
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA OKTOOBAR 2017-KA
Mr Odinga ayaa ka haray tartanka doorashada isagoo she egay inuusan ku qanacsanayn qaabka uu doorashadaasi uu u qabanayo guddiga doorashooyinka.
Maxkamad ayaa laashay natiijada doorashadii dhacday bIshii Agoost oo uu ku guuleystay Uhuru Kenyatta.
Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa mar sii horreysay sheegay in doorashada ku celiska ah ee Khamiista ay qabsoomi doonto sida uu markii horaba qorshuhu ahaa ka dib markii garsoorayaal ku filan ay soo xaadiri waayeen fadhi gaar ah oo ay maxkamadda ugu sarreysa dalka ka yeelan lahayd arrintan.
KOORAMKA MAXKAMADDA
Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarreysa Kenya, David Maraga, ayaa sheegay in maxkamaddu aysan go'aan ka gaari karin dacwad la doonayay in dib loogu dhigo doorashada ku celiska ahi iyo in kale.
David Maraga ayaa sheegay in garsooreyaasha maxkamadda oo toddobo ahaa aysan u suurt agelin dhammaantood in ay soo xaadiraan maxkamadda.
Ku xigeenkiisa ayaa maqnayd kaddib markii talaadadii daraad ahayd toogasho lagu dhaawacay mid ka mid ah ilaaladeeda.
Booliska iyo taageerayaasha Odinga ee Kisumu oo isku dhacay
Sida uu qabo sharciga, ugu yaraan shan garsoore ayay tahay in ay maxkamadda soo xaadiraan si ay u dhageysto dacwad ama ay go'aan u gaarto balse Maraga ayaa sheegay in gabadha ku xigeenkiisa ahi Philomena Mwilu aysan u suurtagelin in ay maxkamadda timaaddo..
Garsoore kale ayuu Maraga sheegay in uu soo xaadiri waayay maxkamadda maadaama sababo caafimaad awgood uu dalka uga maqan yahay.
Labo garsoore oo kale ayaysan iyaguna u suurtagelin in ay ka soo qeybgalaan dhageysiga dacw adda mana uusan caddeyn sababta halka mid kale oo joogay meel ka baxsan caasimadda Nairobi ay u suurtageli weyday in ay hesho duulimaad ay ku timaaddo Nairobi.
Guddoomiyaha maxkamadda ayaa raalligelin u jeediyay dhammaan axsaabta ay arrintani khusey say.
DACWADDA MAXKAMADDA
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doorashada ay qabsoonto Khamiista.
Qolyaha u dooda xuquuqda aadanaha oo kiiskan geeyay maxkamadda ayaa sheegay in aysan Kenya diyaar u ahayn doorasho waxayna rajeynayeen in maxkamaddu ay joojiso doorashadan oo ay ku dhawaaqda in doorasho hor leh la qabto.
A supporter of President Uhuru Kenyatta wears campaign flags on his head in Nairobi, 23 October Isbaheysigiisa NASA ee Odinga ayaa ku dhawaad maalin kasta dalka ka dhigayay muddaaharaad ay uga soo horjeedaan guddiga doorashada. Booliska ayaa lagu eedeeyay inay isticmaaleen xoog xad dhaaf ah. Tobannaan qof ayaa ilaa iyo hadda ku dhimatay muddaarahaadyadaasi.
SI HUFAN LOOMA QABAN DOONO
Qalalaasaha doorashada Kenya oo laga digay Afar arrimood oo ku saabsan doorashada ku celiska ah ee Kenya Isbuucii la soo dhaafay xubin sare oo ka tirsan guddiga doorashooyinka ayaa is casishay iyadoo sheegtay inaysan diyaar u ahayn waxay ugu yeertay 'qeyb ka noqoshada' doorasho aan si hufan loo qaban doonin. Waxay u carartay New York iyadoo sheegtay inay u baqday nafsadeeda.
Maalin ka dib is casilaada Roselyn Akombe, ayaa gudoomiyaha guddiga doorashooyinka wuxuu qirtay inay adagtahay in doorasho 'macquul ah' la qabto.
''Waxaa arrin yaabkeeda leh ah in hoggaamiyayaasha siyaasadda ee laga rabay inay dhisaan qar an ay nqodeen khatarta ugu daran soo food saartay xasilloonida iyo nabadda qaranka'', ayuu yiri Waf ula Chebukati.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO DALKA DIB UGA SOO LAABTAY, KANA WARBIXIYAY SAFARKII DALALKA DERISKA
Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar qaatay saddex cisho oo uu ku tagay dalalka deriska ee Cidiama da ka jooga Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaa uu wariyeyaasha u sheegay in dalalka deriska uu kala hadlay sidii ciidamada xoogga dalka ay gacan ugu siin lahaayeen dagaalka ka dhanka ah AlShabaab.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dhamaan Madaxda dalalkii uu booqday ay is ku afgarteen in meel looga soo wada jeesto AlShabaab, isla markaana loo midoobo dagaalka lagu qaad ayo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in qaraxii dhowaan ka dhacay isgoyska Zoobe oo ay ku dhinteen in ka badan 300 ruux ay muujineyso sida AlShabaab ula dagaalamayaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaa uu sheegay in aan AlShabaab loogu dulqaadan doonin gurmaadka ay shacabka ku heyso, isla markaana ay dowladda ka go’an tahay in AlShabaab laga xoreeyo guud ahaan dalka.
Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo booqasho qaadatay saddex cisho uu ku tagay dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti, halkaasoo uu kula soo kulmay madaxda dalalkaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhawaaqday dagaal ay la galeyso AlShabaab, isla mark aana heegan la geliyay ciidamada dowladda.
AMISOM OO BEENISAY WARARKA SHEEGAYA IN DAD BADAN KU LAAYEEN DULEEDKA MUQDISHO
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Wilson Rono ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in dad badan ay ku laayeen duleedka Muqdisho, kaddib markii ciidankooda lagu qaaday weerar qarax iyo iska hor imaad toos ah.
Wilson Rono oo la hadlayay Wakaalada wararka ee SONNA ayaa sheegay in weerarkaas uu uga dhintay hal askari, halka mid kale uu ka dhaawacmay, sidoo kale waxaa uu xusay in labo ruux ay ku geeriyoodeen weerarka.
Warbaahinta maxaliga iyo kuwa baraha bulshada ayaa lagu baahiyay wararka sheegaya in AMISOM ay dad badan ku dileen deegaanka Lafoole.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya in rasaas ay fureen Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah wayxe elo ka soo gaartay, kaddib markii qarax lala eegtay.
Wariye u shaqeeyay Idaacad Maxali ah oo ku taal degmada Afgooye, oo lagu magacaabo Jacfar Cali Daacad oo Macalin ka ahaa Iskuul ku yaal Lafoole ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay rasaastii ay fureen Ciidamada AMISOM.
Ma ahan markii u horeysay ee weerar lagu qaado Ciidamada AMISOM ay ku waxyeeloobaan dad rayid ah, waxaana badana dhacda in marka Ciidamada lagu weeraro jidadka in sidoo kale ay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaaraan.
BOQOLAAL KA MID AH MILATARIGA SOOMAALIYA OO SH/HOOSE LA GEEYAY IYO ALSHABAAB OO WADOOYINKA BIYO KU JARAYA
Ku dhawaad Kun Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogag Soomaaliya oo aad u qabalabeysan ayaa la sheegay in Dowaldda Soomaaliya ay geysay degmooyin ka tirsan Gobalka shabeelaha Hoose ciidanka as oo loo diyaariyay in maalmaha soo socda ay u dhaqaaqan Goobaha ay maamulaan AlShabaab eee gobalkaasi.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xooga Soomaaliya ayaa Idaacadda Kulmiye u xaqiijiyay in Ciidankaan oo wata Gaadiidka Dagaalka oo ay saran yihiin Hub culus sidoo kalana Ciidanka aad loo qalabeeyay la geeyay degmooyinka Afgooye, No: 50 iyo Garoonka Bali doogle iyo degmooyin kale waxa ay u diyaar garoobeyn in ay la dagaalamaan AlShabaab.
Xubno ka tirsan Gobalka ayaa sidoo kale KNN u sheegay in Ciidankaan ay diyaarsan yihiin sidoo kalane ay la socdaan dhaqaatiir Caafimaad dhinaca Cirkana ay diyaarado ka caawin doonaan ay suga yaan oo kaliya amar ka soo baxa Dowladda Soomaaliya.
Dhinaca Kale Alshabaab ayaa la sheegay in dadka deegaanka ay ku amrayaan in ay jibiyaan Kar kaarada ama jiinka Wabiga si dhulka uu u noqdo dhiiqo, looguna dagaalami waayo haddii ay Ciidanka dowlad weerar ku soo qaadaan Goobaha AlShabaab ay maamulaan.
Sidoo kale AlShabaab ayaa la sheegay in inta badan wadooyinka Gobaalka Shabeelaha Hoose ay ku aaseyn Miinooyin culus si aysan Ciidanka Dowladda u soo marin Wadooyinkaasi.
Goob joogayaal ku sugan gobalka ayaa Idaacadda kulmiye u xaqiijiyay in Maalmihii la soo dhaafay AlShabaab ay qarxiyeen ilaa dhowr Gaadiid oo ah Nuuca loo yaqaano cagaf cagafta oo dadkii lahaa ay diideen in ay kiciyaan si godad loogu qodo wadooyinka gobalka ama loo jaro Wadooyinka.
Sidoo kale Alshabaab ayaa la sheegay in ay ka xeesteen Dadkii watay gawaarida Cagaf Cagafta ah ee diiday in ay Wadooyinka ay jaraan.
Saraakiisha amaanka ee aan la hadalnay ayaa ku taliyay in Shacabka ku nool gobalka kuwa ku safra in ay taxadar muujiyaan xiliyada ay Is ticmaalayaan Wadooyinka hadii aysan ka baaqsan Karin Isti cmaalkooda.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AlShabaab oo ku aadan Xiisadda gobalka ka taagan, maalmo ka hor 6 qof ayaa ku dhintay Miino dhulka la giliyay oo ku qaraxday Gaari dad shacab ah ay saarn aayeen oo marayay Inta u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye.
Howlgalka ka dhanka ah AlShabaab ee qaadayaan Ciidanka Dowladda Soomaaliya la sheegay in uu bilaaban doono markii uu dalka dib ugu soo laabto Madaxweynaha Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay safaro howlgalkaan la xariira ku marayay Dalalka Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti.
GUDDIGA KHAYRAADKA QARANKA EE AQALKA SARE OO WARBIXIN KA DHAGEYSTAY WASIIRKA KALLUUMEYSIGA
Kulankan oo ka dhacay xarunta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu dhexmaray Guddiga khayraadka Qaranka,kaabayaasha dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare iyo Wasiirka Wasaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Ujeedada kulanka ayaa waxaa uu ahaa warbixin guddigaasi uu ka dhageysanayay Wasiirka Kall uumeysiga oo isagu faah faahin ka siiyay guddigan howlaha horyaala Wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Xubnaha guddiga ayaa mudadii kulankaasi uu socday waxaa ay su’aalo weydiinayeen Wasiirka ku waasi oo la xiriiray waxqabadka Wasaaradda iyo qorshe howleedyada horyaala,iyadoo Wasiir kuxin uu ka jawaabayay.
Dr C/raxmaan Maxamed Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga ayaa guddiga ka codsaday in ay wax ka qabtaan cabashooyin uu soo jeediyay oo Wasaarddu ay qabto.
Guddoomiyaha Guddiga Khayraadka Qaranka,Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka Aqalka Sa re Mudane Ilyees Cali Xasan oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in ka guddi ahaan ay kala shaqeyn doonaan Wasaaradda sidii ay wada shaqeyn u dhexmari lahayad,isagoo balanqaaday in waxbadan laga qaban doono cabashooyinka ay soo gudbisay Wasaaradda.
Guddigan iyo Wasiirka ayaa ugu dambeyn isla gartay in sedexdii biloodba mar warbixin qoraala ah Wasaaraddu ay la wadaagto guddiga si loo xoojiyo wadashaqeynta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo Golaha Aqalka sare asy kula xisaabtamayaan madaxada hay’adaha kaladuwan ee Dalka,waana Wasiirkii todobaad oo uu guddigan la xisaabtamo.
SOOMAALIYA IYO MOROCCO OO KA WADA HADLAY XOOJINTA XIRIIRKA KA DHEXEEYA …
Wasiir kuxiggeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud oo howlo shaqo ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Ke nya ayaa waxa uu halkaasi kula kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Morocco oo uu hoggaaminayay Agaasimaha guud ee Iskaashiga Caalamiga ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi Ambassador Mohamed Methqal.
Dowladda Boqortooyada Morocco, ayaa Soomaaliya uga tacsiyeysay falkii argagaxisanimo ee dhii gga badan ku daatay ee October 14, 2017 ka dhacay Isgoyska 14 October "Zope” ee Muqdisho, kaasi oo gallaaftay nolosha 358 ruux iyo dhaawaca boqolaal rayid ah oo u badnaa xoogsato, dad socoto ah iyo arday.
Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka qotada dheer ee Soomaaliya iyo Morocco u dhexeeya, istiraatiijiyad wax wadaagid dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ammaanka iyo bulshada, waxayna Soomaaliya iyo Morocco ay isla garteen in booqashooyin heerkoodu sarreeyo la is dhaafsado.
Kulankan oo jawi guul leh ku idlaaday ayaa waxaa goobjoog ka kala ahaa Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Kenya Mr. Ali Mohamed Sheikh iyo Safiirka Safaaradda Morocco ee Kenya Dr. Mokhtar Ghambou.
GUDOOMIYAHA G/HIIRAAN OO DOWLADDA KU EEDEEYAY INAY KA GAABISAY DAGAALKA SHABAAB
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, ayaa dhaliil u soo jeediyay dowladda Federal ka Somaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Cali Jayte Cismaan ayaa sheegay dowladda inay ka gaabisay dagaalka Shabaab, islamarkaana dowladda aysan daryeel badan siinin ciidamada ku sugan Gobolada dalka Somaliya ee diyaarka u ah dagaalka ka dhanka ah Shabaab.
Dib u xureynta deeganada Shabaabka ay ku sugan yihiin ayuu sheegay in loo baahan yahay dow ladda dhexe inay la timaado siyaasad ku wajahan arintaasi, maadaama dowladda ay wakiil ka tahay guud ahaan dalka.
"Dowladda dhexe dalka in la xureeyo waxa ay ku xiran tahay inay la timaado siyaasad cad oo ku aadan xureynta, ma jiro daryeel badan oo la siiyo ciidamada ku sugan Gobolada dalka Somaliya, ma haystaan agabyadii loo baahnaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Cali Jayte Cismaan, ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku kooban tahay Magaalada Muqd isho oo kaliya oo dhaqdhaqaaqa dowliga ah uusan dhaafsiisneyn Muqdisho.
"Muqdisho waa Somaliya, Muqdisho bes ayeey ku kooban tahay dowladda, Muqdisho kaliya ayeey siyaasadeeda ku kooban tahay waa in dhaqdhaqaaqa laga helaa dowladda.” Ayuu hadalkiisa sii raa ciyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyn Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in arrimaha dib u heshiisiinta la doonaayo dowl adda Somaliya inay xoogga saarto si looga guulaysto dadka cadowga ku ah Somaliya.
AMISOM OO BEENISAY INAY DAD BADAN KU DILEEN INTA U DHEXEYSA MUQDISHO IYO AFGOOYE
Afhayeenka ciidanka AMISOM Wilson Rono ayaa beeniyay warar sheegaya in Ciidammadoodu ay dad fara badan ku laayeen Dulleedka Muqdisho, kaddib markii ciidankooda lagu qaaday weerar qarax iyo iska hor imaad toos ah.
Wilson Rono oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda Somalia ayaa sheegay in Weerarkaas uu uga dhintay hal Askari, halka mid kale uu ka dhaawacmay, sidoo kale wuxuu xusay in labo ruux oo rayid ah lagu dilay weerarkaas.
Sidoo kale, Warbaahinta ka hawlgasha Gudaha iyo kuwa baraha bulshada ayaa lagu baahiyay wararka sheegaya in AMISOM ay dad badan ku dileen deegaanka Lafoole.
Dhanka kale, Warar madaxbanaan ayaa sheegaya in rasaas ay Ciidamada AMISOM fureen ay dad rayid ah wayxeelo ka soo gaartay, kaddib markii qarax lala eegtay. Wariye u shaqeeyay Idaacad ku taal degmada Afgooye ayaa ka mid ahaa dadkii lagu dilay weerarkan, kaasoo lagu magacaabi jiray Jacfar Cali Daacad oo macalin ka ahaa iskuul ku yaalla deegaanka Lafoole, kaddib markii ay ku fureen ciidamada rasaas toos ah.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii u horreysay ee weerar lagu qaado Ciidamada AMISOM ay ku waxy eeloobaan dad rayid ah, waxaana badana dhacda in marka Ciidamada lagu weeraro jidadka in sidoo kale ay dadka rayidka waxyeelo ka soo gaaraan.
MAREYKANKA OO BAAQ U DIRAY SHACABKA KENYA
Dowlada Mareykanka ayaa ku guubaabisay dhamaan shacabka reer Kenya in ay isdajiyaan oo ay diidaan qalalaaso isla markaana u hoggaansamaan mabaadi,da dastuurkooda, xilli maanta loo dareer ayo doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.
Bayaan kasoo baaxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu aad uga walwalsanyahay dadaalada sii soconaya ee ay labada xisbi ee dalkaasi ku faragelinayaan howlaha madaxa bannaan ee guddiga doorashooyinka, hey’adaha garsoorka iyo laamaha kale ee muhi imka ah.
Mareykanka ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarki lagu khaarijiyay nin ilaalo u ahaa ku xige enka madaxa caddaalada Kenya.
Warka kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa loogu baaqay dhinacyada siya asadda Kenya in ay si dhaqso ah u furan wadahadalo hufan si loo soo dhameeyo is afgaran waaga siyaasadeed.
Kenya ayaa waxaa maanta ka dhaceysa doorasho madaxtinimo oo ku celis ah. Mucaaradka ayaa qa adacay, halka madaxweyne Kenyatta uu sheegay in doorashadu ay u dhici doonto sidi loogu talagalay.
BOGGA CAYAARAHA
5 QOF AYAA KA DAMBEYSAY IN LEO UU CR7 KU GARAACO XIDIGA UGU FIICAN DUNIDA, ISAGA AYAA SHEEGAY
Sida uu qoray Warsidaha Col Diaro oo kasoo baxa dalka Spain, laacibka Kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi, ayaa wuxuu eedsaday shan qofood, kuwaasoo uu ku eedeenayo inay ka dambeeyeen in Ronaldo uu ka dulqaado abaalmarinta xidiga aduunka.
Liiskaan oo ay soo bandhigtay Jariiradaan oo kasoo baxda dalka Spain, ayaa waxaa ugu horeeya Madaxweynaha Barcelona ee Josep Maria Bartomeu, waxanaa uu ku haystaa ayay lee dahay Col Diaro In aysan jecleen Jamaahiirta, sidaas darteeda aysan ugu codeyn.
Sidoo kale, Shaqsiga labaad ayaa wuxuu yahay Agaasimaha Dhanka Ciyaaraha ee Barcelona nin ka lagu magacaabo Robeto Fernandez, kaasoo la sheegay inuu ka diray kooxda Wiilka Neymar, asig oona anaan usoo iibin ciyaaryahano kale, oo muhiiim ah.
Waxaa sidoo kale, Liiskaasn shanta ku jira, laacibiinta kala ah Andre Gomes iyo Paco Alcacer, kuw aasoo 30-sano jirkaan uu ku haysato in iyaga oo aanan shaqo fiican u qaban kooxda shaqo fiican ay sa bab ka dhigtay inuu ku guuleysan waayo Abaalmarintaan.
Shaqsiga ugu dambeeyay ayaa wuxu yahay macalinkii hore ee Barca, Luis Enrique, kaasoo uu aaminsan yahay Messi, ayay lee dahay Col Diaro in uusan siin wiilkaan Codkiisa si daas darteeda uu ku waayay Laaicbka ugu fiican aduunka, oo uu ku guuleysatay Ronaldo.
WARAR: LABA XIDDIG OO MUHIIM U AH MAN UNITED OO UU TAAM AHAANSHOHOODA SHAKI KU JIRO KA HOR KULANKA TOTTENHAM
Kooxda Man United ayuu war-war cusub soo food saaray ka hor kulanka sabtida ay la ciyaari doon aan kooxda Tottenham ee ka tirsan horyaalka Premeir league.
Xiddigaha Marcus Rashford Iyo Ander Herrera ayuu shaki ku jiraa taam ahaanshihiisa kadib markii ay labadoodaba jug ka soo gaartay kulankii League cup-ka.
Rashford ayaa lagu soo waramayaa in uu ka cabanayay muruqa intii lagu guda jiray qaybtii hore ee ciyaartii ay Swansea City uga badiyeen 2/0 halka Herrera uu ka cabanayay kuraanta.
Dhibaatooyinkan ayaa la aaminsan yahay in ay yihin qaar fudud laakiin Rashford Iyo Herrera ayay la socon doonaan dhakhaatiirta kooxdu ka hor kulanka Tottenham.
Si kasta ha ahaatee kooxda Man United ayaa ku rajo weyn in ay labada xiddigba taam u noqdon doonaa kulanka sabtida ee ay Tottenham ku soo dhawayn doonaan Old Trafford.
MOHAMED SALAH WAA SHAKHSI NOOCE AH?
Duqa Nagrig oo ah tuulada uu ka soo jeedo kuna soo koray Mohamed Salah ee ku taala gobolka Gharbiya ee dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday howlaha samafalka ah ee uu 25 jirkaan ka wado bul shadii uu ku soo dhex koray.
Maher Shetia ayaa yiri: "Salah waxa uu tuuladiisa yar soo saaray qariirada dunida. Waxa uu sidoo kale dhisay hay’ad tabarucaad, waxa uu dhisay iskuul ay ku baxeyso malaayiin.
"Waxaa taasi sii dheer inuu wax badan ugu deeqay cusbitalka Basioun isagoo u dhisay qolal qaboojiyaal ah, waxa uu ugu deeqay qaboojiyaal waa weyn iyo weliba ambalaas.”
Ka dib markii uu Salah dhaliyay rigooradii cajiibka aheyd horaantii bishaan ee Masar u xaqiijisay u soo bixitaankooda Koobka Adduunka ee 2018, gudoomiyaha gobolka Gharbiya ayaa magaca ka bed elay iskuulkii uu ka soo baxay Salah ee ku yaala Baisoun iyadoo loo bixiyay ‘Mohamed Salah Industrial High School’.
Ganacsade taajir ah oo reer Masar ah ayaa u soo bandhigay Mohamed Salah inuu qaato guri raa xo uu isagu leeyahay isagoo uga mahacelinayay geesinimadiisii kulankii Congo, laakiin ciyaaryahanka ayaa weydiistay ganacsadaha inuu gurigiisa ceshto balse taas bedelkeeda uu waxyaabo wax ku ool ah ugu deeqo tuulada uu ka soo jeedo ee Nagrig
SABABTA OZIL OO KAGA TAGI DOONO KOOXDA ARSENAL OO LA OGAADAY
Kubad sameeyaha Arsenal Mesut Ozil ayaa la fahamsan yahay inuu ku biiri doono bisha January kooxda Man United .
Mustaqbalka Mesut Ozil ee garoonka Emirates ayaa u muuqda mid sii dhimanaya madama uusan wali saxiixin heshiis cusub, kaliya wax ka yar 10-bilood ayaana kaga haray qandaraaskiisa.
Manchester United ayaa loo badinayaa iney noqon doonto kooxda xigta ee uu maaliyadeeda xirto madama uu halkaas joogo tababarahiisii hore Jose Mourinho oo si weyn u xushmeeya, waxeyna war baahinta magaalada Manchester gaar ahaan Manchester Evening News baahineysaa in xidiga uu dagaal kula jiro Jack Wilshere isla markaana uusan ka adkaan doonin.
MEN waxey qoreysaa in Mesut Ozil uu damacsan yahay xirashada lambarka 10-aad, balse waxaa xiran Jack Wilshere kaas oo dhaxal ahaan uga helay Robin van Persie sanadkii 2012, sidaas darteed soo laabashada xidiga reer England waxey u tahay hungo.
ITALY - SERIE A
Atalanta 3 - 0 Hellas Verona
Cagliari 2 - 1 Benevento
ChievoVerona 1 - 4 AC Milan
Fiorentina 3 - 0 Torino
Genoa 2 - 3 SSC Napoli
Juventus 4 - 1 SPAL 2013
Roma 1 - 0 Crotone
Sassuolo 0 - 1 Udinese
Bologna 1 - 2 Lazio
ENGLAND - EFL CUP
Chelsea 2 - 1 Everton
Tottenham Hotspur 2 - 3 West Ham United
WAX KA BARO TAARIIKHDA IYO HORUMARKA DALKA LIBERIA
Dalka Limaantaa waxaa loo yaqaan jamhuuriyadda Limaantaa waxaana uu ku yaala galbeedka qaaradda Africa, Wuxuuna xaduud la leeyahay dalalka Sierra Leone, Guinea iyo Ivory Coast.
Tiradda dadka Limaantaanka ah waxaa lagu qiyaasaa ku dhawaad 5 million oo ruux caasimada dalkana waxaa la yiraahdaa Manarovia oo sidoo kalena ah magaaladda dalka ugu weyn.
Luuqadda rasmiga ah ee dawladu aqoonsatahay waa Af Ingiriis ah hase ahaatee illaa 20 luu qadood oo kale ayaa dalkaasi looga hadlaa.
Dalkaan waxaa loo aqoonsanyahay dalkii ugu horeeyay Africa ee noqda dal madax banaan wax aana uu xorriyadiisa qaatay sanadku markuu ahaa 1822 hase ahaatee Maraykanka ayaa dawladin imada dalka Limaantaa aqoonsaday 26 July sanadkii 1847 sidoo kale waa dalkii ugu horeeyay ee Africa ku yaala oo gumaystihii Ingiriisku u aqoonsado dal madaxbanaan.
Dadka madow ee Maraykanka degen badankood taariikhyahanadu waxay aaminsanyihiin inay as al ahaan kasoo jeedaan dalka Limaantaa waxaana Maraykanka la geeyay waqtigii dagaalka sokeeye Maraykanku ka socday.
Taariikhdu waxay qortaa dawladihii dalkaan aanu ka hadlayno ee Limaantaa soo maray inay saameyn weyn ku lahaayeen dagaaladii dunnida ka dhacay sida dagaalkii 1,aad ee dunnida.
Xukuumaddii xilligaas Limaantaa ka jirtay waxay la safatay dawladii Maraykanka.
Sidoo kale dawladihii soo maray Limaantaa waxay goob jog u ahaayeen ama xataa xubno ka ahaayeen dawladihii aas aasay ururkii wadamada midoobay ee hadda Q,M loo yaqaan iyo ururkii midnimada Africa ee hadda Midawga Africa la yiraahdo.
Dagaalo sokeeye oo ka dhashay oo afgambi 1980 ka dhacay dalkaasi waxaa uu galaaftay nolosha 250, kun oo ruux waxaana barakacay qiyaastii 8% dadka wadankaas.
Wada hadal nabadeed oo sanadkii 2003 la iskugu keenay dhinacyadii is hayay waxaa ay keentay in la aas aaso dawladda hadda jirta.
Dawladii heeshiiskaas ka dhalatay waxay keentay in dalkaan ay haweeney M/weyne ka noqoto waxaana uu noqday dalkii ugu horeeyay ee African ah oo haweeney madax ka noqoto.
Ellen Johnson Sirleaf muddo 12 sanno ah ayay ku fadhisay kursiga madaxtinimada hadda ayaana dalkaasi doorasho laga galayaa si loo soo doorto hogaamiyihii badali lahaa.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 26-KA OKTOOBAR 2017-KA
ODINGA OO TAAGEERAYAASHIISA UGU BAAQAY INAY QAADACAAN DOORASHADA MAANTA Raila Odinga wuxuu diiday inuu ka qayb qaato doorashada isku celiska ah Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga ayaa taageerayaashiisa ka dalbaday inaysan ka qeyb qaadan