Qarax Khasaaro geystay oo saaka ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

0
Sunday December 06, 2015 - 11:07:25 in Wararka by
  • Visits: 1022
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Khasaaro geystay oo saaka ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho

    Qarax Khasaaro geystay ayaa saaka ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxan laga maqlay meelo ka mid ah Magaalada, maadaama jawiga Magaalada uu ahaa mid degan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax Khasaaro geystay ayaa saaka ka dhacay Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo jugta qaraxan laga maqlay meelo ka mid ah Magaalada, maadaama jawiga Magaalada uu ahaa mid degan. Nooca Qaraxa ayaa la sheegay inay aheyd miinada dhulka lagu aaso, waxaana ay ka dhacday meel ku dhaw halka loo yaqaan Xero Jarmal ee wadada Warshadaha.

Goobta qaraxa uu ka dhacay meel ku dhaw oo Maqaayad ah waxaa yaalay oo Subax waliba la soo dhigi jiray gaari ay isticmaalaan ciidamada Taraafikada Somaliyed, waxaana ujeedka Qaraxa la sheegay in lala damacsanaa gaarigaasi, hayeeshe wax Khasaaro ah ma soo gaarin gaariga.

Saddex ruux oo shacab ah oo maraayay wadada ayaa ku dhaawacmay Qaraxaasi, warar soo baxaya waxa ay sheegayaan inay jirto dhimashada labo ruux oo ka mid ahaa dad meesha maraayay, laakiin si dhab ah looma xaqiijin karo geerida dadkaasi.

Qaraxa kadib ciidamada Dowladda ee jooga Isgoyska Ifka Xalane, ayaa goobta soo gaaray mana jirin cid ay qabteen, iyadoo goobta qaraxa uu ka dhacay hada ay tahay mid xiran oo ciidamo ay ku sugan yihiin.

Inta badan Qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso wadooyinka ayaa lagu bartilmaameedsadaa ciidamada Dowladda ee gaadiidka saaran.

Ururka Al Shabaab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeeyaan qaraxan miinada ah ee saaka ka dhacday wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip