Ra'iisul Wasaaraha oo ugu baaqay Puntland iyo Galmudug dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo

0
Sunday December 06, 2015 - 11:18:45 in Wararka by
  • Visits: 672
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisul Wasaaraha oo ugu baaqay Puntland iyo Galmudug dhameystirka heshiiskii Gaalkacyo

    Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahan howlo shaqo u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxa uu kulamo kala duwan la qaatay Maamullada Puntland iyo Galmudug si loo dhamaystiro heshiiskii horey loo gaaray.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa kula dardaarmay hoggaanka labada dhinac in ay hormuud u noqdaan soo celinta nabadda deegaanka iyo dhameynta khilaafaadka dadka ku dhaqan degmada Gaalkacyo ee labada Maamul.

"Dadka ku dhaqan Gaalkacyo waa dad walaalo ah oo weligoodba wada deganaa, hal meelna wax ku wada qeybsan jiray, waxaana loo baahan yahay in la soo celiyo walaalnimadii, iskaashigii iyo wax wada qabsigii aad caanka ku aheydeen” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo dhanka kale xusay in dawladda Federaalku ay mar walba taageereyso sidii loo gaarsiin lahaa dib u heshiisiin dadka oo dhan.

Madaxeynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka dhabeynta heshiiska Gaalkacyo ee ay saxiixeen.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu dhamaaday waqtigii dagaalka, waxa loo baahan yahay ay tahay in dadku nabad ay helaan dibna, ugu soo noqdaan guryahooda, isagoo labada Maamul kula dar-daarmay in ay mar walba xoojiyaan iskaashigooda.

"Waxa kaliya ee aan doonayno waa xaaladda oo dagta iyo dadka oo nabad ku wada noolaada. Waqtigii dagaalka waa uu dhammaaday. Geesi waxaa ah ninkii nabadda qaata, maanta Waxaan arkaysaan in aan ka soo quraacanay Koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug, hadana ka qadaynayno dhinaca Puntland, waana taa midda aan halkan u nimid ee ah dadku in ay is dhex galaan, nabadduna hirgasho”.

Labada dhinac ayaa maanta oo Axad la filayaa inay dhameystiraan kala qaadista Ciidamada iyo sidii dadkii barakacay dib loogu soo celin lahaa, waxaana howsha nabadeynta sii wadaya guddi labada dhinac ah oo ka wada hadlaya waxyaabihii dhacay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip