WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA DICEMBAR 2015-KA
Labada madaxweyne iyo xubnaha kale ayaa kulan quraac ah ku wadaqaatay Hoteelka Five Star ee Koonfurta Gaalkacyo, halkaasoo la isku dhaafsaday khudbado u badnaa kaftan, dhinaca kalana la xiriiray adkeynta nabadgalyada magaalada Gaalkacyo iyo in labada maamul si niyad ah u hergaliyaan hishiiska la gaaray.
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xusseen Guulleed ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid madaxweynaha Puntland Koonfurta magaalada, isaga oo balanqaady in isla shalay uu tagi doono dhinaca kale ee magaalada si la mid ah dhgiisa Cabdiwali Gaas.
"Waxaan ku faraxsannahay in madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu bilaabay is dhaxgalka bulshada ku wada nool magaalada, annigana waxaa ii qorsheysan in isla shalay aan tago dhinaca kale ee magaalada [Waqooyiga Gaalkacyo]," ayuu yiri Cabdikariin Xuseen Guulleed.
Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay in colaadii Gaalkacyo aheyd mid aan lagu tallagalin aadna uga xun yihiin, wuxuuna sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay hormuud ka noqonayaan Nabadda, isla markaana dadka la tuso wada jirka.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid khudbad ka jeediyay kulanka ayaa sheegayin shalay la guda geli doono inta ka harsan ciidamada in la kala qaado, lana abuuro kalsooni, waxaana uu intaa ku daray in guddiyada labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada.
Marka aad eegto kulamadii ugu danbeeyay ee dhacay waxaa kuu muuqanaya in uu jiro biseyl nabadeed oo ka muuqda mas'uuliyiinta labada maamul kaddib dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada oo haddii ay sii socdaan hubaal aheyd in ay geysan lahaayeen saameyn dhaqaale iyo burbur xoog leh oo ay wajahdo Gaalkacyo oo sanadihii ugu danbeeyay si xowli ah dhisatay.
Ugu danbeyntii waxaa lagu waddaa in socod nabadeed labada madaxweyne oo wadda jira ku maraan qeybaha ay magaalada ka kooban tahay si markaas shacabkii ka barakac loogu muujiyo in wixii hadda ka danbeeya in magaalada Gaalkacyo nabad tahay dibna loogu soo laaban karo.
DOWLADA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY INAY 13 ALSHABAAB AH KU DISHAY DAGAAL KA DHACAY GOBOLKA HIIRAAN
Saraakiil ka tirsan millateriga Somalia ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa sheegay in 13dagaalyahan oo Alshabaab lagu dilay iskahorimaad Alshabaab ay kula galeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Shiinaha Xinhua.
Taliyaha ciidamada millateriga Somalia ee gobolka Hiiraan Maxamed Cumar ayaa sheegay in dagaalka oo laba wajiile ahaa uu ka dhacay Jimcihii daraad deegaan ku dhow magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.
"Dagaalka waxaan ku dilnay 13dagaalyahan oo Alshabaab ka tirsan, toddoba askari ayaa dhankeennana nalooga dhaawacay. Haatana deegaanka innaga ayaa gacanta ku haya,” ayuu yiri Maxamed Cumar oo la hadlayay warbaaihnta.
Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo cuslaa la isku adeegsaday madaafiic culus iyo rasaasta fudud, kaas oo ka dhashay weerar dhabbogal ah ay ay xoogagga Alshabaab la beegsadeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia.
Alshabaab ayaa weerarro gaadmo ah la beegsata ciidanka dowladda Somalia, iyadoo sidoo kalena weerarradeeda ku faafisay xadka Somalia ay la wadaago Kenya, kuwaasoo sababay khasaarooyin fara badan oo soo gaaray shacabka.
Ugu dambeyn, Xarakada Alshabaab oo muddo badan isku dayaysay in dowladda Somalia ay xukunka ka tuurto, ayaa waxaa sannadihii u dambeeyay laga saaray deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ku yaalla, kaddib dagaallo Alshabaab iyo Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM dhexmaray.
XUKUUMADDA BAQDAAD OO TURKIGA UGU BAAQDAY INAY CIIDANKOODA KALA BAXAAN WAQOOYIGA CIRAAQ
Xukuumadda Ciraaq ayaa Weydiisatay Turkiga inay ciidamadooda kala baxdo Waqooyi dalkeeda oo ay maamusho ISIS, iyadoo mas’uuliyiinta Ciraaq ay sheegeen in Turkigu uu ogolaasho la’aan soo geliyay ciidamadooda Dalkooda.
Warbaahinta Turkiga ayaa baahisay in ugu yaraan 150askari oo Turkish ah oo 20 illlaa 25 taangi wata ay xukuumadda Turkigu u dirtay deegaanka Bashiqa oo ku taalla Waqooyigabari ee magaalada Muusil ee Ciraaq, taasoo ah xarunta ugu weyn ee ay Ciraaq ku leedahay kooxda ISIS.
Sidoo kale, wakaaladda wararka ee Turkiga Anatolia ayaa baahisay in ciidanka Turkiga ee la geeyay aaggaas ay yihiin kuwo loogu talogalay inay tababbaraan ciidamada Peshmerga ee ka howlgala gobolka Kurdishka Ciraaq.
Bayaan kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Ciraaq ayaa looga dalbay Ankara inay sida ugu dhaqsiyaha badan ciidamadeeda uga saarto gudaha Ciraaq, kuwaasoo ay sheegeen inay xuduudda kasoo tallaabeen soohdinta ay wadaagaan labada waddan.
"Xukuumadda Ciraaq waxay ugu baaqaysaa Turkiga inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo ciidamadeeda gudaha Ciraaq,” ayaa warsaxaafadeedkan lagu yiri. waxaana intaa uu ku daray. "Warbixinada aan helayno waxay sheegayaan in tiro ka tirsan ciidamada Turkiga oo wata gaadiid dagaal ay si sharcidarro ah dalkeenna kusoo galeen, iyagoo doonaya inay tababaraan ciidammo kooxaha Ciraaq ka tirsan; iyagoo aan wax ogolaasho ahna ka haysan xukuumadda Baqdaad.”
Dhanka kale, xukuumadda Baqdaad ayaa sheegtay in soo gelintaana ciidamada Turkiga ee gudaha dalkeenna ay tahay arrin carqalad ku ah madaxbannaanida iyo xorriyadda Ciraaq.
Kooxda ISIS ayaa sannadkii hore la wareegtay deegaanno badan oo ku yaalla Waqooyiga iyo Galbeedka Ciraaq, iyadoo ciidamada Ciraaq oo ay taageerayaan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa iskudayaya inay dib u riixaan kooxdan Islaamiga ah.
Ugu dambeyn, ciidamada Peshmerga oo Turkigu sheegayo inay tababarro ku siin doonaan gudaha Ciraaq ay qayb ka yihiin dagaallada lagula jiro ISIS, laakiin uu aad u liito xiriirka ay la leeyihiin xukuumadda Ciraaq.
SHIRKADA DIYAARADAHA EE TURKISH AIRLINE OO DUULIMAADYO KA BILAABAYSA SOMALILAND
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxaradiid (Cadaani), ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socda Shirikada Diyaaradaha ee Turkish Airline, Waftigan oo ahaa sahan indho indhayan ah. Ayaa noqonayaa masuuliyiintii ugu horaysay ee ka socda shirikadaas ee yimaada Caasimada Somaliland ee Hargaysa.
Kulankan waxaa Wasiirka ku weheliyey shirka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cumer C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimadyada Siciid Mahadi Ileeye (Saqiiro), Maamulaha Madaarka Maxamed Yuusuf Ismaaciil, dhinaca Waftiga Shirikada Turkish Airlane, waxaa ogaaminayey Qunsul ku xigeenka Xafiiskooda Hargaysa, waxana ay Waftigu ka koobnaayeen Laba Khabiir oo Duulimaadyada ah, oo kala ah Senol Sakali iyo Ahmed Tomul, waxaana kulankaasi markii uu dhamaaday, ka war bixiyey Wasiirka Duulista oo yidhi:
"Shalay oo ay bishu tahay 05/12/2015, waxaa halkan noogu yimi Shirkada Turkish Airlines, waxaanay runtii danaynayaan inay ka mid noqdaan Diyaaradaha yimaada Somaliland, gaar ahaan Madaarkan Hargeiysa ee Egal International Airport ,waanu wada hadalnay waxaanu isla afgaranay oo aanu isla eegnay Agaasimaha guud , Agaasmiha Waaxda Duulimaadada ee Wasaarada iyo Maamulaha Madaaarka Egal International Airport ,waxaanu isla garanay inaanu siino wax alla iyo wixii macluumaad ah ee madaarku leeyahay ee ay u baahan yihiin ,iyagana aanu ogaano waxay ka rabaan Somaliland, Madaarka ay imanayaan mooyane ,haday Maalgalin ka samaynayaan Madaarkan ama Madaarada kale, oo aanu isla eegno Wasaarad ahaan inaanu siino hadaanu labadayadu isla qaadano inay yimaadaan madaarka,”
"inaanu anaguna markaa ka fekerno anagoo eegayna waxay dalka ku soo kordhinayaan, haday maalgalin tahay Madaarada, iyo haday tahay xaga Shaqaalaha Wasaaradaba, inaanu siino fasaxii ay ku imanayeen Egal International Airport.”
"Go,aankaasi maaha wali mid aanu gaadhnay, iyaguna qaybtoodii waxay wadaan qiimayan ,anaguna waxaanu iyaga ka sugaynaa waxay dano noo hayaan, markaasna waanu isku soo noqon doona,waana markii u horaysay ee aanu is aragno,wax go,aamo ah oo aanu ka gaadhnay ma jiro,waana mid aanu runtii si buuxda uga baaran dagayno,waxaanu runtii ku salaysan yahay waa in Egal International Airport uu noqdo Garoon caalami ah oo Saldhig (HUP) u noqda Diyaaradaha Caalamka oo dhan ay ka Duulaan ama soo fadhiistaan,ee Geeska Afrika, si uu Egal International Airport u noqdo ka ugu muhiimsan ee Diyaaradaha Aduunku soo fadhiistaan hawshaasna bilowgeedii ayaanu wadna,”
Diyaarado fara badan oo doonaya ama danaynaya, way jiraan inay qayb ka noqdaan Diyaaradaha soo fadhiisanaya Egal Airport markaas hawshaas waa mid aanu wadno.
WASIIRKA GAASHAANDHIGA SOOMAALIYA IYO XUBNO KALE OO LA KULMAY SARAAKIIL KA TIRSAN MIDOWGA YURUB
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa shalay kulan la qaatay saraakiil ka socotay Midowga Yurub, waxayna iska xog wareysteen howlaha ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed iyo halka ay marayaan howlgallada dalka looga saarayo AlShabaab.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada uu siinayo ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.
Taliyaha ciidanka Midowga Yurub ayaa tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku aamaanay dowladda dadaallada ku aadan dib u dhiska ciidanka.
Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya aan la iloobi Karin, waxaana uu intaa ku daray in saraakiisha Midowga Yurub ay balan qaadeen wax u qabashada ciidamada xoogga dalka.
Saraakiisha ay shalay kulanka la qaateen Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale ee Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ka socday Midowga Yurub, waxaana ay u yimaadeen inay wax ka ogaadaan qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tababar ka hela Midowga Yurub.
TAHRIIBAYAAL SOOMAALI KU JIRAAN OO BADDA LAGA BADBAADIYAY
Ciidamada Badda dowlada Spain ayaa badbaadiyay 280 tahriibayaal Soomaali ku jirto una badan kuwo u dhashay dalka kadib markii ay la qalibantay dooni ay saarnaayeen oo mareysan biyaha Mediterranean, sida dowlada ay sheegeen.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaarada difaaca ee Spain, ciidamada badda Spain ayaa badbaadiyay dadkaasi oo doonayay iney dooni ku galaan dalalka Qaarada Yurub, waxaana la qalibantay doonida ay la socdeen.
"Ciidamada Badda ee Spain ayaa howgalka ay wadajirka ula sameeyeen ciidamada Badda Midowga Yurub ee Sophia waxay badbaadiyeen 286 ruux oo doonayay iney tahriib ku galaan Yurub”ayaa lagu yiri qoraalka kasoo wasaarada difaaca Spain.
Dowlada Spain ayaa sheegay in dadkaasi markii ay badbaadiyeen kadib ay quusiyeen doonidii ku safrayeen dadkaasi oo Alwaax ka sameysan, taasi oo Qatar gelisay nolosha dadka tahriibayaasha ah ee la badbaadiyay.
Dadka la badbaadiyay ayaa badankood kasoo jeeday dalalka Soomaaliya, Eritrea,Ethiopia, Libya, Mauritania, Yemen, Mali iyo Moroco, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay wasaarada Difaaca ee dowlada Spain.
SHIL AY KU DHINTEEN ASKAR KA TIRSANAA JUBBALAND OO KA DHACAY KISMAAYO
Shil gaari oo ay ku dhinteen Askar ka tirsan Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa waxa uu ka dhacay duleedka Magaalada Kismayo.
Wararka ayaa sheegaya in Gaari Nuuciisu ahaa Cabdi Bile oo ay la socdeen Askar ka tirsan Ciidamada Jubbaland uu ku rogmaday agagaarka Jaamacadda Kismaayo ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Inta la xaqiijiyay 4 ASkari ayaa ku dhimatay 3 kalana waa ay ku dhawaacmeen shilkaasi sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland.
Gaadiidka dagaalka oo ay ugu horreeyaan Cabdi Bilayaasha gawaarida loo yaqaanno ayaa aalaaba xooli ugu socda waddooyinka oo aan si fiican u dhisneen.
KENYA OO XIRTAY XADKA AY SOOMAALIYA KALA LEEDAHAY DEGMADA MANDERA.
Xukuumadda dalka Kenya ayaa sheegtay in ay xirtay xaduuda ay Somali kala leedahay Mandheera kadib cabsi laga qabo in Al Shabaab ay weerar ku qaadaan shaqaale Kaawada ka qodo deegaano ka tirsan Mandheera.
Warkaan ayaa yimid kadib markii Al Shabaab ay hore u bartilmaameedsadeen shaqaale macdan ka qodayay Mandheera bishii July ee sanadkan oo ay ku geeriyoodeen ilaa iyo 14 ruux sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka ee Gobolka Waqooyi Bari.
Bishii December ee sanadkii hore ayaa waxaa Al Ahabaab ay ku dileen deegaan ku dhow Mandheera ilaa 36 ruux oo u dhashay Kenya.
Taliyaha ciidamada booliiska ee degmada Mandhera Job boronjo ayaa wariyayaasha u sheegay in Masuuliyad ay ka saaran tahay ammaanka shacabkooda si aysan waxyeelo u soo gaarin.
Boronjo ayaa intaasi ku daray in ay helaan xog ku saabsan in Al Shabaab weeraro ku soo qaadi karaan deegaanadaasi isagoo xusay in ciidamada ammaanka ay ku jireen heegan si ay uga hortagaan falal lidi ku ah ammaanka oo halkaasi ka dhaca
GAALKACYO OO CIIDAMADA LA KALA QAADAY
Ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug ee ku dhexdagaallamay magaalada Gaalkacyo ayaa shalay la kala qaaday, waxayna arrintani qeyb ka tahay heshiiskii ay labada dhinac gaareen maalintii Arbacada ahayd.
Taliyaha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo saraakiisha militari ee labada dhinac ayaa howshan kala fogeynta ciidamada goobjoog ka ahaa, waxaana ciidamada ay qolo walba dib ugu celisay saldhigyadii ay hore u joogeen ee magaalada Gaalkacyo.
Madaxda Puntland iyo Galmudug, Cabdiwali Gaas iyo Cabdikariim Xuseen oo ay la socdaan RW Soomaaliya iyo madaxda maamullada kale ayaa socdaal ku maray koonfurta iyo waqooyiga magaalada Gaalkayo.
Madaxda ayaa iyadoo wada socda waxay si ka qeybgaleen kulan quraac ah iyo mid qado ah oo ka kala dhacay dhinaca Galmudugu iyo dhinaca Puntland.
RW Soomaaliya Cumar Sharmaarke ayaa kulanka quraacda ah oo ka dhacay dhinac Galmudug wuxuu ka sheegay in labada ay imika wadaan iskaashi kalsoonidiina ay soo noqonayso, iyadoo inta dhimanna la dhameystiri doono.
Jawiga magaalada ayaa haatan dagan, inkasta oo wali aanay dib u soo noqon dadkii magaalada ka baracakay oo tiradoodu kor u dhaafayso ilaa 40 kun oo qof.
JIBRIIL IBRAAHIM CABDULLE OO KA HADLAY HANAANKA DOORASHOOYINKA SANADKA 2016
Madaxa Hey’adda Cilmi baarista iyo wada tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka hadlay hanaanka looga gudbayo sanadka 2016 oo la qorsheynayo in Soomaaliya doorashooyin ka dhacaan.
Jibriil Ibraahim Cabdulle oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in illaa shan magaalo oo ka mid ah Soomaaliya loo qorsheeyay inay ka dhacaan kulamo wada tashi oo looga hadlayo afar qodob oo looga hadlayo qaababka ugu haboon ee doorasho uga dhici karta Soomaaliya.
"Xaqiiqdii labo cisho oo saacadood ah marka la isku darana lix saacadood ahna ma ahan wax fiican in mustaqbalka Soomaaliya lagu soo koobo, hadana markaa dowladda la hadasho waxay dhaheen waqtiga aad noogu liito, sanadka sii dhamaanaya waqti badan aan ku sameyn karno, waxaa is leeyahay wixii ugu fiican ee la sameyn karo ayay noqotay dadkii in lala tashato”ayuu yiri Jibriil Ibraahim Cabdulle.
NIN MINDI KU HUBEYSAN OO DAD KU WEERARAY MAGAALADA LONDON
Nin mindi ku hubeysan, ayaa xalay saddex ruux ku dhaawacay goob tareenada laga raaco oo ku taala Magaalada London Ee Xarunta Wadanka Britain.
Ninkan, ayaa ku qaylinaayay "Tani waa Suuriya darteed”, xilligii uu dadka ku waxyeeleynaayay boosteejada Leytonstone. Dadka dhaawacmay mid ka mid ihi waxaa la sheegay in xaaladiisu ay adag tahay.
Booliska London oo daqiiqado ka dib gaaray halkaasi, ayaa waxay gacanta ku dhigeen ninkaasi, iyagoona ula dhaqaaqay xarumaha dembi baarista ee ku yaala Caasimadda Britain.
Hay’adaha ammaanka, ayaan wax faah faahin ah ka bixin weerarkaasi iyo cidda uu ka tirsan yahay ninkaasi, balse waxaa la fillayaa in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
Weerarkan, ayaa wuxuu ku soo beegmayaa, xilli Baarlamaanka Britain uu Khamiistii meelmariyay in diyaaradaha dagaalka Britain ku biiraan weerarada cirka, ee ka dhanka ah Ururka Daacish.
KENYA OO SHARUUD KU XIRTAY DIB U FURISTA JAAMACADDA MAGAALADA GARISSA
Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya, William Ruto oo socdaal ku maraaya Magaalada Garissa Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa wuxuu su’aal ka keenay dib u furistay Jaamacadda Garissa.
Madaxweyne Ku Xigeenka oo ka hadlay kulamo kala duwan oo Magaaladaasi uu kaga qaybgalay, ayaa sheegay in Jaamacadda dib loo furi doono, marka uu amnigu noqdo mid la’isku halleen karo.
Madaxweyne Ku Xigeenka, ayaa shacabka Gobolka Waqooyi Bari ugu yeeray in ay u istaagaan xaqiijinta amniga Gobolkooda, halmeelna ay kaga soo wada jeestaan Ururka Al Shabaab.
Waxaa uu ku hanjabay inaysan ogolaan doonin in waxa uu ugu yeeray sharwadayaasha ay ka adkaadaan, isagoona wax laga yaqyaqsado ku tilmaamay falkii lagu laayay ardaydii Jaamacadda Garissa.
"Ma’ogolaan doono in sharwadayaasha ay inaga adkaadaan. Waan ka yaqyaqsanaynaa kuwii weeraray, dilayna ardaydii aan waxba galabsan.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya.
Mar uu ka hadlaayay waxa ay ka dhigan tahay Jaamacadaasi, ayaa wuxuu ku tilmaamay mid qayb ka ah horumarinta waxbarasho ee dalka Kenya ka jirta.
"Jaamacadda Garissa waa qayb ka mid ah kaabayaasha horumarineed ee waxbarashada uu dalkaan u baahan yahay. Waa waajib dib u furista Jaamacadda, ardayduna ay awoodaan hiigsiga waxbarashadooda, si ay u gaaraan mustaqbalkooda nololeyd.” Ayuu yiri William Ruto.
Mr. Ruto waxa uu hoosta ka xariiqay in Dowladda Kenya ay diyaar u tahay bixinta mashaariicda waxbarasho ee Jaamacadda Garissa, hubinta nabadgelyada deegaanka iyo in ciidan ilaalo ah oo loo sameeyo Jaamacadaasi.
"Dowladdu way maalgelinaysaa mashaaricda waxbarasha ee Jaamacadda, oo ay ka mid tahay in ciidan ilaalo ah loo sameeyo iyo hubinta amniga deegaanka, uuna u noqdo mid ay ka jirto nabadgelyo la’isku halleen karo.” Sidaasi waxaa yiri Ruto.
WAXQABADKA DOWLADDA ISBUUCII LA SOO DHAAFAY 05-12-2015
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Soomaaliya iyo Shiinaha oo xiriirka xoojinaya, Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Thailand iyo Finland, Xafiiska Howlgalka Ciidamada wadajirka ah oo xariga laga jaray, Safiirada Soomaaliya ee dalalka Cumaan iyo Koofur Afrika oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomay, Aqoon isweydaarsi ku saabsan Waajibaadka Dowladaha Hoose oo Muqdisho lagu qabtay, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Nabadeed kala saxiixday, Guddiga MadaxaBannaan ee Dastuurka oo cutubyo cusub lagu wareejiyey, 9 Ururka AlShabaab oo lagu dilay Maxaas, Ciidanka XDS oo deegaano Baraawe ka tirsan kala wareegay AlShabaab iyo Tababar Caalami ah ee Kubadda laliska oo Muqdisho lagu qabtay,
Soomaaliya iyo Shiinaha oo xiriirka xoojinaya
Madaxweynaha Jamhuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, ayaa 4tii November 2015 kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Johannesburg. Kulankan taariikhiga ah ayaa labada hoggaamiye waxay kaga wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal, iyo in si buuxda loo soo celiyo mashaariicdii horumarinta iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee Shiinaha uu ka wadey Soomaaliya. Madaxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiggiisa Shiinaha uga warramay xaaladda Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada. Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo horumarka muuqda ee Soomaaliya ee dhinaca nabadgelyada iyo dowlad dhisidda, waxaana uu sheegay in Shiinaha iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, lana joogo waqtigii la sii xoojin lahaa. Hoggaamiyaha Shiinaha waxaa uu intaa ku darey in khubarro ay u soo diri doonaan Soomaaliya si ay daraasad ugu sameeyaan barnaamijyada ay labada dal iska kaashan karaan. Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotey labada dal.
Madaxweynaha oo Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Safiirada Thailand iyo Finland
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 1dii Diseember 2015 warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Boqortooyada Thailand iyo Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqonaya Soomaaliya. Danjiraha Boqortooyada Thailand, Mr Prasittiporn Wetprasit ayaa noqonaya danjirihii ugu horeeyay ee abid ay Thailand u soo dirto Soomaaliya, waxaana uu Madaxweynaha soo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Thailand, Bhumibol Adulyadej. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo danjiraha Thailand, ayaa ka wadahadley muhimadda xiriir iskaashi oo dhex mara labada dal, waxaana labada dhinac ay isku afgarteen inay ka wada shaqeyaan mashaariicda caafimaadka, beeraha, waxbarashada iyo adeegyada kale ee bulshada. Dhanka kale, Madaxweynaha waxaa uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Jamhuriyadda Finland wakiilka uga noqoneysa Soomaaliya, Ms Tarja Orvokki Fernandez. Madaxweynaha iyo Danjire Fernanzez ayaa ka wadahadley xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, gaar ahaan adeegyadii caafimaad ee Finland ka fulin jirtey Soomaaliya, sida barnaamijkii dabargoynta cudurka Qaaxada ama TB. Danjire Fernandez ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud soo gaarsiisay dhambaal ay ka sidday Madaxweynaha Jamhuriyadda Finland, Sauli Niinistö, waxayna sheegtay in Finland ay si weyn u daneyneyso dib u soo nooleynta xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, isla markaana ay doonayaan inay sii xoojiyaan, siina ballaariyaan.
Xafiiska Howlgalka Ciidamada wadajirka ah oo xariga laga jaray
Munaasab ballaaran oo lagu maamuusayay furitaanka xarunta cusub ee Howlgalka Ciidamada wadajirka ah (JOCC) ayaa 3dii Diseember 2015 waxaa ka qeybgalay R/wasaare ku xigeenka dalka Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Amniga Gudaha, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidanka Asluubta, Abaanduulaha Ciidanka XDS, Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee dhinaca siyaasadda iyo amniga, saraakiil ciidan iyo Danjirayaasha wadamada UK iyo Sweden. R/wasaare ku xigeenka ayaa ku soo wareegay qeybaha ay ka koobanyahay xaruntaasi cusub ee loo diyaariyay JOCC, isagoo warbixin ku saabsan waxqadka xafiiskaasi ka dhageystay saraakiisha kala duwan ee JOCC. Danjiraha dowadda UK ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in dowladda Britain ay kaalin wax ku ool ah ka qaadatay diyaarinta xarunta JOCC, iyadoo rajeeysay in howlgalka JOCC uu ku baaho gobollada kala duwan ee dalka. R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte oo isagu xarigga ka jaray xaruntaasi ayaa ku amaanay dowladaha Britain iyo Sweden doorka ay ka qaateen diyaarinta xafiiskan, isagoo hoosta ka xariiqay in howlgallada wada jiraka ah ee JOCC ay gacan ka geysan doonaan adkeynta amniga caasimadda dalka ee Muqdisho.
Safiirada Soomaaliya ee dalalka Cumaan iyo Koofur Afrika oo waraaqihii aqoonsiga laga gudoomay
Suldaanka Saldanada Cumaan Suldaan Qaabuus Bin Siciid ayaa 2dii Diseember 2015 waraaqahii aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya ee Cumaan Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali (Taano). Danjire Cabdirisaaq Faarax Cali Taano waxa uu kulan gaar ah la qaatay Suldaan Qaabuus bin Siciid, isagoo u gudbiyay Salaan uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud, sidoo kale Suldaanka ayaa Danjiraha ka codsaday in uu salaan taa lamid ah ka gaarsiiyo Madaxweynaha Soomaaliya. Dhanka kale Madaxweynaha Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa waraaqihii aqoonsiga ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Koofur Afrika Danjire Jamal Maxamed Barrow. Danjire Jamal ayaa Madaxweynaha Koofur Afrika u gudbiyey dhambaal uu uga siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud.
Aqoon isweydaarsi ku saabsan Waajibaadka Dowladaha Hoose oo Muqdisho lagu qabtay
Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ayaa 2dii Diseember 2015 furay aqoon isweydaarsi ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowladaha Hoose oo ay ka qeyb galeen Wakiilo ka kala socda maamul goboleedyada iyo xubno kale. Wadatashiga iyo aqoon isweydaarsiga ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowladaha hoose iyo baahida loo qabo in la helo machad lagu barto howlaha looga baahanyahay shaqaalaha ka howlgalla xafiisyada dowladaha Hoose, ayna soo qaban qaabisay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wakiilo ka kala socday maamul goboleedyada, Galmudug, koonfurgalbeed, Jubbaland, xubno ka socday Maamulada Hiiraan, Banaadir iyo qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda, kaasi oo ah mid hal maalin. Guddoomiye kuxigeenka Gobolka banaadir Iimaan Nuur Iikar ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan helidda machad lagu barto waajibaadka looga baahanyahay shaqaalaha dowladaha Hoose. Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Soomaaliya Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa xusay in qorshahan ay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa, isla markaana ay Wasaaraddu yeelato machad arrimahaasi wax lagu barto. Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig oo furay aqoon isweydaarsiga ayaa sheegay in ujeedka ay Wasaaraddu u qabatay arrinta ay tahay in lahelo shaqaalo loo carbiyay howlaha loo idmaday. Aqoon isweydaarsiga ku saabsan waajibaadka aas aasiga ah ee dowaldaha Hoose ayaa la filayaa in laga soo saaro tallooyin wax ku ool ah oo ku saabsan hirgelinta machad arrimahaasi lagu barto, si shaqaalaha dowlaha Hoose ay u noqdaan kaadiriin si hufan uga soo dhalaala howlaha loo xilsaaray.
Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo Heshiis Nabadeed kala saxiixday
Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa 2dii Diseember 2015 heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyneyaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sh. Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas’uuliyiin mataleysay beesha caalamka. Munaasabad ka dhacday Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada Madaxweyne, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid ayaa uga mahadceliyay Madaxda Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.
Guddiga MadaxaBannaan ee Dastuurka oo cutubyo cusub lagu wareejiyey
Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan la socodka Dastuurka KMG ah ee dalka ayaa 1dii Diseember 2015 waxa ay cutubyo ka tirsan dastuurka ay ku wareejiyeen Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista dastuurka dalka si ay dib u eegis ugu Sameeyaan, halka guddiga madaxa banaan ee dastuurka ay dhinacooda ay iyaguna ay Guddiga baarlamaanka u qaabilsan la socodka dastuurka y ku warejiyeen 3 cutub oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen . Sedexda cutub ee shalay lagu wareejiyey guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ayaa kala ah kan 6aad oo ka hadlaya awooda baarlamaanka iyo wajibaadka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,7aad oo ka hadlaya awoodaha Madaxwaynaha uu siinayo dastuurku iyo 8 aad oo qeexaya awoodaha iyo howlaha ay qaranka ugu xilsaarantahay laanta fulinta ama xukuumadda. Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wasiirka Dastuurka ayaa ka qayb galay kulankani ay labada gudi ay iskula wareejinayeen cutubyada dastuurka ee qaarna dib dib u eegista lagu Soo sameeyey kuwa kalena ay guddiga madaxa banaan ay ku soo sameyn donaan dib uu eegid . Dastuurka KMG ah ee Dalka oo ka kooban 15 cutub ayaa waxaa dib u eegis lagu sameeyey 5 cutub oo ka mid ah.
9 UrurkaAlShabaab oo lagu dilay Maxaas
Ciidanka XDS ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay 29kii November 2015 ka sameeyeen agagaarka degmada Maxaas ku dilay 9 qof oo ka tirsanayd maleeshiyada kooxda argagixisada ah ee AlShabaab. Laba Xiddigle, Maxamed Muumumin Saneey, oo ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Maxaas ayaa sheegay in ay ciidanku howlgallo ka sameeyeen tuulooyin iyo degaanno hoos taga degmada, halkaas oo uu iska horimaad ku dhex maray maleeshiyaad ka tirsanaa AlShabaab. Ciidanka XDS oo kaashanaya AMISOM ayaa kooxda AlShabaab ka saaray degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan oo ay ku sugnaayeen, sidoo kale ciidanka ayaa hadda ku howlan sidii ay meelaha ay ku hareen ee gobolka ka tirsan uga saari lahaayeen ururka argagixisada ah ee AlShabaab.
Ciidanka XDS oo deegaano Baraawe ka tirsan kala wareegay AlShabaab
Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyed oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ay 29kii November 2015 ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ay kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen ururkaAlShabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Maamulka Koonfurgalbeed ee Somaaliya Maxamed Caseyr oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulo 7 kiilo mitir u jirta dhanka Koonfur ka xigta magaalada Baraawe ay la wareegeen ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, kadib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen. Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo ururka AlShabaab, isla markaana ay jiraan tababaro la siiyay ciidamada maamulka Koonfurgalbeed si ay gacan uga geystaan dib u xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga AlShabaab.
Tababar Caalami ah ee Kubadda laliska oo Muqdisho lagu qabtay
Tababar heer Caalami ah oo kubada Lalisla oo ay ka qeyb qaadanayeen 18 macalin oo xirfada macalinimo la barayay ayaa 29kii November 2015 lagu soo gebagebeeyey magaalada Muqdisho, waxaana xaflada xeritaanka kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay Guddiga Olombikada Soomaaliyeeed, madaxda xiriirka kubadda Lalaliska, madaxda xririirada kale gedisan iyo marti sharaf kale. Tababarkan oo mudo12 maalin socday waxaa soo qaban qaabiyay guddiga Olombikada Soomaaliyeed, waxaana bixiyaynay laba Macalin oo u kala dhashay dalalka Mauritius iyo Ethiopia. Guddoomiyaha Xiriirka kubadda LaLiska Cabduqaadir Cumar Abuukar ayaa sheegay in ujeedka tababarka loo qabtay ay ka dambayso sidii xiriirka ku yeelan lahaa Macalimiin wax soo saar wanaagsan yeesha, wuxuuna macaliinta seminarka ka qaybgalay uu kula dardaarmay in aqoonta la baray ay si wanaagsan u gubiyeen bahda kubadda Laliska waxuuna mahad celin usoo jeediyay Guddiga Olombikad Soomaaliyeed oo suura geliyay tababarkan. Guddoomiyaha Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, Cabdullaahi Axmed Tarabi oo xaflada soo xeray ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay qorshaha GOS ee horumarinta xiriirada isboortiga iyo gobolada dalka si ay macaliinta wax uga soo saaraan iskuulada degmooyinka iyo gobolada.
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 6-DA DICEMBAR 2015-KA
MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO LAGU SOO DHAWEEYAY KOONFURTA MAGAALADA GAALKACYO Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay markii ugu horreysay u tallaabay Koonfurta magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas kula klumay madaxweynaha m