WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA DICEMBAR 2015-KA

0
Tuesday December 08, 2015 - 10:20:57 in Wararka by
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA DICEMBAR 2015-KA

    MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO WAKIILKA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA OO KU KULMAY MUQDISHO Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Muqdisho kula kulmay wakii lka dowladda Mareykanka ee arrimaha Somaliya, David H. Kaeuper, iyagoo kawada h

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA IYO WAKIILKA MAREYKANKA EE SOOMAALIYA OO KU KULMAY MUQDISHO Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Muqdisho kula kulmay wakii lka dowladda Mareykanka ee arrimaha Somaliya, David H. Kaeuper, iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada waddan. Xasan Sheekh ayaa ergayga Mareykanka ee arrimaha Somaliya uga warbixiyay horumarka la ga sameeyay amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada Somalia sannadihii u lasoo dhaafay.

Sidoo kale, danjire Kaeuper ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay dadaalka dib u heshiisiinta iyo wad atashiyada siyaasadeed ee dalka ka socda, kuwaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo ku qotoma Hiig siga Somalia ee 2016ka.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya iyo wakiilka Mareykanka ayaa isku afgartay in Som alyia laga taageero dhameystirka barnaamijyada siyaasada, sida; dhaqaalaha iyo amniga si dalku u sameeyo dib u soo kabasho buuxda.

GAAS & GUULEED OO SOO GAARAY MAGAALADA MUQDISHO

Madaxda Maamul Goboleedyada Puntland iyo Galmudug, ayaa waxay shalay galab soo gaare en Magaalada Muqdisho, iyadoona lagu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde.

Xubnahaan oo ka soo amba baxay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxaa horkacaayay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, ayaa Muqdisho uga qaybgeli doono Shirka Mad asha Wada Tashiga Qaran Ee Doorashada 2016, shirkaasi oo Talaadada lagu wado in uu ka furmo Muqdisho.

Ra’isal Wasaare Sharmaarke oo hormuud u ahaa gudiga dhex dhexaadinta ka waday Magaal ada Gaalkacyo, ayaa ku soo guuleystay xalinta khilaafyada sababay dagaal dhex maray Maamulada Galmudug iyo Puntland. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa isaga soo dhawaaday halkii ay kala joggeen bil ka hor, waxaana tani tallaabo wanaagsan u arka shacabka ku dhaqan Gobolka Mudug.

KULAN LOOGU DUCEEYAY ALLAHA U NAXARIISTEE WARIYE COWKE OO MUQDISHO LAGU QABTAY

Kulan lagu xusuusanayay islamarkaana loogu duceynayay Allaha u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cowke oo bishii hore ku geeriyooday Magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa shalay lagu qabtay Muqdisho, iyadoo kulankaasi ay soo qaban qaabiyeen Suxufiyiinta magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Suxuufiyiin,Abwaano iyo marti Sharaf kale.

Kulanka Dadkii ka hadalay ka jeediyay ayaa u duceeyay Allaha U naxariistee Axmed Xaasn Co wke, Waxaana Abwaan Cusmaan C/laahi Cusmaan Guure oo ah Agaasimaha Radio Kulmiye ayaa halkaasi ka tiriyay tix gabay oo uu ugu duceynayay Allaha u naxariistee marxuumka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xuukuumadda Federaalka Soomaal iya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Wasaaraddu ay sameyn doonto Ma chad lagu qoro Magaca Wariye Cawke si loogu Xasuusto Taariikhda Wariyahasi ama mid kamid ah Istuudiyaasha Radio Muqdisho loogu Magac dari doono Allah ha u naxariistee Wariye Axmed Xaasn Cawke.

WASIIRKA WARFAAFINTA DALKA IYO MAS’UULIYIIN KALE OO BOOQDAY CARUURTA AY KA GEERIYOOTAY MARXUUMAD HINDIYA ..

Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dalka Maxamed Cabdi Xasan Beekoos, Wasiir ku xigeenka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Soomaal iya,Xildhibaanno, iyo mas’uuliyiin kale ayaa shalay booqday hooyga ay ku noolyihiin caruurta ay ka geeriyootay Marxuumad Hindiya oo Khamiistii la soo dhaafay ugu geeriyootay waxyaabaha qarxa oo dhagar qabayaal ay ugu soo xireen gaarigeeda.

Guriga mas’uuliyiintaasi ay booqdeen ayaa waxa ay ku soo arkeen caruur hooyo iyo aaba la’ aan ay dhigeen manaxayaasha Al Shabaab, waxaan la joogay dad u badan haween oo ay ka muuqa tay murugo, waxaana mas’uuliyiinta ay la qeybsadeen murugada, iyagoo sheegay in ay ka xunyihiin waxa dhacay, waxaana caruurtaasi hadda gacanta ay ku heyso hooyada dhashay marxuumad Hindiya Allaha u naxariistee.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa sheegay in ay ka wada xunyihiin geerida All aha u naxariistee Marxuumad Hindiya iyo Marxuum Liibaan Cali Nuur oo labaduba u dhintay Qaran ka Soomaaliyeed kuna baxay gacanta argagaxisada Al Shabaab, Waxaana uu xusay in Dowladda ay la socdon doonto caruurtan oo waalidkoodu ay u dhinteen sidaasina waxaa yiri wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska dowladda federaalka soomaaliya Md. Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

DOWLADDA FS OO SHALAY SHAACISAY INUU ISKU SOO DHIIBAY NIN MAREYKAN AH OO KA TIRSANAA SHABAAB

Dowladda Somaliya ayaa sheegay inuu isu soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan deg mada Baraawe ee gobolka dagaalyahan u dhashay dalka Mareykanka oo ka tirsanaa Alshabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Xuseen Maxamed Barre oo wareysi siinayay VOAda ayaa sheegay in ninkan Maraykanka ah uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda Somalia ee ku sugan degmada Baraawe.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in in ninkan uu u sheegay in uu kasoo ba xsaday dagaalka u dhexeeya Alshabaab ee salka ku haya inay ISIS ka mid noqdaan iyo inay kasii mid ahaadaan kooxda AlQaacida.

Gudoomiyaha degmada Baraawe Xuseen Maxamed Barre, waxa uu sheegay in ninkan uu u sheegay in la doonayey in la dilo, sidaas darteedna uu naftiisa u baqay oo uu soo baxsaday.

"Wuxuu ninkan noo sheegay inuu kasoo baxday Alshabaab, wuxuuna Baraawe soo gaaray isa goo rafaad uu ka muuqdo, waxaana gacanta ku dhigay ciidamada millateriga Somalia ee degmada ku sugan,” ayuu yri Barre.

Mar la weydiiyay gudoomiyaha oo ahayd in markii uu gacanta u soo galay ay weydiiyeen, halka uu ka yimid, cidda uu yahay iyo magaciisa, ayuu kaga jawaabay. "Runtii wareysi aan la yeelannay, wuxuuna noo sheegay inuu kasoo baxsaday Alshabaab, cabsina ay u geysay inuu cabsi awgeed u soo baxday, isla markaana lagu dilay deegaanno Kuunyobarroow ka mid ah rag badan uu xusay inay saaxiibbo ahaayeen; ayna taasi keentay inuu soo baxsado.”

Isagoo sii hadlayay guddoomiyaha degmada Baraawe ayaa wuxuu sheegay inuu u sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare ee xarakada Alshabaab rag badan oo ay si dhow asxaab u ahaay eenna la dilay, xitaanka far ka mid ah farahiisa ay kaga go’day dagaal uu galay.

Su’aal kale oo ahayd afka uu ku hadlayo ninkan Mareykanka ah ayuu Barre xusay inuu ku hadl ayo luuqadda Ingiriiska, isla markaana uusan afka Soomaaliga, si wanaagsan u aqoon; uuna yahay Mareykan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inuu nin kan qiyaas ahaan jiro 40sanadood, ayna baaritaanno adag ku hayaan hay’adaha nabadsugidda Som aliya, magaciisa rasmiga ahna uusan weli u sheegin.

Alshabaab; ayaan weli ka hadlin sarakaalkan Mareykanka ah ee ka tirsanaa oo u baxsaday dha nka dowladda federaalka Somaliya, inkastoo ay saraakiisha sare ee Alshabaab ay horay u sheegeen inay gacmaha qaban doonaan cid walba oo isku dayda inay kala qaybiso safkooda.

MADAXWEYNAHA: "DOWLADDA WAXAY DHIIRIGELINEYSAA NIDAAMKA GANACSIGA XORTA AH, GANACSATADANA WAXAA LOOGA FADHIYAA INAY CANSHUURTA BIXIYAAN SI WADDANKU UU HORUMAR U GAARO’’

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay aa shalay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirg eliyeen ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burb urey shalay dib loo unkay.

"Waddankan inagaa ayaa duminay haddaan nahay Soomaali, dib u dhiskiisana inaga ayaa la in ooga fadhiyaa. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna waxay qeyb ahaan fuli sey baaqii aan horay u soo jeediyay ee ahaa DALKAAGA DHISO. Waddanka si tartiib tartiib ah ayuu uga soo kabanayaa dhibaatadii nagu habsatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey Madaxweynaha in wax walba ay ku qurxoon yihiin marka nidaam loo sameeyo, lagama maarmaanna ay tahay in ganacsigeena uu noqdo mid sharciga waafaqsan.

"Ganacsiga waddankeena waa in shuruuc loo sameeyaa si uu u noqdo mid la jaanqaada gana csiga kale ee caalamka. Waad aragtaan in ganacsatadeena ay hanti badan geliyeen dalalka shish eeye , iyagoo taas sabab uga dhigaya jiritaanka nidaam iyo sharci ganacsi oo lagu kala dambe eyo. Inaan nidaam sameysano waxay naga caawineysaa soo jiidashada maalgashi ka yimaada dibedda iyo gudaha, haba ugu badnaadeen Soomaalida’’.

Waxaa uu sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soo maalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaa raan.

"Waan dhiirigelinayaa ganacsiga xorta ah. Ganacsatada Soomaalida ee waddankooda maalga shanayaa aad baan u bogaadinayaa, balse waa inaaney ilaabin waajibka kale ee ka saaran bixinta canshuurta si loo dedejiyo dib u dhiska dalka, iyadoo laga duulayo duruufta gaarka ah ee dalkeena haysta’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardargeliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

TALIYIHII CIIDAMADA ILAALADA GAROONKA DIYAARADAHA BOOSAASO OO LA DILAY

Taliyihii ciidamada garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso Col. Xasan Shire Amaan ayaa shalay la dilay, iyadoo dilkiisa uu ka dambeeyay askari ka mid ah Ilaalada garoonka.

Wararka ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu rasaas ooda ugu qaaday, iyadoo taliyaha u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaasta.

Askariga dilka geystay ayaa durbaba meesha ka baxsaday, lamana oga sababta uu u dilay, iyo waxa ka dhaxeeyay, hase ahaatee ciidamada ammaanka ayaa wada howl gallo lagu baadigo obay askariga dilka geystay.

Ciidamada ayaa baaritaano ka wada qeybo ka mid ah magaalada iyo koontaroolka koofureed, waxaana baaritaankan uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaalada.

Col. Xasan Shire ayaa in muddo ah soo ahaa taliyaha ciidamada ilaalada garoonka diyaara daha, waxaana xilligan garoonka diyaaradaha Boosaaso ku socda dhisme ballaaran.

SHIRKADA GLOBAL INTERNET OO SHALAY SOO BANDHIGTAY ADEEG CASRI AH OO INTERNET

Shirkada Global Internet ayaa soo bandhigtay shalay adeeg cusub oo Internet, kaasoo xawaari hiisu sarreeyo, ayna dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed isticmaali karaan.

Maamulka shirkadda Global Internet, C/qaadir Xasan Axmed oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa tilmaamay in shirkadda ay soo bandhigtay adeeg casri ah oo lagu magacaabo Som net Telecom MIFI 4G, kaasoo aad ka heleyso internet xawaarihiisu aad u sarreeyo , isla markaana ay bulshada isticmaaleysa u adeegsanayaan simcard cusub oo aad ku isticmaali karto meelkasta oo aad caasimada ka joogto.

Sidoo kale, C/qaadir Xasan ayaa warbaahinta u sharraxay adeegga cusub ee ay shalay soo ba ndhigtay Global Internet, kaasoo ay adeegsan karaan ardayda waxbaratada iyo qaybaha shacabka ee daneynaya inay isticmaalaan Internetka.

"Somnet Telecom MIFI 4G LTE, waxay soo bandhigtay shalay, adeeggan qof kasta uu isticma ali karaa, qiimaha qalabka waa 95-doollar, 20 GB oo free ah ayaa ku jirta, waxaad u isticmaali kartaa, teleefonkaaga iyo kambiyuutarkaaga meel walba oo aad Muqdisho kaga sugan tahay, markay kaa dhammaato muddada bisha ah ee aad isticmaaleyso,” ayuu shirka jaraa'id ku yiri maamulaha shirkadda Global Internet.

Ugu dambeyn, shirkadda Global oo soo jirtay tan iyo sannadkii 2003dii, waxay adeeggaan cus ub ku sheegeen inuu yahay mid aad u qiimo jaban oo dadka doonaya ay ku iibsanayaan qalabka MIFI loo yaqaan oo ah midka kuu sahlaya in isticmaalka adeega internetka aad la aadi karto meel kasta oo caasimadda ka mid ah, ayna ku jirto 20-GB oo free ah [aan lacag ahayn].

WIIL SOMALI AH OO LAGU TUHMAY INUU XIRIIR LA LAHAA DADKII WEERARKA KA GEYSTAY CALIFORNIA

Wiil Somali ah oo dalka Mareykanka ku galay qaab Qaxootinimo ah ayaa lala xiriirinayaa in uu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerar ka geystay Gobolka California dalka Marey kanka, waxaana weerarkaasi lagu dilay 14 ruux 21 kalena waa lagu dhaawacay.

Warbixin lagu Daabacay Fox News, ayaa lagu sheegay in Wiilkaan Somaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan inuu xiriir dhaw la lahaa nin iyo Xaaskiisa oo dhawaan weerarka ka geystay San Bernardino, ee Gobolka California.

Maxamed oo qoyskiisa 20sano ka hor ay galeen dalka Mareykanka oo qaab qaxooti ah ku gale en, ayaa hada waxaa ku socoto baaritaan Qoyskiisa.

Maxamed Xasan, ayaa sidoo kale la sheegay in uu sahlay Elton Simpson in uu ku biiro kooxa ha FBIda Dooneyso kaasi oo isku dayay inuu weeraro magaalada Garland oo ku taala gobolka Texas bishii May Afarteedii, kadib markii uu ogaaday in Qolyo wax sawira ay Nabi Maxamedd NNKH ay sawir gacmeed ay ku aflagaadenayeen ka sameeyeen inay halkaasi degganaayeen.

11 Bishii May warbixin ay baahisay dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Maxamed Xas an uu ku dhiiri geliyay Mr Simpson inuu weeraro geysto isaga oo kala hadlay dhanka internetka.

Xasan, ayaa dalka Mareykanka kasoo tagay todobo sano ka hor uuna yimid Soomaaliya isaga oo Alshabaab ku biiray, kadibna wuxuu ku biiray Daacish wuxuuna heystaa Passport American ah kumana laaban karo dalka Mareykanka.

MADAXWEYNE OBAMA OO KHUDBADDIISII KAGA HADLAY KOOXDA ISIS IYO MUSLIMIINTA MAREYKANKA

Khudbad uu Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama u jeediyay shacabka Maraykanka ayuu kusoo bandhigay hannnaanka maamulkiisa ee ku aaddan halista iyo dagaalka lagula jiro koox da Islaamiga ah ee ISIS ama Daacish.

Barack Obama ayaa dadka dalka Maraykanka ku boorriyay inaysan baqdingalin kooxaha arga gixisada ah, kaddib weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska iyo gobolka California ee dalka Mareykanka.

Sidoo kale, Barack Obama ayaa weerarkii gobolka California ee ay ku dhinteen 14ka qof ku tilm aamay falargagixiso oo loogu talogalay in shacab badan lagu laayo.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa xusay in Maraykanku uu muddo badan kula jiray dagaal koo xaha argagixisada. "Tan iyo markii AlQaacida ay dishay in ku dhawaad 3,000 oo ruux weerarradii ay Maraykanka kusoo qaaday 11kii, September sannadkii 2001dii.”

Barack Obama wuxuu sheegay in halista ka imanaysa argagixisadu ay dhab tahay, Laakiin la ga guuleysan doono oo la burburin doono Daacish iyo weliba kooxaha kale ee iskudaya inay dhibaa to gaarsiiso Maraykanka.

Obama wuxuu sheegay inay jiraan tallaabooyin maamulkiisa iyo Congresska Maraykanka ay si wadjir ah u qaadi karaan si looga guuleysto argagixisada, isagoo ugu baaqay inay cod u qaadaan si loo ansixiyo sii awoodda military loo isticmaali lahaa.

Laakiinse, madaxweyne Obama wuxuu kasoo horjeestay in ciidammo badan oo dhulka ah la ge eyo dalalka Ciraaq iyo Suuriya. Wuxuu yiri. "Mar kale nalaguma riixi karo dagaal ama duulaan dhulka ah oo dabadheeraada, lacag bandanna ay ku baxdo oo aan ka fulinno waddamada Ciraaq iyo Suu riya.”

Wuxu kaloo Obama ballanqaaday in Maraykanka uu baacsan doono madaxda kooxaha argagx isada meel kastoo ay ku dhuumanayaan. Isagoo hadalkiisa raaciyay inay sii wadayaan tababarrada iyo qalabka la siinayo ciidammada dallaka Suuriya iyo Ciraaq ee dagaalka kula jira Daacish, Mara ykankuna uu saaxiibaddiis arrintaan kala shaqeyn doono.

Madaxweyne Obama wuxuu soo hadal qaaday xakameynta iibsiga hubka ama Qoryahaha ee gudaha dalka Maraykanka oo uu sheegay inay dhici karto in qof argagixiso ah uu hub iibsan karo, wu xuuna ugu baaqay xubnaha Congresska Maraykanka inay hubiyaan in qof ku jira liiska dadka aan du uli raaci karin uu hub iibsan.

Dhanka kale, Obama wuxuu sidoo kale Congresska ugu baaqay in sidoo kale la adkeeyo baa dhista kuwa fiiso la'aanta Maraykanka kusoo gala ee wata Baasaboorrada dalalka reer Galbeedka, is agoo sheegay in si dhab ahna loo eego dadkaas inay u safreen dalalka ay ka socdaan dagaallada iyo in kale.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa khubaddiisa kaga hadlay cabsida ka jirta Dalka Mara ykanka ee ka dhalatay weerarradii gobolka California, taasoo shaki ka dhexabuurtay Muslimiinta iyo dadka Maraykanka ah. Isagoo xusay inaan Maraykanka la iska horkeeni karin.

"Waxaa naga saaran mas’uuliyad ayaa naga saaran inaan diidno soo jeedimaha oranaya in muslimiinta Maraykanka loo dhaqamo si ka duwan sida dadweynaha kale ee Mareykanka loola dha qmo,” ayuu khudbaddiisa ku yiri Barack Obama.

Isagoo intaas ku daray. "Muslimiinta Maraykanku waa saaxiibadeen, waa dariskeenna, waa ku wo aan isla shaqeynno, waa geesiyadeena dhinaca cayaaraha, waana kuwo ciidamadeena diyaarka u ah inay u dhintaan difaaca dalkeenna ka tirsan, waana inaan taas xasuusnaannaa mar walba.”

Ugu dambeyn, Barack Obama wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in dagaalka ay kula jiraan arg agixisadu uu guul ku dhammaan doono. iyadoo madaxweyne Obama uu khudbaddan u jeediyay shacabka Mareykanka xalay, tasoo noqonaysa middii saddexaad oo uu xafiiskiisa ku dhexyaalla Aqalka Cad ee Mareykanka ka jeediyay.

WARIYE KARAR AADAN RUKOW OO MAGAALADA GARBAHAAREEY LAGU XIRAY

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo, ciidamada Dowladda ee halkaasi ku sugan ayaa daraad gelinkii dambe waxa ay xabsiga dhigeen Wariye Karar Aadan Rukow.

Wariyahan ayaa si madaxbanaan wuxuu uga howlgalaa Magaalada Garbahaareey, waxaana uu wararka siiyaa Idaacado ku yaallo Magaalada Muqdisho iyo deeganada Puntland.

Amarka Wariyaha lagu xiray ayaa waxaa bixiyay Maamulka Degmada Garbahaareey, kadib ma rkii sida la sheegay Wariyaha lagu eedeeyay inuu faafiyay warar ku saabsan Saraakiil Dowladda ka tirsan oo lagu xiray Degmada Garbahaareey.

Wariye Karar ayaa xalay ku hooyday Saldhiga ciidanka Magaalada Garbahaareey oo ilaa hada uu ku xiran yahay, masuuliyiinta Maamulka Degmada Garbahaareey kama aysan hadlin xariga Wariy aha loo geystay.

Suxufiyiinta ku sugan Magaalada Garbahaareey oo dadaalo kala duwan sameeyay, ayaa ilaa hadda aysan ku guuleysan inay soo daayaan Wariyaha xiran oo kiiskiisa lagu sheegay faafinta warar ku aadan Saraakiil Dowladeed oo lagu xiray Garbahaareey.

Wariyeyaasha ka shaqeeya Somaliya ayaa dhibanayaal u ah maamulada kala duwan ee Somal iya ka jira ee hubaysan kuwaasi oo tacadi toos ah Suxufiyiinta kula kaca.

CIIDAMO KENYAN AH OO QARAX LAGULA EEGTAY DEEGAAN KU DHAW MAGAALADA LAMU.

3 askari oo ka mid ah ciidamada dalka Kenya ayaa lagu dhaawacay deegaanka Ishakani oo ku dhaw Magaalada Lamu halkaasoo lagu weeraray qarax dhulka lagu aasay sida ay sheegeen saraaki isha ammaanka ee dalka Kenya.

Qarax lagu dhaawacay ciidamadaasi ayaa looga shakisanyahay in halkaasi ay galeen xaraka da Al Shabaab oo hore uga fuliyey deegaano ka tirsan degmada lamu ee dalka Kenya.

Afhayeenka ciidamada milateriga Kenya david obonyo ayaa xaqiijiyey dhaawac 3askari isa goo intaasi ku daray in ciidamadaasi oo watay gaari halkaasi lagula eegtay qarax.

Afhayeenka ayaa beeniyey warar sheegaya in 1 askari uu qaraxaasi ku geeriyooday isagoo int aasi raaciyay in askarta uu dhaawaca soo gaaray oo xaaladooda halis tahay loo qaaday isbitaal ku yaala magaalada Nairobi.

Deegaanka Ishakani ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay horay ay wado muhiim ah u ahayd Al Shabaab oo weeraro halkaasi weeraro ka qaadi jiray ka hor howl galkii keymaha Booni.

Madaxa howlgalada Boni James ole serian ayaa horay u sheegay in howlgalkooda oo socday mudo 4 bilood ah guulo laga gaaray iyadoo howlgalkaasina uu ahaa mid ciidamada Kenya ay ku do onayeen in ay Al Shabaab kaga saaraan keymahaasi oo ay ku leeyihiin saldhigyo.

TARTANKA CAALAMKA UGU SHILALKA BADAN OO KA DHACAY IMAARAADKA CARABTA ..

Dalka Imaaraadka Carabta waxaa ka dhacay mid ka mid ah tartamada waalan ee loo adeegs ado gawaarida kala nooca ah.

Tartamadaan oo inta badan ka dhaca meelaha ah ee dalka Imaaraadka Carabta midowday ku yaala ayaa boqolaal ruux waxaa ka yaabiyay sida gawaarida ay uga boodayaan misana qaarkood ku keena shilal aan caadi ahayn oo sababa dhimasho iyo dhaawac.

Shaqaalaha gurmadka ah oo iyagu halkaasi xaadir ku ah ayaad arkeysaa iyagoo markiiba u car araya gaarida tartankaasi shilka ku gelaya.

BELEDWENE: SARAAKIISHA ITOOBIYA OO KA HADLAY HOWLGAL AY KU DILEEN XOOGAG KA TIRSAN ALSHABAAB

Saraakiisha ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM ayaa xusay in howlgal ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan ayku dileen rag ka tirsan xarrakada Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidanka Itoobiya ayaa sheegay in howlgalka uu ka danbeeyay weerar Alsha baab ay ku qaadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM sahay u siday ciidam mo kale oo ku suganaa deegaanka Ceelcali ee galbeedka gobolka Hiiraan.

''Dagaal dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan galbeedka gobolka Hiiraan; kaddib markii ay xoogagga Alshabaab isku dayeen inay ishortagaan ciidan ka tirsanaa kuwa dowladda Somalia iyo AMISOM, waxaa halkaa ka bilaawday iska horimaad culus oo khasaare loogu geystay Alshabaab,'' ayuu yiri sarkaalkan ciidamada Itoobiya u hadlay.

Sarkaalka ayaa xusay in dagaalkaas ay ku gacan siiyeen bulshada rayidka ah ee ku dhaqan deegaannada lagu dagaallamay, wuxuuna sheegay in haddii ay bulshadu ka Qaybqaataan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab in laga adkaan karo.

Wuxuu sarkaalku beeniyay war kasoo yeeray Alshabaab oo sheegatay in tiro askar ah ay kaga dileen dagaalkaas ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ka tirsan. Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Ceelbaar ee gobolka Hiiraan ayaa inta la ogyahay lagu dil ay 13ruux oo ka tirsan dhinacyadii uu iskahorimaadku dhaxmaray.

WASAARADDA CAAFIMAADKA OO DEEQ DAWO AH KU WAREEJISAY PUNTLAND

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay deeq dawo ah oo ay dow ladda Dhexe ka heshay boqortooyada Sacuudiga, taas oo loo qeybinayay muddooyinkii dambe maa mulgoboleedyada. Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa yiri "Wasaaraddu waxay u jirtaa in dadka ay gaarsiiso adeeg caafimaad, dhowr maamul ayaan horay u siinnay daawadan, haddana waxaan siinaynaa Puntland oo aan ka rajaynayno inay bulshada gaars iiyaan, Waxay ku soo aadeysaa xilli roobaad ay dadku gargaar caafimaad u baahan yihiin”.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay deeq dawo ah oo ay dow ladda Dhexe ka heshay boqortooyada Sacuudiga, taas oo loo qeybinayay muddooyinkii dambe ma amulgoboleedyada.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdiqani Sheekh Cumar ayaa yiri "Wasaarad du waxay u jirtaa in dadka ay gaarsiiso adeeg caafimaad, dhowr maamul ayaan horay u siinnay daaw adan, haddana waxaan siinaynaa Puntland oo aan ka rajaynayno inay bulshada gaarsiiyaan, Waxay ku soo aadeysaa xilli roobaad ay dadku gargaar caafimaad u baahan yihiin”.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Daalo, ayaa sheegay in daa wadaan loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan shacabka dalka ku nool, ayadoo loo sii marsiinayo maamullada degaanka.

"haatan waxaan Puntland siinaynaa qeybtii ay ku lahaayeen deeqdii daawo ee aan ka helnay Sacudiga, waxay qaadanayan xilli ay shacabku u baahan yihiin, meelaha qaar waxaa laga soo shee gayaa shuban, waxaana rajaynayaa in si wanaagsan looga faa’iideysan doono” Ayuu yiri wasiir Cusm aan.

MADAXDA KENYA & ITOOBIYA OO ISUGU TAGEY MAGAALADA MOOYAALE ..

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desal egn, ayaa waxay markii ugu horeysay ku kulmeen Magaalada Mooyaale.

Madaxdan, ayaa waxay Isniintii ka wada hadleen sidii lagu dhammeen lahaa dagaalka beelaha ku saleysan, ee ku soo noq noqday Mooyaale iyo deegaanada kale ee ku xeeran. Mooyaale waxay u dhaxeysaa labadaasi dal.

Mooyaale waxaa degan dad xoolo dhaqato ah, kuwaa oo xilliyada jiilaalka isku dagaala dhulka daaqsiinta iyo waraabka xoolaha, waxaana marar farabadan ku wada dagaalamay xoolaleyda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wuxuu ballanqaaday in ay samayn doonaan tallaabo kas taa, oo dhinacooda kaga xiran, sidii lagu soo afjari lahaa dagaalada u dhaxeeya dadka xoolo dhaqa tada.

Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa isna sheegay in Itoobiya ay ka go’an tahay, sidii looga miro dhalin lahaa heshiiska ay la gaareen Kenya, ee ah soo afjaridda dagaaladaasi.

Kenyatta iyo Desalegn, ayaa ballanqaaday inay samayn doonaan mashaariic ay ka hirgelinay aan labada cirif ee Mooyaale, iyadoo markaasi ay xoolo dhaqatadu ka helayaan, waxyaabo baajin ka ra inay wada dagaalamaan.Itoobiya iyo Kenya, ayaa waxay kulankaasi ku kala saxiixdeen heshiis ku qotoma in nabadgelyada laga wada shaqeeyo. Waxaana heshiiskaasi u kala saxiixay Wasiirada Arri maha Dibadda ee labada dal.

WARBIXINTII DUMARKA AFRIKA EE INTA LA GUURSADO LAGA MAQNAADO SANNADO..

Q/2aad

Qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Beguedo oo ah magaalo yar oo Koonfurbari kaga be egan 230KM caasimadda Dalka Burkina Faso ee Ougadougou oo ay ka dhisan yihiin guryo isugu jira carshaan caws ka sameysay iyo guryo waaweyn oo Talyaanigu leeyahay ay aa la suray boorar looga sheekeynayo haajiridda ragga magaaladaas ee xaasaskoodii ay waaayeen.

Mominata Sambara ninkeedu wuxuu Talyaaniga tagay muddo 30 sano laga joogo, isa goo si joogto ah u soo noqnoqonayay si ay lammaanuhu u dhalaan toddoba carruur ah oo ay isku dhaleen..

"Arrimuhu si fiican ayay u dhaceen. Bil walba waxaa uu soo dirayay lacag dhan qiyaastii 70 doo llar ah. Guri ayuu inoo dhisay," ayay tiri Mominata, iyadoo ku fadhida firaash qurux badan gurigeeda hortiisa yaallay. Iyadoo intaa raacisay "Laakiin arrimuhu hadda sidii hore way ka duwan yihiin."

Riyada ah in Talyaaniga loo dhoofo waxay saameysay waxbarashada ku yaalla Beguedo, dhalli nyaradu waxay lumiyeen xiisaha ah inay wax bartaan; sababtoo ah iyagoo sameynaya waxay la ta hay inay lacag dhaqso ah ka helayaan markay u dhoofaan Talyaaniga, halka haweenka dhallinya rada ah ay mararka qaarkood iskuullada isaga tagaan si ay niman Talyaani ah u guursadaan.

Zongo wuxuu sheegayaa in haweenka qaar ay soo baranayaan dhibaatooyinka ay arrintaasi leedahay. Isagoo yiri. "Inta u dhexeysa meherka iyo meesha ku xigta ee ninka tuulada jooga, waxaa socon kartaa shan, lix ama toddoba sano.”

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. "Naaagtu waxay la noolaanaysaa ninka guursada qoy skiisa. Waa inay noqotaa qof daacad ah oo miskiin ah. Isha ayaa lagu haynayaa. Waxaa lagu nici kar aa hal ceeb oo ay yeelato."

Waxay halis ugu jirtaa inuu la guursado naag kheyrkeed ah, sida ay caddeynayso Adiassa oo 50 jir ah; kaasoo aan magaceeda runta ah ahayn. Ninkeeda oo 30 jir ahaa; wuxuu dalka Talyaaniga ku noolaa muddo 20 sano ah, waxaana uu xataa halkaas geeyay laba wiil oo ay dhaleen si ugu nool aadaan ugana shaqeystaan.

"Bilawgii, arrimuhu way fiicnaayeen, labadii sanadaba mar ayuu imaanayay, lacag fiican ayuu na soo dirayay," ayay sheegtay, iyadoo xijaabka madaxa ku toosinaysa. "Haa, runtii way fiicnaayeen arrintu," ayay ku celisay. Waxayna ku dartay in lix sano ka hor ninkeedu uu u sheegay inuu guurasan ayo xaas labaad. Iyadoo tiro. "Kumana aanan heshiis. Ma jirto naag doonaysa in ninkeeda naag kale uu la guursado, balse wax kala doorasho ah ima uusan siin."

Dadka ku nool magaalada Beguedo iyo deegaannada ku hareeraysan ee dalka Burkina Faso waa muslimiin. Guursiga naagaha badan dhaqankooda ayaa oggol. Sidaasoo ay tahay dharbaaxo cu lus ayay ku noqotay Adiassa markii ninkeedu uu naag ka da' yar uu la guursaday, isla markaana uu dibadda u watay.

Adiassas waxay sheegtay in ninkeedu uusan lacag dambe u soo dirin, uusanna soo wicin; haa tan waxay ku tiirsan tahay carruurteeda oo keliya inay daryeelaan.

Dhanka kale, Awa Sagne arrintan oo kale ayaa soo martay. Saddex sano ka hor, si uu u muuj iyo guusha uu ka gaaray Talyaaniga, ninkeedu wuxuu guursaday naag labaad. Sanado badan ka dib oo nolosheeda ay la halgamaysay. Awa oo 38-jir ah, waxay haatan guriga qoyska la wadaagtaa naag ku dhawaad 20-sano ka da' yar.

"Mar ayuu ku dhiirraday inuu soo diro lacag 5-doollar ahayd; maxaan taa ku sameynayaa? Mar kale ayaan eegay baqshadda ay ku jirtay, waan rumeysan waayay, markaas ayaan dib ugu celiyay," ayay tiri Awe. Waxayna hadalkeeda ku dartay. "Waan wacay waxaanan ku iri waad mahadsan tahay, balse mahadi ma jirto. Waxaa la ii qaatay inaan shaqa tago oo lacagtaas oo kale soo shaqeysto."

Ugu dambeyn, Malika oo 22 jir ah ayaa si tartiib ah u furatay akoon bangi ka dib markii ay guu rsatay nin Talyaani ah sadex sano ka hor. Mar kasta oo ay awoodo, lacag yar ayay meel dhigtaa, xa taa haddii ay tahay kumiyaal. Iyadoo tiri. "Wax kasta uma sheegan kartid seyga. ku qaba, mana aam ini kartid 100%."

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

 

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip