
WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA NOVEMBAR 217-KA
Guddiyada Ammaanka iyo Difaaca Baarlamaanka Somalia ayaa shalay kulan gaar ah ka yeeshay habka loo dhigayo mooshinka Ammaanka laga keenay, waxayna ka doodeen sida ba arlamaanka u wajahayo xaaladda Ammaan ee uu dalku marayo, iyadoo xilalkii laga qaaday Tal iyeyaasha Booliska iyo sidoo kale Nabadsugidda Qaranka.
Sidoo kale, Labadaan Guddi oo ay guddoomiyeyaal ka kala yihiin; Fowsiyo Maxamed Sheekh iyo Xuseen Carab Ciise, ayaa waxay isla gartay in la furo mooshinka Ammaanka, loona yeero madaxda xukuumadda oo ay ku jiraan Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Amniga.
Dhanka kale, Xildhibaannada Qaarkood ayaa hore u dalbaday inuu Ra’iisal Wasaare Khe yre horyimaado Baarlamaanka Somalia, halka qaar kale sida saraakiisha amniga oo ay ku jiraa kuwii xilka laga qaaday.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxay imaanaysaa kaddib markii Muqdisho ay ka dhac een Qaraxyo khasaare badan geystay, kuwaasoo ay mas’uul ka tahay Alshabaab, waxaana jira dadaallo ay dowladdu ku doonayso inay ku adkeyso amniga.
CADAADO: GUDDOOMIYE KUXIGEENKA 1AAD EE AQALKA SARE OO KA FURAY MACHADKA INDHOOLAYAASHA GALMUDUG
Senator Abshir Maxamed Axmed "Bukaari" oo ah guddoomiye kuxigeenka 1aad ee aqal ka sare ee baarlamaanka 10aad ayaa Isniintii waxaa uu magaalada Cadaado oo haatan ah xar unta KMG ahaa ee maamulka Galmudug ka furay machadka indhoolayaasha Galmudug.
Machadkan oo lagu tababari doonaa dadka aragga la’a ayaa noqonaya midkii ugu horee yay ee noociisa ah ee laga furo gobolka, waxaa ka faa’ididoona dadka ku nool gobolka.
Mid ka mid ah indhoolayaashii xafladda ka hadlay ayaa tilmaamay in senator Abshir uu in dhihii u furay, waxbarashana ay ugu sokeysay Garoowe iyo Muqdisho:
"Senator Abshir Bukhaari Kheyr Alle ha siiyo, Illaahay ha barakeeyo, hadda ka hor iskuul ka barakacayaasha ayuu furay, waan ka warhaynaa, haddeerna xafiiskii indhoolayaasha ayuu furayaa, waxaan leenahay waa ninkii noogu horeeyay ee indhaha noo kala qaada. Waxbara sho Muqdisho iyo Garoowe ka dhaxayda lama arko waan ognahay.”
Waxaa sidoo kale furitaanka machadka soo dhaweeyay guddoomiyaha Indhoolayaasha Cadaado Cabdi Xasan Maxamed isaga intaa raaciyay in waxbarashada ay ugu wanaagsan tah ay in dadka indhoolayaasha sadaqo la siiyo.
Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullahi Cabdiraxmaan Xuseen oo xafladda ka had lay ayaa soo dhaweeyay machadkan indhoolayaasha isaga oo dhanka kale bulshada ku dhiir igeliyay in la abuuro wacyigelin la xiriirta sida loola dhaqmo dadka aragga la’a gaar ahaan sida wadada loo gudbiyo.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha aqalka sare Mudane Abshir Maxamed oo arrin tan ka hadlay waxaa uu yiri"Waxaan ku faraxsanahay in aan taageero indhoolayaasha Galmud ug, si loo fududeeyo caqabadaha ayaa maalin walbo la kulmaan”
Abshir Bukhaari waxaa uu January sanadkan isla magaalada Cadaado ka furay Iskuulka Maandeeq Academy kaas oo ay wax ku bartaan caruurta barakacayaasha ah.
Adeeggan ay Iskuullada ku jiraan waa adeegga deegaan doorasho waana mid ka mid aha shaqada loo doortay Xildhibaannada baarlamaanka 10aad.
NIN DOONAYAY INUU DILO MADAXWEYNAHA RUUSHKA PUTIN OO LAGU DHAAWACAY DALKA UKRAINE
Adam Osmayev oo ah muwaadin ka soo jeeda dalka Chechnya laguna eedeeyay in uu qorsheynayay inuu qaarijiyo Madaxweynaha Ruushka Putin, ayaa la dhaawacay xaaskiisana waa la dhaawacay kadib markii gaari ay wateen lagu weeraray magaalada Kiev caasimada dal ka Ukraine. ...
TAHRIIBAYAAL SOOMAALI AH OO LA SOO BADBAADIYAY.
Ciidamada Ilaalada Badda ee Dalka Giriigga ayaa soo badbaadiyay Muhaajiriin ka soo je eda Wadamo ay ku jirto Soomaaliya kuwaas oo doonayay in Dalalka kale ee Yurub uga sii gud baan Dalka Giriigga.
Ugu yaraan 71 qof oo ay ku jiraan Caruur iyo Dumar ayaa la soo badbaadiyay kadib mar kii doon ay saarnaayeen kula qalibantay Biyaha Gairiigga.
Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa la sheegay in ay u dhasheyn Soomaaliya, Suuriya iyo Suudaan waxaana ku jira jiraan 20 caruur ah iyo 22 haween ah sida ay ku warameyn Bool iska Dalkaasi.
Afayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in ay Xaalad aad u adag ku jireyn Dadkaan mar kii la soo badbaadinayay balse ay hada xaaladooda kazoo raaneyso.
Soomaali badan ayaa ka Gudbay Biyaha Giriigga kuwaas oo usii gudbay Wadamada kale ee Yurub.
RAG MIINO AASAYAY OO AY KULA QARAXDAY DULEEDKA DEGMADA BALCAD
Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in Rag miino aasa yay in ay kula qaraxday deegaanka Daniga oo illaa 11km dhinaca Galbeed ka xiga Degmada Balcad ee Gobolkaas.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Miinada ayaa la qaraxday ilaa afar Ruux oo ahaa kuwii aasayay, waxaana la sheegay in ay ka tirsanaayeen dagaalyahanada Xarakada Alshab aab.
Sidoo kale wararka ayaa intaas ku darayaa in ragga miinada la qaraxday uu ku jiro sar kaal sare oo u qaabilsanaa Alshabaab dhinaca miinooyinka balse aan la sheegin magaciisa.
Miinada ayaa la dhigi rabay buundo caan ah oo la yiraahdo buundada Macalin Weyne.
Deegaanka daniga ee Degmada Balcad waaxaa dhawaan ka dhacay qarax Miino oo lala eegt ay gaari caasi ahaa waxaa ku dhintay qaraxaas afar ruux oo shacab ahaa kuwaasi oo baaraley ahaa.
AL SHABAAB OO HESHIIS NABADEED KALA DHEX DHIGAY BEELO KU DAGAALAMAY GEDO
Xilli muddooyinkii dambe Colaad Beeleedyo ay ka taagnaayeen deegaano ka tirsan Gob olka Gedo, ayaa xiisadahaasi Xal laga gaaray, kadib markii masuuliyiinta Al Shabaab ay he shiish kala dhex dhigeen meleeshiyaad isku heystay dhul daaqsimeed ku yaalla deegaanka Ga lgesha Cabdi Kheyr ee Gobolkaasi Gedo.
Waxaana arrintaasi ay soo gaba gabeysay khilaaf iyo Colaado in Muddo ah ka taagnaa deegaankaasi oo u dhexeeya deegaanada Giriley iyo Coosqurun, kana wada tirsan Gobolka Gedo.
Al Shabaab ayaa amray Beelaha halkaasi wada daga in ay ka wada faa’ideystaan Dhul Daaqsimeedkaasi, islamarkaana cid aysan si gaar ah ula heyn .
Waxaana Al Shabaab ay sheegeen in cidii ka hor timaada amarkaasi laga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo ka jiray xiisado Col aadeed oo u dhexeeya Maleeshiyaad wada daga Gobolkaasi, kuwaas oo saameyn ku yeeshay bulshada deegaanadaasi.
Balse Xarakada Al Shabaab ayaa ugu dambeyn heshiis kala dhex dhigay Beelahaasi, ta as oo Xal looga gaaray Colaada raagtay ee Gobolkaasi Gedo.
MAXKAMAD XUKUNTAY DAD ISLAAM NACEYB KULA KACAY MUWAADIN SOOMAALIYEED
Saddex nin oo lagu eedeeyay in ay ku kaceen falal islaam naceyb ah ayaa lagu xukumay maxkamada magaalada san diego ee dalka mareykanka kuwaa oo weerar islaam naceyb ah kula kacay muwaadin Soomaaliyeed.
Weerarka ayaa dhacay sanad ka hor bishii October 30keedii sanadii 2016kii waxaana xil iga la weeraray muwaadinka Soomaaliyeed uu ku sugnaa wadada Jaamacada Ee pizza.
Dad marqaatiyaal ah oo maxkamadda magaalada San Diego ku sugnaa ayaa sheegay in inta aysan weerarin ka hor in ay ku buuqeen dad muslimiiin ah oo haween ay kamid yihiin iyag oona toos u weeraray muwaadin Soomaaliyeed oo halkaasi ku sugnaa.
Waxa sidoo kale marqaatiyaasha ay sheegeen in dhibanaha ay dhaawacyo ka soo gaareen ma daxa kadibna ay dhulka ku dhufteen iyagoo meesha ugu dhaqaaqay. Kooxdan weerarka fulisay waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka Tirsan booliiska magaalada San Diego iyadoona dadkii ku sugnaa halka uu weerarka ka dhacay ay ku marqaati fureen.
SHARIIF XASAN"ANNAGA HAWADA AYAAN MAAMULNAA DHULKANA ALSHABAAB"
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka qeyb galaya shirka Madaxda Qaranka iyo kuwa Dowlad goboleedyada ee ka so cda Xaranta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa hadalkaan sheegay.
Shariifka waxa uu sheegay in dhamaan dalka uu yahay mid dhanka dhulka ay ka maamu laan AlShabaab oo ay iyaga si amni ah ku mari Karin,isaga oo tusaalo u soo qaatay in Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ay tahay mid xiran. "Xaqiiqdii xiligaan waxaa loo baahan yhay in laga fikiro sidii loo furi lahaa Wadooyinka xiran,anaga maxaan ahaaneynaa in aan Hawada Maamulno iyagana ay dhulka maamulaan ayuu yiri Shariif Xasan”
XILDHIBAAN HORE OO LOO MAGAC AABAY GUDDOOMIYE KUXIGEEN DEGMO KA TIRSAN GOBOLKA BANAADIR
Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaankii 9aad ayaa maanta loo magacaabay Guddo omiye kuxigeenka degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.
Warar ay heshay Jowhar.com ayaa sheegaya in Nuur Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa Xildhibaanadii ay soo xuleen 135 Oday dhaqameed loo magacaabay xilka Guddoomiye kuxige enka degmada C/casiis.
Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ta abid Cabdi Maxamed uu u magacaabay xilkan Nuur Maxamed Xuseen.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa soo magacaabay Guddoomiye kuxigeenkada, hal ka Guddoomiyeyaasha degmooyinkana ay soo magacawdo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, is la markaana uu Guddoomiyaha Gobolka soo jeediye ka yahay.
Todobaadyo ka hor ayay aheyd markii Qaasim Maxamed Nuur Furdug oo ka mid ahaa Xil dhibaanada Baarlamaankii 9aad loo magacaabay xilka Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Xildhibaanadii hore oo ku guuldareystay inay ka mid noqdaan Baarlamaanka 10aad ee la gu soo doortay deegaanada maamul goboleedyada ayaa ah kuwo xilal doon ah, waxaana mar ka loo eego meeshii ay daraad siyaasada ka joogeen ay shalay u muuqdaan inay gadaal u soo laabanayaan.
SHIRKA DOWLADDA DHEXE IYO MAA MUL GOBOLEEDYADA OO SHALAY LAGU SOO GABAGABEYNAYO MUQDISHO
Waxaa gelinka dambe ee shalay lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo shirka u dhexeeya madaxda dowladda iyo kuwa Maamul Goboleedyada ee ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Shirkan oo ah mid Xasaasi ah ayaa Ajandayaasha ugu waaweyn ee looga hadlayo waxaa ka mid ah xal ka gaarida khilafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Go boleedyada, Dib u eegsita Dastuurka, Arrimaha Federaalka, dagaalka ka dhanka ah Al Shab aab iyo arrimo kale.
Ilo ku dhow shirkan oo galay maalintii 3 aad ayaa sheegaya in qoddobada qaar la’isku mari la’yahay, balse ay socdaan kulamo gaar gaar ah oo xal looga gaaro arrimaha la’isku hayo.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali "Gaas” oo Wajiga Labaad ee shirka ka hadlay waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in madaxda Dawlad Goboleedyadu wad atashi lagala sameeyo sharci kasto ka hor inta aysan meel marin labada Aqal ee Baarlamanka.
Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Axmed Madoobe” ayaa shaaca ka qaaday in loo istaago dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Waxaana uu tilmaamay in dagaalka lagula jiro Al Shabaab aan looga gungaari Karin Ma ra Cas iyo in baroor diiq la sameeyo, balse taa badalkeeda loo baahan yahay in la qaado abaa bul ka dhan ah Al Shabaab.
