Hordhac: Athletic Bilbao v Barcelona – Ernesto Valverde Oo Ku Laabanaya Gurigiisa Xilli Barca Ay Dooneyso Inay Sii Xajisato Hogaanka La Liga

0
Saturday October 28, 2017 - 08:50:52 in Wararka by
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhac: Athletic Bilbao v Barcelona – Ernesto Valverde Oo Ku Laabanaya Gurigiisa Xilli Barca Ay Dooneyso Inay Sii Xajisato Hogaanka La Liga

    Athletic Club v Barcelona La Liga Garoonka: San Mames Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Juan Martinez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Athletic Club v Barcelona La Liga Garoonka: San Mames Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Juan Martinez



Kooxda hogaamineysa La Liga ee Barcelona ayaa wajaheysa mid ka mid ah tijaabooyinkii ugu adkaa ee ilaa iyo haatan xilli ciyaareedkan marka ay u safraan garoonka San Mames halkaasoo ay ku wajahayaan kooxda reer Basque ee Athletic Bilbao.

Kulanka waxa uu hubaashii kulan qiiro leh u noqon doonaa tababaraha Barcelona Ernesto Valverde kaasoo Athletic Club tababare u soo ahaa muddo badan islamarkaana ka dhigay mid ka mid ah koxoaha ugu fiican Spain.

Barcelona ayaa si weyn u dooneysa inay ku badiso San Mames si ay u sii xajistaan hogaanka La Liga oo ay shan dhibcood uga sii sareeyaan kooxda Real Madrid xitaa haddii ay iyaguna badiyaan kulankooda isbuucaan.

MAXAA KA CUSUB?

Andrés Iniesta ayaa dhaawac uu ka soo gaaray muruqa bowdada taasoo keeneysa inuu seego kulanka caawa ee Athletic Club, laakiin waa waqti hore in la ogaado haddii uu seegi doono kulanka ay u safrayaan Greece ee Champions League.

 

Thomas Vermaelen ayaan isna diyaar aheyn ka dib dhaawac sinta ah uu soo gaaray, waxaana ay isaga iyo Iniesta ay ku biirayaan Ousmane Dembele, Rafinha, Arda Turan iyo Aleix Vidal kuwaasoo iyagana dhaawac ah.

Laakiin warka u wanaagsan Barcelona ayaa ah in Jordi Alba uu taam yahay islamarkaana uu qeyb ka yahay kooxda saaka u safreysa Bilbao, si la mid ah Javier Mascherano kaasoo tababarkii shalayto seegay ka dib xumad qabatay balse ka mid ah kooxda safreysa.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Barcelona (4-4-2):Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Digne; Roberto, Rakitic, Busquets, Denis; Messi, Suárez

Athletic Bilbao (4-2-3-1):Arrizabalaga; Bóveda, Etxeita, Laporte, Saborit; San José, Iturraspe; Williams, Raúl García, Susaeta; Aduriz




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip