
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA OKTOBAR 2017-KA
Madaxa milatariga Indonesia General Gatot Nurmantyo ayaa sabtidii loo diiday inuu soo koro diyaarad Emirates ah oo ku soo socotay magaalada Washington DC, si uu uga qeyb galo shir ku saa bsan ka hortagga argagixisada oo uu ku casuumay madaxa taliyayaasha ciidamada Mareykanka Gen eral Joseph F. Dunford, Jr.
Safiirka iyo safiir ku xigeenka Mareykanka ee Indonesia ayaa labadaba cudur daar ka bixiyey dhacdadan, hase yeeshee dhaawaca diblomaasiyeed ee ka dhashay ayaa u muuqda mid goor horeba saameyn yeeshay
Gatot ayaa diiday inuu ku safro ticket labaad oo dib loogu jaray.
Isla maalinkii xigayba, boorar muujinaya naceyb iyo in laga soo horjeedo Mareykanka ayaa ka soo muuqday waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Jakarta.
Wasiirka arrimaha dibedda Indonesia Retno Marsudi ayaa sheegtay in cudur daarka Mareykanka ay bixiyeen aysan ku filneyn, ayna doonayaan sharaxaad rasmi ah oo laga bixiyo wixii dhacay.
SAFIIRKII SOOMAALIYA EE DALKA BRITAIN OO ISCASILAY
C/raxmaan Yuusuf Ceynte oo Bishii May Madaxweyne Farmaajo uu u magacaabay Safiirka Soo maaliya u fadhiya dalka Uk ayaa ku dhawaaqay in uu xilkaasi iska casilay.
Waxaa uu sheegay in Safiirka in xilkaasi uu isaga tagay,islamarkaana uu baneeyay Booskaasi.
Mudane Ceynte ayaa ka mid ahaa saddex Danjire oo uu Madaxweynuhu magacaabay.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sababaha is casilaada Ceynte ay salka ku heyso in aan laga soo aqbalin magacaabidiisa, waxaana hadii la aqbali lahaa waraaqadiisa aqoonsiga ka guddoomi laheyd Boqorada UK.
Danjire Ceynte ayaa ilaa hadda si rasmi ah u shaacin sababta uu isku casilay.
MAREYKANKA OO URURKA MIDOWGA AFRIKA KALA HADLAY XAALADDA SOOMAALIYA.
Safiirka Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobey Nikki Haley ayaa Magaaladda Addis aba ba ee Casimadda Dalka ethopia kula kulantay madax Afrikaan waxayna kala hadashay xaaladda Soomaaliya.
Kulankaan ayaa la sheegay In uu dhacay Maalintii isniintii aheyd kadib qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii bishaan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaaladda Muqdisho kaasi oo dilay 358 qof halka dhaawacuna uu ka badan yahay 228qof.
Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay oo ka hadashay Shir Jaraa’id oo ay iyada iyo Madaxa Siyaasadda ee Ururka Midowga Afrika, Minata Samate ku qabteen Xarunta Dhexe ee AUda ayaa sheegtay in Danaha Maraykanka ku xiran tahay inay si wadajir ah ugala shaqeeyaan Midowga Afrika iyo Ururgobaleedka IGAD sidii xal loogu heli lahaa Somalia.
Sidoo kale Wakaalladda Wararka Ethiopia ee ENA ayaa baahisay inay Nikki Haley iyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia ka wada hadleen qoddobo ay ka mid ahaayeen Dadaalka Nabadilaaliyayaasha ugu jiraan sidii nabad loogu soo dabaali lahaa dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan iyo guud ahaan Mandiqadda Geeska Afrika.
Kulankaan ayaa kusoo beegmaya xili Bishii June ee sanadkii hore, Qaramada Midoobay ay shaacisay in yareysay lacagihii loo qondeeyay Howlgalka Midowga Afrika AMISOM, waxaa laga jaray $570 million, waxaa ay noqotay miisaaniyadda $7.3 billion.
TALIYAHA CXD OO LA KULMAY TALIYAHA TABABARRADA HOWLGALKA MIDOWGA YURUB …
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen, C/wali Jaamac Gorod ayaa xarunta Wasaaradda Gaasha andhigga kula kulmay Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro.
Kulankan ayaa wuxuu ahaa mid isbarasho ah maadaama dhawaan la magacaabay Taliyaha Ci idamada Xoogga dalka, sidoo kale waxay ka wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa Tababarrada Mid owga Yurub ay siiyaan Ciidamada xoogga dalka iyo sidii wada shaqeyn u dhex mari laheyd labada Masuul.
C/wali Jaamac Gorod Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa uga mahad celiyay Taliyaha sida Mid owga Yurub ay ku garab taagan yihiin Ciidamada xoogga dalka, iyagoo bixiya Tababarro heer sare ah sidoo kalena ku taageera ciidamada Soomaaliya Saanad Militari.
Taliyaha Ciidamada xoogga dalka ayaa ka codsaday Taliyaha Tababarrada Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Addis Pietro, inay door weyn ka qaataan dagaalka uu ku dhawaaqay Mada xweynaha Dalka oo dhawaan lagu qaadi doono deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Al shaba ab iyo in Midowga Yurub Howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya la sii xoojiyo, maadaama dalka uu ka socdo dib u dhis xooggan oo lagu sameynayo Ciidamada si loo xaqiijiyo xasilinta amniga guud ee dalka.
C/wali Jaamac Gorod ayaa maalmahan waday kulamo uu ku dardar galinayo howlaha horyaala ciidamada xoogga dalka, isagoo daraad kulan la qaatay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada AMI SOM, waxayna ka wada hadleen sidii la iskaga kaashan lahaa dagaalka, guud ahaanba dalka looga ciribtirayo Al shabaab.
QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY BOOSAASO.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ismiidaamin ah oo Duhurnimadii shalay ka dhac ay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolkaasi.
Waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 4 qof oo shacab ahaa, halka uu ku dhintay ruuxii Naftii hu ra ahaa.
Qaraxa ayaa ka dhacay nawaaxiga saldhiga bartamaha ee Magaalada Boosaaso, gaar ahaan goob lagu iibiyo qaadka oo xilliigaasi ay dad badan ku suganaayeen.
Afhayeenka madaxtooyada Maamulka Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac "Quraan Jecel ” oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxaasi la doonayay in lagu waxyeelo dadka shacabka ah ee ku nool Magaalada Boosaaso.
Waxaana uu ugu baaqay in ay muujiyaan feejignaan dheere ah, ayna la shaqeeyaan Laamaha Ammaanka, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca Magaaladaasi.
Ma jirto weli cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, balse Al Xarakada Al Shababab ayaa inta badan weeraro ka fuliya deegaanada Maamulkaasi Puntland.
MAAMULKA G/BANAADIR OO 1900 OO DOLLAR KU WAREEJIYAY MID KA MID AH DADKII KU WAXYEELOOBAY QARIXII ZOOBE
Muxiiyadiin oo mid kamid ah Ishiisa ku waayay Xasuuqii 14ka dhacay Isgoyska KM5 ayaa shal ay waxaa lagu wareeejiyay lacag dhan 1900 oo Dollar.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaana Lacagta as ugu talagalay Muxiyadiin oo Xoogiisa Ku xamaalan jiray, balse ku naafoobay Weerarkaasi.
Kulan Muqdisho lagu qabtay kaa oo ay ka qeyb galeyn qaar kamid ah dadkii uu saameeyay Wee rarkii Zoobe iyo dhalinyaro ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa loo hadlay sida looga hortagi karo Qaraxyada Muqdisho ka dhaca.
MADAXWEYNE KENYATTA DOORASHADA KHAMIISTA MA DHAAFAYSO”
Iyadoo weli mucaaradka ay ka soo horjeedaan hanaanka doorashada ayaa Madaxweynaha da lka Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu sheegay in aysan baaqan doonin doorashada madaxtinimada ee la gu wado in dalkaasi ay ka dhacdo Khamiista soo socota.
Mr Kenyaata ayaa wuxuu xusay in hadii kooxaha mucaaradka ah ay diidan ama aqabalaanba ay dhacayso doorashada madaxtinimo ee dalka Kenya,taasi oo dhowr jeer u baaqatay sababo la xiriira dhanka siyaasadda oo la isku mari waayay.
Isaga oo magaalada Nairobi kula hadlayay qaar ka mid ah taageerayaashiisa, ayuu Uhuru sheegay in doorashadu u qabsoomi doonto sidi loogu tala galay, waxuu ka codsaday taageerayaa shiisa in ay si xoog leh ugu codeeyaan.
Balse Hoggaamiyaha mucaaradka Dalkasi Kenya Mr Raila Odinga ayaa ka laabtay musharax nimadiisa, kadib marki uu sheegay inuusan ku qanacsaneyn hannaanka doorashada,taasi oo dhalisay shaki iyo walwal ku aadan suuro galnimada in doorashadu ay u dhacdo hanaankii loogu talagalay iyo waqtigii loo qorsheeyey intuba.
Dadka odorosa arrimaha siyaasadda ee Dalkaasi Kenya ayaa ka digaya cawaaqib xumo ka dha lan karta doorashadani haddii aysan ka qeybgalin mucaaradka iyo haddii aysan u dhicin si xalaal ah intuba.
Maxakamadda sare ee dalkaasi Kenya ayaa horey u laashey guushii uu doorashada ka gaaray madaxweyne Uhuru Kenyatta,taasi oo keentay in markale dib loogu celiyo welina ma muuqdo xal siyaasadeed.
SOOMAALIDA DAGAN ROCHESTER MN OO ISAGU YIMI KULAN DUCO & BAROORDIIQ DHACDADII 14 OKTOOBAR
Jaaliyadda Soomaalida ee dagan magaaladda Rochester ee gobolka Minnesotaayaa isagu timi kulan Baroordiiq iyo Duco laagu sameenayay dadkii ku wax yooloobay qaraxii 14 Oktoobar ka dhacay magaaladda Muqdisho,iyadoo kulankaan lagu qabtay xarunta wayn iskuulka Rochester Math and Seince oo ay maamuulaan aqoonyahano Soomaaliyeed.
Waxaana xusid mudan inay kulankaan kala soo qaybgaleen Soomaalida Rochester madaxda ugu sareeysa ee laga soo doorto magaaladaas sida David Senjem State Senator ,Carlo Nelson State Senator, iyo labada xildhibaan ee kala ah Tina Liebling & Duane Sauke , iyagoo dhamaantood khu dbadahii ay halkaa ka jeediyeen ku xusay inay aad ugu xun yihiin waxii ku dhacay 14 Oktoobar umadda Soomaaliyeed iyagoo ka tacsiyeeyay ummadda Soomaaliyeed.
Cabdiqaadir Daahir Cabdalla Maamulaha Schoolka RMSA ayaa sheegay in dhacdadaan ay tah ay mid aad xun indhana laga qabsan karin waxii dhacay ,waxaan samaynay gudi ka kooban 9 qof , waxaana qorshaheenu yahay in aan aruurino lacag dhan $100.000 ,dadka dagan Rochester waa dad aad u fiican shaqaysta wadaniyiin ah waxaan ku dadaalaynaa inaan lacagtaas si dhaqso ah u aruurino.
Cumar Nuur oo ah madaxa ururka Somalia Rebuild Organization dagana magaaladaas ayaa ummadda Soomaaliyeed hawada u mariyey in la gaaray waqtigii midnimada iyo isku duubnida taar iikhda waa inaan wax ka baranaa waxii ka dhacay muqdisho waa inaan ku wax qaadanaa,waana xiligii uu caqligu shaqeen lahaa ayuu yiri Cumar Nuur .
Senator David H.Senjem ayaa isaguna yiri waxii ka dhacay Muqdisho isbuucyo ka hor oo aan sawiradooda aragnay maaha wax la eegi karo ,waxayna nagu beertay xanuun waayo waxaan nahay dad isku mid ah,waana ka xunahay waxa gaaray dadkiina.
Cali Jaras oo ka mida Macalimiinta RMSA iyo odayaasha magaaldaan ayaa isaguna hadal dhe er goobta ka jeediyey ,waxuuna sheegay in loo baahan yahay in garab istaag loo muujiyo dadkii hal kaas ku waxyooloobay ku dhaqaalo beeelay waana dhamaanteen inaan bixino wax kasta oon awo odno, waa inaan kacnaa hawasha noo taal maha mid yar ayuu yiri Cali jaras.
Ugu danbayntii Jaaliyadda ayaa intii goobta isagu timi ayaa balanqaaday lacag gaaraysa ilaa $30.000 ,gudiganu waxuu sheegay inay wadi doonaan uruurinta lacagtaan intay ka gaarayaan intii ay kor ku soo xuseen.
GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA SOMALIA OO GAROWE UGA QAYBGALAYA KALFADHIGA 40AAD EE BARLAMAANKA PUNTLAND
Gudoomiyaha Aqalka sare ee Somalia Cabdi Xaashi Cabdulaahi ayaa shalay soo gaaray magaal ada Garowe isaga iyo xubno kale oo ka tirsan aqalka sare , waxaana magaalada ku soo dhaweeyay qaar kamid ah madax da Puntland ugu saraysa.
Safarkan mid lamid ah ayaa sidoo kale waxaa magaala da Garowe ku yimid gudoomiyaha golaha shacabka Somalia Prof. Maxamed Cismaan Jawaari ,waxaana labada gudoomiye ay ka qaybgali doonaan kalfadhiga 40aad ee Barlamaanka Puntland oo maalinta bari ah furmaya.
Labada gudoomiye ayaa sidoo kale inta ay joogaan waxa la kulmi doonaan madaxweynaha Puntland iyo guddoonka bar lamaanka ,iyada oo sida la sheegay kulamadaasi lagu soo hadal qaadi doono dhamaynta ismaandhaafka ka dhex jira Dowladda Somalia iyo maamulada dalka.
Gudoomiye Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arimaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi doono ay ku jirto dib u eegista dastruurka Somalia oo bilihii la soo dhaafay uu ka taag naa muran la xiriira habka loo marayo .
"Waxaan dowladda iyo shacabka Puntland uga mahadcelinaynaa soo dhawaynta balaaran ee halkan naloogu sameeyay ,waxaana ku amaanayaa horumarka ay dhanka nabadda ka gaareen " ayuu yiri gudoomiyaha aqalka ssare oo ku baaqay in laga shaqeeyo midnimada Somalia.
Ugu danbayn, Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ku hadlayay magaca ma dasha ay ku midaysanyihiin maamul goboleedyada ayaa sheegay in ay ka qaybgali doonaan kulan ka uu ku baaqay madaxweynaha Somalia ee ka dhici doona magaalada Muqdisho.
MADAXWEYNE FARMAAJO OO FAAH FAAHIYAY QODOBADII AY ISKUAFGARTEEN MADAXDA WADAMADII UU TEGAY
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farma ajo oo socdaal ku marayaa qaar ka mid ah wadamada Gobolka ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caa imadda Jamhuuriyadda Jabuuti.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Am bouli International Airport, musiiliyiin uu horkacaayo Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf.
Madaxweynaha Jamhuuriayadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhiggiisa Jabuuti Mudane Isma aciil Cumar Geelle kulan gaar ah la qaatay, iyagoo si qoto dheer uga hadlay xiriirka walaaltinimmo ee labada dal iyo kaalinta Jabuuti ay ka qaadaneyso dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
MAXKAMADDA KENYA OO LAGA DALBADAY INAY DIB U DHIGTO DOORASHADA KHAMIISTA
Maxkamadda ugu sarreysa dalka Kenya ayaa lagu wadaa inay Arbacada go’aan ka gaarto in doorashada mada xtinnimada ee ku celiska ee la qorsheynaya kahmiista dib loo dhigo iyo in kale.
Maxkamadda ayaa ka jawaabeysa dalab deg deg ah oo shalay loo gudbiyay.
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa isa ga baxay tartanka, isagoo dhaliilay qaabka uu guddigu u abbaa ray qabanqaabada doorashada ku celiska ah.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in doora shada ay qabsoonta Khamiista
TABABARKA TABABARAYASHA KUBADDA GACANTA SOOMAALIYA OO DJIBOUTI LAGU SOO XIRAY..
Waxaa shalay dalka Djibouti lagu soo gebagabeeyay tababarka kubadda Gacanta darajada ko owaad oo 15 Tababare muddo 10 cisho ah u socday, waxaana xafladda xeritaanka oo ka dhacda Caasimadda Djibouti kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo kan Djibouti , Xiriirada kubadda Cagta iyo Miiska Djibouti iyo Xiriirada Kubadda Gacanta iyo Miiska Soomaaliyeed.
Ugu horreyn waxaa xafladda ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka kubadda Gacanta Soomaaliyeed Ahna Xubin ka tirsan Guddiga Fullinta GOS Mudane Maxamed Xuurshe Xasan Eenoow waxuuna she egay in Tababarkan uu ka mid yayhay tababarada ay Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ugu talo gashay horumarinta aqoonta macalllimiinta xiriirada kale gedisan ee dalka,waxaana gacan ka geys tay International Olympic Committee iyo Olympic Solidarity.
Guddoomiye Eenoow ayaa dhanka u mahad celiyay Macalimiinta tababarkan Bixinayay Effat Rashat iyo Cali Axmed Maxamud (sayid Ali Kuukaay) , waxuuna tababarayaasha kula dardaaamay in waqtiga qarashka lagu bixiyay in aqoontooda sare loo qaado laga doonayo in ay waxii ay barteen dalka dib ugu celiyaan isla markaana kubadda Gacanta Soomaaliya sare u qaadaan.
Macallinka tababarkan bixinayay uu u dhashay dalka Masar Effat Rashad ayaa dhankiis tilm aamay mudadaa 10ka cisho ah uu tababarkan socday uu la kulmay macallimiin wanaagsan oo u soo diyaargaroobay tababarkan kana faa’iideystay taasna ay caddeyn u tahay sida dhammaantood ugu guuleysteen imtixaanka qeybahiisa kale gedisan, waana arin ifarax gelineysa.
" Waxaad hadda haysataan cilimigi u dambeeyay kubadda Gacanta Caalamka , dhankiina ayay markaan soo jirtaa waxaana la idinka doonayaa in ay jiilka idinka dambeeyay uga faa’iideysaan , " ayuu Yiri Effat Rashad.Macallin Effat ayaa dhanka kale u mahad celiyay Macallinka tababarkan ku wehliyay Sayid Cali Axmed Maxamuud ( Kuukaay) waxuuna ku tilmaamay inuu lafdhabar u ahaa qabsoomidda tababarkan, waxuuna macallinmiinta kula dardaarmay in laga doonayo shaqo adag si ay uga soo dhalaaaan cilmigi ay barteen.
Xoghayaha Safaaradda Soomaaliya ee Djibouti Mursal Cabdi Nuux iyo Xoghayah Guddiga Olombikada Djibouti Feysal Abdulrham Ragouf ayaa si wada jir ah u sheegay faa’iida isboortiga u leeyahay isdhexgalka Bulshada waxayna Macallmiinta Shahaada qaatay u sheegeen in shaqo ay hadda bilow u tahay lana doonayo in u diyaargaroobaan sidii ay usoo saari lahayeen ciyaartooy Mus taqbal wanaagsan ku yeesha xulka qaranka Soomaaliya isla markaana ku dadaalaan sidii ay ku qaadan lahaayeen shahaadooyinka heerkan kasii sareeya.
Tababarkan oo muddo 10 cisho ah ka socday dalka Djibouti ayaa macallmiinta lagu baray xir fadda iyo hanaanka tababarka kusoo kordhay Ciyaarta kubada Gacanta Adduunka, waxaana ugu dambeyn lagu guddoomnsiiyay shahaadada heerka koowaad ee kubadda Gacanta.
RA’ISUL WASAARE KHEYRE OO U AMBAXAYA DALKA TURKIGA
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maalinta Arbacada ah oo ku beegan maantato inuu booqasho rasmi ah ku tago dalka Tur kiga.
Sida laga soo xigtay xafiiska Ra’isul wasaaraha turkiga Kheyre ayaa ku sugnaan doono dalka Turkiga ilaa maalinta jimcaha waxaana uu la kulmi doonaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu daaweynayo dalkaasi kuwaa oo dhan 35 qofood oo saddex caruur ah ay kujiraan kuna dhaawacmay qaraxii bishan 14keedii ka dhacay isgoyska Zoobe.
Xasan Ali Kheyre ayaa kula kulmi doono dhigiisa dalka turkiga Binali Yildirmini caasimadda An kara waxeyna kawada hadli doonaan xIriirka wanaagsan ee labada dal u dhaxeeya , kuwa gobalka iyo arimo caalimi ah.Kheyre ayaa safarkan ka baaqday todobaadkii hore kadib markii qarax dad bad an ay ku dhinteen uu ka dhacay Magaaladda Muqdisho waana markiisii ugu horeysay oo kheyre booqanaya dalka turkiga.
ZIMBABWE OO WASIIR U MAGACAWDAY ARRIMAHA 'WHATSAPP'
Dadka reer Zimbabwe waxay si jeesjees leh ugu yeereen wasiirka cusub 'wasiirka WhatsApp'
Ogaysiis ay soo saartay xukuumadda ayaa qabsaday baraha bulshada isla markii uu madaxwe yne Robert Mugabe sameeyey wasaarad mas'uul ka ah amniga internetka, wax ka ogaanshaha khat araha, iyo wax ka qabashadooda.Dadka reer Zimbabwe waxay warqadda magacaabidda kaga jawaabeen si jeesjees ah.
QORAAL AMAR AH OO WASIIRKU SOO SAARAY
Laakinse wakhtigaas ka dib kaftankii wuu yaraaday, dadka reer Zimbabwena waxay iminka ka ba araan degayaan waxa ay wasaaradda cusub ula jeeddo xorriyaddooda rayid ahaan ay leeyihiin, gaar ahaan xorriyatul qowlka.
'KHATAR QARAN'
Xukuumadda Zimbabwe lama dhacsanayn baraha bulshada, ka dib markii baadari la yiraahdo Evan Mwararire uu horseed ka noqday dhaqdhaqaaq la magac baxay #ThisFlag sannadkii hore.
Iyagoo isticmaalaya baraha Twitter iyo Facebook ayey abaabuleen mudaaharaad gurijoogid ah, ka asoo ahaa kii ugu ballaarnaa ee muddo 10 sano ah dhaca.
Afhayeenka madaxweyne Mugabe, George Charamba, wuxuu sheegay in Mr Mugabe uu la yimid fikradda ah in la sameeyo wasaarad la tacaamusha "khataraha soo baxaya ee liddiga ku ah dalka".
16kii sano ee u dambeeyey isticmaalka internetka ayaa sare u kacay min 0.3% ilaa 46%, xogtaas oo laga helay hay'adda isgaarsiinta caalamiga ah (ITU).
Dhowr maxaddad TV iyo wargaysyo internetka laga daalacdo oo qaarkood dalka dibaddiisa laga soo saaro ayaa internetka isticmaala si ay u baahiyaan warar aysan dawladdu aamusin karin.
Markii kaalimaha shidaalka uu shidaalkii ka dhamaaday bishii hore, ayaa waxaa la arkay safaf dhaadheer oo loo galay dukaamada waaweyn, ayadoo dadku ay cunno kaydsi billaabeen, cabsi laga qabo in cunnadu yaraato.
Walaacaas oo jira ayey xukuumaddu ku eedeysay farriimaha baraha bulshada inay cabsida sii badiyeen.
Wasiirka cusub ee amniga internetka, Mr Chimanasa, ayaa taas isna qaba oo leh "sababtu waa baraha bulshada".
FIKRADAHA
Dadka qaar waxay leeyihiin mowqifka xukuumaddu wuxuu khatar ku yahay xorriyaddooda.
Mid ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda war isgaarsiinta oo la yiraahdo Media Institute for Sou thern Africa (Misa) xafiiskiisa Zimbabwe ayaa sheegay in sida gaarka ah ee iminka isha loogu hayo baraha bulshada ay ka soo horjeeddo dastuurka iyo xorriyatul qowlka.
"Khatarahan nasiib darrada ah waxay dhaliyeen in shakhsiyaad ay faafreeb ku sameeyaan mowduucyada qaarkood ee saamaynaya dalka" ayaa lagu sheegay hadal qoraal ah.
Xaaska Mugabe oo Zimbabwe ku laabatay iyadoo tacaddiyo loo haysto
Mugabe 'ma jiifee indhuhuu nasinayaa'
Waxaa kaloo la dhaliilay faafreebka lagu sameeyo warbaahinta Zimbabwe.
Dhaqdhaqaaqa mucaaradka Zmbabwe ee MDC ayaa isagu talaabo intaa dhaafsiisan ku sheegay in wasaaradda cusub ee dawladdu samaysay uu micnaheedu yahay in xukuumaddu ay basaasayso dadkeeda.
Hogaamiyaha xisbiga, Morgan Tsvangirai, ayaa rumaysan in wasaaradda loo abuuray inay cabb uriso xorriyadda hadalka, ayadoo la isu diyaarinayo doorashada 2018.
Dadka qaar waxay qabaan in jeesjeeska uu muujinayo in aan faham laga qabin khatarta dunida ka haysata dambiyada lagu galo Internetka.
Qaar kale ayaa waxaa u muuqda in ay isku xiran yihiin isha ay xukuumaddu ku hayso dhaq dhaqaaqa Internetka iyo doorashooyinka soo socda
SIDEE CARUURAHEENNA UGU DHIIRAGELIN KARNAA INEEYSAN BEEN U SHEEGIN WAALIDKA ?...
Beenta waxay ay ka mid tahay waxyaabaha ay diinteenu Islaamka reebtay in lugu dhaqmo, saas oo ay tahayna beenta waxaa mid ayadeegsato cid kasta, waana mid sidoo kale aan laheyn yaraan iyo weeynaan ama xilli iyo waqti kasta.
Dhamaanteenna waxaan jecelnahay in aynu aragno carruuraheenna oo raacaya dhaqamada wa naagsan ee ay diintu na fareeyso. Haddaba qormadan ayaan wax kaga eegeeynaa mowduuc aan u ar agno inuu ahmiyad u leeyahay bulshadda gaar ahaan carruurteenna. Moowcduucaan oo aannu misna isleenahay waa mid waallidku adeegsan karo si uu uga hortago in carruurto ku dhiirato ineey been sheegaan.
HOOYO WIIL AY HOOYADDII WAANINEEYSO.
Kolka
ilmahaaga kuu sheego arrin ay caddahay inay been tahay ha ku degdegin inaad
beeniso ama u diido inuu sii wado hadalka, ee u ka adi inta uu dhamaysanayo
kadibna isku day in khayaaligan maskaxdiisa ku jira aad u bedesho mid dhab ah.
Adiga oo waydiinaya su’aalo xaqiiq ah, tusaale ahaan hadii uu kuu sheegay in uu tagay meel ay adag tahay in la tago oo aanan la rumaysan karayn isku day inaad waydiiso inuu ka sheekeeyo goobtaas sida ay u egtahay iyo haday jirto asxaab ay isra aceen iyo su’aalo kale oo ay ku adag tahay inuu u helo jawaab fudud.
Taas oo ku khasbaysa marka ay wa do waliba ka xiranto adigana su’aaluhu wal i kuu buuxaan in uu iska qirto runtana afka soo mariyo maadaama uuna dareemayn cadaadis iyo baqdin arrintuna ay isku bedeshay sheeko werin. Arrintan sidoo kale waxa ay qayb wayn ka qaadanaysaa dhismaha mustaqbalka ilmahan yar oo tab abar ayay u tahay sidii uu ugu heli lahaa wado iyo xal wax yaabo badan oo ubaahan wax ka badan HAA iyo MAYA.
HA BUUNBUUNIN BEENTA
Ha ku qasbin ilmahaagu inuu miciinsado beenta isaga oo ka baqayo ciqaabtaada, ha waynayn arrimaha yaryar, tusaale ahaan hadii uu jabiyo koob ama wax lamid ah ha canaanan ee si fudud u wa ydii sida wax u dheceen hadii uu run kuu sheegan abaal mari, taasi waxa ay ku dhiiri galinaysaa inuu run sheego mar walba si loo abaal mariyo.
SIDEE U CIQAABEEYSA HADDUU BEEN BATO?
Hadii uu gaadho heerka beenahawaas, u yara hanjab adiga oo taasna aana ka badbadinayn, waxay noqon kartaa ciqaabtani in meel aad ku ballansanaydeen inaad tagtaan baajiso adiga oo sabab tana u sheegaya. Taasi waxa ay ku khasbaysaa inuu run sheego si uu u helo waxa aad u diiday. ha fulin ciqaabta aad u balan qaaday marka qaabkan samayso ma aadan cafin. Wixii intaa ka danbaysana waxaa laga yaabaa inuu beenta u arko mid kala dheeraynaysa isaga iyo wax yaabaha uu jecel yahay inuu waalidkii ka helo.
LA SHEEKAYSO HANA DAREENSIIN INUU DEMBI GALAY
Ilmahaaga la sheekayso taasi waxa ay ka masaxaysaa amaradii iyo hanjabaadihii aad bixinay say, wuxuuna kuu tix gelin doonaa saaxiibkiisa uu jecelyahay inuu u sheego waxa ka guuxaya maskax diisa. Hadii uu khaldamo ilmahaagu ha liidin hana ku celcelin inuu denbi galay uuna xun yahay ama xumaan sameeyey, taasi waxa ay ku khasbaysaa inuu been sheego si’uu denbigaa uga baxo.
Hadaba daraasad uu sameeyey machad ku yaala Columbia ayaa sheegay in 90% waalidiinta u sheega caruurtooda inay yihiin kuwa wanaagsan oo fariido ah ay caruurtooda ka mustaqbal fiicnaada an kuwa waalidkooda dhagahooda ku badiyaan canaanta aan salka lahayn iyo ku celcelinta xumaanto oda iyaga oo iska indha tiraya wanaagoodda.
Waxaa qoray, Xamsa Ceydiid
{Faafintii: Somaliska.comGöteborg}.
BOGGA CAYAARAHA
ARSENAL OO NOQOTAY KOOXDII UGU HOREYSAY EE 100-GOOL KA DHALISAY KOOX KASOO HORJEEDA TAN IYO BILOWGA PREMIER LEAGUE – HALKAAN KA AQRISO KOOXAHA EPL-KA & DHIGOODA...
Goolka uu waqtigii dhimashada Everton ka dhaliyay Alexis Sanchez kulankii ka dhacay Goodison Park ayaa ka dhigtay Gunners iney noqoto kooxdii ugu horeysay ee koox ka ciyaarta Premier League ka dhalisa 100-gool tan iyo bilowga horyaalka Premier League.
Shan gool ayey dhaliyeen wiilasha Arsene Wenger safarkii ay ku aadeen Merseyside, waxeyna ka dhigan tahay iney 25 xilli ciyaareed oo ay kooxda Toffees ku sugan tahay heerka koowaad ka dhalisay 100-gool,
Manchester United ayaa ah koox kale oo ku dhaw iney sameyso rikoorkaan madama ay 96-gool ka dhalisay isla Everton, halka Chelsea ay 94-gool ka dhalisay Spurs oo ah koox ay aad u xifaaltamaan madama ay ka wada dhisan yahiin magaalada London.
Liverpool weerarkeeda waa kuwa cajiib ah, waxeyna ugu jecel yahiin iney wajahaan Newcastle United madama ay ka dhaliyeen 89-gool, halka Manchester City ay 72-gool ka dhalisay Aston Villa.
Marka aan diirada saarno rikoorka Arsenal ee ah iney 100-gool ka dhalisay Everton waxaa horkacaya Ian Wright oo sideed gool dhaliyay, Denis Bergkamp ayaa dhaliyay 6-gool, halka Robin van Persie uu dhaliyay uu shan gool.
TABABARAHA AC MILAN EE VINCENZO MONTELLA OO KA HADLAY XAQIIQADA WARARKA SHEEGAY IN UU LEONARDO BONUCCI ISKA DHIIBI DOONO CALAAMADA KABTANIMADA
Tababaraha Kooxda Ac Milan ee Vincenzo Montella ayaa ka hadlay wararka sheegaya in xiddiga reer Italy ee Leonardo Bonucci uu iska dhiibi doono masuuliyada kabtanimada kooxda kadib kaarkii casaa ee loo taagay kulankii Axadii.
Waxa soo baxayay warar sheegayay in uu xiddiga iska dhiici doono calamada kabstanimada kooxda Ac Milan kadib markii uu la kulmay dhaleecayn aad u weyn.
Montella oo ka hadlay shirka ka horeeya kulanka Cheivo ayaa yiri”Waan ogahay marka ayna arintu u socon si fiican in ay soo baxaan wararka xanta ah ee waxaas oo kale sheegaya,Bonucci muu oran in uu iska dhiibi doono calaamada kabtanimada”.
"Wararkan been abuurka ah waxa qoraya ama shaacinaya dad aanan garanayn oo doonaya in ay na ba-abi,iyaan”.
Bonucci ayaa labada kulan ee ay kooxdiisu ciyaari do-onto ku seegi doona ganaax kadib markii kaarka cas loo taagay kulankii Genoa ee Axadii.
ITALY - SERIE A OCTOBER 24
Inter 3 - 2 Sampdoria
ENGLAND - EFL CUP OCTOBER 24
AFC Bournemouth 3 - 1 Middlesbrough Arsenal 2 - 1 Norwich
Bristol City 4 - 1 Crystal Palace Leicester 3 - 1 Leeds United
Swansea City 0 - 2 Manchester United
Manchester City * 0 - 0 Wolverhampton Wanderers
SPAIN - COPA DEL REY OCTOBER 24
Cartagena 0 - 3 Sevilla Numancia 2 - 1 Malaga
Getafe 0 - 1 Alaves Zaragoza 0 - 2 Valencia
Cadiz 1 - 2 Real Betis Real Murcia 0 - 3 Barcelona
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ARBACO 25-KA OKTOBAR 2017-KA
XIISAD KA DHEX TAAGAN MAREYKANKA IYO INDONESIA Carrada ka dhalatay jeneral sare oo ka tirsan milatariga Indonesia oo loo diiday inuu soo galo dalka Mareykanka, ayaa dhaawac gaarsiisay xiriirka labada dal.