Afar qof oo Soomaali ah oo ku dhimatay xeryaha Kaakuma ee dalka Kenya

0
Wednesday December 09, 2015 - 12:03:28 in Wararka by
  • Visits: 719
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afar qof oo Soomaali ah oo ku dhimatay xeryaha Kaakuma ee dalka Kenya

    Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah, ayaa ku dhimatay, halka saddex kalana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, ka dib roobab xoogan oo Talaadadii ka da'ay xeryaha qaxootiga ee Kaakuma. Afar ka mid ah dadkan oo la socday gaari taksi ahaa, ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan afar qof oo Soomaali ah, ayaa ku dhimatay, halka saddex kalana ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay, ka dib roobab xoogan oo Talaadadii ka da'ay xeryaha qaxootiga ee Kaakuma. Afar ka mid ah dadkan oo la socday gaari taksi ahaa, ayaa waxaa gaarigoodii qaaday daadad soo rogmaday oo ka dhashay roobabkaasi. Dadka dhintay waxay isugu jiraan laba cunug, hooyo da' ahayd iyo nin dhalinyaro ah. Wadihii taksiga, ayaa u bareeray in uu ku socdaalo wado ay biyo badan qulqulayeen, xilli gaadiidkii kale ay ka joogsadeen, in ay maraan wadadaasi.

Xaaji Baari Maxamed Warsame oo ka mid ah qaxootiga Somaliyeed ee ku nool xeryaha Kaakuma, ayaa xaqiijiyay dhimashada afartaasi qof iyo dhaawacyada saddexda kale.

Xaaji Baari Maxamed Warsame, ayaa sidoo kale sheegay in roobabku ay burburiyeen guryo cooshado ka sameysnaa, oo ku yaalay xerada Kaakuma 2. Inta badan guryihii qaxootiga ayuu sheegay in ay daadadku la taggeen.

Xaaji Baari oo la hadlay BBC, ayaa waxa uu intaa ku daray in roobabku ay burburiyeen dhammaanba ganacsigii yar yaraa ee ka jiray Kaakuma 2, qaxootiguna uu wajahaayo xaalad adag.

Qaxootiga ku xareysan xeryaha Kaakuma, ayaa waxaa la tilmaamaa in ka badan boqolkiiba (90%), in ay yihiin Soomaali ka soo carartay dagaaladii sokeeye ee dalka wiiqay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip