AAmin AMA Ha AAMININ NASASHADA JIMCAHA. Q-69aad.

0
Friday November 10, 2017 - 11:11:33 in Wararka by
  • Visits: 961
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AAmin AMA Ha AAMININ NASASHADA JIMCAHA. Q-69aad.

    1-Faarax Tabliiq ayaa xaaskiisii oo uur leh ka tahriibay, markii uu Yurub sama tagay ayay wacday oo ku tiri: wiil ayaan dhalay. Wuxuu ku yiri: Maashaa Allaah, lacagna waa u soo diray. Dhowr billood kadib ayeey wacday oo ku tiri: Wiilkii magacaaga ayu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Faarax Tabliiq ayaa xaaskiisii oo uur leh ka tahriibay, markii uu Yurub sama tagay ayay wacday oo ku tiri: wiil ayaan dhalay. Wuxuu ku yiri: Maashaa Allaah, lacagna waa u soo diray. Dhowr billood kadib ayeey wacday oo ku tiri: Wiilkii magacaaga ayuu ku hadaaqaa, Aabe faarax, Aabe faarax.wuxuu yiri: Maashaa Allah. Mar kale ayeey wacday oo ku tiri: wiilkii socod ayuu bilaabay, wuxuu ku yiri: Maashaa Allaah.

Afar sanno kadib ayay wacday oo ku tiri: wiilkii dugsi Qur’aan iyo Iskuul ayaan geeyay ,wuxuu ku yiri: Maashaa Allaah.

Xaaskii waxay goosatay inayna mar dambe wicin, markuu warkeeda waayay ayuu qaraabada wacay, halkii uu iyada uu ka wici lahaa.waxaa loo sheegay in wiil la yira Saciid Sanka oo ciyaalka xaafadda ah ay la qabsatay.
Markaa ayuu inta soo wacay, isagu daray Caay, Dagaal iyo Handadaad. Markaa ayay ku tiri: Maashaa Allaah. Fiiri sawirka 1aad.



2-Cabdi oo odayaal Akhyaar ah wata, ayaa gabar wuxuu ka soo doontay,oday Muriidi Macloow oo reer Xamar weyne ah aadna u xoola jecel, iyada oo gogoshiisii lagu jiro, , intiiba aan la gaarin gabarta waa la idin siiyay iyo waa la i diin diiday,ayuu oday Macloow qolkiisii kaydka galay lana soo baxay faylashii xisaabaadka iyo makiinadii xisaabta, oo ay ku qoran yihiin xisaabaad ka bilaabanaya maalintii ay dhalatay lacagtii Umulisada la siiyay illaa gogoshan la fadhiyo wixii la cabay,waxa uuna yiri oday Macloow: Horta lacagtaan bixi,kadib ayaa lagu siinayaa.
Wiilkii oo gabadha aad u jeclaa ayaa yiri: laakin adeer intii ay shaqo u qabatay cidda ha laga jar xisaabta. Fiiri sawirka 2aad.
( waa run, waa xaqiiq cadeeyma qoraal ah iyo sawira dayax gacmeedba leh,. Aamin ama ha Aaminin,kharajka caalamku nagu bixiyay 10kii sanno ee la soo dhaafay, haddii laga jaro kalluunka sharci daradaa ee nalaga jilaabtay, ama qaarkeen ay siiyeen fasax been ah, annagaa baaqi noo soo haraa).
3-Nin Diaspora ka yimid ayaa Xamar ugu sheekeeynayay ciyaalka xaafadda Laba dhagax, wuxuu ku yiri: waxaan soo maray waddama badan oo wada janna ah, waxaan tagay jaziirad janno ah, waxaan seexday Hotel janno ah,wadooyinka bilicdooda markaad eegtid waa wada janno. Markuu halkaa marayo ayaa qarax wayn la maqlay, Mr. Qurbaawi intuu argagaxay ayuu yiri: waan idin baryaa ee mar uun halkaan iga wada.
Ciyaal Laba dhagax ayaa ku yiraahdeen: Bal wax yar sug wadaadkii meesha qarxiyay oo Jidkii Jannadu ka dhumay ayaa soo socda ,hora u sii wad si aad u tustid jidka janada bacdamaa aad noo sheegtay in aad dhowr jeer adoo dalxiis ah aad martay . Ninkii wax qarxiyay miyaan wadayaa??.afka day Mr Qurbaawi.
4- Jaamac oo Gaalkacyo jooga, ahaana muqayil weyn,weligiina aan Salaadda tukan,ayaa xaaskiisa oo ahayd qof waajibaadka diiniga ah ku dadaasha ay ku tiri: odaygeeygiyoow qof weyn ayaad tahay,cibaadayso, haddii aad Salaadda iyo soonka daa’imto qaadkaana aad iska dhaafto ,Allaah idinkiis Guri ayaa jannadda lagaaga dhisayaa.
Jaamac waa yeelay waanadii xaaskiisa,Laba usbuuc kadib ayeey aragtay kii oo wixii jaad ka baaqday Labadii usbuuc mar kaliya soo wada qaatay ,shaarkiisiina rahan looga reebtay. Waxa ay tiri: Maxaa kugu dhacay? .waxa uu yiri: Ceeblaay waxa guriga iiga dhisayo jannada soo malaaig ma ahan, ilayn cid kale halkaa wax kama dhistee?. Ceeblaay war laguu sheeg Malaa’igtu waa kuwa far fudud oo deg deg wax u qabtaa, saacaadan gurigeeygii Jannada dhismahiisii dhamaa, ee shaahii qaadka ii soo kari.Fiiri sawirka 3aad.
( Haweenkeenu Samir badanaa! Maxeey ceeb astureen, Kii Alla toosiyaa,toosaya).
5- waqtigii kacaanka ayaa Siidoow oo reer Afgoi ah iyo Guuleed oo reer Garowe ah Layli Sarkaal loogu diray dalka Ruushka. Gabar Ciidamada Ruushka ka tirsan ayaa ku tiri: Dadkiina Afrika ka yimaad maxaad u mad madowdihiin maad qubaysataan?
Guuleed ayaa ku qoslay kuna qa yliyay : Annigu asal ahaan Carab baan ka soo jeeda weliba Reer Banii Caqiil baan gala, laakin Siidoow ayaa Afrikaan ah.
Gabdhii Ruushka ayaa ku tiri: ( Ya Domyu ushto fa baliishnisay) waxaan u maleeynayay Adiga iyo Siidoow in aad Mataano tihiin. Fiiri sawirka 4 & 5aad.
(Weligaa walaalkaa haka faanin, ha dhihin "I am British, look my passport” indhaha ajaanibta waxaad wada tihiin laba Somali ah).
6- Mooryaan ayaa inta uu u tagay Imaamkii masjidka ku yiri: Sheekhoow horta masjidkan yaa iska leh?.
Shiikhii ayaa ku yiri: Masjidku waa baydkii Alle, dadka oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa. Mooryaankii ayaa ku yiri: Haddiiba ay sidaa tahay oo dadka oo dhan uu ka dhexeeyo, anigu qaybteeyda in aan iibsado ayaan doonayaa, ee maxaa talo ah?. Fiiri sawirka 6 & 7aad.
( Hala yaabin mooryaankan ,mid masuul ah ayaa ku leh haddii baddu naga dhexeeyso, qaybteeyda waan iibsanayaa, taadana ka reebi maayo,kulana tashan maayo.wax kasta dadka oo dhan ka dhaxeeyaahi beec ma galaan).

Qore: Yahya Amir

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip