Xogta ku saabsan isku-shaandheynta ayaa waxa ay sheegaysaa in la bedeli doono Wasiiro ay ka mid yihiin:-
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dibuheshiinta
- Wasiirka Wasaaradda Maaliyada
- Wasiirka Wasaaradda Dastuurka
- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
- Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
- Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha
Sidoo kale waxa la buuxinayaa xilalkii ay banneeyeen Wasiiradii is casiley iyo Wasiirkii xilka laga qaadey:-
- Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo ka hortaga Musiibooyinka
- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta
Qorshaha Cusub waxa Kamid ah:-
- In la kordhiyo tirada Xildhibaanada ku jira Golaha Wasiirada
- In la bedelo Wasiirada uu khilaafka dhinaca shaqada ah kala dhexeeyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre
- In Wasiirada ku guul-dareystay in ay taageero siyaasadeed ka helaan xildhibanaada Beeshooda ay ku bixi doonaan isku shaandheynta Golaha Wasiirada
- In shaxda cusub ay ka tarjunto is faham ay gaareen Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe Sep 2017; si gaar ah maamulada Puntland iyo Koofur Galbeed) oo si weyn u suluugsan Xubnaha ku metela dowlada dhexe
- In Looga hortago Mooshin la filan karo xiliga ay fasaxa ka soo noqdaan xildhibaanada BFS bartamaha BishaFebruary 2018
- Ma jiro doonaan xubno ka mid ah mucaaradka muuqda ee dowladda
- Ma jiri doonaan wax isbedel ah oo lagu samayn doono Wasiirada ka soo jeeda beelaha Hawiye marka laga reebo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka
Wasiiro Kuxigeenadda
Waxaa jira isbedel kooban oo lagu samayn doono sida in la kordhiyo tirada Xildhibaanada iyo in la kala wareejiyo Wasiir Ku-xigeenada Khilaafka kala dhexeeyo Wasiirada ay la shaqeeyaan.
Wasiirru dowlayaasha Cusub
Sidoo kale Isbedelka Wasiiru-dowlayaasha waxaa qeyb ka noqon doona in lagu kordhiyo laba Wasiiru-Dowle oo la isku waafaqey in ay noqdaan sidan:-
Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Bii’ada iyo Deegaanka
Wasiirul Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xiriirka Golayaasha
Xigasho: Ilo wareed Wargal ah oo kala duwan (Mustaqbal Radio)
Akhriso Liiska Wasiirada Iyo Wasiir Ku Xigeenada Ay Saameyn Doonto Iskushaandheynta Xukuumadda Ra'isulwasaare Kheyre?
Waxa jira xog leh kalsooni weyn oo sheegeysa in isku shaandheyn lagu sameynayo dhowaan Golaha Wasiirada Xukuumadda uu hogaamiyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo heer gebogebo ah maraysa , sida ay xaqiijiyeen Ilo-xogeed kala duwan waxaa jiri