WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA OKTOOBAR 2017-KA

0
Sunday October 22, 2017 - 09:27:55 in Wararka by
  • Visits: 736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 22-KA OKTOOBAR 2017-KA

    TAABID OO FARIIN U DIRAY DHALINYARADDA KU JIRTA ALSHABAAB Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta AlShabaab in ay kasoo baxaan ,islamarkaana ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

TAABID OO FARIIN U DIRAY DHALINYARADDA KU JIRTA ALSHABAAB Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta AlShabaab in ay kasoo baxaan ,islamarkaana ay kusoo biiraan dowladda Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in dhalinyaraddaasi ay yihiin kuwo la qalday.

Gudoomiye Taabid ayaa sidoo kale tilmaamay in shalay laga doonaayo dhalinyaradda in ay midoobaan, isagoona sheegay in dhalinyarada kasoo baxaysa AlShabaab in ay soo dhaweyn doonaan.

Taabid Cabdi Maxamed ayaa xusay in dhalinyaradda ku jirta AlShabaab laga doonaayo in ay ku quusqaataan Xasuuqii ka dhacay Isgoyska Zoobe 14tii Bishaan.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa dhowr jeer ugu baaqay dhalinyaradda ku jirta AlShabaab in ay kasoo baxaan oo ay dib ula midoobaan qoyskooda.

WASAARADDA BEERAHA OO QABATEY CARWADII UGU WEYNEYD EE LAGU SOO BA NDHIGAY KHAYRAADKA SOOMAALIYA

Xaflad lagu maamuusayay xuska maalinta Cuntada Adduunka iyo maalinta Beeralayda Soomaali yeed laguna soo bandhigayay Dalagyada, Qudaarta iyo Geed miroodka ka baxa Waddankeena, ayna soo qabanqaabisay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Federaalka ayaa shalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadii xafladaasi oo si qurux bdan,loo soo agaasiimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumada Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano Senatoro, madax mata laysay Iskashatooyinka Beeralayda, bahda Waxbarashada, Rugta Ganacasiga, shirkadaha khayradaka Dalka iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan.

Khudbad uu halkaasi ka soo jeediayay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Avv. Mahadi Maxamed Guuleed {Qadar} ayaa ka sheekeeyay khayraadka ay Soomaaliya leedahay iyo faa’Iidada ay beeruhu u leeyihiin nolosha bani’aadamka, waxaana uu sheegay inuu soo dhaweynayo horumarka lixaadka leh ee ay samaysay Wasaaradda Beeraha, isagoo ku booriyay beeralayda gayige ena inay sii Labba jibaaraan wax soo saarkooda.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dawladda Soomaaliya Xildhibaan Saciid Xuseen Ciid oo isna munaasabadaasi ka hadlay ayaa soo bandhigay dadaalka ay Wasaaradiisu ugu jirto kor dhinta wax soo saarka Qaranka, waxaana uu carrabka ku dhuftay inay wax walba ka hormarinayaan dhi iri galinta iyo garab istaaga beeralayda Waddnakeena, isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay inuu ba hda beeraha ugu hambalyeynayo xuska maalinta Cuntada iyo maalinta Beeralayda Soomaaliyeed.

Sidoo kale munaasabadaasi waxaa iyaguna ka hadlay Wasiirka shaqada Xildhibaan Saalax Axm ed Jaamac, Gudoomiyaha Gudiga Khayraadka Aqalka Sare Senator Ilyaas Cali Xasan, Xildhibaan Za kariye Maxamuud X. Cabdi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha, Dr, Maxamuud Maxamed Maxamuud, Xoghayaha joogtada ee Wasaaradaasi Maxamed Cali Ismaaciil, Gudoomiyaha Shirkadda Somfresh Xersiyo Cabdulle iyo masuuliyiin kale, madaxdaasi ayaa ka hadashay sida loogu baahan yahay in xil gaar ah la iska saaro horumarinta dhinaca wax soo saarka.

Xafladaasi oo aad u xiiso badneyd ayaa waxaa lagu soo bandhigay in ku dhaw boqol (100) nooc oo isugu jira dalagyada laga helo Dalkeena, qudaarta ay Soomaaliya caanka ku tahay iyo qaar ka mid ah geed miroodka ka baxa Waddankeena, intii ay socotay xafladaasi ayaa waxaa lagu daawaday riwa ayad halku dhigeedu uu ahaa "Beer Fashaa MaBaahoodo”, taasi oo ay jilayeen fannaaniin ka tirsan hob olada Soomaaliyed.

Gabagabdii munaasabadaasi ayaa halkaasi waxaa shahaadooyin lagu gudoonsiiyay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha, sidoo kalana waxaa isla fagaraajhasi Koob lagu gudoonsiiyay kooxdii ku guulaysatay taratankii lagu maamusaayay maalinta Cuntada Caalamk.

Carwada shalay ee lagu soo bandhigayay wax soo saarka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay inay aheyd middii ugu balaaraneyd ee sannadahaan dambe lau qabto Dalkeena.

KAALINTA SHIRKADDA HORMUUD EE GUR MADKA QARIXII MUQDISHO OO LA BOGAADIYAY

Markii ay Muqdisho la kulanto xaalad musiibo ah waxaan marna la iloobin oo loo mahadceliyaa gurmadka Shirkadda Hormuud

Markii magaalada Muqdisho ay lasoo deristay murugadii weyneyd ee qaraxii Isgoyska Soope 14kii Oktoobar 2017, ayna boqolaal qof noqdeen wax dhintay, qaar dhaawacmay iyo qeyb maqan waxa kaliya ee loo baahday ayaa ahaa gurmad lagu badbaadiyo nolosha dadka halista ku jiray.

Mid ka mida shirkadaha ka qeyb qaatay gurmadka ee dadku bogaadiyeen waxay ahayd shirkad da Hormuud oo dadka kusoo jiidatay sida ay mar kaliya u garab taagan tahay dadkeeda, ugana qeyb qaadato gargaarka iyo gurmadka.

Hormuud oo ah shirkaddda ugu weyn isgaarsiinta Soomaaliya waxay sanado badan ahayd ilaa haddana tahay samafalaha koowaad ee ugu horeeya gurmadka iyo gargaarka degdega ah, gaadiidka dab damiska ee Shirkadda waxay safka hore uga jiraan badbaadinta dadka iyo hantidooda, iyagoo aan wax shuruud ah ku xiran shaqadooduna tahay samafal, iyagoo jidka u fura in gurmadka uu gaaro go obaha dabku ka kaco.

Dabdamiska iyo gurmadka degdegg ah kuma koobna samafalka Hormuud ee waxay hay’ad ga ara u sameysay arrimaha gargaarka, waana Hormuud Foundation oo lacag gaareysa $100,000 u qoond eeysay una qeybisay dadkii ku dhaawacmay qaraxii Magaalada Muqdisho.

Doorka Shirkadda Hormuud waxaa qiray hay’adaha Q/Midoobay oo warbixin ay soo saareen shirkadda Hormuud ku soo daray liiska hay’ adaha ka qeyb qaatay isu raadinta iyo xiriirinta howlaha gurmadka qaraxii Muqdisho, iyadoo ku deeqday khadad u tagay gurmadka degdega ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn loogu bogaadiyay kaalinta shirkadda Hormuud uga jirto howlaha gurmad ka iyo samafalka iyo gacantii walaalnimo ee ay ka geysatay iyo taageeradii ay bixisay.Shirkadda Horm uud waxaa saameyn kasoo tagay qaraxii Muqdisho, iyadoo ay uga dhaawacmeen guddoomiye ku xigeenka shirkadda iyo dhowr ka mida shaqaalaheeda, waxaa kaloo waxyeelo ka soo gaartay xarun ay ku lahayd agagaarka Soope

MAREYKANKA OO DOOR KU YEELANAYA DAGAALKA UU KU DHAWAAQAYO MADAXWEYNE FARMAAJO

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb qaadato dagaalka cusub ee Madaxweyn aha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo oo ku dhawaaqayo kadib qaraxii 14kii bishaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaaladda muqdisho.

Wakaaladda Wararka AP ayaa daabacday in uu la hadlay sarkaal ka Tirsan Malatariga Dowlad da Soomaliya kaasi oo sheegay in Maraykanka door muhiim ah ka qaadan doono Hawlgalka cusub ee ka dhanka ah Xarakada Alshabaab.

Sidoo kale taliska Ciiddanka Maraykanka ka joogo qaaradda Afrika ee AFRICOM oo ay Wakaal ladda AP wax ka weydiisay arrintaasi, wey ka gaabsadeen inay ka jawaaban warka ku aadan in Mare ykanka uu ka qeyb qaadanayo dagaalka cusub ee Alshabaab.

Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay duqeyn ka fuliyay dee gaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya oo ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Xarakada Alshabaab,waxaana la sheegay in duqeyntaas lagu dilay saraakiil Shabaab ah.

MADAXWEYNE WAARE OO LA KULMAY SARAAKIIL KA TIRSAN C/AMISOM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ay aa shalay Xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee Midowga Africa AMISOM Iyagoo ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta iyo xaqiijinta amniga guud. Madaxwe yne Waare ayaa waxaa kulanka Saraakiisha AMISOM uu la qaatay ku wehelinayay Madaxweyne Ku Xigeen ka Dowlad Goboleedka Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana kulanka la isku dhaafsaday sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidamada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ka howlgala iyo kuwa Amisom iyo in si dhab ah uga qeyb qaataan sugida amniga guud ahaan deeganada Hirshabelle gaar ahaan Xaf ladda Caleema Saarka Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo maalinta Isniinta lagu wado in ay ka dhacdo magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad Goboleedka.

Taliyaha Sectar 5 ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM Gen Voctor oo saraa kiishaasi hogaaminayay ayaa balan qaaday in si dhow ay u wada shaqeynayaan saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ka howgala gobolka ayna sii xoojin doonaan xaqiijinta amniga, sidoo kalena ay qorsh eynayaan in ay ka shaqeeyaan dib u dhiska wadooyinka iyo fulinta mashaariicyo horumarineed oo uu midowga Africa fulinayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Amisom ugu mahad celiyay sida har iyo habeen ay ugu soo jeedaan sugida amniga, waxaana uu ku ammaanay door kooda la xiriira garab istaaga Soomaaliya, waxaana uu si qoto dheer saraakiisha uu kaga warbixiyay sida mudnaanta koowaad uu u siinayo amniga iyo sida lagama maarmaanka ay u tahay in la iska kaa shado howlaha horyaala ciidamada si gaar ah waxaa uu carabka ugu adkeeyay sidii loo xaqiijin lahaa amniga inta lagu gud jiro xafladda caleema saarka oo dhaceysa 23 bishan oo maalin uun ay ka harsan tahay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa mudada uu joogo xafiiska sidaan oo kale kulama Muqdisho kula soo qaatay Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Midowga Africa Amisom, iyo kuwa Soomaalida oo uu kala hadlayay arrim aha Amniga dee gaanada Hirshabelle iyo sida muqadas ay u tahay in cadowga laga dulqaado bulshada ku dhibaateysan Deegannada Hirshabe lle oo ay go’doomiyeen Al Shabaab.

CALI KHALIIF GALERY OO EEDEYN CULUS U JEEDIYAY PUNTLAND .

Madaxweynaha maamulka Khatumo State Prof Cali Khaliif Galeyr oo maalintii daraad heshiis ku la saxiixday magaaalada Burco madaxweynaha Soomaaliland Axmed Siilaanyo ayaa eedeyn kulul u jeediyay maamulka Puntland oo sida uu hadalka u dhigay sheegay in ay duulaan ku yihiin deegaannada Khatumo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in la furo dastuurka Soomaaliland, islamarkaana ciidamada Khatumo lagu daro Soomaaliland. CIIDAMADA CIRAAQ OO SI BUUXDA ULA WAREEGAY GOBOLKA KIRKUK

CIIDAMADA CIRAAQ OO SI BUUXDA ULA WAREEGAY GOBOLKA KIRKUK

Ciidamada Ciraaq ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan dhammaan gobolka Kirkuk kadib daga al xooggan oo ka dhan ah ciidamada Kurdish Peshmerga.

Ciidanka ayaa sheegay in ay qabsadeen magaalada ugu dambeysay ee Altun Kupri, oo u dhow Erbil, iyada oo gacan ka helaaya shiicada ka dib dagaal socday Muddo saddex saacadood ah.

Maleeshiyada raacsan waqooyiga Kirkuk ayaa dagaal culus la galay ciidamada Ciraaq, halka ciidamada Ciraaq ay isku dayayaan in ay u riixaan Peshmerga dhinaca dambe ee Erbil.

Dagaalku wuxuu ku sii socday agagaarka Altun Kupri, oo qiyaastii 40 kiiloomitir waqooyigalbeed kaga beegan Kirkuk, waddada ErbilKerkuk.

Raiisal wasaaraha Ciraaq Haider alAbadi ayaa amar ku siiyay ciidanka in aysan galin xadka magaalada Erbil, isaga oo sheegay in ay ilaalinayaan dadka rayidka ah iyo hantidooda.

GOLAHA ISKAASHIGA DOWLAD GOBOLE EDYADA OO WAR MURTIYEED KULUL SOO SAARAY (AKHRISO)

War murtiyeed ayaa ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ay ku mideysan shanta Madaxweyne dowlad goboleed, waxaana looga hadlay xaalada guud ee dalka iyo qodobo kale.

War murtiyeedka oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ugu horeyn looga tacsiyadeeyay umadda Soom aaliyed qaraxii ay dadka badan ku dhinteen 14kii bishan, sidoo kale waxaa mahad celin loogu jeediyay umadda Soomaaliyeed, hey’adaha iyo dalalka ka qeyb qaatay gurmadka qaran ee loo fidinayo dadka ku waxyeeloobay qaraxaas.Sidoo kale War murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda ay ka mashquulsan tahay arrimihii Amniga, isla markaana ay xoogga saareyso siyaasado dadka iyo dalka sii kala fogeynayo.

Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa walaac ka muujiyay in qorshaha Xukuumadda dhexe ay miisaaniyadii amniga iyo tii dowlad goboleedyada loogu tala galay maamul goboleedyada ugu leexisay arrimo siyaasadeed.

Warkaan ayaa lagu sheegay in hanaanka federaalka ay soo wajahday qatar dhab ah oo keeni karta degenaansho la’aan siyaasadeed.

MADAXWEYNE FARMAAJO"WAXA AY OG AAN DOONAAN IN SHACABKA SOOMA ALI YEED AY LEEYIHIIN GEESIY AAL DEG DEG U GA JAW AABA DHIBAATA KASTA”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabullaahi Farmaajo ayaa tagay xarunta tab abarka ciidamada ee Jasiira, halkaas oo cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ay ka wadaan diyaar garow iyo ambabax ku aaddan dagaal ka dhan ah argagixisada Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay abaabulka ay ku jiraan ciidamadu waxa uuna kula dardaarmay in ay laba laabaan dadaalka ay wadaan si ay u ciil tiraan umadda Soomaaliyeed ee la gumaaday, gaar ahaan qoysaskii lagu dhibaateeyey qaraxii Soobe.

"Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”

Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.

"Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay shalay oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tira ahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ku bogaadiyey Saraakiisha Ciidanka Xoogga abaabulka dhammaystiran ee muddada kooban ay ku sameeyeen tan iyo markii uu ku dhaw aaqay dagaalka lagaga sifaynaayo dalka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab.

GUDDIGA DOORASHADA GALMUDUG OO DIB U DHIGAY DOORASHADA MADAXW EYNAHA MAAMULKAAS

Guddiga doorashada ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen doora shada madaxweynaha Maamulkaasi.

Waxaana la filayay in la qabto 25 bishan October, balse guddigu uu sheegay in dib loo dhigay illaa 15 bisha soo socoto ee November.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada madaxweynaha ee Maamulka Galmudug Maryan Cali Abti doon oo la hadashay Idaacadda Shabelle ayaa sheegtay in doorashada dib loo dhigay sababo la xariira qaraxii Sabtidii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxaana ay tilmaamtay in la qaban doono 15 bisha soo socoto ee November, xilligaas oo ay shaacisay in ay dooran doonaan madaxweynaha cusub ee Galmudug.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay madaxda sare ee Maa mulkaasi.

Waxaana dhawaan Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan "Masagawaa’ uu shee gay in aysan aqbali doonin in doorasho madaxweyne lagu qabto Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Halkaan hoose ka Akhriso:

BOQORKA SACUUDIGA OO HAMBALYO QALDAN U SOO DIRAY MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA

Boqorka Sacuudiga Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa u soo direy dhambaal hambalyo ah Ma daxweyne Farmaajo taasoo lagu sheegay in loogu hambalyeynayo munaasabadda maalinta Qaranka Somalia iyadoo ay shalay taariiqdu tahay 21ka Oktoobar.

Sidoo kale, Dhaxalsugaha Boqortooyada, ahna Ra’iisulwasaarexigeenka iyo Wasiirka Difaaca ee Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis waxa uu isagana khadka taleefoonka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey waxa uu ugu yeeray Munaasabadda Maalinta Qaran imadda Somalia.

Warbaahinta Sacuudiga ayaa baahisay dhambaalada ay madaxda Boqortoyada Sacudi Carabiya u soo direeen Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo. Hase yeeshee dhambaaladan ayaan lagu soo beegin munaasabada maalinta qaranimadda Somalia oo ah 1da Luulyo.

ma aha markii ugu horeysay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ay dhambaalo qaldan u soo diraan madaxda Soomaaliya, sanadkii hore ayaa sidan oo kale boqorka Sacudi Carabiya waxa uu dham baal u soo direy Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

MADAXWEYNAHA ZIMBABWE ROBERT MUGABE OO XIL CUSUB LOO MAGACABAY

Hay’dda Caafimaadka Adduunka ee Marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WHO ayaa Madaxweynaha dalka Zimbabwe u magacowday danjire Sharafeed.

Robert Mugabe ayaa ka shaqeyn doona in uu u ololeeyo ka hortaga cuduradda Kaadimacaanta iyo Kansarka.

Xilka ayaan waxaa u magacaabay Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda Itoobiya hadana ah Aga asimaha cusub ee WHO Dr Tedros Adhanom.

Dr Tedros Adhanom ayaa ku ammaanay Robert Mugabe Aqoontiisa dhanka Caafimaadka iyo si doo kale sida uu u jecel yahay in dadka kunool dalkiisa ay gaaraan horumar Caafimaad.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah Mugabe ayaa sheegay in muddo dhan 37 Sano uu xilka dalkaasi haayay in uusan waxba ka qaban adeegyadda Caafimaadka.

Hay’addaha kala duwan ee Qaramada Midoobey ayaa inta badan bixiya xilal Sharafeed loogu tala galay dadka wax galka ah.

UHURU KENYATTA OO DADKIISA UGU BAAQAY INAY FEEJIGNAADAAN QARAXII MUQDISHO KADIB

Madaxweynaha dalka Kenya waxa uu Baaqaasi ka jeediyey Dibadbax lagu maamusayey Maal inta Geesiyiinta Kenya oo lagu qabtay magaalladda Nairobi.

Waxa uu dadka Reer Kenya ku booriyey inay feejignaan buuxiyaan, kuna baraarugaan qarixii isb uucii hore ka dhacay Isgoyska Zoope ee magaalladan Muqdisho, ee ay Boqolaal ku geeriyoodeen, kuna dhaawacmeen.

Rag hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geestay Magaalada Muqdisho

Waxa kale oo uu ka codsaday Dadkiisa inay soo sheegaan qof kasta oo ay kaga shakiyaan inuu wax u dhimayo Amamanka Kenya.

"Dalka aynu deriska nahay ee Somalia waxay dhibaato kala kulmeen Qarax ay ku geeriyoodeen dad badan oo Birrimageydo ah.” Ayuu yiri Uhuru Kenyatta.

MADAXWEYNAHA JFS OO SHIR KU MARTIQAADAY MADAXDA DOWLAD GOBOLEEDYADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxam ed Farmaajo ayaa martiqaad u diray Madaxda Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Fede raalka Soomaaliya si ay uga soo qeybgalayaan shir wadatashi ah oo ka dhacaya magaalada Muqdisho 28-ka Oktoobar, 2017.

Shirkaas ayaa looga arrinsan doonaa hawlo muhiim ah oo horyaalla qaranka, ayna ugu horreyso sidii musiibadii Qaran ee ka dhacday magaalada Muqdisho 14kii bisha Oktoobar 2017 loogu beddali la haa midnimo Qaran. Qodobada kale ee diirada lagu saari doono shirkaan waxaa kamid ah sidii loo xoo jin ahaa wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga wada hadli doona arrimo muhiim u ah hanaanka dowladnima da Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadaan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalin toodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn, waxaana ka mid ah dardargelinta nabadeynta dal ka, horumarinta hannaanka federaalaynta, dib u eegista dastuurka, habka qeybsiga kheyraadka dalka iyo geeddi socodka doorashada 2020.

