weli hoteel naasa hablood oo laga dhex dagaamayo gudiisa {Warar xilligaan la helayo ayaa sheegaya in dabley ka dhex dagaalameysa Hotelka Naasa Hablood II

0
Saturday October 28, 2017 - 21:33:15 in Wararka by
  • Visits: 457
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    weli hoteel naasa hablood oo laga dhex dagaamayo gudiisa {Warar xilligaan la helayo ayaa sheegaya in dabley ka dhex dagaalameysa Hotelka Naasa Hablood II

    Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar qorsheysan oo gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Naasa Hablood II, oo ku dhegan Hotel Central, kuna yaala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay faah faahin ka soo baxeysaa weerar qorsheysan oo gelinkii dambe ee maanta lagu qaaday Hotel Naasa Hablood II, oo ku dhegan Hotel Central, kuna yaala Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

 Weerarkan, ayaa ku bilowday qarax xoogan oo ka dhacay afaafka hore ee hoteeladaasi, waxaana xigay dabley hubeysan oo gudaha u gashay Hotelka Naasa Hablood II, kuwaa oo ka dhex dagaalamaya hotelkaasi.

Ururka Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerarkan, ayaa ku faanay in maleeshiyaad taabacsan ay la wareegeen hotelkaasi, ayna hadda ka wadaan toogasho.

Intii uu weerarkan socday, ayaa waxaa aagga hotelkan laga maqlay qarax xoogan oo ka dhashay gaari caasi ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, lana soo dhigay meel hotelka ka xigta dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon.

Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxay soo sheegayan in hotelkani ay degan yihiin Wasiiro, Xildhibaano, siyaasiyiin, ganacsato iyo weliba qurbajoog, iyagoona soo warinaya in dad lagu dhex haysto hotelkaasi, walow aan la garanayn inay masuuliyiin ku jiraan iyo in kale.

Ugu yaraan 13 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen qaraxii hore, halka 20 kalena dhaawacyadooda laga daad-gureeyay halkaasi, waxaana jira dad kale oo ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxaasi, kuwaa oo aan weli goobtaasi laga soo qaadin.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay weerarkaasi ay ku jiraan saraakiil ciidan, oo uu ka mid yahay Taliyihii Booliska ee Degmada Dayniile, Maxamed Yuusuf Nuur (Fanax) iyo C/naasir Gaarane oo ka tirsan Guddiga Taakulaynta ee Ciidamada Dowladda Somaliya.

Ciidamada Dowladda Somaliya oo xiray wadooyinka soo gala hotelka, ayaa wada dadaalo ay ku doonayan in ay ku soo afjaraan dableyda ka tirsan  Ururka Al Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda, ayaa ku sugan wadooyinka soo gala hotelka, mana jirto wax war ah oo ay ka soo saareen weerarkaasi, balse Suxufiyiinta ayaa soo sheegaya in masuuliyiinta ay u sheegeen in ay la hadli doonaan Warbaahinta, marka weerarka la soo afjaro.

La-soco wixii ku soo kordha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip