
IS oo sheegay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen weerarkii California
Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa bogaadiyay toogashadii ka dhacday magaalada San Bernardino ee Gobolka California, kaasoo ay ku dhinteen 14 ruux.
Weerarkan ayaa waxaa geystay labo ruux oo ahaa nin iyo xaaskiisa, kuwaasoo markii dambe ay ciidamada booliska toogteen, kadib is rasaaseyn dhex martay.
Syed Rizwan Farook oo 28-jir ahaa iyo xaaskiisa Tashfeen Malik oo 27 ayaa dilay illaa 14 ruux, halka tiro kalena dhaawaceen, ka hor inta aanay Ciidamada Booliska dilin.
Kooxda IS ayaa sheegtay sabtidii maanta in weerarkaas ay ka dambeeyeen labo ka mid ah taageerayaashooda.
War laga sii daayay Idaacad afkooda ku hadasha oo lagu al-bayan ayaan lagu muujin inay ku lug lahaayeen werarkaas, isla markaana aanay xiriir toos ah la yeelan labada ruux ee fuliyay weerarka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama aya sheegay in toogashadaas aanay marna argagax gelin doonin, isagoo xusay in labada ruux ee weerarka ka dambeeyay ay ahaayeen kuwo xagjir ah.
Hey’adda FBI ayaa wali baareysa in toogashadaas ay aheyd ficil argagixiso, waxaana baaritaan laga sameeyay guriga labada ruux ee lamaanaha ahaa ee ka dambeeyay weerarka laga helay waxyaabaha qarxa iyo hub.


0 



IS oo sheegay in taageerayaashooda ay ka dambeeyeen weerarkii California
Kooxda la baxday dowladda Islaamiga ama Daacish ayaa bogaadiyay toogashadii ka dhacday magaalada San Bernardino ee Gobolka California, kaasoo ay ku dhinteen 14 ruux. Weerarkan ayaa waxaa geystay labo ruux oo ahaa nin iyo xaaskiisa, kuwaasoo markii