TRUMP OO FASAXAYA FAYLASHA DILKII JF KENNEDY

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in uu damacsanyahay in la faafiyo kumanaan dukumenti oo sir ahaa oo ku saabsan dilka madaxweynehii hore ee Maraykanka John F Kennedy oo muddo nus qari iyo dhee raada ka hor lagu toogtay magaalada Dallas. Fariin uu bogiisa Twitterka ku qoray ayuu Trump ku shee gay in uu fasaxi dooni in la faafiyo qoraaladda ku saabsan arintan iyo baadhitaanadii la sameeyey ba, wuxuu se intaa ku daray waa hadii uu xog dheeraada helo oo uu ku go’aan qaadan karo

Taariikhyadannada iyo dadka kale ee wax ka qora shirqoollada ee weli ka haddla dilkii madaxweyne Kennedy tan iyo markii uu toogashada ku dilay Lee Harvey Oswald 1963, ayaad moodaa in ay haatan heleen hadal cusub oo ay dib uga doodaan.

Maalinta Khamiista ah ee soo socota ayaa waxa ku eeg muddadii uu ku dhacayey xeer ay shan iyo lab aatan sano ka hor uu ansixiyey Congressku oo sheegayey in qoraallada rasmiga ah ee dilka madax weye JF Kennedy tahay sir aan la faafin karin, haatan se waxay dadku si fudud u heli doonaan qoraa lladaa hore u qarsoonaa.

Saraakiisha dawladda Maraykanka qaarkeed ayaa laakiin diidan in la faafiyo qoraaladaa waxayna doo dooda sabab uga dhigayaan in ay halis ku yihiin nabad gelyada qaranka.

Laakiin madaxweyne Trump ayaa fariin uu bogiisa Twitterka ku qoray aad moodda in uu doodda ay qabaan saraakiishaasi ganafka ku dhuftay.

RAG HUBEYSAN OO DIL IYO DHAAWAC KA GEESTAY MAGAALADA MUQDISHO

Dhimashada dadkaan iyo dhaawaca kuwa kale ayaa timid kadib markii rasaas lagu furay Arday ku sug neyd Afaafka hore ee iskuulka Alcimra Qeybta uu ku leeyahay Xaafada Laba Dhagax degmada War taNabada ee Gobolkaan Banaadir.

Xoogaa muran ayaa soo kala dhex galay Ciidamo ku sugnaa Goobta uu falka ka dhacay iyo Ruux wat ay Mootada Bajaajka taas oo keentay in dadkii ku soo xoomay oo ay Ardayda ka mid ahaayeen la rasa aseey ayuu Dalsan u sheegay qof ka mid ah dadka deegaanka.

Xaalada Goobta ayaa daqiiqado kooban noqotay mid ay baqdin muujiyeen dadka Shacabka ah ee ku sugnaa Goobta la rasaaeeyay, waxana la sheegay ragii rasaasta furay ay Goobta ka baxsadeen.

Maamulka degmada WartaNabada weli kama hadlin dhacdadaas,balse xiriir aan la sameynay ayaanan noo suurtagelin si aan wax uga weydiino dhacdadaas.

MADAXWEYNE GAAS” DOWLADDA DHE XE WAXA AY KU KOOBAN TAHAY XA MAR”

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland ayaa ka hadlay Golaha Iskaashiga maamul goboleedya dda ee dhawaan lagu sameeyay Magaalada Kismaayo.

Waxaa uu sheegay in dalka intiisa badan ay gacanta ku hayaan maamul goboleedyadda dalka ka jira, islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay ilaaliyaan danahooda.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay bilowday in ay burburiso maamu lada dalka ka jira oo ay rabto in ay badesh hogaamiyeyaashooda dowlad goboleedyadda qaarkood.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in dastuurka Soomaaliya uu leeyahay laba heer dowladeed oo ah dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Ugu dambeyntii waxaa uu xusay in dowladda dhexe ay ku kooban tahay Xamar.

War shalay kasoo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyadda ayaa eedeeyn loogu jeed iyay dowladda Dhexe.

TALIYAHA BOOLISKA PUNTLAND OO DHAAWACAY KUXIGEENKIISA

Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa ku dhaawacmay rasaas uu riday taliyaha booliska Puntland C/qadir Shire Faarax Ereg, oo isagu rasaastaasi u waday sida la sheegay guddoomiyaha go bolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne.

Xabadda haleeshay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ayaa uga dhacday jilibka. Wararka ayaa sheegay in gacan ka hadal dhexmaray taliyaha iyo guddoomiyaha ay sababto in taliyuhu uu bas toolad u xirnayd la baxo oo rasaas ku furo guddoomiyaha.

Goobjooge ayaa u sheegay VOA in shaqaaqadan ay ka dhacday shir dhinaca amniga looga hadlayay oo ka dhacay hotel ku yaalla magaalada Garowwe.

Shirkaasi waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Booliiska iyo kuxigeenkiisa, Gobalka gobolka Nugaal iyo Taliyaha la dagaalanka Argagixisada Puntland.

Labadan mas'uul ayaa isku qabsaday mas’uuliyadda amniga gobolka Nugaal gaar ahan ciidanka amniga gudahiisa.

Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Shire Faarax Ereg ayaa dhowaan waxa shaqadiisa dib ugu celiyay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas kaddib xil ka qaadis u horay ugu sameyay madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin xaaji Cumar Cameey.

BOGGA CAYAARAHA

MARKII HORE ANDRES INIESTA, HADDANA LIONEL MESSI- AGAASIMAHA GUUD EE BARCELONA EE OSCAR GRAU OO KU DHAWAAQAY IN AY MESSI U SOO BANDHIGAYAAN HESHIIS NOLOSHIISA OO DHAN UU CAMP NOU KU QAADANAYO.

Kooxda Barcelona ayaa maanta qabsatay shirwaynaha kooxdeeda waxaana horyaala arimo bad an oo ay ugu wayn tahay siyaasada gobolka Catalonia ay xoriyad kaga qaadanayso dalka Spain iyo hal ka ay Barcelona ka ciyaari doonto haddii maamulka horyaalka Spain ee La Liga ay diidaan in kooxaha ree Catalonia ay qayb ka sii noqdaan La Liga.

Laakiin waxyaabaha kale ee ugu muhiimsan ee shirwaynaha Barcelona looga hadlay ama lagu sii lafa guri doono waxaa ka mid ah sanad xisaabeedka iyada oo lacag rekoodh ah ay maamulka Balag rauna ay ku dhawaaqeen. Laakiin waxaan meesha ka maqnayn sidii ay u xalin lahaayeen siyaasada suuqa ee bisha January.

Agaasimaha guud ee Barcelona ee Oscar Grau ayaa ka hadlay xaalada heshiis kordhinta Lionel Messi wuxuuna xaqiijiyay in xidiga ree Argentina uu haddaba saxiixay qandaraas cusub oo afar sano ah balse waxa uu ku dhawaaqay in Messi ay marinayaan dariiqii Andres Iniesta iyaga oo xidiga ree Argent ina u soo bandhiga heshiis uu nolashiisa oo dhan ku qaadanayo Camp Nou.

Dhinaca kale Oscar Grau ayaa sheegay in si ay ciyaartoy cusub ula soo wareegaan ay marka hore u baahan yihiin in ay xidiga hadda kooxdooda ka tirsan iska iibiyaan taas oo horeba looga hadl ayay maalmihii ugu danbeeyay. Xidigaha ay suurtogalka tahay in bisha January la iibiyo waxaa ugu horeeya Arda Turan iyo Thomas Vermaelen oo aan gabi ahaanba qayb ka ahayn qorshaha Valverde.

Andre Gomes, Rahinha iyo Paco Alcacer ayaa sidoo kale la filayaa in Barcelona ay iibin doonto bisha January haddii ay u hesho suuq fiican oo ay lacag fiican kaga heli karto, waxayna markaas la soo saxiixan doontaa xidigaha uu Valverde doonayo in uu kooxdiisa ku soo xoojiyo.

Xubnaha kooxda Barcelona ayaa ansixiyay miisaaniyada Barcelona ee xili ciyaareedkan 2017/18 iyada oo 391 xubnood ay miisaaniyada ansixiyeen halka 68 xubnood ay ka aamuseen iyada oo 49 xu bood ay ka aamuseen waxaana sidaa lagu meel mariyay miisaaniyad xili ciyaareedkan ee ay kooxda Camp Nou ku shaqayn doonto.

Agaasimaha guud ee Barcelona ee Oscar Grau oo ka hadlayay in Messi ay u soo bandhigi doo naan qandaraas noloshiisa ah ayaa yidhi: ” Kooxa kubbada cagta Barcelona waxay Messi u soo ban dhigi doontaa heshiis noloshiisa ah”.

Dhinaca kale agaasimaha ciyaaraha ee Robert Fernández ayaa ka hadlay sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka Valverde iyo sida uu Paulinho kooxda ula qabsaday wuxuuna yidhi: "Paulinho si fiican ayuu kooxda ula qabsaday, waxa uu ka ciyaaraa boosas badan, wuu xoogan yahay oo uu khibrad leeyahay.Dhamaantayo waxaanu ku faraxsanahay Ernest Valverde, ka tababare ahaan waxa uu leeyahay dareen guud iyo khibrad badan”.

FALANQEYNTA KULANKA XIISAHA IYO XAMAASADA BADAN EE GAROONKA WEMBLEY MAANTA KU DHEXMARAYA TOTTENHAM & LIVERPOOL

Ka dib kulankii lagu caajisay ee barbaraha ahaa ee ay la galeen Manchester United, muhim ayay u aheyd Liverpool inay natiijo fiican ka helaan Champions League oo ay xasuuqaan Maribor, waxaana ay kalsoonidaas kala hortagi doonaan kooxda Tottenham kulankooda maanta.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa ku faraxsan qaab ciyaareedka Tottenham iyadoo waxyaabo badan oo fiican laga qaadan karo barbarihii ay Bernabeu kula galeen kooxda Real Madrid. Waa ay ku adkaan doontaa Liverpool inay garaacdo Spurs kuwaasoo aan laga badinin lixdii kulan ee ugu danbeysay.

MAXAA KA CUSUB?

Tottenham ayaa dib u heli doonta Dele Alli ka dib markii uu ganaax ku seegay kulankii Real Mad rid ee Champions League, inkastoo kulankaan uu xilli dhow u yahay xiddigaha khadka dhexe Victor Wanyama, Erik Lamela iyo Mousa Dembele.

Ben Davies ayaa taam u ah inuu ciyaaro, halka Danny Rose ay mar kale u badan tahay inuu ku soo bilaaban doono kursiga keydka.

Xiddigaha Liverpool Adam Lallana, Sadio Mane iyo Nathaniel Clyne ayaa weli dhaawacyo ku ma qan.

Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in dib loo soo yeeri karo kabtan Jordan Henderson ka dib markii la nasasiiyay kulankii Maribor.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Tottenham (3-4-3): Lloris; Alderweireld, Sanchez, Vertonghen; Trippier, Dier, Winks, Davies; Erik sen, Kane, Alli.

Liverpool ( 4-3-3): Mignolet; Moreno, Lovren, Matip, Gomez; Wijnaldum, Henderson, Can; Cout inho, Firmino, Salah

MA OGTAHAY?

Tottenham ayaan badinin sagaalkii kulan ee ugu danbeysay horyaalka ee ay la ciyaareen Liverpool, iyadoo laga badiyay lix ka mid ah kulamadaas, waxaana laga dhaliyay 22 gool

Si kastaba, seddex ka mid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka waxa ay ku dha maadeen barbaro, oo ay ku jirto labadii kulan ee ugu danbeysay ee ka dhacay magaalada London.

ENGLAND - PREMIER LEAGUE OCTOBER 21

Chelsea 4 - 2 Watford

Huddersfield Town 2 - 1 Manchester United

Manchester City 3 - 0 Burnley

Newcastle United 1 - 0 Crystal Palace

Stoke City 1 - 2 AFC Bournemouth

Swansea City 1 - 2 Leicester City

Southampton 1 - 0 West Bromwich Albion

ITALY - SERIE A OCTOBER 21

Sampdoria 5 - 0 Crotone

SSC Napoli 0 - 0 Inter

SPAIN - LALIGA SANTANDER OCTOBER 21

Levante 1 - 1 Getafe

Real Betis 2 - 0 Alaves

Valencia 4 - 0 Sevilla

Barcelona 2 - 0 Malaga

ENGLAND - PREMIER LEAGUE OCTOBER 22

15:30Everton ? - ? Arsenal

18:00Tottenham Hotspur ? - ? Liverpool

ITALY - SERIE A OCTOBER 22

13:30ChievoVerona ? - ? Hellas Verona

16:00AC Milan ? - ? Genoa

16:00Atalanta ? - ? Bologna

16:00Benevento ? - ? Fiorentina

16:00SPAL 2013 ? - ? Sassuolo

16:00Torino ? - ? Roma

19:00 Udinese ? - ? Juventus

21:45Lazio ? - ? Cagliari

Spain - LaLiga Santander October 22

13:00Villarreal ? - ? Las Palmas

17:15Celta Vigo ? - ? Atletico Madrid

19:30Leganes ? - ? Athletic Bilbao

21:45Real Madrid ? - ? Eibar




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip