Wax ka baro Taariikhda Nabigeena Muxamad CSW

0
Friday November 24, 2017 - 21:15:08 in Wararka by
  • Visits: 1542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax ka baro Taariikhda Nabigeena Muxamad CSW

    MAGACIISA OO SADAXAN – Nabi Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim MAGACA HOOYADA RASUULKA SCW – Amina Bint Wahab NAANEESTA RASUULKA – Waxaa Nabiigeena la oran jiray ama lagu naaneesi jiray Runlowga la

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAGACIISA OO SADAXAN – Nabi Muxammad, bin Cabdullaahi, bin Cabdul Mudhalib, bin Haashim MAGACA HOOYADA RASUULKA SCW – Amina Bint Wahab NAANEESTA RASUULKA – Waxaa Nabiigeena la oran jiray ama lagu naaneesi jiray Runlowga la aaminay (Sadiiqul amiin)
  • INTA JEER UU SOO XAJIYAY RASUULKA SCW

– 1 jeer ayuu Nabi Muxamed xajiyay, sidoo kale 4 jeer wuu cimreestay.

  • SAAXIIBKA NABI MAXAMED SCW

– Wuxuu ahaa saxaabigii Abuubkar Al-Sadiiq oo dhib iyo dheef ay isla soo mareen

  • TIRADA XAASASKA IYO CARUURTA SUUBANE MUXAMED SCW

– Caruurta Rasuulka Scw tiradooda waa 7 (3 wiil iyo 4 gabar), Xaasaskiisa waxa ay culimada intooda badan isku raaceen in ay ahaayeen 11.

  • GOORTA UU DHASHAY

– Nabiga SCW wuxuu ku dhashay Magaalada Makka, sanadkii Maroodiga ama bisha rabiicul awal oo ku aadan miilaadiyada.

  • WAA KUMA RASUULKA SCW ?

– Wuxuu ahaa qof midka ugu wanaagsan ee Alle uu abuuray.

– Wuxuu ahaa qof aan isla weyneen oo bulshada ay u siman yihiin, wuxuu kaloo ahaa qof cadaaladda si wanaagsan u kala garqaada.

– Nabiga Scw waxa uu ahaa qof garta qaata, waxa uu ahaa qof si wanaagsan dadka u dhageysta, Waxa uu kaloo ahaa Ruux aduunyada aan jecleen.

– Rasuulka Scw waa qofka inoo balan qaaday in Jannada aynu ku kulmi doonno, waa inta nasiib u yeelata.

– Waa Xabiibka Alle

  • HADALADA RASUULKA SCW

– Nabigeena wuxuu ka dardaarmay in dumarka iyo caruurta aad loogu naxariisto.

– Qudus in ay muslimiinta furtaan ayuu ka dardaarmay oo hadda ay heystaan yahuudda.

– In aan wax dhib ah loo geysan Dhulka barakeysan ee sacuudi Carabiya ayuu ka dardaarmay, madama ay tahay halka uu kasoo jeedo, uu ku dhashay, kuna geeriyooday, kuna aasan yahay.

– Salaadda ayuu inbadan umadda ugala dardaarmay iyo in dhiiga qofka bini’aadamka aan lagu daadin si aan sharci ahayn.

– Nabi Maxamed scw wuxuu kaloo yiri "hal aayad xitaa ha noqoto umadeeyda iga gaarsiiya”…

  • GEERIDA NABI MAXAMED SCW



Wuxuu geeriyoodey maalin Isniin ah, 12kii Rabbiicul-Awal, sannadkii 11aad ee hijriga. Wuxuu xiligaas jiray SCW 63 sano.

– Nabiga (SCW) geeridiisa ilaah baa ogaysiiyay. Wuxuu ahaa nabiga kaliya ee laga amarqaatay in naftiisa laga qaadayo.

  • XANUUNKA Rasuulka Scw

– Nebigu wuxuu xanuunsanayey 18 maalmood oo ay Asxaabtu booqanayeen.

– Qur’aankii ayaa la taam yeelay oo waxaa soo degay aayadihii ugu dambeeyey.

– Sidoo kale waxa uu Rasuulku SCW saxaabada ku yiri "ma idin gaarsiiyey (diintii)”, oo uu waliba Saddex jeer ku cel celiyey, mar walbana ay lahaayeen "haa” markaasuu yiri "Allaw ka markhaati kac”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip