxyada, ayaa waxay ka dambeysay, iyadoo dadka xoolo dhaq atada ee qowmiyadda Maasaiga, ay ka carootay dhulkii libaaxyada lagu haayay, oo aysan si wana agsan ugu daaqsiin karin xoolahooda.

           Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya inta xubnood ee falkaasi loo soo qab qabtay, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in laba nin loo soo xiray, halka warar kalana ay sheegayaan saddex illaa afar nin in loo soo qabtay.

           BBC, ayaa tebisay in dadka la soo qabtay ay ka tirsan yihiin qowmiyadda Maasaiga ee Ken ya, waxaana wax laga weydiinayaa waxa ay ka ogyihiin sumeynta libaaxyada Marsh.

Warbaahinta Kenya waxay ku waramaysaa in ay jiraan xoolo kale oo la sumeeyay, lagana cabsi qabo in ay hilibkoodu cunayn libaaxyada kale, ee lagu haayo dhulkii 8-da libaax lagu sumeeyay.

FAALLO: XURGUFTA GAALKACYO XAL UMA AHA XEER JAJAB!

           Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa soo gaaray dhaawac uga yimid dhinaca nidaamka Federaalka Soomaaliya, taasi oo sababtay in dad walaalo, xigto iyo xigaalo ahaa isla markaana xabbad laga riday dhexdooda ay sababtay inay ka barakacaan guryahooda. Dadaalka aan loo kala harin ee ay sameynayaan madaxda Dowladda Federaalka, madaxda maamulada dalka ka jira oo ay ku jiraan maamulada Galmudug iyo Puntland, waxgaradka culumaa’udiinka ayaa u muuqda kuwo aan cago badan ku taagneyn, bacdamaa iyadoo weli loo fadhiyo dhameystirka heshiiska maamulada isku haya xukunka Mudug la jebiyay qodobkii ugu muhiimsanaa heshiiska.

           Arrintu si kastaba ha ahaatee xalka rasmiga ah ee lagu soo afjarayo xurgufta xukunka gobo lka Mudug ee labada maamul isku fara saareen waa ka weyn yahay in lagu dhameeyo xeer jajab, waayo maamul kasta wuxuu doonayaa inuu isagu maamulo gobolka Mudug oo ay dadkoodu wada degan yihiin.

           Nidaamka Federaalka ah ma ogola in hal gobol ay ka taliyaan laba maamul goboleed, eeg dastuurka dowladda federaalka oo sheegaya in laba gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan maamul goboleed, waana sababtaas ay iska indha tirayaan madaxda uu ugu horeeyo Ra’iisal Was aare Cumar C/rashiid.

           Dadka degan gobolka Mudug Federaalka kahor nabad ayay qabeen, ma jirin ciidan ciidan ka le ku duulaya, dad barakacaya iyo wararka maalmahaan laga maqlayay, waxaana nasiib darro int eeda la’eg noqotay inaan weli la abaarin halkii ay daawada ku jirtay.

           Magaalada Gaalkacyo oo ka mid ah magaalooyinka faca weyn dalka haddii aan loo helin xal degdeg ah arrintu waxay u muuqaneysaa JUGJUG MEESHAADA JOOG, waayo waxa meesha ku dagaalamaya laba qabiil sida ay aaminsan yihiin kuwa caqligoodu gaaban yahay, waxaana taasi kuu daliilinaya ergooyinka kala duwan ee Gaalkacyo isugu tegay, kuwaasi oo badankood ku sugan muddo toddobaad ka badan.

           Waa wax fiican inay gacmaha is qabsadaan lana arko C/Kariin Guuleed iyo C/Weli Gaas iya goo dhoola caddeynaya inay shaashadaha caalamka ka soo muuqdaan, taasi oo niyadda u qab oojineysa inta nabadda iyo murugaadii ka dhacday Gaalkacyo in meesha laga saaro

           Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo lahaa abaabulka iyo olo laha uu Madaxweynaha Galmudug ku noqday saaxibkiisa C/Kariin Guuleed waxaa shalay heysata KA HARI WEYSAYE WAA KU HEYSATAA, bacdamaa cadaadis xoog leh soo wajahay maamulka Cadaado ee isaga qudhiisa xeer jajabka lagu dhisay.

           Runta biyo kama dhibcaanka ah waxay tahay in labada maamul loo kala qeybiyo gobolka Mudug isla markaana xuduud loo sameeyo iyadoo loo marayo isbedelka dastuurkaan markiisii horeba lagu tuntay.

           Ugu dambeyntii Soomaalidu waxay tiraahdaa "Run sheeg waa ceeb sheeg”, balse dulucda ujeedadeydu waxay iyana soo qaadaneysaa mahmaahdii ahayd "Ma Fiyoobaato xaajo aan loo feydin sida seynta Ariga”, waana inay dib isugu laabtaan odayaasha hor boodaya xukuumadda Federaalka oo ay keenaan xal daawo u noqon kara mushkiladda Mudug ka taagan.

Waxaa Qoray: Jabriil Maxamuud Nuur (Jabra)

jabriil37@hotmail.com

 

GAALKACAYO WAXAY U BAAHAN TAHAY DARBIGII BAARLIIN!!

Gobolka Mudug waxaa uu markii hore ahaa Mudug iyo Galgaduud ,waxaa la kala gooyey Sannadkii 1974-tii,ka dib markii la ogaadey Baaxada Gobolka hase yeeshee Gobolkaa dadka ku nool Gobolada kale ee Soomaaliya waxay ku tilmaameen in uu yahay Gobol uu ka soo burqado Fidnada Somaaliyeed iyadoo dadka qaar ay leeyihiin haddii dadka reer Mudug heshiiyaan in Soomaaliya arrinteeda meel u dhaceyso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip