Ciidamada Kenya oo Ku Guul Dareystay in Al-shabaab ay Ka Mamnuucaan Dhoofinta Dhuxusha!!

0
Monday November 13, 2017 - 09:25:05 in Wararka by
  • Visits: 410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo Ku Guul Dareystay in Al-shabaab ay Ka Mamnuucaan Dhoofinta Dhuxusha!!

    Ciidamada Difaaca dalka Kenya gaar ahaan qeybta ka Tirsan howlgalka midowga Africa Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa qaramada midoobay waxa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay ku guuldareesteen mamnuucidda dhoofinta dhuxusha laga dhoofiyo dakadda m

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Difaaca dalka Kenya gaar ahaan qeybta ka Tirsan howlgalka midowga Africa Soomaaliya ee loo yaqaano AMISOM ayaa qaramada midoobay waxa ay sheegtay in ciidamada Kenya ay ku guuldareesteen mamnuucidda dhoofinta dhuxusha laga dhoofiyo dakadda magaalada Kismaayo oo Al-shabaab ay dhoofiyaan.

Warkaan Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Xarakada Al shabaab ay ka helaan lacag dhan 10 Million oo dollar sanadkiiba dhuxusha laga keeno koofurta Soomaaliya taa oo laga dhoofiyo Dakadda magaalada kismaayo ee gobalka jubbada hoose halkaa oo Ciidamada Kenya ay ka howlgalaan.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa ka howlgala dakaddaha Kismaayo Iyo Buur Gaabo iyadoo qabiirada qaramada midobe ay sheegeen in dowladda Kenya ay ku fashilmatay ka hortagista dhuxusha ay dhoofiyaan dagaalyahanada Xarakada Al shbaab.

Ma ahan markii ugu horeesay oo Qaramada midoobay ay dowladda Kenya ku edeeyso dhoofinta dhuxasho iyo in aysan mamnuucin ciidamada Kenya dhuxusha laga dhoofiyo dakadda magalada Kismaayo.

Kooxda u qaabilsan cunaqateenta hubka ee saran soomaaliya iyo ereteria ayaa sanadkii hore waxa ay sheegeen in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM in sanadii hore in halkii juuni oo dhuxul ah ay ka helaan 2$ kuwaa oo maraakiibtu ay ka dhoofiyaan dakadda magaalada kismaayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip