Rwanda oo dawo ku kaceysa $ 1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ku dhaawacay qaraxii Muqdisho

0
Sunday October 22, 2017 - 11:08:50 in Wararka by
  • Visits: 438
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rwanda oo dawo ku kaceysa $ 1 million oo dollar ugu deeqday dadkii ku dhaawacay qaraxii Muqdisho

    Dowladda Rwanda aya sheegtay in ay ugu deeqday dadkii ku dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho dawo ku kaceysa $1 million oo dallor. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Rwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda S

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Rwanda aya sheegtay in ay ugu deeqday dadkii ku dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Muqdisho dawo ku kaceysa $1 million oo dallor. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Rwanda Ms. Louise Mushikawebo iyo wasiir ku xigeenka Arrimahada dibadda Soomaaliya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya wadamada Soomaaliya iyo Ruwanda.
Tan iyo markii uu dhacay qarixii bahalnimada ahaa oo boqolaal qof ay ku nafwaayeen islamarkaana kuwo kale ay ku dhaawacmeen waxaa sii kordhayay dowladaha u soo gurmanaya Soomaaliya,waxaana bar bar socda gurmad deg deg ah oo shacabka Soomaaliyeed ay dhexdooda isku fidinayaan.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mukhtaar Mahad Daa’uud ayaa Safar shaqo kujooga magaalada Kigali ee dalka Rwanda halkaasi oo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan.

Dhacdadii 14kii October ayaa idhaha caalamka ku soo jeedisay Soomaaliya madaama Qaraxii Zoobe ee 14kii bishan uu noqday kii ugu weynnaa ee sanadihii ugu danbeeyay soo mara dunida.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip