Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray (Sawiro)

0
Friday September 11, 2015 - 15:02:16 in Wararka by
  • Visits: 1072
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xariga laga jaray (Sawiro)

    Munaasabad xariga looga jarayey dhismo lagu sameeyey xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dorraad subaxdii ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federalka Soomaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad xariga looga jarayey dhismo lagu sameeyey xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa dorraad subaxdii ka dhacday magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan golaha wasiirada dowlada Federalka Soomaaliya, Taliyaal ciidan, Xeer ilaaliyaha Guud Ee Qaranka ,Guddomiyaha Maxkamada sare, garsoorayaal, wakiilo ka socday beesha caalamka iyo qeybaha ururada bulshada rayidka. Ugu horeyn waxaa munaasabada hadalo kooban ka jeediyay Xaashi Cilmi Nuur oo ah gudoomiyaha maxkamadda gobolkan banaadir waxana uu sharaxaad kabixiyay qaababka kala duwan oo ay soo mareen shaqooyinkoodii maxkamadda iyo in ay doonayaan in laga raro maxkamadaha ay kamid yihiin tan milatariga loona dhiso xarumahooda.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa ka dalbaday mas’uuliyiintii ka socotay wadamadda deeq bixiya yaasha in ay taageera dheeraad ahi ku bixiyaan dhismaha xarumaha maxkamadaha dalka.

Xarunta maxkamadda gobolka banaadir oo ah xarunta dorraad xarigga laga jaray ayaa noqon doonta mid ay maxkamadda gobolka Banaadir oo kaliya ku shaqeyso maadaama in muddo ay ay ahayd xarun ay ku dhex shaqeeyaan ugu badnaan xafiisyadda kale ee maxkamadaha dalka kajira

Wasiirada Cadaalada iyo Wasiirka Amniga oo munaasabada goobjoog ka ahaa ayaa dhankooda Midowga yurub uga mahadceliyey dhismaha ay ku sameeyeen xarunta maanta xariga laga jarey

Dhinaca kale Xubno uu ka mid aha Wakiiladii ka socday Midowga Yurub ayaa madasha ka sheegay in Midowga yurub uu ballaarin doono qorshaha dib loogu dhisayo Xarumaha Danta Guud ee Soomaaliya

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamada Sare dalka Avv. Ceydiid Cabdilaahi Ilka Xanaf ayaa sheegay in dowlada iyo bulshada soomaaliyeed uu ka codsanayo in ay ilaaliyaan ixtiraamka garsoorka dalka waxa uuna ku celceliyey in ay xilligan Jirto dhaqaale xumo iyo amni darro haysato garsoorayaasha Soomaaliyeed

xarig (1) xarig (2) xarig (3) xarig (4) xarig (5) xarig (6) xarig (7) xarig (8)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip