Madaxweynaha Jabuuti oo si kulul kaga hadlay qaraxii Zoobe (Dhageyso)

0
Thursday October 19, 2017 - 13:44:51 in Wararka by
  • Visits: 442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti oo si kulul kaga hadlay qaraxii Zoobe (Dhageyso)

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay qaraxii khasaaraha buuran sababay ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay qaraxii khasaaraha buuran sababay ee maalintii Sabtida ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa sheegay inuu u maleynayo in ay ciil badan qabaan mintidiinta Al Shabaab, kolka aad fiiriso baaxadda uu leeyahay qaraxa ay xilligan ka gaysteen Magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay markii ay Shabaabku arkayn inay guul-darro soo wajahday, ay bilaabeen inaysan ayaguna waxba reeban, si ay niyadda uga dilaan shacabka Somaliyeed, ee rajada dowladnimada u soo iftiintay.

Madaxweynaha Jabuuti, ayaa nabadiidka ku eedeeyay inaysan qaraxaasi u meeldeyin, carruur, ciroole iyo dhalinba, ayna si isu mida u laayeen.

"Waa kuwaa dee, umad idil inay ka ooysiiyaan, in ay u kala eegi waayaan carruur, waayeel, dhalin iyo qof walba. Qof walba maanta inay taabatay waad arkeysaa.” Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa xusay inay aad uga xanuunsadeen dhibaatadii ku dhacday shacabka reer Muqdisho, adduunkana aanay ka dhicin dhibaatadaasi oo kale.

"Aad baan uga ooynay arrinkaasi axmaqnimadeeda. Adduunka wax ceynkaasihi meel uu ka dhacay ma jiro.” Ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti.

"Wax kale oo aan qaban karnaahi ma jiro. Inaan inta dhaawaca ah bal sidii wax loo gaarsiin lahaa ayaa soddon nin oo wixii aan heynay ah, dhakhtaro iyo kalkaaliye-yaashoodii, intaba aan ka gaarsiinay. Laba diyaaradood oo dawooyin iyo qalabkii ay ku shaqaynayeena waan dirnay.”

Madaxweyne Geelle, ayaa bulshada reer Jabuuti ku booriyay in wixii itaalkooda oo gurmad ah inay gaarsiiyaan dhaawacyada yaala Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

"Dadkeynuna maanta wixii ay karayaan inay gaarsiiyaan, waan ugu baaqeynaa. Waajib weeyaan. Dadkaasi waxaa u badan dad aan wax haysan, dhaawac ah, oo halkaa jiifa.” Ayuu yiri Geelle.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip