Al-Shabaab oo Toogtay Muwaadin u dhashay Sudan oo la sheegay inuu ku biiray Kooxda Daacish

0
Sunday December 06, 2015 - 11:23:13 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Toogtay Muwaadin u dhashay Sudan oo la sheegay inuu ku biiray Kooxda Daacish

    Muwaadinkaan Suddennes-ka ah ayaa ku baxay gacanta Al-Shabaab todobaadkii tagay,muwaadinkaan ayaa horey ugu soo baxsaday xabsi uu kaga xirna Sudan oo ku yaala magaalada Khartum inta aan lagu ridin xukun dal dalaad ah isaga iyo rag kale markii lagu so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muwaadinkaan Suddennes-ka ah ayaa ku baxay gacanta Al-Shabaab todobaadkii tagay,muwaadinkaan ayaa horey ugu soo baxsaday xabsi uu kaga xirna Sudan oo ku yaala magaalada Khartum inta aan lagu ridin xukun dal dalaad ah isaga iyo rag kale markii lagu soo eedeyay inay dileen diplomasi Mareykan ah iyo wadihii gariigiisa sanadkii 2008-dii. Macluumad ay heshay Jariidada Sudan Tribune ayaa lagu sheegay in qoyska muwaadinkaasi lagu magacaabo Maxamed Makaawi Ibrahim kuna eedeysana qadiyada dilka diplomasigii Mareykanka Jonh Garanfil lagu soo wargeliyay in wiilkooda uu ku dhintay dagaal dhex maray xubno ka tirsan Xarakada Al-shabab,qof telfoonka kula hadlay qoyskaasi ayaa waxa uu sheegay inuu yahay afhayeen iyagu ku wargelinayo in wiilkooda geeriyooday.

Dhanka kale Makawi ayaa ka soo baxsaday xaabsi ku yaala magaalada Khartum gaar ahaan xabsiga Kober,makwai iyo saxiibkiisa Mohanaad Cusman ayaa yimid Soomaaliya waxana ku biireen Al-Shabaab.

Four Sudanese convicts lift their handcuffs as they are escorted out of the courtroom in the capital Khartoum, June 24, 2009. Four Sudanese men were on Wednesday condemned to hang for killing a U.S. aid official and his driver in Khartoum, and a fifth was sentenced to two years in prison. John Granville, from the U.S. Agency for International Development, was the first U.S. government official killed in Khartoum in more than three decades in a crime that sent shockwaves through the capital's expatriate community. REUTERS/Mohamed Nureldin Abdallah (SUDAN CRIME LAW SOCIETY POLITICS) BEST QUALITY AVAILABLE

Mid kamid ah saxiibada Makaawi ayaa bartiisa internetka soo dhigay isagoo ka aamusay sababata Al-Shabaab ay u dileen saxiibkiisa,kadib markii uu muujiyay inuu doonayo ku biiritaanka Kooxda Khilaafada Islaamka la magac baxday.

Wuxuu sidoo kale hadalkiisa intaa ku daray in raga qaarkood lala damaacsana xabsi waxayna go’aansadeen in keymaha ay tagaan iyagoo ka baqaya hanjabaada Al-Shabaab oo sheegtay cidii iyaga ka baxda inay dilayaan.

Makawi ayaa kamid ahaa dadkii la bahoobay Dacish isagoo ka tirsan ururka Al-Shabaab, iyadoo Shabaab ay sheegtay inaysan ka laaban doonin xirirka kala dhaxeeya Al-qaacida waxayna diideen aqoonsiga kooxda Daacish.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip