WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 23-KA NOVEMBAR 2017-KA

0
Thursday November 23, 2017 - 08:37:26 in Wararka by
  • Visits: 1258
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 23-KA NOVEMBAR 2017-KA

    WASIIRKA AMNIGA OO HORTAGAY GOLAHA SHACABKA EE BF WW/Amniga ee DFS M.d Ducaale ayaa shalay Xildhibaanada ka hor Akhriyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo hindi se sharciyeedka xakameynta hub ka wax dila. 2daan hindise sharciy ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

WASIIRKA AMNIGA OO HORTAGAY GOLAHA SHACABKA EE BF WW/Amniga ee DFS M.d Ducaale ayaa shalay Xildhibaanada ka hor Akhriyay hindise sharciyeedka la dagaalanka Argagixisada iyo hindi se sharciyeedka xakameynta hub ka wax dila. 2daan hindise sharciy eed ayaa waxaa soo diyaarisay W/Amniga ee XFS, waxaana cod wada oggol ah ku soo ansixiyay Xu bnaha G/ Wasiirada Soomaaliya.

 

Hindise sharciyeedka la dagaal anka Argagixisada waxa uu ka koo ban yahay 37 Qodob halka Hindise sharciyeedka xakameynta hubka wax dila uu ka kooban yahay 10 qo dob. W/ W/Amniga ee DFS Md. Duc aale ay aa sheegay in 2dan Hind ise sharciyeed ay muhiim u yi hiin dal ka. Akhrinta 2aad Hindise sharc iye ed ka dib ayaa Xildhibaanada G/Sh /Q waxa ay W/Ducaale weyd iiyeen su’aalo iyo inuu faah faahin ka bix iyo qodobada qaar ee 2da Hi ndise sharciyeed ku jira. G/G/ sha cabka Md. awaari ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee M/ulkasomalilnad .Md.Muuse Biixi

MD.XASAN SH. MAXAMUUD OO U HAMBALYEEYAY SHACABKA IYO MADAXWEYNAHA SOOMAALILAND

Madaxwaynihii hore ee Soomaal iya Xasan Sh.Maxamuud ayaa u Hambalyeeyay Shacab ka iyo mad axwaynaha cusub ee Maamulka somalilnad Md. Muuse Biixi Cabdi kaas oo cod aqlabiyad leh kaga gu uleystay 2dii xisbi ee ku lolamayay.

Isaga oo adeegsanaya Faceb ookga ayuu kusoo qoray Xasan sh.Maxamud qoraal u ekaa sida tan: "Waxaan halkaan: Hambalyo iyo bogaadin uga dirayaa dhamm aan dadweynaha soomaaliland iyo madaxweynaha cusub ee la doort ay md. Muuse biixi oo aan leeyah ay doo rashada aad dhaqangelisen Waa wax lagu Farxo oo lagu faano sida deggan ee nidaamsan ee du lqaadka iio tanasulku ku dheehan yahay ee aad ugu guuleysateen.

Waxan sidoo kale bogadinayaa Md.C/maan Cirro Gudd. Xusbiga waddani mas’uuliyadda iyo biseyl ka siyaasadeed ee uu ka muujiyay go’aankii natiijada doorashooyinka

Doorashada Somaliland waxay muujineysaa yididiila wanaagsan oo tilmaameysa dimoqra diyadu in ey si hagaagsan uga dhaqangeli ka rto habnololeedka iyo dhaqanka da dka Sooma aliyeed

Waxaad jideyseen tusaale habb oon iyo habdhaqan siyaasadeed cu sub oo ku daysi mud an ee Guuleys ta oo nabad iyo horumar ku Waa ra.”xigasho:shaaciye.com

DUQA MUQDISHO OO VISSA CAA FIMAAD GUDOONSIIYAY WIIL YAR OO WADNAHA KA XANUUNSANAYA

Gudoomiyaha G/Banaadir Md .Taabid Cabdi Maxamed ayaa shal ay Guddoonsiiyay Vissa Caafiaad Waalidka dhalay Wiil 7Sano jir ah oo waddanaha ka Xanuunsan.

Maxamed Cumar Maxamed ay aa ku dhashay Xanuunka dhanka Wadnaha ka haya, wax aana waal idiinta dhalay oo danyar ah ay Awo odiwaayeen inay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaa ma aan dalka wax looga qabankar in. Wiilkaan yar oo kunool degma da Boondheere ayaa dadka degma daasi oo kaashanaya maamulka de gmada, waxa ay xaa ladiisa Caafim aad ku soo wargeliyeen Gudoomi yaha G/Banaadir, waxaana Gudoo miyaha u gu dambeyntii Shalay uu siiyay Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga.

G/G/Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa shegay in Bulshada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmaddaan. Waxaa uu u mahad celiyay dadka kunool deg mada Boondheere,sida ay ugu soo wargeliyeen maamulka G/Banaadir dhibka heysta wiilkaasi yar.

Aabbaha dhalay Wiilkaasi ayaa u mahad celiyay maamulka G/Banaa dir,waxaana uu she egay in dhaw aan ay aadi doonaan dalka Turkiga maamulka G/Banaadirna ay arint aasi ka caawiyeen.

R/WASAARIHII LUBNAAN OO HAKI YAY IS CASILAADIISA

Ra’iisal Wasaaraha Lubnaan, Saad Hariri oo ku laabtay dalkiisa, ayaa shalay sheegay in si ku meel gaar ahi uu u hakinaayo is casilaa diisii, ka dib baaq kaga yimid Mada xweynaha Lubnaan, Michel Aoun.

R/wasaaraha Lubnaan, ayaa 4tii bishan isagoo ku sugan M/Riyadh ee Xarunta Boqortooy ada Sacuudi Carabi kaga dhawaaqay inuu xilk aasi iska casilay, ka gadaal markii uu sheegay in noloshiisa ay halis ku jirto. R/Wasaaraha oo M/Beirut kaga qaybgalay xuska maalinta xor riyada ee dalkaasi, ayaa sheegay inuu dib u dhigaayo is casilaadiisa, isagoo ka jawaabaya codsi uu u soo jeediyay Madaxweyne Michel Aoun.

Waxaa uu sheegay in wada had alo looga hadlayo mustaqbalka dal ka uu M/Beirut kula ye elan doono Madaxweyne Aoun, iyagoo si dhow kaga wada hadlaya qalalaasaha si yaasad eed ee dalkaasi ka jira.

Saad Hariri, ayaa soo hadalqaad ay in waxa ku khasbay 4tii bishaan inuu ku dhawaaqo is casilaadiisa, ay ku timid qalaalasaha siyaasade ed ee Lubnaan ka taagan.

Michel Aoun, Madaxweynaha Lubn aan, ayaa ku celceliyay inaanu xor ahayn Saad Hariri, lag una xiray M/ Riyadh,inkastoo uu si adag u beeni yay Mr. Hariri.

Inkastoo siyaasadda Lubnaan ay tahay mid hubanti la’aan ah, hadd ana tallaabada uu isu casilay Mr .Hariri waxay layaab ku dhalisay dadka reer Lubnaan. iyagoo u u ka la qaybsan ga rab Sunni ah oo uu hogaamiyo Saad Hariri, islamarka ana uu Sacuudigu taageero iyo ga rab kaloo Shiico ah oo Xisbullah ay hogaamiso, ayna taageerto Iran .

MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE SOMALILAND OO LA KULMAY AXM ED MAXAMED SILAANYO

Kulankan oo ujeedadiisu ah ayd salaam guud iyo duco ah ayey wada yeesheen madax weyne Ax med Maxamed Silaanyo iyo Mada xweynaha Cusub, Md.Muuse Biixi Cabdi oo ay shacbiga Somaliland u doorteen inuu hoggaamiyo qaranka JS/land shanta sanno ee soo so cda oo ay wehelinayeen Madaxwe yne Ku xigeenka dib loo doortay, Md.C/maan C/hi Isma aciil (Saylici), gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad ee Xisbiga Kulmiye, masuuli yiin kala duwan oo ka mid ah xuk uumadda iyo xisbiga kulmiy

CIIDAMMO LAGU QARXIYAY MUQDISHO

Wararka ka imaanaya Degmada Hodan ee G/Banaadir, ayaa shee gaya ciidamo ka tirsan DFS ay sha lay subaxdii in halkaasi lagula eeg tay qarax miino. Qaraxan ayaa wax aa lala ee gtay ciidamo ka tirsan ku wa xasilinta, xilli ay ku lugeynaaye en Isgoyska Tarabuunka ee Deg mada Hodan, sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaasha.

Miinada ayaa lagu aasay wada da dhinaceeda,waxaana la qarxiy ay xilli ciidanka ay mar ayeen meel ku dhaw goobta lagu aasay Miina da ee Isgoyska Tarabuunka.

Hal askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa lagu soo waramay aa inuu ku dhintay qar axaasi, waxa a kale ku dhaawacmay mid kale sida Saraakiisha ay xaqiijiyeen.

Al Shabaab oo sheegtay masuuli yadda qaraxaasi waxa ay sheege en inay ku dileen 3 askari oo ka tir san ciidamada DFS.

RA’IISUL WASAARAHA OO SAFAR SHAQO KU TEGAY M/BAYDHABO

RW Xukuumadda FS Md. Xasan Cali Khayre ayaa safar shaqo oo ukuurgelid ah ku tegay M/Baydhabo ee xarunta kmg ah ee DGS ee K/ Galbeed. R/Wasaaraha oo ay we heliyaan xub no ka tirsan Golayaa sha DFS, ayaa waxaa garoonka di yaaradaha ee M/Baydhabo ku soo dhoweeyey Madaxweynaha KGs Md. Shariif Xasan Sh.Aadan.

R/Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey dadweynaha KGS soo dha weynta diiran ee ay u sameeyeen, wuxuna sheegay inta uu deegaan ka ku sugan yahay inuu wax badan ka baran doono.

Dhinaca kale, Md. Kheyrre ayaa booqday Jaamacadda Khayre ee degmada Baydhabo, wa xana halk aasi uu kula hadlay ardeyda Jaam acadda dhigata oo ku dhiirigeliyey iney sii wat aan waxbarashadooda.

Inta uu joogo M/Baydh abo, R/Was aare Khayre waxa uu la kulmi do onaa golayaasha, wax garadka iyo qaybaha bulshada ee Dawlad Gob oleedka KGS      DHAMMAAD

SHABAAB OO GUBAY GAARI AY LA SOCDEEN CIIDANKA UGANDA

Ururka Al Shabaab, ayaa shalay galab G/Sh/Hoose ku gubay mid ka mid ah gaadiid ay wa teen Ciidanka Militariga Uganda, ee qaybta ka ah Xoogagga Nabad Ilaalinta Midow ga Afrika.

Gaadiidkan oo ku socdaalayay inta u dhaxeyso Baraawe iyo Buulo Mareer, ayaa mid ka mid ah ay Shabaabku la beegsadeen qarax lagu diyaariyay wadada dhinacee da. Qaraxan ay aa qaybta dhexe ka haleelay gaarigan oo Taw ahaa.

Wararka, ayaa sheegaya in qar axaasi uu burbur soo gaarsiiyay ga arigaasi, sidoo kalena ay waxyeelo ka soo gaartay dhawr askari oo ga arigaasi saarneyd. Qaraxa oo ahaa mid aad u xoogan, ayaa waxaa xig ay rasaas ay dhawr jiho u furayn Ci idanka Uganda, inkastoo aan la so o sheegin cid wax ku noqotay rasa astaasi… Dadka deegaanka, ayaa waxay sheegeen in qaraxa iyo rasaastuba ay baqdin ku abuurtay, balse ay mahdinayaan in labaduba aanay waxyeelo ka soo gaarin shacabka.Idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa sheegtay in qaraxaasi uu ahaa miin ada nooca dhulka lagu aaso ee me elaha fog fog laga haggo.

Xoogaga Amisom oo xiray wad ada qaraxa lagula eegtay gaarigoo da, ayaa u gurmaday askartii ku wa xyeelooday qaraxaasi, waxayna go or dambe halkaasi ka jiiteen gaari gii laga gubay. Gelinkii dambe ee Talaadadii shalay, ayay ahayd mar kii Shabaabku ay qarax miino la ee gteen gaari xamuul ahaa oo ay lee yihiin Ciidamada Amisom, xilli uu m araayay duleedka Degmada Bara awe. Xigasho:dhacdo.com

SIDA UU U DHACAY DILKA XILDHI BAAN MADOOBE IYO ABUUKAATE OO KA HADLAY

Xildhibaan Maxamuud Abuuka ate oo kamid ah Baarlamaanka FS ayaa ka hadlay dil ilaal adiisa ay u geysteen mid kamid ahaa Xildhi ba anada baarlamanka Maamulka Ga lmudug oo maanta ka dhacay M/ Muqdisho.

Abuukaate ayaa sheegay in dilk aas uu dhacay kadib markii gaariga Xildhibaanka uu wa tay uu kusoo dhawaaday gaarigiisa islamarkaa na ay ka shakiyeen ilaaladisa taasi na ay keentay dilka loo geystay xi ldhibaanka ka tirsanaa baarlaman ka Galmudug oo lagu mag acaabi jirey Maxamed Cabdi Guuleed (Ma doobe).

"Gaariga inta uu igu dhicin ka hor ayey askarta la hadleen marxuum ka, si ay u istaajiyaan isagana waa uu diiday, bastooladd uu watay ay uu nagu soo riday, ka dib ilaaladey da ayaa rasaas ugu jawaabay” ay uu intaasi raaciyay. Sidoo kale Xil dhibaan Maxamuud Abuukaate oo kamid ah baarlamanka Soomaliya ayaa sheegay in askariga xabadda ku riday xildhibaan ka iyo qorigiisa in la geeyay xarunta dambi baarita ee CIDda si baaritaano loogu sameeyo.

GUDDOOMIYAHA BAARLAMAANKA JABUUTI OO MUQDISHO KU SOO WAJAHAN

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda uu soo gaaro wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti waxaa ka mid ah Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka socda Dowladda Jabuuti.

Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa ka socda qaban qaabo lagu soo dhaw eynayo wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cu smaan Jawaari ayaa sheegay in dhammaan Xildhibaanada iyo Guddoonka ay ka qeyb qaa danayaan soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cu smaan (Jawaari) ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soo socoto Guddoomiyaha Baarlama anka dalka Jabuuti uu khudbad u jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Waxa uu Xildhibaanada kula dardaarmay iney soo xaadiraan kulanka Sabtiga oo noqon doono sida Guddoomiye (Jawaari) uu sheegay kulan aan caadi ahayn.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda, waxa uuna booqan doonaa Xarumaha ay ku shaqeeyaan labada Golle ee Baarlamaanka.

10KA HOGGAAMIYE EE UGU WAQTIGA DHEER XILLIGAN QAARADDA AFRIKA.

Robert Mugabe oo 93 jir ah, ah aana hoggaamiyihii Zimbabwe laga soo bilaabo xoriyaddii dalkaasi 19 80kii ayaa talaadadii iscasilay, Mu gabe waxaa uu ka mid ahaa mad axda ugu waqtiga dheer adduunka iyo qaaradda Afrika.

Haddaba, Halkan Ka Akhriso, Madaxda Xillgan A frika Ugu Mud dada Dheer:

(1).TEODORO OBIANG NGUEMA MBA SOGO: MADAXWEYNA HA EQUATO RIAL GUINEA 1979

Teodoro Obiang Nguema Mba sogo, sheekadiisa waa mid xiiso ba dan, waxaa uu ka soo baxay Aka adem iyad Militari oo ku taallo Spa in, isaga oo madax ka noq ay Jasii rad illaa adeerkiis Macías Nguema oo madax weyne dalkaasi ka ahaa uu dilo aabihiisa iyo inta badan qa raabadooda, markaasi ka dib Teod oro Obiang Nguema Mbasogo ay aa dagaal la lagay madaxweyne Macías Nguema, waana ka adka ay, ninka dambe car uurtiisa waxaa uu u diray Waqooyiga Kuuriya isa gana waxaa lagu qabtay baadiyaha dalkaasi, ugu dambeynti ina waa la toogtay!

Teodoro Obiang Nguema Mba sogo, wixii xilligaasi ka dambeeyay, waxaa uu madax ka yahay dalka Equatorial Guinea, waa dalka ugu hodonsan qaaradda Afrika, wiilki isa iyo dadka ku dhaw waxaa gan acsi ku leeyihiin qaaradda Yurub.

(2).PAUL BIYA: MADAXWEYNAHA CAMEROON 6 NOVEMBER 1982.

Inta uusan madaxweyne ka noq on Cameroon 1982dii, Biya wax aa uu ra’isul wasaare u ahaa mad axweynihii isaga ka horeeyay ee Ahmadou Ahidjo. Paul Biya, marar badan ayaa waxaa la soo gudbo onaaday cadaadis badan balse wa xaa uu uga badbaaday xiriirka uu la leeyahay dalka Faransiiska oo horay u soo gumeystay dalka Cam eroon!!

(3) . YOWERI MUSEVENI – MADAX WEYNAHA UGANADA 29 JANUARY 1986 Yoweri Museveni, waxaa uu dalkaasi madax ka yahay tan 1986 kii, waa madaxweynihii ugu mud dada dheeraa dalkaasi, waxaa ku soo xigay Idi Amin iyo Milton Obote.

Dad badan oo reer Uganada ah ay aa kula taliyay in uu xukunka ka da go ama tartanka madaxtinnimada isaga haro, waxaa uu ku jawaabay "Haddii aan dhinto xitaa, qabriga ayaan ka soo tartamayaa”!!

(4). BOQOR MSWATI III (SWAZILAND) – 1986.

Boqorkan Swaziland, waxaa uu dalka qabsaday April 1986, marka as uu gaaray 18 jir, 4 sano kadib marka uu aabbihii geeriyooday!!

Dalkaasi waxaa uu ku heystaa awood aan xad laheyn, in kasta oo dalku leeyahay baarlamaan, ra’isul wasaare iyo xukuumad, haddana isa ga ayaa ka awood badan!! Rag ga qaaradda Afrika ku nool waxaa uu dheer yahay boqornimada mar ka laga soo tago, Septe mber sana dkan waxaa uu guursaday gabar 19 jir ah oo noqoneysa xaaskiisa 14aad!!!

(5). CUMAR XASAN ALBASHIR – MADAXWEYNAHA SUUDAAN 1989

Madaxweyne Cumar Xasan Alba shir waxaa uu sanadkii 1989kii afg ambi aan dhiig kudaadan xukunka uga tuuray ra’isul wasaare Saadiq AlMahdi.

Intii uu talada hayey, waxaa dalkii sa waxaa ka go’ay Koonfurta Suud aan, waxaa looga ye eray maxkam adda ICC, dalkiisa waxaa uu ku jir aa 3 dal oo deyn ka qaadan Karin hey’adaha lacagta adduunka!

(6). IDRISS DÉBY – MADAXWEYNAHA CHAD 1990

Madaxweyne Idriss Déby, waxaa uu dalka Chad qabsaday 1990kii, Déby waxaa ay isku dhaceen isa ga iyo madaxweynihii xilligaas Xis sene Habré. Déby waxaa loo mu saafuriyay dalka Libya, taageero uu ka helay dalalka Libya iyo Suud aan ayuu weerar ku soo qaaday Ha bré, sanad kadibna waxaa uu la wareegay caasimadda N’Djaména.

(7). ISAIAS AFWERKI – MADAXWEYN AHA ERITREA 1993Dalka Eritrea tan iyo markii uu xuriyadda ka qaatay dalka Itoobiya, ma arkin hoggaamI ye aan Isaias Af werki aheyn!! Afw erki, waa nin aan nixin, Xisbigi isa ma ahee cid kale si yaasad ka ma shaqeyn karto, arri maha dimo qoraadiyadda iyo hantigoosadka la xiriira maba qoro, ee deynta reer galbeedka iyo dariska, dhegjalaq uma siiyo!!

(8). PAUL KAGAME HOGGAAMIYAHA RWANDA 1994

1994, Paul Kagame iyo kooxdii sa RPF, waxaa ay ka adkaadeen ci idamada the Rwandan National Ar my kadib xasuuqii Rwanda ka dha cay. Xilligaasi wixii ka dambeeyay Paul Kag ame isaga ayaa dalkaasi hoggaamiye ka ahaa, waxaa uu madaxweyne ka dhigay Pasteur Bi zimungu illaa markii dambe uu iska tagay 2000.

Paul Kagame ayaa la doortay 20 00, waana madaxweynaha dalkaa si, doorasho kasta oo dhacda isaga ayaa hela 99%!!

(9). DENIS SASSOU NGUESSO – MADAXWEYNAHA REPUBLIC OF THE CONGO 1997

Madaxweyne Nguesso waa markii 2aad uu dalkaasi maamulo, horay waxaa uu madaxweyne u noqday 1979 1992, isaga oo mar kale dib madaxweyne u noqday 1997. Mark an dambe, dal ka Republic of the Congo waxaa uu ku jiray dagaal sokeeye, waxaa uu xilka ka xoogay madaxweyne Pascal Lissouba illaa iyo hadda isaga ayaa xukuma!!

(10): 1999: WAXAA MADAXWEYNE NOQDAY RAG BADAN OO AY KU JIRA AN CABDELAZIZ BOUTEFLIQA, BOQORKA MOROCO,

Madaxweynaha Djibouti Ismaaci il Cumar Geelle iyo Madaxweyana ha Gabon Cali Bongo!! Kooxda Re cordkooda Aan La Jabin:

Waxaa jira madax kale oo illaa iyo hadda la jibin la’ayahy Recordkooda xagga xukunka qaara dda Af rika, waxaa ka mid ah : Boqorkii Ethiopia Haile Selassie, kaas oo la tuu ray 1974, wax aa uu boqor ahaa 44 sano!! Mucamar AlQadaafi, Ma daxweyni hii Libyan, waxaa la dilay 2011-kii, waxaa uu dalkaasi maa mulayey 42 sano!! Omar Bongo On dimba, Waxaa uu ahaa madax wey naha Gabon, wa xaa uu dalka asi xukumayey il laa uu ka dhinto October 2011, 41 sano ayuu talin ayey!! WD: CABDI CAZIZ GURBIYE

MAXAY SAXAAFADDA IMAARAADKA KA QOREEN SAFARKII MADAXWEYNAHA EE IMAARAADKA CARABTA?

Wargeysyada iyo wakaalada da lalka Carabta ayaa Dorraad ilaa iyo habeen hore falan qeynayay sa farkii Madaxweyne Farmaajo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta. Sh.Moh amed bin Zayed dhaxal sug aha Imaaradda Abu Dubey, ahna ku xigeenka taliya ciidamada Qalab ka sida ee Imaaraatka, ayaa kusoo dhaweeyey Madaxweynaha JFS Md.M.C/hi Far maajo Qasriga Shaa di’, isaga iyo wafdiga uu hoggaam inayo.

Waxay ka wada hadleen dhaxal sugaha iyo Madaxweynaha xidhii dhka labada waddan ee walaalaha ah iyo sidii loo horumarin lahaa, wa xyaabaha u adeegaya danaha lab ada wadan iyo shacab.

Qodobada xoogga la saaray ee laga wada hadlay waxaa ugu muhii msanaa arrimaha horu marka, weli ba barnaamijyada gargaarka iyo sa mafalka iyo mashaariicda dib u dhi ska ee ay waddo Dowladda Isutag ga Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, waxaa laga wada had lay in la iska kaashado la dagalaal lanka Argagaxisada iyo kooxaha hubaysan iyo sidii si wadajir ah looga shaqeyn lahaa amniga iyo degenaanshaha dhulka Soomaali yeed. Waxaa Madaxweynaha So omaaliya uga warbixiyey dhaxals ugaha Imaaradda Abu Dubay xaal adihii ugu danbeeyey iyo horuma rada ay Dowladdiisu ka sameysay la dagaalanka Argagaxisada iyo ka hortegidda kooxaha hubaysan ee caqabada ku ah ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

Sheikh Mohamed bin Zayid wuxuu xoojiyey in Dowladdiisa ay diyaar u tahay mar walba caaw imaada Sha cabka Soomaaliyeed iyo dhisidda Hayadaha Dowladda iyo Nabadgel yada iyo deganaanshaha dalka. Wuxuuna u rajeeyey Dowladda So omaaliya ee aan walaalaha nahay horumar iyo inaan iska kaashanno mar walba dibudhiska iyo horumar inta Soomaa liya.Md.Farmaajo ayaa sidoo kale uga mahadceliyey Dowl adda Imaaraadka mowqifyada iyo garab istaagga ay markasta diyaar ka ugu tahay sidii Soomaaliya ay u gu soo noqon lahayd Dowlad xoo ggan, amni ahaan iyo horumar aha anba.

Sidoo kale, labada masuul waxay ka wada hadleen waxyaabaha kas oo kordhay gobolka iyo caalamka, iyo qaddiyaha labada dal mideeya.

Sheekh Maxamed Bin Zayed ayaa bartiisa twitter ka soo dhigay kulan ka madaxweynaha iyo in ay isla qa adaa dhigeen xoojinta xirii rka 2da iyo arrimaha gobolka.

Si kastaba, booqashada Mada xweynaha ee Imaaraadka ayaa me esha ka saaraysa mugdiyo hore u jiray. Warar lagu kalsoonaan karo waxa ay sheegayaan in dowladda Imaar aadka ay bilaha soo socdo labo jibaareyo hawlaha ay Soomaa liya ka hayso oo ay ugu horre eya an dibu dhiska ciidamada, gargaar ka iyo mashaariicda horumarinta. Waxaa kale oo jira mashaariic hor umarineed iyo kaalmo dhaqaale in loo ballan qaaday Madaxweyne Fa rmaajo.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U HAMBALYEEYAY MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE SOMALILAND

Madaxweynaha JFS Md.Max amed C/hi Farmaajo ayaa u hamb alyeeyey Madaxweynaha la door tay ee Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi. MdFarmaajo ayaa shacab ka deegaannada Somaliland, xisb iyada, hay’adaha amniga iyo mad axda tartantayba ku ammaanay si da nab adda ah oo ay doorashooyin ka Somaliland u dhaceen, kuwaas oo sumcad, sharaf iyo karaa ma u soo hooyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Md.Farmaajo ayaa yiri "Waxaan u mahad celinayaa dhammaan xisb iyada iyo musharaxi intii ku tarta may Somaliland sida dimuqraadiy adda ahayd ee ay u tartameen. Wa xaan si dhaw ula socday hannaan ka diiwaan gelinta, olalaha door ashada iyo codbixinta oo dhamma antood ay ka muuqatay ilbaxnimo iyo isu dulqaadasho siyaasadeed."

"Madaxweynaha la doortay Md. Biixi waxaan u ballanqaadayaa ina an kala shaqeynayo dar dargelinta wadahadalladii u dhaxeeyey DFS iyo Somaliland si aan u soo celinno kalsoonida shacabka.”

Md Farmaajo waxa uu rajeeyay madaxda cusub ee Somaliland in uu Eebe u fududeeyo howlaha loo Igmaday iyo sidii ay horseed ugu noqon lahaayeen waayo cusub oo u biloowda Soomaaliya oo idil.

DHAMMAAD

CIIDAMADA AMNIGA SOMALILAND OO XIRAY LABO MAS’UUL OO KA TIRSAN XISBIGA WADDANI

Ciidamada Amniga Somalila nd ayaa xabsiga dhigay wasiirkii ho re ee Kalluumaysiga iyo dekedda ha Dr. Maxamed Yaasiin oo ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee WA DDANI iyo Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (TimaCadde) oo ka tirsan golaha deeg aan ka ee Hargeysa.

Maxamed Yaasiin Sida wararka ku halayno waxaa Maxamed Yaasiin la gu eedeeyey Buuggii codeynta ee laga xaday go ob do orasho oo ku taalla M/Berbe ra, ka dibna xisbigiisa WADDANI ku eedeeyey Komishanka doorash ooyinka in lagu codaynayey Buug a ag foojari ah oo aan ahayn kuwii lo ogu tala galay doorashadda.

Hase ahaatee markii xisbiga WADANI iyo Komishanku kulmay ayeey cad aatay in buugga asi la raadinayey oo laga xaday Komishanka.

Illaa hadda xukuumadda iyo xisb iga WADDANI kama soo saarin war ku saabsan xadhiga masuuliyii ntaasi, waxaana la filayaa in saaca daha soo socda ka hadli doonaan.

GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLEEDYADA OO DALBADAY IN LA HAKIYO ANSIXINTA HINDISE SHARCIYEEDYADA

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa soo saaray qoraal ay ku dalbanayaan in la hakiyo ansixinta Hindise sharciyeedka Xukuumadda ay horgeysay Baarlamaanka, iyagoo ku baaqay in wada hadal laga sameeyo hindise sharciyeedka ka hor inta aan la ansixin.

Warqad ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Golaha ahna Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa ku taariikheysneyd 14kii bishan.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa sheegay in xilligan ay jiraan Hindise shar ciyeedyo aan lagala tashan, kuwaasoo horyaala Golaha shacabka, halka qaarkood la ansi xiyay, kaasoo ugu dambeeyay Hindise sharciyeedka Biyaha.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka codsaday Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo ku matala dowladda Federaalka in la joojiyo dhamaan Hindise sharciyeedyada ay soo gudbineyso Xukuumadda ka doodistooda iyo ansixintooda, inta Xukuumadda ka fuli neyso qodob ka mid ahaa heshiiskii 5tii bishan dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ahaa inta aan la horgeyn Golayaasha Baarlamaanka in lagala tashado maamul goboleedyada, si aysan caqabad ugu imaan dhaqan gelintooda.

RATKO MLADIC OO MAXKAMADA HAGUE KU XUKUNTAY XABSI DAA’IN

Taliyihii hore ee Serbiyiinta Bosnia Ratko Mladic ayaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu helay dambiyo xasuuq iyo dilal ay ka mid yihiin oo uu ka gaystay dagaalkii Bosnia ee sa gaashamaadkii.

Mladic oo loo yiqiin "Kawaanlihii Bosnia”ayaa hogaaminayay ciidamo badan intii uu socday xasuuqii muslimiinta Bosnia ee Srebrnica iyo go’doomintii Sarajevo.

Maxkamadda qaramada midoobay ee Hague ayaa ku heshay 10 ka mid ah 11 eedeymood.

Mladic oo 74 jir ah ayaan joogin maxkamada markii xukunka la akhriyayey, waxa la saaray isagoo ku qaylinaya xaakimiinta.

"Waa been. Wax kasta oo aad qolkan maxkamada ka sheegteeb waa been” ayuu yiri.

Maxkamada ayaa diiday in dib loo dhigo qaadista dacwada kadib markii qareenada u doo dayay Mladic ay sheegeen inuu hayo cudurka dhiig karka.

Mladic wuu beeniyey dhamaan eedaymaha qareenkiisuna waxa uu sheegay in racfaan uu ka qaadan doono xukunka.

Maxkamada Haig ayaa hore ugu tilmaantay xasuuq dil loo geystey 8,000 oo Muslimiin ah oo ku noolaa srebnica.

Mladic ayaa muddo 16 sanadood ah baxsad ahaa hase yeeshee sanadkii 2011kii ayaa laga soo qabtay guri ku yaal Waqooyiga Serbia.

BOGGA CAYAARAHA…

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA KULANKII AY MAN UNITED GUULDARADA KA SOO GAARTAY FC BASEL – KUMAA AHAA XIDDIGA GAROONKA? KUMAASE UGU LIITAY CIYAARTA?

Qaab ciyaareed aad u liita oo ay soo bandhigtay Manchester United qeybtii labaad ee ciyaartii xalayto ayaa keentay in kooxda Basel ay guul lama filaan ah ka gaarto kooxda Jose Mourinho iyagoo uga mahadcelinaya goolkii uu dhamaadkii ciyaarta u dhaliyay Michael Lang. Basel waxa ay ku jirtaa haatan kaalinta labaad ee Group A iyagoo ku dhibco ah kooxda CSKA Moscow.

Xiddigii ugu liitay ciyaarta

Manchester United waxa ay heysataa labo xiddig oo garab weerar ka ciyaari jiray balse haatan xureystay boosaska daafaca midig iyo kan bidix, taasoo aan xayaysiin fiican u aheyn daafacyada garab ee rasmiga ah ee kooxda jooga sida Matteo Darmain iyo Daley Blind. Labada daafac garab ayaana ahaa kuwa aad u liitay xalayto, gaar ahaan Darmian; uma dhawa xitaa inuu booska ka galo da’ yarka Axel Tuanzebe.

Xiddiga garoonka

Michael Lang (Basel) Waxa uu ahaa weerarka kaliya ee ka dhex muuqday kooxda reer Switzerland ee Basel 90kii daqiiqo ee ciyaarta, dhamaadkii ciyaarta waxa uu sameeyay orod aad u fiican taasoo keentay inuu shabaqa dhex dhigo goolka guusha.

Qiimeynta ciyaartoyda

Basel: Vaclik 7, Akanji 6, Suchy 6, Balanta 6, Lang 7, Serey Die 7, Zuffi 6, Petretta 6, Steffen 6, Elyounoussi 6, Oberlin 5.

Bedel: Fransson 6.

Manchester United: Romero 6, Darmian 4, Smalling 6, Rojo 7, Blind 5, Herrera 4, Pogba 6, Fellaini 6, Lingard 5, Lukaku 5, Martial 6.

Bedel: Rashford 6, Matic 6, Ibrahimovic 6.

Champions League - Group A

CSKA Moscow 2 - 0 Benfica

Basel 1 - 0 Manchester United

Champions League - Group B

Anderlecht 1 - 2 Bayern Munich

Paris Saint Germain 7 - 1 Celtic

Champions League - Group C

Qarabag FK 0 - 4 Chelsea

Atletico Madrid 2 - 0 Roma

Champions League - Group D

Juventus 0 - 0 Barcelona

Sporting CP 3 - 1 Olympiacos






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip