Shiribka Iyo Suugaanta Caalamiga Ah (Intervieu With Prof. Alij Imale Ahmed)

0
Monday October 30, 2017 - 10:45:09 in Wararka by
  • Visits: 1044
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shiribka Iyo Suugaanta Caalamiga Ah (Intervieu With Prof. Alij Imale Ahmed)

    Waxaa hubantiya in bulshada Soomaalidu tahay Afmaal, sida badan isticmaasha Afka marka loo fiirsho qoraalka. Middaas waxeey haddana ku tusee in aa nahay bulsho leh dhaqan iyo Suugaan mug weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa hubantiya in bulshada Soomaalidu tahay Afmaal, sida badan isticmaasha Afka marka loo fiirsho qoraalka. Middaas waxeey haddana ku tusee in aa nahay bulsho leh dhaqan iyo Suugaan mug weyn.

Suugaanta Soomaalidu aad ayay u laamo badan tahay, waxeeyna u baahan tahay in juhdi iyo waqti la geliyo, si ay u noqoto mid la jaan qaadda Midda dunida ka jirta.

Markaad u fiirsato Ummadda Soomaaliyeed waxaa ku dhacay dhibaatooyin culus oo intooda badani yihiin musiibo iyo aafooyiin gudaha uun ka ytimid. Dhibaatooyin aan innagu isu keenay. Dhibaatooyin wax badan galaafatay, sida:” Dad, duunyo, Damiir iyo wax kastoo ummadi laheydba”. Dabcan Suugaantuna waxeey ka mid tahay waxyaabahaas Musiibadu ku habsatay, inkastoo haddana aan ogahay ineey jiraan dad isku xilqaamay ineey waxuun ka samatabixiyaan daadadkaas rogmanayay ee wax kastaa haabanayay.


Shiribku, waxuu ka mid yahay laamahaa faraha badan ee Suugaanta Soomaalida. Aniga shakhsiyan aad ayaan u xiiseeyaa Shiribka, maadaama uu yaahy mid aad u macaan marka ay isu raacaan Jiibta, Jaanta iyo orka oo ay isla helaan koox Barbaara oo isla yaqaan Hab dhaciisa iyo weliba mugga lagu laro Guuroow Shirib lagu afjaraayo.
Waxaan hubaa in in badan oo naga mida inaaney ogeyn Shiribka qiimaha ballaaran uu leeyahay, weliba Kaalinta uu ka geli karo Suugaanta Adduunka kuwooda ugu culus.

Maalmo aad u dhaw ayaan nasiib u helay inaan akhriyo Journal ka soo baxa Waddanka Gaana [Ghana], Kaas oo la yiraa
” The Mamba” Journal of Africa Haiku Network.”
(Suugaanta Gaana aad ayaan u xiiseeyaa intii ka dambeysay marki aan ku tegay booqasho dalkaas iyo hay’adihiisa waxbarasho, sida jaamacadaha ku yaalla caasimadda Accra.)

Nasiib wanaag waxaan cadadkaan ama xirmadaan Mamba Journal kula kulmay Wareysi qiima badan oo lala yeeshay Aqoonyahan Caalamiya ee Soomaaliyeed, kaas oo ah mid aad looga yaqaan Maxfallada suugaanta, afka dhaqanka Ummadaha kala duwan Waa buuni Prof.Cali jimcaale Axmed. Wareysiga oo ku saabsanaa Gabayada Caalamiga ah ee Prof. Jimcaale iyo Waxa uu uga hadlo Gabayadiisa iyo aragtidiisa guud ee Suugaanta. Si gaara waxaa diirada lagu saaray Gabay ku jira Buuggiisa Gabayada ee caanka ah ee la yiraa "Fear is a Cow” oo la yiraa "Haiku-ish”, iyo guud ahaanba suugaanta la yiraa "Haiku” oo ka mid ah tiirarka suugaanta ka jirta dalka Japan.
Runtii waxaa aad ii cajabiyay sida quruxda badan ee uu Prof.Jimcaale isu barbardhigay Suugaanta "Haiku iyo Shiribka”, iyo sida quruxda badan ee uu u sharxay Shiribka iyo taariikhdiisa. Meeshaas waxaan ka gartay in Shiribku la barbardhigi karo Suugaamaha Caalamiga ah sida aan hadda ku arkeyno Wareysiga Professorka.
Ma rabo in aan madaxxanuun iyo tororog idinku wareersho, waxaan halkaan idiinkugu soo lifaaqay Lingiga Journaalka The Mamba, Wareysiga Prof. waxaad ka heleysiin bogga 86aad iyo 94aad. Inta xiisaha iyo xamaasadda u heysa Suugaanta soomaalida ku soo dhawaada.

https://africahaikunetwork.files.wordpress.com/…/mamba-jour…

Waxaa qoray:
Xuseen M.Cabdulle "WADAAD”
huswadad@hotmail.com

Image may contain: 1 person, beard, eyeglasses and closeup
XIGASHO:-SHAACIYE.COM


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip