Wax Qabadkii Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere Si Fudud Miyaa Lagu Ilaabay Mise Waala Xusuustaa Weli?

0
Saturday November 18, 2017 - 19:04:13 in Wararka by
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax Qabadkii Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere Si Fudud Miyaa Lagu Ilaabay Mise Waala Xusuustaa Weli?

    Alle ha u naxariistee Guddoomyihii hore ee Gobolka Shabeellaha dhexe & Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),ayaa bishii 15/November sanadkii 2012-kii Muqdisho ugu geeriyooday xanuun mudo hayay. Wararka geeridiisa ku saabsani wax

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Alle ha u naxariistee Guddoomyihii hore ee Gobolka Shabeellaha dhexe & Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere),ayaa bishii 15/November sanadkii 2012-kii Muqdisho ugu geeriyooday xanuun mudo hayay. Wararka geeridiisa ku saabsani waxay sheegayaan in lagu waday in magaalada Nairobi loo duuliyo maalin ka hor geeridiisa, hase yeeshee, dayuuradii qaadi lahayd laga waayey neeftii Oxygen-ta, sidaas darteed uu ugu sii nagaaday cisbitaalka Xalane,halkaas ku geeriyooday.
Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb ayaa mudo Lixsano ah ka taliyay magaalada Jowhar iyo guud ahaan Gobolka Shabeellaha ka hor inta aysan kala wareegeen Xoogagii Midowga Maxkamadaha Islaamiga Maalin Arbaco oo bisha June ay ku beegan tahay 14, 2006.

Mudadii maamulka Maxamed Dheere uu gacanta ku hayay Gobolka Shabeellaha dhexe wuxuu dib u soo celiyay nidaamkii iyo kala danbeyntii Gobolka,wuxuuna meesha ka saaray dhiig badan oo ku daaday dagaal qabaa’ileed Gobolka guud ahaan ka jiray. Sidoo kale,wuxuu xaqiijiyay Amniga Gobolka,wuxuu hagaajiyay saldhiga degmada Jowhar oo si dhaqsi ah u howl bilaabay laguna garqaadi jiray danbiyada dhaca,sidoo kale wuxuu howlgeliyay Maxkamadii Gobolka iyo tan degmada Jowhar oo lagu kala bixiyay jiray. Dadka sida aadka ah isha ugu hayay maamulka Maxamed Dheere waxay sheegaan inuu yahay Aabihii Shacabka Shabeellaha dhexe kana mudan yahay iney mar waliba xusuusnaadaan.

Wax qabadkii Halyeey Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere si fudud miyaa lagu ilaabay mise waala Xusuustaa Weli?

Dadka hadda siyaasada ugu caansan ee Gobolka Shabeellaha dhexe ka soo jeeda waxaa la sheegayaa inuu isaga sabab u yahay inuu siyaasadda soo galaan caana ka noqdaan. Waxaana tusaale kugu filan madaxweyne ku xigeenka hadda maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ahaa madaxii maaliyadda maamulkii Alle ha u naxariistee Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere iyo Cali Maxamed Geedi oo Ra’iisal wasaare ka soo noqday Dowladdii Alle ha u naxariistee C/llaahi Yuusuf Axmed oo Maxamed Dheere oo xilkiisa uga tanaasulay sidaasina Ra’iisal wasaare ku noqday. Sidoo kale,Maamulkii uu hogaaminayay Maxamed Dheere waxaa lagu Xusuustaa iney soo dhaweysay Dowladii ugu horeysay oo dhalata wixii ka danbeeyay markii nimaamkii Maxamed Siyaad Barre uu meesha ka baxay.

Hadaba, Muhiimada Qormadeyda waxay tahay soo ma mudna mudaha intaasi oo idil u soo huray shacabkiisa Shabeellaha dhexe in loogu magacdaro Garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar oo isaga laftiisa gacantiisa uu ku howlgeliyay ka dib mudo ka badan 15-sano uu xirnaa. Mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka Hirshabeelle waxaan kula talin lahaa in Arintaan il gaar ah ku eegaan,islamarkaana loo sameeyo xitaa ugu yaraan meel lagu xusuusto halyeygaasi oo aan si fudud lagu ilaabin waxqabadkiisii muuqday

W/Q: Daahir Aadan Ali Dayax781@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip