WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA NOVEMBAR 2017-KA

0
Sunday November 26, 2017 - 10:44:50 in Wararka by
  • Visits: 603
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 26-KA NOVEMBAR 2017-KA

    PUNTLAND OO CIIDAMO DHEERAAD AH GEYSAY DEEGAANKA XEEBTA EE GARACAD Ciidamadan oo wata doonyo dheereeya ayaa howl gallo amniga lagu sugayay ka wada Badda iyo Barigga deegaanka. Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa sheega

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

PUNTLAND OO CIIDAMO DHEERAAD AH GEYSAY DEEGAANKA XEEBTA EE GARACAD Ciidamadan oo wata doonyo dheereeya ayaa howl gallo amniga lagu sugayay ka wada Badda iyo Barigga deegaanka. Saraakiisha Ciidamada Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF ayaa sheegay in howl gal ada lagu xaqiijinayo deegaanada xeebaha ay joogto noqonayaan.

 

Dadka deegaanka Garacad ayaa soo dhoweeyay tallaabooyinka lagu sugayo ammaan ka, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo habeen iyo maalin sugayay amniga

Deegaanka Garacad ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku tallaabsanayay horumaro kala duwan, iyadoo deegaanka ay gaareen dad raba inay ganacsi ka sameystaan iyo kuwa dalxi isayaal ah.

Ciidamada Badda Puntland ayaa waxaa dhanka tababarka iyo qalabeynta ka taageera Imaaraadka Carabta, waxaana la sheegaa in mushaarkooda ay bixiyaan.

Sanadkii 2016 ayay aheyd markii dagaalamayaal ka tirsan AlShabaab oo doonyo ku gaa reen deegaanka Garacad iyo deegaanada kale ee xeebaha Puntland, waxaana dagaalyahan adaas badankood iyagoo nool lagu qabtay howl gal ay fuliyeen ciidanka Puntland.

SAFIIRKA UK U QAABILSAN SOOMAALIYA OO LA KULMAY MADAXWEYNAHA CUSUB EE SOMALILAND

Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya David Concar ayaa noqday diblomaasigii u horeey ay ee reer galbeedka ka socda oo booqda magaalada Hargeysa, kaddib doorashadii dhowaan ka dhacday ee uu ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi.

Danjire David Concar ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi cabdi, wa xaa uu ammaanay sida nabadda iyo dimoqraadiga leh ee ay u dhacday doorashada.

Waxaa uu sheegay in si dhow ula shaqeyn doono Madaxweynaha cusub, sidoo kale wax aa uu xusay in UK ay sii wadi doonto wada shaqeynta adag ee ay la leedahay shacabka Som aliland.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi ayaa ka mahadceliyay booqashada Sa fiirka ugu yimid iyo doorka saaxibtinimo ee dowladda UK la leedahay Somaliland, waxaa uu ka dhawaajiyay inay ka go’an tahay in la sii xoojiyo xiriirka labada dhinac u dhaxeeya.

UK ayaa si dhow ula socotay doorashada Somaliland, sidoo kalena taageero dhow la garab taagneyd Guddiga doorashada Somaliland.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JABUUTI OO KHUDBAD U JEEDIYAY XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa shalay khudb ad u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa kulanka hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxam ed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray dhismaha Baarlama anka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Madaxweynaha Jabuuti uu kaalin weyn ku lahaa dhisma ha Baarlamaan Soomaaliyeed oo la unko kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu xaliyay khilaafyo siyaasadeed oo xalintooda loo aadi jiray dalka dibaddiisa, isla markaana uu haatan yahay Baa rlamaan awood u leh inuu khilaafyada siyaasadeed uu maareeyo.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo xusay in Soomaaliya ay mareyso marxalad wanaagsan, isla markaana ay ka jirto rajo aad u weyn.

"Waxaan salaan idin kaga sugayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka Jabuuti, marxalada ay haatan mareyso Soomaaliya waa mid wanaagsan rajo weyn ayaa ka jirta nabadeeda iyo horumarkeeda, waxaa u nimid inaan idin is barbar taagno, inaan midnimada iyo walaalnimada shacabka Soomaaliyeed taageerno”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa noqonaya Guddoomiyihii labaad ee khudb ad u jeediya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyihii hore ee geeriyoo day Idiris Arnoaud Cali uu khudbad u jeediyay Baarlamaankii 9aad.

WAARE "INTA AAN BAARLAMAANKA LA HORGEYN HINDISE SHARCIYEEDYADA AAN KA WADA TASHANO”

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu baaqay dowladda Feder aalka inay fuliso balanqaadkii ahaa in laga wada tashado ka hor inta aan Hindise sharciyeed yada la horgeyn Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Hadalka Madaxweyne Waare ayaa daba socda qoraal uu maalmo ka hor uu ku saxiix naa Madaxweynaha Puntland C/wali gaas oo ay si wadajir ah u soo saareen Golaha Iska ashiga dowlad goboleedyada, kaasoo looga dalbanayay Aqalka Sare in la hakiyo ka doodista iyo ansixinta hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda.

"Waxaa balan ka laheyn oo aan rajeyneynay in hindise sharciyeedyada la horkeenayo labada aqal midkood, gaar ahaan Aqalka Hoose ama Golaha shacabka, anaga waxaa dalb aneynaa waa wadatashi, waa in fikradeena iyo dareenkeena lagu daro sharci dejinta, waxa ana saldhig u ah waxaas oo dhan in la hirgeliyo Barnaamijka Federaalka”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in nidaamka Federaalka ee la qaatay ay tahay in lagu dhaqmo ama in la iska daayo, isagoo xusay in aanay meelna isla geli karin in la dhaho Federaal ayaa nahay iyo in loo dhaqmo sidii Dowlad dhexe oo kale.

"Runtii in Federaalka inaan qaadano oo Federaalnimada waxay tahay aan ku dhaqano iyo inta aan iska deyno oo aan isku nimaano oo aan dhahno Federaal nama anfaco ee naga daaya, laakiin inta aan dhahno Federaal nahay, hadana aan u dhaqano sida dowladd dhexe oo kale, taas ma ahan wax soconayo”ayuu yiri Waare.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ah Guddoomiye kuxigeenka Go laha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhaliilo is daba joog u jeedinayay dowladda Federaalka, waxaana uu ku socdaa wadadii Madaxweynihii hore Cali Cosoble, kaasoo markii ay isku dhaceen dowladda Federaalka, ku baxay mooshin ay ka kee neen Baarlamaanka Hirshabeelle.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY DHALINYARO U ISTAAGAY IN AY KA QEYB GALAAN DAGAALKA ALSHABAAB LAGULA JIRO

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay kula kulmay dugsiga Tabbarka Ciidanka Booliska ee Jenaaral Kaahiye 600 oo dhalinyaro ah oo si mutadawacnimo ah ugu istaagay in ay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Boqalaalka dhalinyarada ah ee uu la hadlay Madaxweynuhu waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’antahay in ay furimaha dagaalka ku weheliyaan Ciidanka Xoogga si ay uga qayb qaat aan difaaca dalka iyaga oo u huraaya naftooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey dhalliny arada sida ay uga dhiidhiyeen falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay ku hayaan Shacabka iyo Goa’aanka geesinimada ah ee ay u qaateen sidii ay qayb uga noqon lahaayeen difaaca dalka.

"Waxaad tihiin dufcaddii ugu horraysay ee dhalinyaro ah oo ka jawaaba baaqaygii, una istaagay in ay nafootada u huraan dalkooda, in ay u dhintaa diintooda, in ay difaacdaan dad kooda. Waxaad tihiin Mustaqbalka Soomaaliya. Waddan walba oo xaaladahan oo kale ay la gudboonaadaan waxaa badbaadiya dhalinyaradiisa.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay kaalinta ay ku leeyihiin dhallinyarada Soomaaliyeed horumarka dalka,isagoo sheegay in 70% boqolkiiba ay yihiin dhalinyaro,wuxuuna ku boorriyay dhallinyaradaasi in ay u istaagaan sidii dalka looga sifeyn lahaa kooxda Alshabaab ee dhibaatada iyo gumaadka ku haysa shacabka Soomaaliyeed.

MAXKAMAD LA SOO TAAGAY RAG LOO HEYSTO INAY ALSHABAAB U QAABILSANAAYEEN QARXINTA MAQAAYADAHA

Eedeysanayaal u qaabilsanaa malaashiyada Alshabaab qarxinta goobaha maqaaxiya daha oo markii labaad kasoo hor muuqday Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, waxaana eedeysanayaasha ay kala yihiin,

1) C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed.

2) Max’ed Cumar Akiile C/raxiin

3) Daa’uud Max’ed Cali Max’ud

4) C/laahi Ibraahin Geeseey

xafiiska xeer iaalinta maxkamadda CQS ayaa ka hor akhriyay eed lid ku ah eedeyanay aasha kala ah:

"C/qaadir Abuukar Shaacir Max’ed, ayaa si gaar ah loogu eedeeyay sahminta iyo dhigi sto baabuurta qaraxyada laga soo buuxiyo maqaayadaha dadku ku badan yihiin oo ku yaallo magaaladda Muqdisho.

waxaa ka mid ahaa goobihii ay xeer ilaalinta CQS ku muujisay gal dacwadeedkiisa Qara xii ka dhacay Maqaayad kasoo horjeedka Hotel Wehliye, Taariikhdu markay ahayd 13/03/2017,halkaasoo ay ku geeriyoodeen tira lagu sheegay 10 ruux, sidoo kale Qaraxii ka dhacay Baar Italia Taariikhdu markay ahayd 08/05/2017, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 10 Ruux oo kale, si lamid ah Qaraxii ka dhacay maqaayad ku taalo agagaarka wasaarada amni ga kasoo horjeedka wasaarada sportiga Taariikhdu markay ahayd 05/04/2017, qaraxaas oo ay ku geeriyoodeen ku dhawaad 9 ruux.

Eedaysanaha 2aad Max’ed Cumar Akiile C/raxiin, ayaa isna si gaar ah loogu eedayay ka mid ahaanshiyaha Kooxda Alshabaab, iyadoo ciidamadu amnigu ay gacanta kugu soo dhig een, isagoo wada gaarigii ku qarxay Eenaayo degmada Xamarweyne taariikhdu markay ah ayd 15/05/2017.

Eedaysanaha 3aad Daa’uud Max’ed Cali Max’ud, ayaa isna si gaar ah waxaa loogu eed eeyay ka tirsanaanta Kooxda Alshabaab, una qaabilsanaa Qeybta Faafisa Afkaarta Alshaba ab, isagoo ka howlgalay Gobolada Sh/hoose iyo Banaadir, sidoo kale waxaa lagu soo eedeey ay in uu Taakulayn gaar ah siin jirtay Qeybta Qaraxyada oo uu lacago siin jiray Eedaysanaya asha 1aad iyo 2aad marka ay qarax fuliyaan.

Eedaysanaha 4aad C/laahi Ibraahin Geeseey, ayaa kala mid ahaa eedeysanayaasha ka mid ahaanshiyaha Alshabaab, waxa uuna qaabilsaa Soo dajinta iyo iibinta gaadiidka qaraxya da lagu fuliyo, isagoo Alshabaab u soo dejiyay gaarigii Saarufta ahaa ee ku qarxay kasoo horj eedka Wasaarada Amniga Qaranka, sidoo kale waxa uu soo dejiyay gaarigi ku qarxay wada da Maka AlMukarama, taariikhdu markay ahayd 03/07/2017.” sidaas waxaa garsoorka u shee gay Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi oo kamid ah xeer ilaaliyaasha Ciidmada Qalabka Sida.

Qareenada difaacayay eedeysanayaasha, ayaa codsaday in la soo gabagabeeyo kiiska haddii aysan jirin cadeymaha markhaatiyaasha ahaa ee shalayy la horkeenay garsoorka, bal se dood dheer kadib ayaa xafiiska xeer ilaalinta waxa uu ka codsaday garsoorka Maxkamad da CQS in loo oggolaado in ay keenaan cadeymo dheeraad ah oo muujinayo dambiilayaasha eedooda, waxaana ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute amray xeer ilaainta in ay keenaan cadeymo dheeraad ah, isagoo soo xiray dhageysigii markii 2aad dacwadda eedeysanayaasha loo heysto qaraxyadii dadka badan ku dhinteen kuna dhaawacmeen ee ka dhacay maqaaxiya da qaar ee ku yaalo magaalada Muqdisho.Xigasho: SONNA

KENYAN SHABAAB AH OO KA BAXSANAYA DUQEYMAHA MARAYKANKA OO KU WAJAHAN KENYA.

Muwaadiniinta Kenyan ka ah ee alshabab ay u qorteen in ay ka barbar Dagalamaan ay aa ka Baxsanaya Duqaymaha Mareeykanku uu ka joogteeyay Soomaaliya, sida ay Sheegeen Saraakiil kenyan ah.

Joseph Kanyiri Agaasimaha Howlagalka Booni oo kormeerayay Howlgalka Dowlada ke nya ay u Bilaawday in ay Alshabaab ay ka saarto kaynta Booni,ayaa sheegay in ay jiraan dagaalamayaal kenyan ah oo Doonaya in ay Soomaaliya ka baxaan si ay ugu Biiraan Garab ka Jeeysh Al eyman ee kenya ku sugan.

kanyiri ayaa waxaa uu sheegay in Hey’ado amaan oo iskaashanaya ay adkeeyeen Ama anka Somalia iyo Kenya si looga hortago Dagaalamayaasha Alshabaab ka Tirsan ee Soomaaliya ka soo baxsanaya.

"waxaan ka war qabnaain xaaladda Soomaaliya aysan Alshabaab u ahayn meel ay sifii can uga Howlagali kaaraan, waxayna go’aansadeen in ay Soomaaliya kasoo carareen oo ay kenya galaan, waxaan ku Boorinaya in a Maamulka isusoo dhiibaan” ayuu yiri Kanyiri.

sida uu sheegay agaasimaha Howlgalka booni, wiii ka dambeeyay markii Mareeykanku uu kordhiyay Weeraradda ka dhan ka ah Alshabaab, Dagaalamayaasha Ajanabiga ah ee ken ya kasoo jeeda waxay isku dayayeen sidii Duqaymaha Mareykanak ee Soomaaliya uga Baxs an lahaayeen.

KOLONYO KA TIRSAN AMISOM OO QARAX LAGULA EEGTAY SHABEELAHA HOOSE

kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa Duhurnima dii shalay qarax Miinolagula eegtay deegaankaa Ceel Wareegow ee Gobolka Shabeelaha Hoo se.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa lagu soo warramayaa in waxyeelo ay ka soo gaartay ciidamada AMISOM, xilli ay ku socdaalayeen Deegaanka Ceel Wareegow ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaaro ciidamada AMISOM uu ka soo gaaray qara xaasi, walow aan la’ogeyn inta uu la eegyahay.

Dhinaca kale Xarakada Al Shabaab oo sheegatay musuuliyadda qaraxan ayaa waxaa ay Bartooda Internetka ku shaaciyeen in halkaasi ay ku gubeen mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee ciidanka AMISOM.

Waxaana ay tilmaameen in khasaaro Lixaad leh ay gaarsiyeen ciidankaasi, sida ay had alka u dhigeen.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMI SOM oo ku aadan qaraxaasi.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JABUUTI OO KHUDBAD U JEEDIYAY XILDHIBAANADA GOLAHA SHACABKA

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud ayaa shalay khud bad u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa kulanka hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxa med Sheekh Cusmaan Jawaari oo ka sheekeeyay heerarkii uu soo maray dhismaha Baarlam aanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Madaxweynaha Jabuuti uu kaalin weyn ku lahaa dhis maha Baarlamaan Soomaaliyeed oo la unko kaddib burburkii dowladdii dhexe.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Baarlamaanka Federaalka uu xaliyay khilaafyo siyaasadeed oo xalintooda loo aadi jiray dalka dibaddiisa, isla markaana uu haatan yahay Baa rlamaan awood u leh inuu khilaafyada siyaasadeed uu maareeyo.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xaamud oo xusay in Soomaaliya ay mareyso marxalad wanaagsan, isla markaana ay ka jirto rajo aad u weyn.

"Waxaan salaan idin kaga sugayaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Shacabka Jabuuti, marxalada ay haatan mareyso Soomaaliya waa mid wanaagsan rajo weyn ayaa ka jirta nabadeeda iyo horumarkeeda, waxaa u nimid inaan idin is barbar taagno, inaan midnimada iyo walaalnimada shacabka Soomaaliyeed taageerno”ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa noqonaya Guddoomiyihii labaad ee khud bad u jeediya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo Guddoomiyihii hore ee geeriyo oday Idiris Arnoaud Cali uu khudbad u jeediyay Baarlamaankii 9aad.

WASAARADDA HAWEENKA OO DAAH FURTAY OLOLAHA KA HORTAGGA TACADIGA KA DHANKA AH JINSIGA

Agaasimaha guud ee wasaradda Hawenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Deeq Suleymaan Yuusuf oo ka hadlaayey madasha daahfurka ololahaan 16ka maalmood ee tacd iga ka dhanka ah jinsiga ayaa sheegay in Wasaaradda Haweenka ay dar dar galin doonto Ba rnaamijiyo wacyagalineed oo Bulshada looga wacyagalin doono sidii loo ciribtiri lahaa tacadi yadda ka dhanka ah Bulshada. 25ka bisha Novembar sanad waliba ayaa ah maalinta aduunka loo asteeyey ka hortagida tacadiyadda loo geysto Haweenka iyo Caruurta.

Wasiirka wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta xuquuqda Aadanha xukumadda Soom aaliya Deeqa Yaasin Xaaji Yuusuf oo si rasmi ah u daahfurtay ololahaan ayaa sheegtay in sharciga ka hortaga tacadiga jinsiga uu leeyahay muhiimad gaar ah.

MIDOWGA YURUB OO SEYCHELLES KU BOGAADIYAY LA DAGAAANKA BURCADBADEEDA

Midowga Yurub ayaa uga mahadceliyay doorka ay Xukuumadda Seychelles ka ciyaare yso la dagaalnka Burcadbadeeda Soomaalida.

Midowyga Yurub ayaa sheegay in taageerada ay Jaziirada Seychelles ka gaysanyso la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaaliya ay tahay mid muhiim ah, islamarkaana ay mudan yih in in looga Mahad naqo.

Wafdi uu hoggaaminayay sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub oo la kulmay ma daxweynaha Seychelles ayaa sheegay in howlgalkii ugu dambeeyay lagu soo qabtay 6 Burc adbadeed Soomaali ah, ayn door muuqda ka qaadatay Xukuumadda Seychelles.

Dhanka kale madaxweynaha Seychelles ayaa sheegay in Sanado dhowr ah ka soo qeyb qaadanayeen howlgallada lagula dagaalamayo Burcadbadeeda Soomaalida, islamarkaana ay xoojinayaan xiriirka kala dhaxeeya Midowga Yurub ee lagu ciribtirayo kooxaha Burcadba deeda.

Madaxweynaha ayaa xusay in Kooxaha Burcadbadeedu ay caqabad weyn ku yihiin Ganacsiga Xorta ah iyo Dalxiiska oo ka mid ah Tiirarka ugu waa weyn ee hormarinta Dhaq aalaha.

Daraad ayey ahayd markii Midowga Yurub ay Xukuumadda Seychelles ku wareejiyeen 6 ka mid ah Kooxaha Burcadbadeeda oo ay ka qabteen Xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo lagu wado in lagu maxkamadeeyo Seychelles.

DOWLADDA BANGLADESH OO FAAFAAHIN KA BIXISAY DIB U CELIN QAXOOTIGA ROHINGYA

Kumanaan kun oo qaxootiga Rohingya ayaa hadda ku nool xeryo qaxooti oo Bangladesh ku yaalla

Xukuumadda Bangladesh ayaa sheegtay in Muslimiinta Rohingya ee dib loogu celinayo Myanmar ka dib heshiis dhexmaray labada dal ay ku noolaan doonaan guriyo kumeel gaar ah ama xarooyiin.

Wasiirka arrimaha dibadda, A H Maxmuud Cali, ayaa sheegay in maadaama guriyahii tuulooyiinka dadka Rohingya la gubay ay tahay in waqti cayiman ay ku noolaadaan xarooyiin ilaa dib looga dhisayo guriyahooda.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in ka badan 600,000 oo ah Muslimiinta Rohingya ay u qaxeen dalka Bangladesh tan iyo bishii August.

Sargaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku tilmaamay wixii ka dhacay dalka Myanmar in uu ahaa isirsifeyn.

Heshiis ay kala saxiixdeen khamiistii dowladaha Bangaladesh iyo Myanmar ayaa wada da u xaaraya geedi socod dib loogu daad gureynayo qaxootiga Rohingya ee ku soo qaxay Bangaladesh.

Howlsha dib u celinta qaxootiga Rohingya ayaa bilaabanaysa muddo laba bilood gud ahood ah.

Hay'adaha caalamiga ah ee gargaarka a ayaa ka digay in si qasab ah lagu celiyo qaxo otiga Rohingya ee ka soo qaxay dalka Burme.

BOGGA CAYAARAHA

Simon Mignolet Oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Ay Liverpool Dhowr Jeer Ganaax Lacageed Ugu Soo Rogtay Sadio Mane

Waxaa jira sharci ka dhaqan galay Liverpool oo tababare Jurgen Klopp iyo dhakhaatiirta kooxda ay rajeynayaan inuu lahaado saameyn fiican.

Goolhaye Simon Mignolet ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartoyda kooxda ay ku qasban yihiin in App ku jira taleefanadooda ay geliyaan subax walba inta saacadood ay seexdeen hab eenkii si loola socdo qaabka hurdadooda.

Labo ciyaaryahan ayaa lacago lagu ganaaxay madaama ay ilaawayeen inay la socdaan waqtiga jiifkooda waana Sadio Mane iyo Trent Alexander-Arnold.

"Waxaan dhihi lahaa Sadio Mane iyo Trent Alexander-Arnold ayaa muteystay ganaaxii ugu badnaa bilihii la soo dhaafay” ayuu goolhaye Simon Mignolet u sheegay Sky Sports.

"Waxaan ku qasbanahay inaan App soo gelino inta saacadood ee aan seexanay, sida uu jiifkeenu ahaa, sida aan dareemeyno ka hor tababarka, iyaguna waxa ay ahaayeen kuwa mar walba ilaawa.

JOSE MOURINHO OO TILMAAMAY HALKA XIDDIG EE HORUMARKA FIICAN SAMEEYAY XILLI CIYAAREEDKAN

Tababaraha Kooxda Man United Jose Mour-inhoayaa shaaca ka qaaday halka xiddig ee horu-marka fiican sameeyay xilli ciyaareedkan marka loo eego kii hore.

Jose Mourinho ayaa aaminsan in in Anthony Martial yahay xiddiga horymarka ugu fiican sameeyay kooxdiisa Man United xilli ciyaareedkan.

Xiddiga reer Frnace ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado qaab ciyaareedka jose Mourinho xilli ci-yaareedkii hore laakiin waxa uu ka mid yaha xiddigaha furaha u ah kooxda ee weerarka oo dhaliyay 36 gool xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.

Martial ayaa ku lug lahaa 5 gool oo premier league ah xilli ciyaareedkan isaga oo durba jabiyay rikoorkii uu xilli ciyaareedkii hore dhigay taas oo keentay in dib loogu yeero xulka qar anka France iyo waliba in loo magacaabo xiddigaha da,yarka ah ee Frnace u tartami doona xiddiga da,yarka ah ee ugu fiican sanadka 2017.

"Waxa aan aaminsanahay in ay soo bandhigi karaan wax walba oo ay awoodaan”ayuu Mourinho ka yiri weerarkiisa ka hor inta uuna amaan kula dul dhicin Martail.

England - Premier League

Crystal Palace 2 - 1 Stoke City

Manchester United 1 - 0 Brighton & Hove Albion

Newcastle United 0 - 3 Watford

Swansea City 0 - 0 AFC Bournemouth

Tottenham Hotspur 1 - 1 West Bromwich Albion

Liverpool 1 - 1 Chelsea

Italy - Serie A

Bologna 3 - 0 Sampdoria

ChievoVerona 0 - 0 SPAL 2013

Sassuolo 0 - 0 Hellas Verona Cagliari 1 - 3 Inter

Spain - LaLiga Santander

Alaves 1 - 2 Eibar

Real Madrid 3 - 2 Malaga

Real Betis 2 - 2 Girona Levante 0 - 5 Atletico Madrid

ASTAANTA UNICEF

HEY’ADDA UNICEF OO KUU HEY SA OGEYSIIS MUHIIM AH:-

REQUEST FOR PROPOSALS

LRPS -2017-9136230 21 NOVEMBER

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND (UNICEF ) IN SOMALIA

..

 

 

REQUEST FOR PROPOSALS

LRPS-2017- 9136230 21 NOVEMBER 2017

 

UNITED NATIONS CHILDREN’S FUND (UNICEF) IN SOMALIA

 

Wishes to purchase:

Provision of cold chain operational service in Central South Regions of Somalia

 

 

[SEALED] offers should be physically submitted at

the UNICEF Office in Mogadishu, South Central, Somalia

Airport Rd. Back of Haji Dol Garage.

LRPS-2017- 9136230

Attention: Gerard Magbity (Supply and Logistics Specialist CSZ)

Please call Mobile no .+252 616274407 to arrange security clearance and access to the

UNICEF compound.

IMPORTANT - ESSENTIAL INFORMATION

 

 

The reference LRPS-2017- 9136230 must be shown on the envelope containing the offer.

Quotation form and schedule (s)must be used when replying to this invitation. You are welcome

to enclose your own [specifications / terms of references] etc., if necessary.

Offers must be received by latest 02: 00pm on Sunday 03rd December, 2017 at the address

indicated above. there will be no public opening. Bids received after the stipulated date and

time will be invalidated.

 



It is important that you read all of the provisions of the bid, to ensure that you understand

UNICEF’srequirements and can submit an offer in compliance with them. Note that failure

to provide compliant offers may result in invalidation of your bid.


PLEASE PICK UP THE COMPLETE SET OF BIDDING DOUMENTS FROM THE OFFICE

INDICATED ABOVE


 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip