
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 31-KA OKTOOBAR 2017-KA
Arrimaha sida weyn loo hadal hayay ayaa waxaa ka;
mid ahaa Siyaasadda, maadaama DF iyo M/Goboleedayada uu u dhaxeeyay khilaaf.
HALKAN HOOSE KA AKHRISO QODOBADA LOOGA HADLAYO SHIRKA.
1. SIYAASADDA
A. Dajinta iyo xalinta xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan: joojinta dhammaan wax ala iyo wixii sii kor dhin kara xiisadaha siyaasadeed ee hadda ka jira si fur sad loo siiyo in si dagan looga hadlo,loona xaliyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeyo labada dhinac.
B. hagaajinta iskaashiga labada dhinac :abuuritaanka xiriirka iyo hanaan wada shaqeyn oo cusub kaas oo ku dhisan iskhaashiiyo talo wadaag.
C.qorsheynta kaalmooyinka:-kaalmooyinka ka wada hadlidda arrimaha si loo helo hab iyo Hannaan isu dheelitiran oo loo qeybsanaayo kaalmooyinka dibada laga helo.
D. Hindisaha sharciyeedyada:- ka wada hadalka arrimaha xeerarka hey'adaha Dowladda dhexe meel marinta.
2.HANNAANKA FEDERAALKA
A.Awoodaha iyo Kheyraadka:- Kawada hadalka iyo Go'aan gaarista sida ugu habboon oo loo wada wadaagi karo Awoodaha Kheyraadka.
3. DIB U EEGISTA TASTUURKA:-
A.Hannaanka Dastiirka: Sameynta Hannaanka iyo Qorshe mideysan oo qeexaya geeddi socodka ay kala yeelanayaan matalayaasha din u eegista Dastiirka.
4.DOORASHOOYINKA
A.Doorashooyimka 2020: Dejinta qorshe howleed qeexaya hannaanka geeddi socodka doorashooyinka kaas damaanad qaadaya in la gaari hal cod iyo hal qof sanadka 2020-ka.
B.Xisyiyada: in la Dardargeliyo Dhammeystirka hannaanka siyaasadda xisbiyada.
5.AMNIGA
A.Qorshaha Amniga Qaranka:-Dib u eegista Abuuridda hannaan iu dheelli toran oo lagu qeybinaayo saraakiisha . tababarrada iyo qalnka ciidmada.
B. GOLAHA AMNIGA QARNKA:-dib u eegis habka iyo hannaanka go'aan Qaadashada Golaha.
C.WADAAGGA kAALMOOYINKA :- Abuurid hannaan isu dheelli tiran oo lagu qeybinaayo saraakiisha, Tbabbarada iyo Qalbka Cidamada.
E.DOORASHADA SNA iyo Nisa:- inla caddeeyo doorka ciidmada qaranka ee jooga Dowlad
goboledyada.
Guddiyada Amniga iyo Difaaca oo kulan ka yeeshay ammaanka dalka
Guddiyada Amniga iyo Difaaca ee Baarlamaanka FS oo daraad gelinkii dambe kulan ku yeeshay M/Muqdi sho ayaa waxa ay ka hadleen xaala dda ammaan ee dalka. Kulankan ay aa wuxuu ka dambeeyay ka dib mar kii Xildhibaanno ka tirsan Baarlama anka Soomaaliya ay daraad ay gud doonka Golaha shacabka ku wareeji yeen Mooshin la xiriira xaaladda am ni ee dalka oo sii xumaaneysa.
Kulanka Guddiyada Difaaca iyo A mniga Baarlamaanka ee daraad ga lab ka dooday mooshinka dar aad ay ku wareejiyeen Xildhibaannada ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Xaru nta Villa Hargeysa ee M/Muqdisho.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo ah G/Guddiga Guddiyada Difaaca ee Baarlamaanka FS oo la had lay warbaahinta qaar ee muqdisho ay aa sheegay in shalay ay iska xog wareysteen arrimaha amniga, maal maha soo socdana ay horgeyn doo naan Baarlamaanka.
Mooshinkan waxaa uu imanayaa iyada oo daraad Golaha wasiirrada Soomaaliya ay xilkii ka qaadeen Tali yayaashii Nabad Sugidda iyo Boolis ka Soomaaliya kaddib weerarkii Sab tigii ka dhacay Hotelka Na asahablo od 2 ee Magaalada Muqdisho.
XILDHIBAAN XUSEEN SH: HABAC SANAAN AMNI TII UGU LIIDATAY AYAA JIRTA
Xildhibaan Xuseen Sheekh Maxam uud oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa si kulul u sheeg ay inay jirto habacsanaan dhanka ammaan ka ah oo ka taagan Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan jirin isla xisaabtan rasmi ah oo ku aadan han aanka suggida ammaan ka Muq disho.Xildhibaanka, ayaa wuxuu sheegay in lawada xusuusto dhacdadii 14kii Bishan ka dhacday Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu xasuuqay shacab fara badan oo Somaliyed, sidoo kalena maalmo kadib ciidamada Amisom dad rayid ah ay ku laayeen deeg aanka Lafoole ee Gobolka Shabell aha hoose.
Wuxuu tilmaamay Xildhibaanka in shacabka Somaliyed ay haysato dayac dhanka ammaanka ah oo loo baahan yahay in wax laga qabto, iyadoo isla xisaabtan iyo culeys la saarayo dadka ka shaqeeya dhanka ammaanka.
"Dhimashada, dhaawaca iyo dhibaatada soo noqnoqotay waxaan rajeynayaa in umadda Soomaa liyeed uu ilaahey ka qaado marka ay sidaas wax u dhacaan waa in la qaato mas’uuliyaddii aheyd in la isla xisaabtamo, caqliga saliimka ah iyo midka waayoaragnimada Soomaaliya waxa ay sheegey saa in sida ay wax u socdaan aysan sax ahayn, Afar iyo Tobankii October Hal maalin ayaa dhimatay dhowr Bo qol, waxaa ku xigay Lafoole oo ciidamada Amisom ay laayeen dad shacab ah, waxaa ku xigay kii dar aad, ma han wax caqliga saliimka ah haddii uu fakaro aan macquul aheyn, waxay ila muuqataa in wax badan ay qaldan yihiin aniga waxaan ku baaqi lahaa in wax labadalo.” ayuu yiri Xildhibaanka oo la hadlay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
"Way muuqataa habacsanaan dhanka amniga ah 100% caruurta yar yarka ayaa shalay dareem aya inay cabsi jirto heer walba oo bini’aadam gaaro ayey gaartay waayeelladii iyo haweenkii ayaa qoryo lasoo baxaya markay arkaan waxay ka shakiyaan ayaa waxaa la la’yahay maskaxdii ka faa’idesan lah eyd.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Xuseen Sheekh.
Dowladda Somaliya ayaa miciin biday xil ka qaadis lagu sameeyay Taliyeyaasha Booliska iyo Na bad Suggida Somaliya, kadib markii lagu eedeeyay inay dayaceen shaqada dhanka ammaanka oo mas uul ay ka ahaayeen.
Al Shabaab ayaa hadda gaaray guul laba afleh, maadaama ay isugu darsoontay inay weeraro ka gays taan Magaalada Muqdisho iyo in xil kii laga qaaday Taliyeyaashii ciidan ka.
PROF.CALI MAXAMED GEEDDI OO KU BAAQAY IN LOO MIDOOBO DAGAALKA SHABAAB
Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shee gay in ay muhiim tahay in laga sha qeeyo xasiloonida iyo nabadgelya da dalka, sidoo kalena la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab.
Prof .Cali Maxamed Geeddi oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in maalin kasta aan loo joogi karin madal tacsi ah, iyadoo awood buuxda loo leeyahay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo in la soo afjaro.Geeddi ayaa wuxuu tilmaamay Shabaab inay yihiin koox yar oo aan sidaasi u badneyn, balse shacabka Somaliyed ay ka badan yihiin, haddii ay si buuxda garab istaag rasmi ah u siiyaan dowladda Federalka Somaliya.
"Ilaahey waxaa uu naga dhigay dad awood leh oo aqoon leh oo qaran ah oo ciidan leh oo shacab iyo dowladnimo rabo leh intaas haddaan isku darno oo cadowga aan dalka qaban weyno waxaan noqoneynaa dad mas’uuliyaddoodii aan ka soo bixin.” Ayuu yiri Geeddi.
"Waxaan rajeynayaa inaan iskugu baaqno isu sheegno inaan dalka ka xoreyno cadowga umadd eenna baabi’inaayo qof uu dhaafayo malahan dowladd uu la dirarsan yahay malahan shacabkii birmag eed ada ahaa ayey maalin walba leynay aan.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof .Geeddi.
Ururka Al Shabaab ayaa muddooy inkaan dambe waxa ay u soo dhar dhigteen beegsiga shacab ka Som aliyed oo ay ku beegsan ayaan Hot elada iyo goobaha kale ee Bulshada ay isugu timaado.
KIM JONGUN OO BOOQDAY WARSHA DDA ALAABAHA ISQURXINTA
Mr Kim oo ku sugan warshadda gudaheedaMr Kim oo ku sugan warshadda gudaheeda
Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooti Kim JongUn ayaa booqday war shad soo saarta daawooyiinka la isku qurxiyo oo ku taalla Pyongyang.
Waxaa booqashada ku wehliyay xaaskiisa oo aan badanaa la arkin oo lagu magacaabo Ri Solju iyo walaashiisa Kim Yojong.
Warbaahinta dowladda ayaa Axaddii baahisay sawirro muujinaya Kim Jongun oo booqanaya war shadda. Labadan dumar ee la socday aad ayey u yartahay in lagu arko goob aha bulshada.
Walaashiisa Kim Yojong ayaa dho waan loo magacaabay xil sare oo dowladda ka tirsan.
Alaabta la isku qurxiyo ayaa aad ugu yaraaday dalka Kuuriyada Waqooyi ka dib cunna qabateyn ta Qaramada Midoobey.
MUXUU U BOOQDAY WARSHADDA?
Muddo sanado ah, dalal badan ayaa joojiyay in alaab ay u dhoofiyaan dalka Kuuriyada Waqooyi, ka dib xayiraadda Qaramada Midoobey iyo Mareykanka.
Donald Trump: ‘Kim Jongun waa nin xariif ah’
Kuuriyada Waqooyi oo "xadday qorshaha duullaanka” Mareykanka
Dilkii shirqoolka ahaa ma dareen kubbaddeed buu abuurayaa?
Markaa ka dib, maamulka Pyongyang ayaa sameystay warshad u gaar ah oo soo saarta dawada la isku qurxiyo iyo barfuunno, taa ayaa hadda dalkaasi caan ka noqotay.
Ms Ri, waa qofka dhanka midig taagan ee dharka madow iyo caddaanka ah xiranMs Ri, waa qof ka dhanka midig taagan ee dharka madow iyo caddaanka ah xiran
Inkastoo lagu garanayay booqashada xarumaha militariga, in hadana uu booqdo warshaddan wax aa loo arkaa in ay muhiim u tahay dacaayadda ku wajahan in maamulkiisa uu si wanaagsan u shaqey nayo.
Dhowaanahan wuxuu booqanayay warshadaha iyo goobaha dadwaynaha ee lagu sameeyo alaab kala duwan, sida telefoonada casriga ah.
Booqashada waxay tahay "in lagu muujiyo in Kuuriyada Waqooyi ay barwaaqo u horseedeyso dadkeeda si la mid ah Shiinaha iyo Kuuriyada Koonfureed,” ayuu yiri Ankit Panda oo ka faallooda arrimaha maa mulka Pyongyang.
"Xittaa haddii aan ognahay in aysan run ahayn, hadana waxay muhiim u tahay in dadka Kuuriy ada Waqooyi u arkaan in dowladdooda ay waxyaabo kala duwan ka heli karaan.”
MATAANIHII MADAXA LOO KALA FUJIYAY OO AFAR MAALMOOD KA DIB "INDHAHA KALA QAADAY”
Sawirkan waxaa la baahiyay labo maalmood ka dib qalliinkan taariikhiga ahb Sawirkan waxaa la baahiyay labo maalmood ka dib qalliinkan taariikhiga ah
Mid ka mid ah labadii wiil ee qalliinka lagu kala fujiyay iyagoo madaxa iskaga dhagan ayaa indha ha kala furay afar maalmood ka dib markii lagu sameeyay qalliinka taariikhiga ah, sida uu dhakhtar shee gay.
Jaga oo labo jir ah ayaa sidoo kale bishimaha dhaqaajiyay, wuxuuse u baahan yahay in maalin kaste kalyaha loo sifeeyo, maadaama oo uu kalyaha ka jiran yahay.
Walaalkii Kalia ayaa isagu wali miyir daboolan.
Wiilasha ayaa dhashay iyaga oo xididdadooda dhiigga iyo dahaarka maskaxdoodu isku dhagantahay, laakiin qalliin 16saac qaatay ayaa lagu kala fujiyay.
Soddon dakhtar ayaa ka qaybqaatay qalliinkan, waana midkii koobaad ee noociisa ah ee dalka Hindiya lagu fuliyo, waxaa qalliinka lagu sameeyay isbitaal ay dawladdu leedahay oo magaalada Delhi ku yaalla.
Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin sida ay u soo kabanayaanDhakhaatiirtu waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin sida ay u soo kabanayaan
Inta aan qalliinka lagu kala fujinin mataanahaInta aan qalliinka lagu kala fujinin mataanaha
Labada wiilba xaaladdoodu way dagan tahay, waana lagu qanacsan yahay sida ay u soo haga agayso, sida uu BBCda u sheegay bare sare Deepak Gupta oo ka mid ah dadka ku lugta leh qalliinkan.
Mataanahan ayaa ka soo jeeda tuulo ku taalla gobolka Orissa ee dalka Hindiya, xaaladdan ay ku dha sheen ee madaxa ay iskaga dhaganyihiinna waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa craniopagus.
Qalliinka ka hor waxay ka soo gudbeen marxalad adag, sababtoo ah saddexdii milyan ee ruux ee dhashaba hal ilmo ayaa xaaladdan lagu arkaa, 50% carruurta sidaas ku dhalatana waxay ku dhintaan 24 saac gudahood, sida ay dhakhaatirtu sheegeen.
Qalliinka koobaad waxaa la sameeyay 28kii Agoosto markaas oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen xiddido u kala qaybiya dhiigii wadnaha ku soo laabanayay marka uu maskaxda gaaro ee ay halka xidid ka wada qaadanayeen.
KHAYRE "XFS WAXAA KA GO’AN IN AY LA SHAQEYSO D/GOBOLEEDYADA”
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo bilaha soo socda sidii looga wada shaqeyn lahaa sidii dalka loo xoreyn lahaa, kadib khudbad uu xalay ka jeediyay shirka Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada.
Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in Xukuumadda Federaalka ay ka go’an tahay in ay la shaqeyso xubnaha kale ee Wasiirada Dowlad Goboleedyada, sidoo kalena la dar dar geliyo shaqooyinka kale.
Khayre ayaa sheegay masuuliyadda maanta na hortaagan in laga rabo qfo walba oo Soomaali yeed, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dhammaan ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Alshabaab.
"Waxaan soo dhaweynayaa fikirka ah bilaha soo socda in kuligeen aan ka wada shaqeyno sidii loo xoreyn laha dalka, sida uu ku baaqay Madaxweynaha, Xukuumadda waxaa ka go’an in ay la shaq eyso xubnaha kale ee Wasiirada Dowlad Goboleedyada.” Ayuu yiri Khayre.Ra’iisul Wasaaraha Xukuuma dda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay Dowladnimada in laga balaarin doono Xamar, lana gaarsiin doono dhammaan Gobolada dalka.
ITOOBIYAAN XASUUQ LOO HAYSTO OO MAXKAMAD LAGU SOO TAAGAY HAGUE
Eshetu Alemu ayaa lagu eedeeyay in uu amray dilka 75 ruux
Itoobiyaan dhalashada Netherlands haysta ayaa maxkamad lagu soo taagay shalay magaalada Hague, isaga oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo kala duwan.
Eshetu Alemu waxaa lagu eedeeyay in uu amray dilka 75 ruux oo ku sugnaa kaniisad sannadihii 1970yadii, markaas oo uu dhacay dilkii dhiigga badan ku daatay ee loo bixiyay "Red Terror”.
Ninkan 63 jirka ah ayaa sidoo kale lagu eedeeyay jir dil, si banii’aadannimo ka baxsan ula dhaq mid, kuwaas oo ay ka mid yihiin, lugaha iyo gacmaha ka xirxirid, meel sare ka soo laalaadin iyo in dadka oo aan kabo qabin cagaha laga garaacay.
Eshetu ayaa kaaliye u ahaa kaligii taliye Mengistu Haile Mariam oo Itoobiya horay madaxweyne u ga soo noqday oo haddana dibad joog ah.
Dacwadahaas ayuu rajaynayay in uu ka baxsado isaga oo dibad joog ku noqday Yurub, Itoobiyana isaga oo maqan ayay ku xukuntay dil.
Hadda dhalashada Netherlands ayuu haystaa, labada toddobaad ee soo socdana dad la sheegay inay dhibaneyaashii yihiin ayaa maxkamadda u sheegi doona wixii ay la kulmeen iyaga oo rajaynaya in ay arkaan caddaaladdii ay wakhtiga dheer sugayeen.
Mengistu Haile Mariam wuxuu Itoobiya ka soo arrimiyay tan iyo 1977 ilaa 1991diiMengistu Haile Mariam wuxuu Itoobiya ka soo arrimiyay tan iyo 1977 ilaa 1991dii
Mingustu ayaa Itoobiya ka arriminayay tan iyo sannadkii 1977dii isaga oo gacan bir ah dadka ku maamulayay ka dib markii xukunka laga tuuray boqor Haile Selassie sannadkii 1974tii.
Intaas ka dibna 1991dii ayaa xilka laga tuuray ka dib markii ay jabhado badan ku kaceen.
Waa arrin naadir ah in maxkamaddaha Netherlands ay qaadaan kiis noocan oo kale ah.
XILDHIBAAN C/QAADIR COSOBLE OO UGU BAAQAY SHACABKA IN AY LA SHAQEEYAAN DOWLADDA
Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka dalba day shacabka Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, islamarkaana ay u midoobaan, sidii loo sam ata bixin lahaa Dalka.
Waxaana uu tilmaamay in shacabku ay yihiin awooda dowladda, loona baahan in ay garab istaa gan Laamaha Ammaanka, si looga hortago qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya Magaalada Muqdisho .
Sidoo kale Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble Cali ayaa ugu baaqay Saraakiisha Ammaanka in xoojiyaan howlgallada lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhacaya degmooyinka Gobolka Banaadir.
Hadalka Xildhibaan Cosobe ayaa imaanaya, xilli maalmihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen weeraro qaraxyo ah oo kii ugu dambeeyay ee Hotel Naasa Hablood 2 ay sheegteen Xarakada Al Shabaab.
GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO KHUDBAD KA JEEDIYAY SHIRKA GUUD EE BAARLAMAANKA SUUDAAN
Kulanka Guud ee Golaha Baarlamaanka Dalka Suudaan oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka ayuu shalay qudbad ka jeediyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxa med Sheekh Cusmaan Jawaari oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo maalinkii Labaad ay ku suganhihiin magaalada Khartuum ee xarunta dalka Suudaan.
Guddoomiyaha golaha shacabka ee JFS Soomaaliya ayaa qudbadiisa waxa uu ugu horeyn ugu mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka dalka Suudaan, guddoonkooda iyo guud ahaan shacabka iyo dowladda Suudaan, waxaana sidoo kale uu ka hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Suudaan, sidoo kale xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dal.
Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa casuumaad rasmi ah u fidiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkan Suudaan inuu booqasho rasmi ah uu ku yimaado Soomaaliya, sida uu gaba gabada kulanka uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Max amed Cabdullaahi Xasan "Nuux”.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa ayaa booqday Warshadda diyaarad aha sameysa ee ku taala magaalada Khartuum iyagoo halkaasi kula kulmay Madaxda xaruntaasi oo sidoo kale ay tababar ku qaataan ardayda Kuliyadda Injineerinimada barta ee Dalka wax ku barata.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha shacabka waxa uu xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Suudaan kula kulmay Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda Suudaan oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriir labada dal.
MIDOWGA EUROPE OO UGU BAAQAY MADAXDA SOOMAALIDA INAY XALIYAAN KHILAAFKOODA
Madaxa Siyaasadda Dibedda ee Ururka Midowga Europe. Federica Mogherini ayaa ugu baaqday Madaxda DFS iyo kuwa Maamulgobaleedyadda inay u midoobaan sidii loola dagaalami lahaa kuwa colaadaha ku haya dadka Soomaalida, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Catherine Ray oo ah Afhayeenka Madaxa Siyaasadda Dibedda ee EUda auaa sheegay inay Mid owga Europe soo dhaweynayaan Shirka Madaxda DFS iyo kuwa Maamulgobaleedyadda daraad uga fur may magaalladda Muqdisho.
Uhuru Kenyatta oo markale ku guuleystay Doorashadii ku celiska aheyd ee Kenya
Dhinaca kale, Warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay inay Dowladaha xubnaha ka ah EUda si wadajir ah u cambaaraynayaan Weerarkii ay Al;shabaab ku qaadeen Hotelka Naasa Hablood 2 ee magaalladda Muqdisho.
EUda waxay kaloo ugu baaqeen Ummadda Soomaaliyeed inay u midoobaan sidii Somalia loogu soo dabaali lahaa Nabad iyo Horumar.
DUMARKA SACUUDIGA OO LOO OGG OLAANAYO IN AY CAYAARAHA DAAWADAAN
Tani waa xoriyad kale oo dheeraad ah oo la siinayo Dumar Sacuudiga, kaddib markii la sheegay in loo ogolaanayo daawashada ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masu uliyiintu sheegeen.
Qoysaska ayaa awoodi doona in ay gudaha u gallaan Garoommada ku yaalla saddex magaalo oo waawayn oo kala ah Riyadh, Jeddah iyo Dammam.
Dumar Sacuudiga waxaa muddo dheerba saarnaa xayiraando Jinsi ku salaysan, waa farxad kale oo u soo hooyatay dumar Sacuudiga oo horay loogu ogolaaday in ay kaxeyn karaan gawarida.
Maxamed Bin Salmaan ayaa wada qorsheyaal waawayn oo uu ku casriyaynayo Sacuudiga, kuna kordhinayo dhaqaalaha.
Waaxda maamusha ciyaaraha Sacuudiga ayaa sheegtay in ay billaabayaan qabanqaabada hir galinta arrintan si ay u awdoodaan "in ay qoysaska ugu suuragasho in ay ciyaaraha daawadaan horr aanta sannadka 2018ka.
Makhaayado, goobaha lagu qaxweeyo iyo shaashado ayaa laga dhisi doonaa garoomada dhex dooda kuwaas oo qayb ka ah isbadallada la samaynayo.
Hadda wixii ka horreeyay garoomada ciyaaruhu goobo rag oo kali ah ayeey ahaayeen, laakiin waxaa muuqata in wixii markan ka danbeya haweenku ku biiri doonaan.
MID KA MID AH XILDHIBAANADII KMG,KA AHAA OO KU GEERIYOODAY GUDAHA DALKA CANADA
Cawad Axmed Cashara oo mar ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaankii KMG,ka ahaa xiligii dowlad Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa ku geeriyooday dalka Canada.
Allaha u naxariistee Marxuumka oo sidoo kale mar soo noqday Wasiirka Warfaafinta Puntland kana mid ahaa Was aasayaaahii Maamulkaas.
Qaar ka mid ah Ehelkiisa ayaa xaqiijiyay geeridiisa, waxayna ku sheegeen in uu waayadaan xan uunsanaa.Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa dadka sida weyn ugu ololeyn jiray Midnimada Soomaaliya.
GUDDOOMIYAHA G/BANAADIR OO SOO SAARAY AMAR LAGU MAMNUUCAYO BOOYADAHA IYO GAADIIDKA XAMUULKA
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo saaray wareegto lagu mamnuucayo booyadaha iyo gaadiidka xamuulka in aysan waddooyinka magaalada isticmaali karin maalintii.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Taabid ayaa lagu sheegay in 7da subaxnimo illaa 8da fiidnimo aysan gaadiidka xamuulka iyo kuwa booyadaha socon karin.
Sidoo kale waxaa gaadiidka xamuulka lagu amray in aysan qaadi karin rar ka tan badan culeyska gaar iga, taasoo dhowr jeer oo hore ay u dhacday gaadiid rar badan la saaray uu ku qalibmay waddooyinka.
Waxaa la faray darawalada gaadiidka xamuulka iyo booyadaha hadii ay u hoggaansami waayaan ay la kulmi doonaan ganaax lacageed oo gaaraya 10milyan oo shiling Soomaali ah oo u dhiganta $500 oo dollar.
Amarkan ayaa waxaa lagu baahin doonaan warbaahinta muddo saddex maalin, si dadka loo bara arujiyo, laguna ogeysiiyo darawalada gaadiidkaas, waxaana tallaabadan looga gol leeyahay in lagu xa qiijiyo amniga Caasimadda.
Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho oo xiran iyo Gaadiidka oo tira beelay ayaa sababay Mashquul badan iyo Ciriiri ka jira Wadooyinka tirade yar kulmisay Isticmaalkeeda wixii gaari Muqdisho lagu watay.
Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kaddib qaraxii 14kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe uu fuli yay gaari xamuul ah oo ah nooca TMka loo yaqaano.
UHURRU KENYATTA OO LAGU DHAWAAQ AY INUU KU GUULAYSTAY DOORASHADII LAGU CELIYAY EE KENYA.
Guddiga doorashadda dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay do orashadoo lagu celshay ee 26 bishaan dalkaasi ka dhacday.
Gudoomiyaha guddiga doorashadda dalkaasi Wafula Jibukaati ayaa ku dhawaaqay in M/weyne Uhuru uu mar kale ku guulaystay mar kale doorashadii lagu celiyay.
Wafula waxaa uu xuusay in Uhuru helay 98% codadkii la tiriyay taasna ay ka dhigantahay inuu yahay M/weynaha la doortay.
Ku dhawaaqista natiijadaan waxay soo baxayaan ayadoo xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah ay qaadaceen doorashadii lagu celiyay dhawr magaalana aan laga codeyn.
Uhurru Kenyatta ayaa sidaan oo kale ugu guulaystay doorashadii la qabtay bishii August ee sanadkaan inkastoo maxkamada sare ee ay amartay in lagu celiyo.
EHELADA SUXUFIYIIN KU GEERIYOOD AY QARAXII SOOBE OO DEEQ LACAGE ED LA GAARSIIYAY
Deeqdan lacageed ayaa loo qeybiyey ehelada Suxufiyiin ku geeriyooday qarixii ka dhacay 14 October isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, iyadoo lacagtaan ay soo dhiibtay hay’adda Free Pre ss oo fadhigeedu yahay wadanka Holand.
Suxufiyiinta geeriyootay ee shalay eheladooda lacagta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah allaha u naxariistee Cabdulaahi Cisman Faarax oo ka howlgali jiray idaacadda Maandeeq iyo Cali Nuur Siyaad oo u shaqaynayey Voa, iyadoo qoys waliba la siiyey lacag dhan 1500 oo dollar.
Sidoo kale waxaa lacag iyana la siiyey Suxufiyiin ku dhaawacmay qaraxaasi kuwaas oo uu ka mid ahaa Maxamed Cumr Baakaay
Markii ay soo gaba gabowday lacag bixinta ayaa waxaa saxaafada la hadlay xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo u mahad celiyay Hay’adda Free Press oo u soo gurmatay Suxufiyiinta waxyeelada ka soo gaartay qaraxii Soobe.
Maalmihii dembe waxaaa socday gurmad loo fidinayey ehelada dadkooda ku waayey qarixii ka dhacay isgooska 14 october ex soobe ee magaalada Muqdisho.
MADAXWEYNE FARMAAJO ” CAWAD NOOLASHIISA WAXAA UU KU BIXIYEY URURINTA TAARIIKHDA SOOMAALIDA”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaa jo ayaa tacsi u diray qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday, Allah ha u nax ariistee, Marxuum Cawad Axmed Cashara oo xalay ku geeriyooday magaalada Toronto.
"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa aan idinla wadaagayaa tacsidan tiiraanyada leh. Marxuum Xildhibaan Cawad Axmed Cashara waxaa lagu xusuusan doonaa doowrkii wanaagsanaa iyo sida hufanaanta leh ee uu ugu adee gay shacabkiisa.”
Madaxwyne Farmaajo ayaa sheegay in Marxuumka oo ka mid ahaa Bar lamaankii dowladdii kum eel gaa rka ahayd, uu u soo shaqeeyey dalkiisa xilli adag isaga oo kaalin muhiim ah kulahaa sidii ay Soomaaliya dib ugu soo kaban lahayd.
"Alle ha u naxariisto Xildhibaanka, waxa uu inta ugu badan nolashiisa ku bixiyey ururinta taariikh da Sooma alida, isaga oo ka mid ah dadka sida gaarka ah isugu xilqaam ay baarista iyo qorista taariikhd een na soo jireenka ah.”
DHAMMAAD
MAXAY SOO KORDHIN KARTAA SHAQA KA CEYRINTA SANBALOOLSHE IYO SAACID?
Magaalada Muqdisho ayaa maarkii labaad aragtay qarax kale oo dad badan ay ku dhinteen laba isbuuc gudahood. Qaraxaasi oo dhacay Sabtidii ayaa waxa ku dhimatay ugu yaraan 27 qof.
Qaraxaas ka dib golaha wasiirada Soomaaliya ayaa shaqada ka ceyriyay taliyayaasha ciidamada nabad sugidda iyo booliska.
"FAA’IDADA SHAQA KA ERYIDDA”
Taliyihii booliiska Soomaaliya Cabdixakin Daahir Saacid iyo agasimihii hay’ada nabad sugidda qaranka Cabdallahi Maxamed Sanbalooshe ayaa labadaba xilka laga qaaday.
Tallaabadaas ayaa lagu tilmaamay mid looga jawaabayay qarixii ugu dambeeyay ee muqdisho ka dhacay.
Cabdiweli Garaad oo ka faallooda arrimaha amniga ayaa sheegay in "Shaqsiyaad la ceyriyo ay ka qoto dheeryihiin arrimaha amnidarada Soomaaliya”.
"Waxaa horey shaqada looga eryay taliyihii nabad sugidda iyo kii booliska, haddana kuwii lagu badalay baa la eryay”, ayuu yiri Cabdiweli Garaad oo BBCda la hadlay.
” Waxay u muuqataa in indhaha dadka laga leexinayo in ay la xisaabtamaan dowladda”, ayuu hadalkiisa ku daray.
14kii bishan Oktobar, qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah oo ka dhacay isgoyska Soobe, ayaa lagu dilay in ka badan 350 qof.
Weerarkaas AlShabaab maysan sheegan, balse, Sabtidii lasoo dhaafay weerarkii lagu qaaday ho telka Naasa Hablood 2 waxa si degdeg ah u sheegtay kooxda.
Arrintaas waxaa lagu tilmaamay in ururka AlShabaab uu muujinayo in uu weli weerar ku qaadi ka ro bartamaha magaalada Muqdisho.
Cabdiweli Garaad oo amniga ka faallooda wuxuu sheegay, "Waxay u muuqataa in indhaha dad kaa lagu jeedinayo in nimankii howsha masuulka ka ahaa loo eryay dhacdadaas.”
CAQABADDA AMNIGA
Machadka cilmi baaridda siyaasadda ee Heritage oo dhowaan warbixin ka soo saaray amniga iyo siyaasadda Soomaaliya ayaa keenay su’aal ah "sidee buu gaari qarax intaa la’eg wada, usoo gaaray bartamaha magaalada, isaga oo kasoo gudbay dhammaan baraha lagu baaro gawaarida ee teedsan waddada?”
"Waxaa jirto habacsanaan xagga amniga ah, gaar ahaan guuldarro weyn oo ka timid sirdoonka iyo hellidda xogta cadowga,” ayaa lagu xusay qoraalka.
Magaalada Muqdisho waxay noqotay meesha ay ka dhacaan weerarada sababa dhimashada ugu badan ee shacabka gaarta. Hoteello, maqaayado iyo meelo kala duwan ayaa la weeraray.
Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaaajo ayaa dhawaan ballan qaaday in la dhisayo ciidamada difaaca dadweynaha, ka dib weerarkii Soobe.
Madaxweyne Farmaajo oo 18kii Oktobar, la hadlayay dibadbaxayaal wuxuu sheegay "Waxaan idiinkugu baaqayaa in aan dhisano ciidamada difaaca shacabka oo aan la dagaalla nno Shabaab. Waa in aad difaacdaan hooyooyiinkeena, u kaca difaaca deriskiina, u kaca difaaca qarankiina.”
Isbedellada badan ee laamaha amniga
Laba maalmood ka hor qarixii Soobe, waxaa shaqada ka tagay taliyihii ciidamada militariga, Jeneraal Axmed Jimca ale Geeddi (Cirfiid) iyo Wasiirkii Gaashaandhigga, Cabdirashiid Cabdullahi Maxamed.
"Isbeddelkan badan wuxuu wiiqayaa xasilloonida laamaha amniga, wuxuuna yareynayaa mas’ uuliyadda isla xisaabtanka loo baahan yahay,” ayaa lagu qoray warbixinta uu soo saaray machadka cilmibaaridda siyaasadda ee Heritage.
Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka haya ku dhawaad sagaal bilood, wuxuuna magacaabay dhowr taliyayaal oo laamaha kala duwan ee amniga ah.
"Waxaa amniga asal u ah in ay wax wada yeeshaan shacabka iyo dowladda ayna wada ilaa shadaan. Shacabka iyo dowladda waxaad moodaa in aynaan isku wax ilaashanayn hadda. Marka waa in isku wax la sameynsto, isku meelna laga duulo,” ayuu yiri Cabdiweli Garaad.
Dowladda ayaa bishii May, London ku saxiixday heshiis lagu dhisayo ciidamo gaaraya 18,000, kuwaas oo min 3,000 laga kala keeni doono dowlad goboleedyada. Waxaa kale oo ka mid ah in dib u ha beyn lagu sameeyo talisyada kala duwan ee ciidammada.
Shirka madxada maamul goboleedyada iyo dowladda fadaraalka ah ee hadda ka socodo Muqdisho waxybaaha looga arrinsanaya waxaa ka mid ah arrimaha ammaanka iyo sidii loo yagleeli la haa ciidankaasi qaran.
Machadka Heritage oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa ku taliyay in "ka adkaanta AlShabaab iyo soo cel inta amniga dalka la siiyo ahmiyadda koobaad; waana in ay noqotaa dadaal laga wada qeyb qaadan ayo.” XIGASHO: BBC
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH TALAADO 31-KA OKTOOBAR 2017-KA
AKHRISO: AJANDAHA LOOGA HADLAYO SHIRKA WADATASHIGA MADAXDA DOWLADDA IYO MAAMUL GOBOLEEDYADA Shirka u dhaxeeya Madaxda DFiyo M/Goboleedyada ayaa lagu heshiiyay Ajan dayaasha looga hadlayo, iyadoo shirkan uu shalay galay. Waxaa la soo Ban dhigay Aja