WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA NOVEMBAR 2017-KA

0
Monday November 06, 2017 - 10:26:28 in Wararka by
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 6-DA NOVEMBAR 2017-KA

    GUDOOMIYE MAXAMED ISMAACIIL "AFAR CARUUR AH AYAA KU GEERIYOOTAY DEGMADA" Dg mada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ka mid tahay degmooyinka dadka ku nool uu saameyn ku yeeshay roobka Deyrta ee habeen hore ilaa Shalay Da'ayay gaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

GUDOOMIYE MAXAMED ISMAACIIL "AFAR CARUUR AH AYAA KU GEERIYOOTAY DEGMADA" Dg mada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir waxa ay ka mid tahay degmooyinka dadka ku nool uu saameyn ku yeeshay roobka Deyrta ee habeen hore ilaa Shalay Da'ayay gaar ahaan dadka bar a kacayaasha ah.

Gudoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Ismaaciil oo Wareysi siiyay Ra dio Dalsan Muqdisho ayaa sheegay in habeen hore Roobkii Da’ay uu saameey ay dadka barakacay aa sha ah isla markaa na Hoygii ay deganaayeen uu Biyo dhi gay taas oo keentay in qaarkood ay Guryahoodii ka carareen.

Dhanka kale gudoomiye Maxamed Ismaaciil ayaa hadalkiisa intaas raaciy ay in Sacadihii la soo dhaafay degmada Kaxda siyaabo kala duwan ay Cudurka Jadeecada ugu geeriyoodeen ilaa Afar Caruur ah.

Ugu dambeyn waxa uu ugu baaqay Maamulka gobolka Banaadir iyo Shac abka Soomaaliyeed in dadkaasi walaalahooda u soo gurmadaan.

DALXA "JAWAARI DAN SHAQSIYADEED AYUU U ADEEGSANAYAA GUDDOONKA GOLAHA SHACABKA”.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku eede eyay Guddoonka Golaha Shacabka in uu ku shaqeeyo dano gaar ah, halka laga sugayay inuu hor mariyo danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaana uu tilmaamay in Afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan "Jawaari” uu ambabaxay safaro shaqo oo dalka dibaddiisa ah, kuwaas oo uu xusay in wax shaqo ah uusan ku lahayn, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Xildhibaan Dalxa ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in la dhowro nidaam ka Baarlamaanka, islamarkaana Xildhibaanada ku shaqada leh loo diro kulamada dibadda ah, sida guddida arrimaha dibadda ee Golaha Shacabka.

Waxaana shaaca ka qaaday in ay muhiim tahay in uu jiro isla xisaabtan dhab ah , si loo saxo khaladaadka jira.

IGAD IYO UAE OO KULAN KA YEESHAY XAALADDA SOOMAALIYA

Waxaa Magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan looga hadlaayay Xaaladda Soomaaliya , Wa ki ilka Urur goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Mohamed Ali Guyo iyo Safiirka dowladda Imaara adka u qaabilsan Soomaaliya, Mohammed Ahmed Al Othman.

Kulanka ayaa intii uu socday , waxaa si weyn looga wada hadlay Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Amniga iyo dib u dhiska.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay taageeradda dowladda Imaaraadka ay siiso Urur gobo leedka IGAD.

Safiirka dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in dowladiisa ay xoogga saari doonto tababarada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Imaaraadka oo uu sheegay in ay garabtaagan tahay dalalka ku yaalla Bariga Afrika.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in IGAD iyo Imaaraadka Carabta ay ka wada shaqeyn doonaan dib u dhiska Soomaaliya.

Dowladda Imaaraadka ayaa saameyn Siyaasadeed kuleh Soomaaliya.

MADAXWEYNE WAARE OO MUQDISHO KULA KULMAY XILDHIBAANADA HIRSHABELLE LAGA SOO DOORTAY

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirsahebelle Dr Maxamed Cabdi Wa are ayaa xalay kulan casho sharaf ah kula qaatay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Xildhiba anada Aqalka Hoose iyo Aqalka sare ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomal iya.

Kulanka Casha sharaftaasi oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa ku wehlinaayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen "Cali Guudlaawe” iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooy ada Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Marki si wada jir ah ay u wada casheeyeen Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Deegaanada Hirshabelle ee xalay kulanka wada qaatay, ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimo kale duwan oo quseeya Qaranimada Soomaaliya iyo Howlaha horyaala Hirshabelle iyo Sida lagama maar maanka ay u tahay in la iska kaashado horumarinta dowlad Goboleedkani curdunka ah.

Intii kulanka uu socday ayaa waxa sidoo kale ay iska xogwareysteen Xaaladda Siyaasadda dal ka, Wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Hirshabelle, ka shaqeynta Amniga Dalka gaar ahaan dee gaanada Hirshabelle, iyo in Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Hirshabelle in ay u mido obaan horumarinta iyo dhisida dowlad goboleedka si dhowna ay ula shaqeeyaan maamulkani.

Kunlanka oo ahaa mid waqti badan qaatay Xildhibaanada iyo Madaxweynaha iyo ku xigeen kiisa waxaa aad looga dooday arrimahaasi aan soo sheegay, waxaana ay isku raaceen in muhiim ay tahay in laga wada hadlo islamarkaana laga tashto sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta Dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada dalka ka jira, si ay u sahlanaato in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo dhaawacaya Sharafta iyo heybadda umadda Soomaaliyeed, iyo ciribtirka kooxaha isku biir saday leynta iyo dabar goynta Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xildhibaanada u faah faahiyay mudada Xafiiska uu joogo waxyaabaha u qabsoomay caqabad aha jira, iyo qorshayaasha maamulka u degsan bilaha soo socda, shirarkii uu kaga soo qeyb galay Magaalada Kismaayo, kan hadda ka socda Magaalada Muqdisho, iyo safaro uu ku soo kala bixiyay Deegaanada Hirshabelle, waxaana uu ugu baaqay Xildhibaannada in doorkooda ee ah u shaqeynta bulshada ay matalaan ay qaataan.

Sidoo kale Xildhibaanada Labada Aqal ee Hirshabelle ku matala Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gaba gabadii kulanka Madaxweynaha Hirshabelle iyo ku xigeenkiisa u balanqaaday in had iyo jeer waqtigooda ugu badan ay galin doonaan sidii ay ugudan lahaayeen Waajibaadka Qar an oo ay u xil saaranyihiin, waxaana sidoo kale ay cadeeyaan inta badan in ay soo booqan doonaan Deegaanada Hirshabelle oo ay matalaan islamarkaana ay kala shaqeyn doonaan maamulka horumr inta iyo dhisida Dowlad Goboleedka, waxaana ay kaga Mahadceliyeen Madaxweynaha Warbixintaasi faah faahsan uu ula wadaagay Xildhibaanada labada aqal ee ku Abtirsada Hirshabelle.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO KA HADASHAY DOORASHADDA SOMALILAND

Madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyadda ee ku shirsanaa Magaalada Muq disho ayaa ka hadlay doorashadda ka socota degaanada maamulka Somaliland.

Dowladda waxa ay sheegtay in ay soo dhaweynayso Ololaha doorashadda Somaliland.

Waxa ay sheegtay dowladda in ay soo dhaweynayso doorashadda oo ah Mid muhiim ah,isla markaa na ay ku baaqayaan in la ilaaliyo Ammaanka.

"Waxaan bogaadinaynaa doorashadda maamulka Somaliland, taasi oo si wanaagsan u soc ota, waxaana rajeynaynaa in ay si nabadgalyo ah ay kusoo dhamaato” ayaa lagu yiri warka kasoo ba xay Dowladda Dhexe iyo maamulada.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay ka hadasho Ololaha doorashadda Somaliland.

DKG OO TILAABO KA QAADEYSA DADKA MUCAARADKA AH

Laamaha Amniga Magaalada Baydhabo ayaa lagu Amray in ay soo qabtaan dadka Mucaaraa d ka ku ah maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugan degaanada maamulkaasi gaar ahaan Magaa lada Baydhabo.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tilaabo ay ka qaadi doonaan dadka kasoo horjeeda maamulka ee shirarka ku qabta Magaalada Baydhabo.

Xasan Xuseen Eelay ayaa sidoo kale tilmaamay in dadka Shacabka ah ee degaanada maamu lka Koonfur Galbeed laga doonaayo in ay la shaqeyaan maamulka.

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa buux dhaafiyay dad kasoo horjeedda Siyaasadda Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

SOMA OO MUQDISHO KA FURTAY TABABAR AY KA QEYB GALAYAAN IN KA BADAN 20 SUXUFI..

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SOMA) ayaa shalay oo ay tahay Axad Taariikhduna ay ku beegan tahay 05ta November 2017ka waxa uu magalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka furay Siminaar loogu magac daray Tababarka wax soo saarka Raadiyaha (Barnaamijka Wadaad da) Radio Production Training, (Content Sharing Program.

Tababarkan ayaa waxaa si wadajir ah iskula wada Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee (SO MA) Somali Media Association iyo Radio Ergo, waxaana taageeraya IMS/FOJO.

Siminaarkan oo muddo ku siman Saddex maalood ka socon doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galaya Wariyeyaal ka kala yimid magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Gaalkacyo Boos aaso, Kismaayo, Doolow, Jowhar, Baydhabo, Balcad, Cadaado, Dhuusamareeb iyo magaalooyin kale.

Tababarkan furitaankiisa ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Ururka SOMA Maxa med C/laahi Kooshin, Guddoomiye Ku xigeenka Maxamed C/wahaab C/laahi, Xoghayaha SOMA Ism aaciil Sheekh Khaliifa, Madaxa Tababarada ururka SOMA Axmed Guutaale, Madaxa Barnaamij Wad aagga SOMA C/fataax Macalin Nuur (Qeys), Abuukar Albadri oo ka tirsan IMS/FOJO, Maxamed Shar iif Taysiir oo ka socday Radio Ergo, Qubaro saxaafadeed iyo xubno kale.

Tababarkan oo loo qabanayo in ka badan 20 Suxufi ayaa waxaa bixinaya casharada Macalimiin aad ugu xildheer Mihnadda Saxaafadda, mudo badana ku soo jiray, kuwaasi oo Suxufiyiin ta casharada ugu soo bandhigaya Maqal, Muuqaal iyo Qoraal.

Guddoomiyaha ururka SOMA Maxamed C/laahi Kooshin oo Tababarkan furay ayaa sheegay SOMA mar walba in ay ka shaqeyneyso sidii loo hormarin lahaa xirfadda iyo aqoonta Wariyeyaasha Soomaaliyeed, wuxuuna kula dar daarmay Wariyeyaasha in ay ka faa’ideystaan Tababarkan.

Xoghayaha SOMA Ustaad Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa dhankiisa sheegay Tababarkan inuu daba socdo Siminaar bilooyin ka hor ay qabatay SOMA, kaasi oo ay ka faa’ideysteen Wariyeyaal bad an, oo warbaahino kala duwan ka socday.

Abuukar Albadri oo ka tirsan IMS/FOJO ayaa wuxuu sheegay ka Hay’ad ahaan in mar walba ay garab taagan yihiin SOMA, wuxuuna Wariyeyaasha ku dhiirageliyay in ay si wanaagsan uga faa’ ideystaan Siminaarkan kooban.

XUUTHIYIINTA OO SHEEGTAY DUQEYNTA MADAARKA RIYAAD, SACUUDIGA

Kooxda Shiicada ah ee Xuuthiyiinta Yemen ayaa sheegtay Gantaalkii ku dhacay xalay nawaa xiga King Khalid ee duleedka caasimada Riyaad.

Gantaalada difaaca ee ciidamada Cirka Sacuudiga ayaa gantaalo ku riday gantaalka laga soo riday dalka Yemen. Waa markii ugu horeysay oo ay Gantaalada Xuuthiyiinta soogaaraan bariga mag aalada Riyaad.

Kooxda Xuuthiyiinta ayaa sheegay in weerarkan uu jawaab u yahay xasuuqa sacuudiga ka wa do dalka Yemen. Maaha markii ugu horeysay oo ay Xuuthiyiinta gantaalo kusoo ridaan Sacuudiga, balse waa markii ugu horeysay oo ay duqeeyaan nawaaxiga xarunta Boqortooyada Sacuudiga.

Gantaalkada ayaa la sheegay in laga soo tuuray Gobalka Sacdaa ee waqooyiga dalka Yemen oo xaduud laleh Sacuudiga.

Xuuthiyiinta ayaa bilihii lasoo dhaafay dar dar geliyey duqeynta ay la beegsanayaan Sacuud iga si ay ugu cadaadiyaan dowladaasi inay wadahadal la yeelato xoogaga Xuuthiyiinta ee la dagaa lamaya dowlada Yemen oo ay Sacuudiga taageeraan.

GAAS IYO WASIIRKA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA OO KULAN YEESHAY

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftiga uu hogaaminayo ee Muqdisho ku sugan ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo D uulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)

Madaxweynaha iyo Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa wa xa ay yeesheen kulan ay kaga wadda hadleen arrimo la xidhiira muhiimmadda ay leeyihiin dhismaha Garoomada Soomaaliya, maamulka hawada Soomaaliya, iyo koboca dhismayaasha ay dawladda Puntland ka samaysay dhismayaasha garoomada diyaaradaha

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay wax weyn Soomaaliya kusoo kordhinayaan dhaqaale ahaan, horumar ahaan, iyo sahlidda adeegyada deg degga ah ee shacabku u baahan yihiin hadday gargaar tahay iyo haday adeeg caafimaad tahayba.

Sidoo kale Madaxweynaha Gaas ayaa cadeeyey in gacan ku haynta hawada Soomaaliya tahay wax qabad muhiimaddiisa leh, maadaama ay Soomaaliya muddo badan gacanteeda ka maqn ayd maamulka hawadeedu, haatana ay si xor ah u maamulayso, taasi oo uu sheegay Madaxweynu hu inay tahay talaabo wanagsan oo hore loo qaatay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar)ayaa xaqiijiyey in dawladda Puntland horumar lixaadle ka gaadhay dhismayaasha garoomada diyaaradaha madaama ay sadex sanadood guddohood ku hirgashatay sadex garoon oo caalmi ah (three International Airport), waxaana uu wasiirku xusay in taasi tahay horumar wanaagsan oo ay Puntland hormuud ugu tahay guud ahaanba Soomaaliya,

Isagoona Madaxweynaha Puntland ku amaanay dedaalka dheeriga ah ee uu ku bixiyey dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee ay ugu horeeyaan garoomadaasi iyo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xusay in dhismaha garoomada diyaaraduhu ay kow ka yihiin illaha dhaqaale ee dalka, isla markaana ay ka qayb qaadanayaan wax kasta oo horumar ah ee Soomaaliya u baahan yahay, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dawladda Puntland diyaar u tahay wax kasta oo wanaag ah inay dalkeeda Soomaaliya ka taageerto khibrad ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba

WARMURTIYEEDKA LAGA SOO SAARAY HESHIISKA DF, D/GOBOLEEYADA IYO G/BANAADIR

Waxaa Daraad la soo gaba gabeeyay shirkii Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada uga socday mag aalada Muqdisho, iyadoo lagu saxiixay war murtiyeedkii ay ku heshiiyeen Madaxda. Shir ka oo ahaa mid xasaasi ah ay aa qaatay waqti ka badan intii uu qorshuhu ahaa in lagu soo gabaga beeyo, madaama uu ku soo beegmay xili khi laaf adag uu ka dhax jiray dowladda federaalka iyo maamu l gobolleedyada qaarkood.

Akhriso Warmurtiyeedka laga soo saaray shirka : Heshii ska DF, Dowlad Goboleeyada iyo Gobolka Banaadir

HESHIISKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO DOWLADAHA XUBNAHA KA AH

Muqdisho,5,Novembar 2017

waxaa Xarunta Madaxwtooyada ee Villa Soomaaliya la gu qabtay kulan wada tashi oo u dhexeeya DFS & Dowla daha Xubnaha ka ah 28kiioktoobar ilaa 5taNovemabar 2017ka,kulankaa oo uu shir gud doomiyey Madaxwyenaha JFS Md. Maxamed C/hi M.{Farmaajo} ayaa dabad socday Casumad Madaxwynaha u diray Madaxda Dowadaha Xub anah ka ah Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Mad axwey naha JFS Md.M.C/hi.M.Farmaajo,Ra'iisalwasaara XFS Md. Xasan Cali Kheyrre,R/Wasaare Kuxiegeen XFS Md.Mahdi M.Guuleed {Khadar}Madaxweynaha Maamulka Puntlnad C/Wali M.Cali Gaas,Madaxweynaha Maamulka Jubbland Md. Axmed M.Islaam Madoobe Madaxweynaha Maam ulka KGs,Md. Sahriif X.Sh. Aadan,Madaxweynaha M/mul Gobol eedka Galmudug Md.AxmedDucaale Geelle {Xaaf}, Mada xweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Md.Maxamed Cabdi Waare, Gudd oomiyaha G/ Banaadir ahna Duqa Mu qdisho Md. Taabid Cabdi Maxamed,Wasiirka Arrimaha G udaha & Dib u heshiisiinta XFS,Md.Cabdi Faarax {Juxa}.

KULANKAA WAXAA LOOGA HADLAY QODOBADA AY KA MID YIHIIN:

1.Dardargelinta Nbadgalayada Dalka iyo Ciribtirka Argagi xisadaa

2.Horumainta Hnnaanka Federaaleynta Dalka

3.Dardargelinta Dib u Eegiskat Dastuurka & Abuurinsta Hannaan wada jir ah

4.Geeddi Socodka Doorashada 2020.

5.Xaqiijinta wada shaqeynta Dowladda FS &Dowladaha Xubanah ka ah

6Mashaariicda Hurumarined & Gargarka Beni'adminnimo

WADA TASHI DHEER KA WAXAAYA DHINACYADU KU HESHIIYEEN:

1.SIYAASADDA

A.In lagu wada shaqeeyo jawi ku dhisan Kalsooni, Midnn imo, Dulqaad isu Tanasul, Wadatashi & Mas'uuliyad wada reed

B.Inla Xoojiyo Xiriirka & wadashaqeynta Dowladda FS & Dowladda iyo Dowlaha Xubanah ka ah, la iskuna ixtiraamo Masuuliyadaha GB Dastuuriga ah ee la kala leeyahay & kuwa wadaagga ah.

C.In la ilaaliyo Xasiloonida Siyaasadeed ee Dalka & wada jirka si loola Dagaallamo Argagixisada.

D.In laga fogaado, lana joojiyo waxkasta oo keeni kara sha ki iyo Xasaasiyad Siyasadeed, Saamayna ku yeel kara De gganaanshah, Wadashaqeynta& iskaashiga dowladda FS &Dowladaha Xubanaha ka ah & Gobolka Bnaadir.

2.AMNIGA

A.LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA

1.In la adkeeyo Amniga Dalka meelna looga soo wada jee sto Xoreynta Dalka & Dagaalka Argagixi sada

2.In lala yimaado Qorshe Dhammeystiran oo wadajir ah la gulana dagaallamaayo Argigixisada heer Federaal iyo heer Dowlad D/Goboleed labadaba lana xoojiyo ciidammada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda FS & G.Banaadir, Tababbar ahaan iyo Qalab ahaanba.

3.Iyadoo laga Faa'iideysanayo Shirka Wadatashiga Dowla dda FS & Dowlaha Xubnaha ka ah & G/Banaadir ayaa wax aa la qabtay kulnak3aad ee Amniga Qaranka 02/11/2017 waxaana Goluhu isku Raacay in Guluf Colaadeed oo

C.In HindiseSharciyeedyada lagala tashado Dowladaha Xubanah ka ah Dowladda FS,G.B/naadir& Guddiyadooda Farsamo ee Goalaha , ka hor inta aan la hor keenin Gola yaasha Baarllamaanka XFS si aysan caqabadugu imaan dhaqan gelintooda.

D.In la kordhiyo Xaruumaha Federaalka Dowladaha Xuban aha ka ah lagana dhaadhiciyo adeegya da muhiimka ee sida Baasaboorrada iyo Tasdiiqa shahaadada.

E.In la dedejiyo dhismayaasha golayaasha deegaanka, la na kodhiyo Aqoontooda iyo Tayadooda, si Bulshadu talo & Cod ugu yeeshaan.

4.ARRIMAHA DOORASHOOYIKA 2020

A.In si wada jir ah looga shaqeeyo talana looga yeesho si dii dalka doorasho hal Cod iyo hal Qof ah ugu dhici lahyed , lana abuuro Jawi Arrintaas Suurta geliya

B.ln Guddiga Doorashooyinka Qarnku {NIEC} ku sameeyo wadatashi loo dhan yahay {90} Sagaash an Cisho Gud ah ood si Heshiis Siyaasadeed looga gaaro Caqabadah hor taagan Doorashooyinka

C.In Gacan buuxda la siiyo Guddiga Doorashooyinka Qar an {NEIC}, lana raadiyo Dhaqaale lagu ful iyo doorashada 2020, iyadoo laisku tashanayo, Beesha Caalamkana la kaashanayo.

{D.waxaan ku Bogaadinaynaa Maamulka Somaliland Hab sami u socodka Olalaha Dorashada oo ay ka muuqato xas ilooni siyaasadeed,waxaana rajeyneynaa in ay si nabad galyo ah ku dhammaato}.

5. DIB U EEGISTA DASTUURKA

A. In Dowladdu Maalgeliso Dib u Eegista Dastiirka si loo hubiyo lahaanshah geddi socodka laguna da ro Miisaaniya da 2018ka .

B.Waxaa lagu heshiiyey in Baarlammaannada Dowlad Go bileedyadu kaalin ku yeeshaan dhameysti rka Dib u eegista Dastuurka, ka hir inta aan la hor geynin Golayaasha Baarla mmaank iyo Xukuuma dda FS, Si loo hubiyo kalsoonida shacab Iyo wadatashi buuxa.

HESHIISKA DOWLAD GOBOLEEDKA IYO DOWLADAHA XUBANAH KA AH.

DHAMMAAD

NAAG IYO NASIIB RAGGA WAA EY KA FARXIYAAN 

{SHEEKOTAXANE AH}

Q/80aad

The best girl in asia Midda kale Gacaliso Raxmo Abbaayo Macaan to waxaa jira Gabdho aan saaxiib nahay oo aan is ku baranay Intarneitka iyo Qadka Taleefoonka ee la yir aah do {Ku Nasiibso}, in kas too eey igula hadleen er ayo xusuus leh oo ha ddane I Farxad geliyey had dana ma ey eheyn kuwo aan ku qanacsanaa, sabab too ah xagga dab eecadda iyo quruxdaa yeysan iga qanc in,balse waxaan ka dhigtay saaxiibbo wa xeey ah aayeen kuwo marka aan firaashke yga aan nasahada u tago dabade edna aan dhacadiid u seexdo I mada daaliya il aa aan iya goo ila sheekeysanaya aan tel eefoonka aan ku hurdo, ilaa iyo xadna wey I raali geliy aan.

waxaayna igala soo xiriiraan xaafad aha muqdisho qaarkood, dhammaana wa xaan ku wada booqday gur yahooda mar ka laga reebo gabar uu dhalay Nin Ga na csade ka ah Magaalada xxxxx…caan ka ah iyadoo na iga codsatay iney gurigeyga iigu imaanto, taasoo anigana ii farxad gelisay anigana codsigeda waan aqbalay .

Midda kale Gacaliso Raxmo Abbaayo Macaanto waan soo dhaweynayaa haddii xiriirka aad ila same yneyso uu kaa dhab yahay waxaana aan kuu ballan qaadayaa inaan kuu noqon doono {saa xiib qaalli ah} oo ku raalli gelin doona illaa iyo xad rajadeynuna ha ahaato mid sii taxnaato {xiriir keennana aan siinno tixg el in gaar ah} . Midda kale Macaanto Ragga waxaa loo Qurxiyey Jaceylka Naagaha ama Dummarkana Dahabka, Luulka, Canbarka, Jawaahirta Dheemma nka, Qalinka iyo Shoobin kala duwan ee lagu xarrako odo Tan kale Gacaliso Raxmo Abbaayo Macaanto Du mmarka waxaan ku xushaa Diinta, Asluubta Xishood ka iyo Deg ganaanta oo iyagu isku maqaam ma aha, waxayna kala yihiin kuwa xishooda iyo kuwa xishood ka ka taga. Tan kale Gacaliso Raxmo Abbaayo Macaanto wax aan kuugula talinayaa talooyinkaan soo socdo ee ku dhaqan waana sidan :

  1. Ahoow Qofka aad tahay ee ha u dhaqmin si ka bax san dabeecaddaada.
  2. Is bar marka aad qalad sameyso inaad tiraahdo waan ka xummahay ee fadlan I cafi mudane
  3. Ogoow jaceylka dhabta ah waxaa uu badanaa ku saleeysan yahay is aaminaad iyo isa sa mixid sida daacadda ah loo wajaho sharafeey buskud ka macaaneey.
  4. jaceylka dhabta ah waxaa uu inta badan kuugu riixaa inaad wehel la ahaato qofka aad jece shahay, waxaana la ogaagay in jaceylka dhabta ah qofka uu asiibo inuu jacel yahay inuu waq ti badan ku lumiyo la jooggista lammaanihiisa uu jecel yahay isa goo xiiseynaya qofnnimadi isa / deeda laakiin aan xiis eyneyn, quruxda iyo dhal dhala alka jirkeeda/kiisa
  5. ka muuqda xalaawatu lowseey.
  6. ma jecli inaan kaa dareemo xagga hadalkaadii macaanaa ee aadii muujin jirtay marka aad i hor dhado waxaa lamba wajiileyntu loo yaqaan.
  7. ilaali waqtiyada aan ballanta leennahay hana is ku dayin inaad ii gembiso habeenkaas qaaliga ku ah qal bigeyga iyo xaggeennaba
  8. cudur daar waafi ah iga sii habeenka aan bal la nta le enahay haddii aad ii goyso gacaliso
  9. mar marsiinyo haka sameynin codsi kasta oo aan kuula imaado {shahrun casalka}.

10imaatinkeuga ha fuidudeysan tixgelinta aan kuu hayana ha yareysan walaaleey gaca liso.

ma og tahay waxa ugu mavaan dunida iney yihiin ha beenka ugu horeeya aqal galka seey iyo afa diis ay ku kulmaan firaash raaxiyo qurux badanleh ey da nahoo da ku dhammeyst aan, dabadeedna eyku hu rdaan

*Raalliyo Jannaaleey Gacaliso Raxmo Abbaayo Macaanto, waxaa I deeqay timahaada dhaadhe er,ee seyn geenyada la moodo mase og tahay abbaayo ma caan inaan ka helo muuqaalkaada ama istrajar kaa ga quru xda badan sida soo jeedkaaga quruxda bad an iyo sii jeed kaaga hannaan ka laafyada garaaraha leh , in dha dara andarka laga qaado iyo bar aartaada u lulane ysa sida Ubaxa Baxarsaafka loo yaq aan ee Indhaha Basharka si naxariis lehu soo jiita..

LA SOCO ISNIINTA DANBE INSHA ALLAAH

W/ Q:C/Q/DIR C/LLE NUUR {QALBBIDAHAB} TEL: 0618455506



BOGGA CAYAARAHA

BARO CIYAARYAHANADA MUUQAALKA JIRKOODA KU WAAYAY IN HESHIISYO LALA GALO HADDANA AH KUWA LOOGU DOONISTA BADAN YAHAY ..

Waxaa halkan idiin ugu soo gudbineynaa k ciy-aaryahano ka mid ah kuwa loogu doonista badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada yurub iyo kuwa door muhiim ah ka ciyaaraya guulaha kooxaha basle markii ay yaraayeen la kulmay diido kula kulmay muuqaalka jirkooda.

HALKA KA AQRISO ISCO

Sida laga soo xigta ESPN Manchester United ayaa 2013 Isco u dirtay wakiilo si ay usoo qiimeeyaan, waxayse kusoo jawaabeen in madaxiisu uu jirkiisa kale ka weyn yahay.

GRIEZMANN

Lyon ayaa go’aan ku gaartay in ay la saxiixan maxaa yeelay aad buu u yaraa muuqaal ahaan.

JORDI ALBA

Barcelona ayaa isak fasaxday maxaa yeelay aad ayuu u jab-yaraa jir ahaan, waloow hadda ka mid yahay xidigaha laf-dhabrka u ah guulaha ay gaareyso.

JAMES RODRUEGUES

2009 ayuu saiga tagay kooxda Palmieras ee dalka Brazil cayil dartii

EDSON ALVARES

Daafacan u dhashay dalka Maxico hada u ciyara kooxda Club America ayaa Pachuca ee isladala Mexico uga tagay muuqaalkiisa jireed oo ad u liitay isagoo 14 sano jiray.

LORENZO INSIGNE

Laacibkan garankna ka ciyaara kooxda Napoli ayaa mar ku dhawaaday inuu ka quusto ciyaaritsa kubadda cagta kadib markii kooxaha dooneyay ay ku tilmaameen in jir ahaan uu daciif yahay.

Kerlon Navas

Goolhayaha heer caalami ee dalka Costa Rica iyo kooxda Real Navas ayay kooxah dalka Costa Rica u dideen in ay xitaa dalbadaan muuqaalkiisa oo aad u liitay awgii.

DAVID SILVA

Marar badan ayay kooxda Arsenal la xiriirtay si ay ula soo saxiixato waxeyse u aragtay inuusan lahayn awood jir ahaaneed uu Premier League ku ciyaari karo.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE

Tottenham Hotspur 1 - 0 Crystal Palace

Manchester City 3 - 1 Arsenal

Chelsea 1 - 0 Manchester United

Everton 3 - 2 Watford

ITALY - SERIE A

Bologna 2 - 3 Crotone Genoa 0 - 2 Sampdoria

Inter 1 - 1 Torino Cagliari 2 - 1 Hellas Verona

ChievoVerona 0 - 0 SSC Napoli Fiorentina 2 - 4 Roma

Juventus 2 - 1 Benevento Sassuolo 0 - 2 AC Milan

SPAIN - LALIGA SANTANDER NOVEMBER 5

Levante 1 - 2 Girona Celta Vigo 3 - 1 Athletic Bilbao

Real Sociedad 3 - 0 Eibar Villarreal 2 - 0 Malaga

Real Madrid 3 - 0 Las Palmas

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip