Ciidamada Turkiga oo taangiyo wato oo gudaha u galay dalka Ciraaq
Turkiga ayaa dan ugu jirta inuu hubeeyo Kurdiyiinta Ciraaq si ay ula dagaalamaan Xoogaga Daacish ee waayahan dambe sii xoogeysanaya.
Deeganada ay ciidamada Turkiga hada galeen, ayaa la sheegayaa inay yihiin kuwa ay gacanta ku hayaan Xoogaga Kurdiyiinta dalka Ciraaq.
Xukuumadda Baqdaad ayaa tallaabada Turkiga uu ciidankiisa ku geliyay dalka Ciraaq waxa ay ku tilmaamtay arin uusan Turkiga fasax u haysan.
Dowladda Mareykanka dhankeeda waxa ay sheegaysaa tallaabada ciidanka Turkiga ay gudaha ugu galeen dalka Ciraaq inaysan aheyn howlgalka uu hogaaminaayo Mareykanka.
Turkiga ayaa si feejigan isaga ilaalinaya Kooxda Daacish, waxaana uu adkeeyay Turkiga xuduudaha Syria iyo Ciraaq uu la wadaago, iyaga oo ka cabsi qaba in Daacish halkaasi uga soo tallaaban.
Ciidamada Turkiga oo taangiyo wato oo gudaha u galay dalka Ciraaq
Ciidamo aad u badan oo ka socda dalka Turkiga ayaa ka tallaabay Xuduuda Ciraaq iyo Turkiga ay wadaagaan, waxaana la xaqiijiyay inay gudaha u galeen ciidamada Turkiga dalka Ciraaq.