Gabagabada shirka ayaa la filayaa in Warmurtiyeed laga soo saaro, kaas oo la xariira go’ aamada ay wada gaareen madaxda dowladad iyo kuwa Maamul Goboleedyada, si meesha loo ga saaro mad madowga siyaasadeed ee haatan jira.
BAXRAYN OO DOWLADDA SOOMAA LIYA KA TAAGEEREYSO DAGAALKA AL SHABAAB
Dowladda Baxrayn ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gacansiin doonto dagaalka ay kula jirto Xarakada Al Shabaab ee ka dirirta Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada Dalka Baxrayn ayaa lagu sheegay in ay kordhin doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya,si loo dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
dowladda Baxrayn ayaa intaasi ku dartay in ay ka go’antahay in door weyn ay ka qaadato soo celinta amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya oo ay weli ka jirto khatar dhinaca amniga ah
Warka qoraalka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Baxrayn ay ka xuntahay fa lalka qaraxyada ah ee ka dhaca Soomaaliya., iyadoo intaasi ku dartay dhibaatoyinkaasi looga bixi karo iskaashi ay ka qeyb qaadato Beesha Caalamka.
W/WARFAAFINTA DFS, KUWA M/GO BALEEDYADA IYO WARBAAHIN TA MADAXDA BANNAAN OO KA SHIRAYA TABINTA HOWLGALLADA AY QOR SHEYSAY DOWLADDA.
Kulan gaar ah oo u dhaxeeya Xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya iyo Wasiirada Warfaafinta Maamul Gobaleedyada Dalka iyo Sidoo kale Madaxda Warbaahinta Madaxa banaan ayaa Xiligaan ka socdo ee Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa looga hadlayaa sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka Dalka gaar ah aan Tabinta Howlgalada ay qorsheysay Dowladda Soomaaliya in lagu qaado Dagaalama yaasha AlShabaab ee ku sugan meelo ka mid ah Soomaaliya.
Waxyaabaha gaarka looga hadlaayo waxaa ka mid ah sidii isku xer buuxa u yeelan laha ayeen Xubnaha warbaahinta u qaabilsan DFS iyo Maamul Gobaleedyada xog dhamestirana loola wadaagi lahaa warbaahinta Madaxa Banaan.
Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay kulankaan waxaana la fil ayaa in qodobo laga soo saaro markii uu dhamaado.
Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayeyso in ay warbaahinta qeyb qaadato baahinta Ho wlgalada la sheegay in uu dalka ka bilaaban doono iyo wadashaqeyn dhaxmarta Warbaahinta Madaxa Banaan iyo Dowladda dhexe iyo Warfaafinta Maamul Gobaleedyada.
RAILA ODINGA OO SI KULUL UGA HAD LAY NATIIJADII KA SOO BAXDAY DOOR ASHADII KA DHACDAY KENYA.
Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya oo si kulul uga jawaabay Natiijadii ka soo baxday doo rashadii ka dhacday Kenya ee la sheegay in uu ku guuleestay Madaxweynaha Talada haaya ee Uhuru Kenyatta.
Raila Odinga ayaa sheegay in wixii ka dhacay Kenya aysan aheyn doorasho waxa uuna ku baaqay in dib loo qabto doorasho xalaal ah waxaana la filayaa in shalay warbaahinta la hadl aan Raila Odinga iyo Xisbigiisa.
Xisbiga Mucaaradka Kenya ayaa soo saaray WarSaxaafadeed ka kooban dhowr Page oo ay muhiimaddu aheyd in dib loo galo doorasho Madaxweyne oo cadaalad ah natiijada la shaac iyayna ay tahay mid qal qal lagu gilinayo Dalka waxaana sidoo kale WarSaxaafadeedka lagu sheegay in ay Shalay hadli doonaan Mucaaradka Kenya.
UNESCO OO AQOONSATAY 8 JAAMACAD OO KA FURAN SOMALIYA
Hay’adda QM ugu qaabilsan Waxbarashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO ayaa soo saartay Qiimeyn ay ku samaysay kudhawaadka boqolka Jamaacadood ee ka hawlgala gu daha dalkeena.
UNESCO waxay sheegtay inay 9 ka mid ah Jamaacadaashi yihiin kuwo ay Hay’addu u aqoonsatay Tayada Waxbarashadooda mid Heer Caalami ah.
Sida lagu soo daabacay Xogta UNESCO ee Waxbarashadda Sare (UNESCO world Hi gher Education Datebase)) liiska Jamaacadaha ku yaalla Somalia ee aqoonsiga ka helay UNE SCO ayaa kala ah:
MADAXWEYNE FARMAAJO OO MAR KALE U HAMBALYEEYAY MADAXWEY NAHA KENYA UHURU KENYATTA
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ay aa mar kale ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta guusha uu ka gaaray doorashadii ku celiska aheyd ee todobaadkii hore ka dhacday dalkaas.
"Aniga oo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan dowladda iyo shacabka Kenya ugu hambaliyeynayaa guusha dimuqraadiyadeed ee ay gaareen”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo dib u doorashada Madaxwe yne Kenyatta inay sii xoojin doonto xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Guddiga doorashada Kenya ayaa daraad ku dhawaaqay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guuleystay doorashada, inkastoo muran badan la gelinayo natiijadaas, kaddib markii mucaaradka ay horay u qaadaceen.
Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa todobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu ka haray tartanka doorashada Kenya, waxaana deegaanada uu ka soo jeeda aanay ka dhicin wax cod bixin ah.
MADAXWEYNIHII HORE EE SOOMAAL IYA XASAN SHEEKH OO BOOQDAY DHAAWACYADA KU JIRA ISBITAALADA DALKA TURKIGA
Xasan Sheekh Maxmuud Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya tan hadda jirta ka horeysay ayaa shalay booqday dhaawacyada ku jira Isbitaalada Gudaha dalka turkiga.
Dadkaan uu baaqday ayaa ah kuwii ku dhaawacmay qarixii 14,kii Bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa dhamaan tegay Isbitalada kala duwan ee dadkaasi ay ku jiraan si uu u ogaado xaaladooda Cafimaad.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre ayaa dhawaan tegay dalka turkiga isaga oo booqday Xarumaha lagu dabiibayo dadkii ku dhaawacmay qarixii Zoobe.
Xasan Sheekh ayaa ku dhowaaqay inuu ku dadaalidoono inuu si joogto ah uga warqabid oono dhaawacyada maadaama uu isagu degen yahay dalka Turkiga
GUDDOOMIYIHII MAXKAMADDA SARE EE KGS OO XILKII LAGA QAADAY
Guddiga adeegga garsoorka Koonfur galbeed Soomaliya oo shalay saxaafadda kula had lay magaalada Baydhabo waxay sheegeen iney xilkii ka qaadeen guddoomiyihii maxkamadda sare ee maamulkaasi, Sheekh Axmed C/laahi Xuseen Fanax.
Waxa ay sheegeen in warkii uu sheegay guddoomiyaha ee ahaa in uu ku shaqeyn doono Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose uu yahay waxbo kama jiraan, waxaana ay tilmaameen in khilaaf horey uga dhex jiray iyaga iyo guddoomiyaha uu xalliyey madaxweyne Shariif Xasan.
Maxamuud Sheekh Xasan oo kamid ah guddigan ayaa sheegay in dhibaato badan oo ay arkeen kadib ay go’aan ku gaareen in shaqada ay ka joojiyaan guddoomiyahii maxkamadda sa re ee Koonfur Galbeed Soomaliya.
Xilka guddoomiyaha maxkamadda sare waxaa si KMG ah loogu magacaabay Sheekh Mi idis Maxamed Xuseen.
BOGGA CAYAARAHA
LA GAZZETTA DELLO SPORT OO SHEEGTAY IN CRISTIANO RONALDO UU SABAB U AHAA IN REAL MADRID AY ISKA IIBISO GONZALO HIGUAIN
Gonzalo Higuain ayaa ka mid ah kaliya labo ciyaaryahan oo gaaray 100 gool labo ka mid ah shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub 20kii sannadood ee ugu danbeeyay. Si kastaba La Gaze tta dello Sport ayaa in sababta uu haatan Italy u joogo inay ugu wacan tahay in Cristiano Ronaldo uu dalbaday in Real Madrid ay iska iibiso.
Afar sannadood ka hor, inkastoo xiddiga reer Argentina uu dhaliyay 107 gool 190 kulan uu sa ftay, Ronaldo ayaa la sheegay inuu la kulmay madaxweynaha Real Madrid Florentino Pe rez isagoo ka dalbaday in la iibiyo weeraryahanka reer Argentina.
La Gazzetta dello Sport ayaa sheegtay in sababta uu Ronaldo u dalbaday in la iibiyo Hi guain inay aheyd inuu ka cawday inuusan marnaba kubada u baasin.
Iyadoo Napoli ay u baahneyd weeraryahan ka dib markii uu Edinson Cavani uu u ware egay Paris Saint-Germain, heshiis ayaa durbadiiba la dhameystiray iyadoo Higuain uu u waree gay garoonka Sao Paolo.
Intii uu ka hoos ciyaarayay tababare Rafael Benitez, Higuain ayaa sii watay qaab ciyaare edk iisa fiican isagoo dhaliyay 71 gool 104 kulan uu u saftay Napoli.
Haatan ka dib markii uu goolkiisii 100aad iyo 101aad u dhaliyay Juventus, Higuain ayaa mar kale dib u dhistay maqaamkiisa ah inuu ka mid yahay weeraryahanada ugu fiican Yurub.
TABABARE DIDIER DESCHAMPS OO HISHIIS CUSUB U SAXIIXAY QARANKA FRANCE
Ururka kubadda cagta France ayaa shaaca ka qaaday in hishis cusub ay ka saxiixdeen macalinka qaranka ee Didier Deschamps
Didier Deschamps ayaa qarankaas France hogaaminaya illaa xagaaga sanadka 2020-ka
Qaranka France ayaa toos ugu soo baxay haatan koobka aduunka ee xagaaga 2018-da lagu qabanayo Russia ka dib markii booska 1-aad kaga dhameysteen Group-ka ay ku jireen
Didier Deschamps ayaa France hogaaminaya inta laga gaaraayo koobka qaramada yu rub ee sanadka 2020-ka dhacaya
MAN UNITED MISE MAN CITY? TABABARIHII HORE EE LEICESTER CITY EE CLAUDIO RANIERI OO SAADAALIYAY KOOXDA KU GUULAYSAN DOONTA HORYAALKA
Tababarihii hore ee kooxaha chelsea iyo Leicester city ee Claudio Ranieri ayaa waraysi uu sii yay wargayska Corriere dello Sport saadaaliyay kooxda ku guulaysan doona, Premier lea gue xilli ciyaareedkan.
Tababarihii hore ee kooxda dacawooyinka ayaa la waydiiyay fikirkiisa kooxda hanan doon ta horyaalka xilli ciyaareedkan isaga oo aan midna u saadaalin labadii kooxood ee uu soo ma amulay ee Leicester city iyo chelsea.
"Sababta ka dambaysa dhibaatada xilli ciyaareed kan ee kooxda chelsea ayay ugu weyn yihiin dhaaw acyada”ayuu yiri Ranieri.
"Waxa intaa sii dheer in ayna dhib yarayn in la badalo Diego Costa, Morata waa weerar yahan fiican laa kiin ma laha tayada uu leeyahay weeraryahan Costa oo kale ah, awooda, gaa jada uu guulaha u qabo, xiddiga reer Spain waxa uu lahaa awood gaar ah marka uu kuba da lugta ku hayso taasna waxa ay chelsea ku qasabatay in ay badasho qaab ciyaareedkeedii xilli ciyaareedkii hore”.
"Isaga oo ka hadlaya kooxda ku guulaysan karta horyaalka ayuu yiri”Waxa aan filayaa in kooxaha Man City iyo United ay ku guulaysan karaan, waxa ay isku baacsan doonaan ilaa dha maadka xilli ciyaareedkan, Tottenham iyo chelsea sidoo kale waxa ay ku jiraan tartanka laakiin kooxaha reer Manchester ayaa ugu cad-cad”.
"CR7 OO WAA XIDDIGA UU KU DEYDO SHAQSI WALBA, LAAKIIN MESSI…” YAA YIRI & SABABTA – OGOW
Macalinka Kooxda kubada cagta Tottenham Hotspur ee Mauricio Pochettino, ayaa war eysi uu siiyay Malajada MARCA, uu kaga hadlay arimo badan, oo ku saabsan kooxdiisa iyo kul anka uu ka hortegayo Real Madrid, habeen dambe.
Ninkaan u dhashay dalka Argentina, ayaa rume ysan in ciyaarta uu la dheelayo Los Blan cos, habeen dambe, oo ay kusoo dhaweynayaa garoonka Wemb aley, ay wax weyn ay uga dhi gan tahay kooxdiisa.
Wuxuu yiri, asigoo ka hadlayay ciyaartaan: "Wa xay noqon doontaa ciyaar xiiso leh, sida tii ka dhacday [Santiago] Bernabeu – saamiguna ma ahan 3 dhibcood, ee waxaa loo dagaalami doonaa wareega xiga, taasoo hamigeena ah.
Dhanka Kale, macallinka Spurs-ka ayaa wuxuu soo hadal qaaday in garoonka ay ku dhee layeen ee Wambaley, uu kaga dhigan yahay goodii hore ee White Hart Lane, oo uu ku socdo dhismo, asigoona kaga hadl ay sidaan:-
"Marka aad kasoo tegto meel, aadna timaado me el kale, mincnuhu ma ahan inay waxba dana ay isbedala yaan, waxaana ujeedku uu yahay in la badiyo iyo inaad la qabsataan goobta as, waana samenay sidaas.
Asigoo sii hadlayay ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ku saabsan Laacibka Real Madrid, ee Cristiano Ronaldo iyo dhibaatada haysta xidigaan oo ah inuu la halgamayo inuu dhaliyo goolal badan xilli ciyaareedkan.
Wuxuu yiri: "Isaga waa mid ifafaalo leh, waxaa lagu abaalmariyay Jaa’izada ‘The Best’ wa ana uu u qal may, waxaa intaas u sii dheer inuu leeyahay tayo iyo ta bar, waana xidig ku dada ala naftiisa, ayna ku daysadaan xiddigaha oo dhan.
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP A
Basel 1 - 2 CSKA Moscow
Manchester United 2 - 0 Benfica
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP B
Celtic 1 - 2 Bayern Munich
Paris Saint Germain 5 - 0 Anderlecht
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP C OCTOBER 31
Atletico Madrid 1 - 1 Qarabag FK
Roma 3 - 0 Chelsea
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP D
Olympiacos 0 - 0 Barcelona
Sporting CP 1 - 1 Juventus
LAYAABKA): NIN LAGU QABTAY 9 MAYD IYO MADAXYO
DADEED
Boliska Japan waxay shalay gacanta ku dhigay Nin 27jir ah, kaasi oo dhismihii uu deganaa laga helay Qaboojiyayaal uu ku kaydinayey qeybo ka mid ah Jirka dad mayd ah.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Takahiro Shiraishi ayaa lagu qabtay Dhismo ku yaalla Dee gaanka ZAMA ee Koonfurta caasimadda dalkaasi ee Tokyo.Boliska dalkaasi oo la hadlay Wa kaalladda War arka ee aFP ayaa sheegay inay heleen 9 mayd oo 7 ka mid ahaa kuwo aan lahayn wax madax ah.
Warbaahinta Dowladda Japan ee NHK ayaa baa hisay inuu Eedeysanaha u sheegay Boliska inuu isagu dilay maydadka laga helay gurigiisa.
Wuxuuna intaasi ku daray in shaqo ka qabtay maydadkaasi, si uu u aaso Caddaymahooda..
Wargeyska Jiji Press ayaa qoray in uu Eedeysanha u sheegay Boliska inuu maydadka ku jarjaray suuliga.Qalfood dadeed ayaana laga helay qolkisia jiifka.
Dhowr Warbaahin ayaa sheegtay in maydadka la helay kala ahaayeen 8 haween iyo hal nin.
Helitaanka maydadkaasi lagu kaydinayey Qaboojiyayaasha ayaa yimid, xilli ay Boliska baadigoobay een Haweeney 23jir oo la la’aa tan iyo bilowgii bishan October.
Haweeneyda oo xiriir la lahayd Ninkaasi ayaa ka mid ahayd maydadkii laga helay gurigiisa.
Sida laga soo xigtay Wargeyska Malainlaha ee the Sankei Shimbun daily waxay Haween eydaasi intaan la dilay Barteeda Twitterka ku qortay inay raadinayso qof ay iyada isla dhintaan.
Qaar ka mid ah Warbaahinada ayaa sheegaya in Shiraishi iyo Haweneydaasiisku barteen Websayt laga dheeho Warbixinadda qaababka la isku dilo.
Kameerooyinka Qarsoon ee CCTV waxay qabteen iyadoo Dilaaga iyo gabadha 23jirka isla socdeen maalintii Isniinta ee la soo dhaafay.
Walaalkeeda waxa uu u sheegay Boliska inuu Walaashiisa la’aa tan iyo bishii September 21dii ee sannadkan.
Telefishinadda Japan waxay baahinayeen Muquaaladda Bolis badan oo ku sugan Waddoo yina ku gareeraysan Dhismaha lagu qabtay Ninka dadka badan dilay ee maydadka ku kaydinayey dhowr Qaboojiye.
WASAARADDA WARFAAFINTA XFS OO SHIR WADATASHI AH KA FURTAY MUQDISHO.
Shirkani wadatashiga ah oo u dhexeeya Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho.
Shirkani wuxuu socon doona muddo labo maalmood ah, iyadoo ay ka qeyb galayaan Wa siirada warfaafinta heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, Xeer ila aliyaha guud ee Qaranka iyo Agaasimayaasha guud ee Wasaaradahaasi, waxaana sidoo kale qeyb ka ah Warbaahinta sida ga arka ah loo leeyahay.
Ajandayaasha looga hadlayo shirka, waxaa kamid ah Xoojinta Iskaashiga Warbaahinta Dalka ee la xiriirta Tabinta habka Warbaahineed iyo doorka looga wada qeyb qaadan karo.
Sidoo kale waxaa looga hadlaya sidii warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ay u mideyn lahaayeen aragtidooda ku aadan habka bulshada loogu gudbinayo Macluum aadka.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali daahir oo kulanka ka hadlay ayaa codsaday in Buug laga qoro Qaraxii Soobe si qofkasta uu u gaaro buugaasi xasuusna ay u nqoto, sidoo kale wuxuu saxaafada ugu baaqay inay iska hubiyaan wararka ay tabinayaan.
"Warbaahinta markasta aan dhageysto waxaan ku arkaa qaladaad badan, waxaa ka mid ah qaraxii ugu dambeeyay, waxay ku leeyihiin dadkii galay Naaso Hablood 2 waxay wateen Aqoonsi ga Nabad Sugida, hadii lagu qabsado waa ku xirmayaan, waayoo mid been abuur ah ayay wateen marka ma fiicno”.ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka
Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan "Eng Yariisow” ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta lagu casuumay shirka sida ay uga soo qeyb galeen, wuxu una faahfaahin ka bixiyay shirkan socon doono Labada Maalin
"Aan kulano waa aan wadatashano Maadaama aan masuul ka nahay Warbaahinta Soomal iya, Guddiga Baarlamaanka ee Warfaafinta waan uga mahad celinayaa in kulanka ay ka soo qeyb galaan, doorkeena waxaan ku xoojin karnaa in aan wada shaqeyno, Bahda Warbaahinta waxey na ga codsadeen in aan dib u eegis ku sameyno xeerkii Saxaafada ee madaxweynihi hore uu saxi ixay, dib u eegis ayaan ku sameynay, Saxaafada waxaan ku amaanayaa sida ay ugu danqadeen dhibanayaaashii qaraxii Soobe, Kulankii aad saxaafad ahaan go’aan ku gaarteena waa guul” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta
SHIRKA BAARLAMAANKA CARABTA OO SHALAY KA FURMAY MAGAALADA KHARTUM..
Shirkan oo uu si rasmi ah u furay Madaxweynaha Dalka Sudan waxaa furitaankiisa ka qeyb galay guddoomiyaha baaarlamaanka Carabta, Guddoomiyaha Gol aha Shacabka ee Jamhuuriya dda Federaalka Sooma aliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaa ri”, Guddoomiyaha Ba arlamaanka Sudan iyo dhamaan gudoonka iyo xildhibaannada xubnaha ka ah Baar lamaanka Car abta oo ay ku jiraan afarta xubnood ee golaha shacabka ee JFS u matalaya Baarlamaanka Cara bta.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mishaal Bin Fahm AlSalami oo ugu horeyn shirka ka hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan xubnaha ka socda dalalka Carabta ee baarlamaanka Car abta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Sudan Ibr aahiim Axmed Cumar Ayaa u mahad celiyay wafdiga ka socda Jamhuuriyadda Soomaaliya oo uu hoggaamin ayo guddoomiyaha golaha shacab ka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan "Jawaari”.
Madaxweynaha Dalka Sudan Cumar Xasan Al Ba shiir oo si rasmi ah shirka u furay ayaa ka hadlay muhiimmada uu shirka dalalka carabta u leeyahay.
Shirka waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha dalalka Yeman, Falastiin iyo cuna qabateyntii dhinaca dhaqaalaha ah ee dhawaan laga qaaaday dalka Sudan iyo sidoo kale dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalka Carabta.
Xildhibaan Maxamed Xaaji Geelle oo ka mid ah af arta xubnood oo xildhibaannada golaha shacabka JFS u matala Baarlamaanka Carabta ayaa geba gabada shirka kadib la hadlay Warba ahinta Qaranka ayaa sheegay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalkeena Soomaaliya.
WAA WARARKA WARGYESKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 1-DA NOVEMBAR 217-KA
RA'IISUL WASAARAHA IYO WASIIRKA AMNIGA OO LOOGA YEERAYO BAARLAMAANKA IYO MOOSHIN…OCTOBER 31, 2017 AT 17:20 RA'IISUL WASAARAHA IYO WASIIRKA AMNIGA OO LOOGA YEERAYO BAARLAMAANKA IYO MOOSHIN… Xildhibaanno ka tirsan baarlamaank