Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa safar dhulka ah ku maray degmooyinka Balcad iyo Warshiiq oo ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.

0
Friday October 27, 2017 - 21:24:36 in Wararka by
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa safar dhulka ah ku maray degmooyinka Balcad iyo Warshiiq oo ka tirsan gobolka Shabeelada dhexe.

    Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen"Guudlaawe" ayaa booqashadoodu la xiriirtaa u kuurgalida xaalada nololeed ee dadka ku nool degmooyinka ay booqdeen. Madaxweynaha H

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdiga Madaxweynaha Hirshabelle oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen"Guudlaawe" ayaa booqashadoodu la xiriirtaa u kuurgalida xaalada nololeed ee dadka ku nool degmooyinka ay booqdeen. Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ahayd booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago degmada Balcad tan iyo markii loo dhaariyay xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle bartamihii bishii la soo dhaafay ayaa waxa uu dhagax dhigey isbitaalka degmada Balcad oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka. Wafdiga uu horkacayo Madaxeynaha ayaa waxa ay xalay u hoydeen magaalada xeebta ah ee Warshiiq iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay isla markaana ka dhagaystay maamulka degmada Warshiiq iyo kan gobolka Sh/dhexe warbixino ku saabsan xaalada nololeed ee shacabka ku nool degmada Warshiiq.

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in maamulkiisu uu xoogga saari doono sidii degmooyinka kheyraadka dabiiciga ah leh loo horumarin lahaa isagoo si gaar ah u soo qaatay in degmada Balcad ay tacabka beeraha ku habboon tahay halka degmada Warshiiqna uu sheegay in uu xoogga saari doono sidii loo caawin lahaa kalluumeysatada ku nool halkaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip