
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 19-KA OKTOOBAR 2017-KA
In AlShabab ay leeyihiin ficilada noocaan oo kale ah willibana ay qaraxyo noocaan oo kale ah ayagu uun geysteen taasoo cadaynaysa buu yiri M/weynuhu in AlShabab mas’uul ka yihiin qaraxii Zoo be ka dhacay oo galaaftay nolosha in ka badan 300 oo ruux.
Mar M/weynuhu ka hadlayay sababta ay Shabab u sheegan waayeen mas’uuliyadda qaraxa ay aa waxaa uu sheegay inay uga gabsadeen khasaaraha uu shacabka u geystay oo badan.
"Waa ay sheegan lahaayeen laakiin waxay dareemeen inta uu le’eg yahay khasaaraha uu geys tay sidaas ayay uga aamuuseen laakiin ayagaa geystay” ayuu yiri m/weynaha Soomaaliya Max’ed Ca bdulaahi Farmaajo oo la hadlayay Tv,ga AlJazeera.
M/weynuhu waxaa uu caalamka ka codsaday inay dawlada Soomaaliya ku gacansiiyaan dagaal ka ay AlShabab kula jiraan haddii kale ay fikradahooda gaarsiin doonaan dalalka Maraykanka iyo Yu rub.
In kastoo Shabab diideen in weerarkaasi iyagu ka dambeeyeen haddana dad badan ayaa aamin san in Shabab ay ka dambeeyeen weerarkii dadka badan noloshooda galaaftay ee Zoobe ka dhacay.
XILDHIBAAN XALAY LA TOOGTAY
Wararka ka imaanaya Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland ayaa ku waramaya In kooxo hubeysan ay caawa magaaladaas ay ku dileen Xildhibaan Cabdixakiim Tima Faras oo ka tirsanaa Baarlamaanka Jubbaland.
Alla Ha’unaxariistee Xildhibaanka ayaa la dilay isagoo kasoo baxay gurigiisa, waxaana baxsaday kooxdii dilka geysatay.
Saraakiil ka Tirsan Maamulka Jubbaland oo shalay la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in xildhibaanka ay toogteen kooxo hubeysan islamarkaana ay goobta ka baxsadeen ayna socdaan baaritaano.
DAGAALAMAYAAL LA SHEEGAY INAY XIRIIR LA LEEYIHIIN ALSHABAAB OO WEERAR KA GEYSTAY DALKA MOZAMBIQUE
Gudoomiyaha Gobolka koofutra Mozambique Cabo Delgado, Haweeyneeyda lagu magacaabo Celmira da Silva ayaa sheegtay in ay Dagantahay Xaaladda Degmadda Mocimboa da Praia Halkaasi oo isbuucyo ka Hor ay Dagaal kusoo qaadeen Dagaalamayaal Dadka Deegaanku ay la xiriirinayaan in ay Alshabaab.
Ciidamo ka tirsan Booliiska Mozambique oo ka howlgala Degmadda Mocimboa da Praia ayaa Weerar ka kulmay islaamiyiin Hubeeysan, sida uu Boolisku shaaciyay waxa Dagaalkaasi ku dhintay La bo askari oo ka Tirsan Booliiska iyo 14 ka mid ah Kooxihii weerarka Sooqaaday, Dagaalyahanadu wax ay Dileen Hugaamiye dhaqameedkii Deegaanka, Booliskuna waxay Xabsiga dhigeen 52 Ruux.
Iisku dhacyo kale ayaa laga soo wariyay Magaalo Palma la yiraahdo oo Ciidamadda Booliiska iyo jihad doonka Hubeeysan ay markale ku dagaalameen.
Gudoomiyaha gobolka ay Weeradu ka dheceen Celmira da Silva ayaa sheegtay in ay Xaaaladda gobolku Daganaaan kusoo laabatay waxayna Xustay in Baaritaano ay socdaan natiijada kasoo baxdana ay u Dabaqi doonaan si uusan usoo laaban Fal kii dhacay.
Gudoomiyuhu waxay sheegtay in Ciidamadda booliisku ay ku dadaalayaan sidii ay usoo Saarilahaayeen Cidda ay yihiin Koo xda Weerarka Fulisay.
Gobolka Mocimboa waxaa Dagaalamayaasha looga Yaqaa naa Alshabaab, hase ahaatee wali lama soo bandhigin Cadeey mo Muujinaya in ay Xiriir toos ah la leeyihiin Alshabaab.
Wargeeys Lagu Magacaabo Newssheet ayaa Baahiyay in Dagaalyahanadda loo yaqaano Alsunna, ay Xambaarsanyihiin fikrad lamid ah Midda Argagixisadda Caalamiga ah islamarkaana ay Doonayaan in ay Shariicadda isla amka kusoo Rogaaan gobolka, waxayna mamnuucayaan cilmaaniyadda iyo Iibsiga Maandooriyaha.
In kabadan 30 Urur oo ay leeyihiin Musimiinta Dalka Mozambique aya cambaareeyay Werarka.
HAY’ADAHA GARSOORKA OO KA QEYB QAADAN DOONO GURMADKA LOO SAMEYNAYO DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII SOOBE.
Ka dib kulan looga hadlayay Qaraxii lagu xasuuqay dadkii shaca[bka ahaa ee ka dhacay isgoos ka Zoobe ee magaalada muqdisho ayaa shalay maxkamada sare ee dalka waxaa ay sheegtay in gar soorayaasha dalka ay bilaabeen sidii ay ugu gurman lahaayeen Dadkaas ku dhaawacmay qaraxii Zoobe.
Waxaa ayna sheegeen Madaxdii ka qeyb gashay kulanka in hada garsoorayaasha ay wadaan da daalo loogu samatabixinayo dadkii Shacabka ahaa ee lagu xasuuqay isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ee dalka , Gudoom iyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir,kan racfaanka iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha dalka.
Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lacag dhan 20 kun oo Dollar ay ugu deeqeen dadkii lagu xasuuqay qarixii ka dhacay isgooska zoobe ee magaalada muqdisho.
AYATOLLAH CALI KHAMENEI OO WEERAR AFKA AH KU QAADAY MADAXWAYNE
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa difaacay heshiiskii Niyukleerka ee Iiraan ay la gashay qu wadaha waawayn.
Ayatollah Cali Khamenei ayaa isticmaalay luuqad adag isaga oo Trump ku tilmaamay nin carey san oo beenaale ah.
Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiran ayaa soo dhaweeyay taageerada midowga Yurub ay u muujiy een heshiiska Iiraan lala galay
Mr Trump ayaa diiday in uu saxiixo heshiiska Iiraan ay la galeen wadamada quwadaha waawayn.
Trump oo cunaqabatayn saaray Iran ka dib markii ay gantaal tijaabisay Dowladda iiraan oo ku guulaysatay tijaabada gantaal nooca satellitka
Iiran oo si kulul uga jawaabay handadaadii Trump Madaxwayne Trump ayaa ku hanjabay in uu gabi ahaanba meesha ka saari doono heshiiska Iiraan lala galay xiligii uu xukunka hayay madaxwayne Obama.
Madaxwaynaha Mareykanka ayaa ku baaqay in isbadal lagu sameeyo heshiiska si looga hortago in iiraan ay samaysato hubka Niyukleerka.
Wadamada kale ee qaybta ka ahaa heshiiska Niyukleerka Iiraan ayaa dhankooda waxa ay muuj iyeen in wali heshiiska ay sii wadi doonaan.
SHAKI HAREEYAY QABASHADA DOORASHADA KU CELISKA AH EE KENYA
Waxaa shaki wayn uu hareeyay u diyaar garowg qabashada doorashada ku celiska ah ee dalka Kenya.
Doorashada madaxwaynanimada ee ku celiska ah ayaa lagu wadaa in la qabto 26 bishan o ay todobaad oo kali ah naga xigto.
Gudoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati ayaa sheegay in uusan damaanad qaadi Karin doorasho u dhacda si lagu kalsoonaan karo.
Mr Chebukati,ayaa sheegay in isbadal uu isku dayay in uu sameeyo ay ka hor yimaadeen xubna ha guddiga.
Maxaa lagu eedeeyay Guddiga doorashada ee Kenya?
Kenya ma waxay qarka u saaran tahay qalalaasa Dastuur?
Toban arrimood oo ku saabsan doorashada Kenya
Hadalka gudoomiyaha guddiga doorashada Kenya ayaa waxa si kulul uga jawaabtay dowladda.
Madaxwayna ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa ugu baaqay Mr Chebukati in uu joojiyo khudbooyiinka uu dadka u jeedinayo oo uu qabto doorashada.
Waxa jirta cabsi isa soo taraysa oo laga qabo in Kenya ay ka dhacaan rabshado siyaasadeed.
Hogaamiyaha mucaaradka ugu wayn Kenya, Raila Odinga, ayaa horey isaga baxay doorashada ku celiska ah .
Mucaaradka ayaa soo bandhigay shuruudo ay sheegeen in ay tahay in la fuliyo ka hor inta aysan doorashada ka qayb galin.
CIIDAMADA ISRAEL OO WEERA RAY XARUMO WARBAAHINEED
Ciidamada Israel ayaa xalay weerar ku qaaday xarumaha shirkadaha warbaahinta Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed, taasi oo ay ku sheegeen howlgal looga jawaabayo hurinta rabashado ka dhan ah Israa’iiliyiinta.
Illaa sideed warbaahineed ayaa lagu amray inay xirnaadaan muddo lix bilood ah, islamarkaana laba qof ayaa la xiray.
Saraakiisha Falastiinyiinta ayaa si adag u cambaareeyey falkan, oo ay ku sheegeen mid ka dhan xoriyadda warbaahinta.
Tallaabada Israel ayaa timid saacado kadib markii dowladda ay ku dhawaaqday inaysan la hadli doonin dowlad Falastiin oo ay qeyb ka tahay kooxda Xamas, illaa dhowr dalab laga fuliyo.
Dalabyadaas ayaa waxaa ka mid ah in Xamas hubka dhigto, oo ay ka tanaasusho rabshadaha, islamarkaana aqoonsato Israel.
Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Natenyahu ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo in Xamas ay joojiso taageerada Israel, ayna soo celiso meydadka laba askari oo Israeli ah, siina dayso laba qof oo muwaadiniin Israa’iliyiin ah.
TILLERSON: WAAN LA XISA ABTA MI DOONNAA MILLATARIGA MYAN MAR
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson ayaa Arbacadii sheegay in gaboodfalla da dalka Myanmar loogu geystay muslimiinta laga tirada badanyahay ee Rohingya ay mas,uuliyadde eda qaadi doonaan hogaanka millatari ee dalkaasi.
Wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in aduunyadu aysan marqaati ka noqon dil wadareedka laga soo sheegayo gobolka Rakhine.
In ka badan nus milyuun dadka kasoo jeeda qowmiyada Rohingya ayaa ka gudbay xuduuda uu Myanmar la wadaago Bangladesh dhowrki todobaad ee lasoo dhaafay. Dadkan ayaa lafahooda kala carraray gaboodfallo la sheegay in ay millatariga dalkaasi Myanmar kula dhaqaaqeen muslimiinta Ro hingya,
Hadalka Tillerson ayaa kusoo beegmay kadib warbixin ay qalalaasaha Myanmar kasoo saartay hey’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.
Warbixinta oo lagu saleeyay wareyso lala yeeshay in ka badan 100 ruux oo kasoo carartay gobol ka ay colaaduhu ka jiraan ee Rakhine, ayaa sheegeysa in ciidamada amaanka ay si ula kac ah u toog teen boqolaal ruux oo ka mid ah dadka Rohingya, halka nolosha lagu gubay waayeelada iyo dadka xan uunsan ee aanan ordi karin ee looga tagay guryaha laga qaxay.
SHACABKA GAARISSA OO DHIIG URUURIN U SAMEYAY DADKII KU DHAAWACMAY QARAXII ZOOBE
Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaarissa ayaa maanta waxa ay ka qeyb qaateen Olole dhiig lo ogu uruurinayay dadkii waxyeelada ka soo gaartay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Ololahan dhiig uruurinta ah ayaa waxaa soo abaabulay Urur u Ololeeya Xaquuqada Dumarka ku dhaqan Gobolka Waqooyi Bari oo loo yaqaan She Foundation oo taageero ka helaya Wasaaradda Ca afimaadka Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya iyo Guddiga ay ku mideysan yihiin dhaqaatiirta Musl imiinta ee dalka Kenya.
Marwo Batraan Abdi oo arintaan soo qaban qaabisay ayaa sheegtay in ay arrintaan ay ku faraxsan yihiin ayna ugu suura gashay sidii loo baahnaa.
Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Dowlad Goboleedka Gaarissa Adow Jubat oo ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin shacabka Ku dhaqan Magalada Gaarissa.
Dubat Ali Amey oo ka mid ah Odayaaasha ku dhaqan Magalada Gaarissa ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay Bulshada ku dhaqan Magaalada Gaarissa qaabka ay dhiigooda u bixiyeen.
SARKAAL KA TIRSAN GUDDIGA DOORASHADA KENYA OO U BAXSATAY DALKA MARAYKANKA
Xubin sare oo ka tirsanayd guddiga doorashada Kenya (IEBC) Roselyn Akombe ayaa u baxsatay dalka Maraykanka iyadoo loo hanjabay in la dilayo kahor toddobaad doorashada ku celiska ah ee dal ka Kenya.
Sarkaal u qaabilsanaa guddiga doorashada Kenya dhinaca ITga Chris Msando ayaa la diley tod dobaad kahor doorashadii ka dhacday dalka Kenya bishii August ee sanadkan.
Ms Akombe go’aanka ay gaartay ayaa guddiga doorashada dalka Kenya ku tilmaamay mid aad looga xumaado,hase yeeshee waxaa ay ku dooday in ay nafteeda halis ku jirto loona hanjabay.
"Ma dareemayo in aan ku nabadgalayo dalkeyga, cabsi ayaan dareemayaa markaan Kenya joo go, mana u filayo in aan ku noqon doono,” ayey tiri haweeneydan.
Sidoo kale waxay sheegtay in ay u baqeyso shaqaalaha guddiga ee ku sugan Nairobi, Siaya, Kisumu iyo Homa Bay ee Galbeedka Kenya.
Dr Roselyn Akombe ayaa soo bandhigtey in uu jiro khilaaf ka dhex jira guddiga doorashada dalka Kenya oo ay mucaaradku hore u codsadeen in labedelo.
"Marka ay dhacayaan kulamada guddiga doorashada waxaa si toos ah loogaga dareemaa inay kala raacsan yihiin xisbiyada ku loolamaya madaxtinimada dalka Kenya.”ayay tiri Akombe.
Dalka Kenya ayaa la filayaa in ay ka dhacdo doorasho ku celis ah 26ka bishan October, ka dib markii natiijadii doorashadii hore ay u laashay maxkamadda.
Hase yeeshee hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa qaadacay doorashada ku celiska ah isagoo dhowr jeer hore ugu celceliyay in wax laga bedelo guddiga doorashada dalka Kenya.
BISHA CAS OO FAAH FAAHISAY KHASAARIHII KA SOO GAARAY QARAXII ZOOBE
Xarunta ugu weyn Ururka Bisha Cas qeybta Soomaaliya gaar ahaan magaalada ayaa waxaa saa meyn ku yeeshay Qaraxii Zoobe 14kii bishan, kaasi oo khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba u geys tay, maadaama Daarta Bisha Cas ay ku tiilay Isgoyska Zoobe.Madaxa Warbaahinta Bisha Cas ee Soomaaliya C/risaaq Maxamed Faarax oo la hadlay Risaala ayaa sheegay Qaraxii Zoobe Bisha Cas in uu ka soo gaaray khasaare hantiyadeed iyo mid nafeedba, maadaama Qaraxa uu ahaa mid xoogan oo dilay boqolaal qof.
Wuxuu sheegay dhacdadii Zoobe Hay’adda Bisha Cas in ay uga dhinteen shaqaale gaaraya 6 qof, halka ay uga dhaawacmeen ilaa 15 qof, iyada oo ay u sii dheertahay in burbur xoogan uu soo gaa ray daarta Bisha Cas, sidoo kalena ay gubtaan Gawaari ay leeyihiin Hay’adda iyo shaqaalaha.
C/risaaq ayaa inoo sheegay dadka ka geeryooday Bisha Cas in ay ka mid ahayeen Maxamed Maxamuud Barqadle, Cali Nuur, Aadan Cabdulle, Asad Cabdulle Axmed, Aadan Yuusuf Cali iyo gabar kale oo lagu magacaabo Safiyo.
Hay’adda Bisha Cas oo dhibkaasi uu soo gaaray ayaa hadana waxa aysan ka seexanin dadkii ay dhibaatada soo gaartay, waxayna har iyo habeen u taagneyd in ay door lixaad ka qaadato gurmadka dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii Zoobe.
WABIGA ADDUUNKA UGU DHEER OO SOO CIMRI GAABANAYA
Wabiga adduunka ugu dheer ee Niilka ayaa aad usii biyo yaraynaya
Biyaha sii gabaabsanaya ee wabiga Niilkaka ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu xasarad ka dhexdhalin karo dalalka gobolka ee biyaha wabiga wadaagga.
Dhibka waxa uu ka bilaabanayaa halka wabiga uu kasoo qulqulo, tusaale ahaan wabiga Niilkaka waxa uu boqolkiiba 80% kasoo qulqulaa dalka Itoobiya. Qeybta wabiga Niilka ee kasoo burqata Itoobiya waxaa loo yaqaanaa Niilka Buluugga ah.
Halka Niilka Cad uu kasoo qulqulo harada weyn ee Victoria , waxayna labada wabi isaga dars amaan dalka Suudaan.
Wabiga waxa uu ka dhashaa roobabka ka da'a deegaanada uu kasoo qulqulo, balse dhawaana han roobabkii aad ayay u yaraadeen, sidaasi darteedna wabigii waa uu biyo yareeyay.
Mararka ay roobabka aadka u da'aan waxaa la socda dabeylo iyo duufaano, kuwaasi oo dhulka Itoobiya ka dhaqa maadada bacriminta ciidda, taas oo waxyeelo weyn ay kala kulmaan beeralayda Itoobiya.
WARAABKA IYO BEERAHA
Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha.
Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha
Kororka dadka oo sii kordhinaya ayaa ka qeybqaadanaya xaalufinta dhulka, iyaga oo maalin kas ta jara dhirta si ay u deegaamaystaan.
Daadadka waaweyn ee soo rogmada ayaa iyaguna xaalufka dhulka kasii qeybqaadanaya.
Dadkii horay ugu tiirsanaan jiray roobabka ayaa hadda u wareegay in ay beerahooda ka waraabi yaan biyaha wabiga Niilka, taas oo saamayn ku yeelatay xadka biyaha wabiyaga Niilka.
Dadka qaarkood oo degen tuulooyinka ayaa gabi ahaanba iska dhaafay tabcashadaha beeraha, waxayna u guureen magaalooyinka sida magaalada Bahar Dar oo kale.
Qaarkood kale waxa aadayaan tahriib dalalka Yurub si ay halkaas nolol uga sameeyaan.
Dadkaas waxaa ka mid ah wiilka lagu magacaabo Getish Adamu oo 17 jir ah, wuxuu yaambo u heystaa beertiisa, isaga oo rajaynaya waxa kasoo baxa in uu sii iibiyo, kadibna ku tahriibo.
Markasta oo hoos loosii raaco wabiga, waa markasta oo dhibaatada iyo biyo yaraanta ay kasii badantahay.
Masar iyo Itoobiya
Kalluun aad uga yar ayay soo jalaabtaan dadka wabiga ka kalluumaysta
Kalluun aad uga yar ayay soo jalaabtaan dadka wabiga ka kalluumaysta Waxaa xaaladda uga sii daray biyo xireenka weyn ee Itoobiya ay ka dhisayso meel aan ka fogeyn xudduuda ay la wadaagto Suudaan, halkaas oo ay dowladda ka barokicisay kumanaan qof si dhulka looga kireeyo shirkado waaweyn oo beero ka samaysanaya.
Dadka waa kuwa cabsi qaba, si fiican kuuguma waramayaan.
Marka wabiga uu gaaro Masar halkaas oo roobabka aad ugu yaryihiin, islamarkaasina ku tiirsan biyaha wabiga boqolkiiba 95% ayaa waxaa xaalad walwal leh laga muujinayaa biyo xireenka weyn ee Itoobiya.
Heshiis Masar iyo Sudan ay kala saxiixdeen sanadkii 1959kii heshiis ay ku qeybsanayaan biyaha wab iga, waxana heshiiska uu Masar siinayaa biyaha intooda badan.
Heshiiskaas qeyb ka aysan ahayn Itoobiya iyo inta badan dalalka kale ee wabiga uu kasoo qulqulo kuwaas oo xiligaas ku jiray gumeysi. Dhammaan dalalkan waa ay kasoo horjeedsadeen shar cinimada heshiiskaas.
Xukuumadda Qaahiro ayaa marar badan ku hanjabtay in ay dagaal ka xigto haddii biyaha wabiga la leexsado.
Ciidammada Itoobiya ayaa heegan ugu jira haddii lasoo weeraro, waxayna xitaa leeyihiin ciidamo badda ah kuwaas oo ku sugan harada weyn ee Tana , waxayna kuu sheegayaan in ay ogsoonyihiin in ay joogaan furun dagaal.
TAYADA BIYAHA WABIGA
Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha Qashinka badan ee lagu shubayo wabiga ayaa hoos u dhigay tayada biyaha Marka la'isku daro dadka degan dalalka uu maro wabigan waxa ay wadartu gaaraysaa illaa 500 milyan qof marka la gaaro sanadka 2050ka, waxa ana ugu wacan kororka dadka, waxayna taas mustaqbalka ka dhigaysaa mid mugdi ah.
Magaalada Khartuum oo kale, bulaacadaha wasaqda ee ku darsama wabiga ayaa aad u haleeyay tayada biyaha, waana dhib sidoo kale ka jira magaalooyinka waaweyn ee dhaca hareeraha biyaha.
Nidaamka qashin uruurinta iyo dhimasha dhuumaha wasaqda qaada oo aad u yar awgeed, dad badan ayaa qashinkooda ku quba wabiga, waxaana xitaa ka mid ah warshadaha oo haraadiga kiimik ada ah ah ku shuba wabiga.
BACAADKA GALAYA WABIGA
Marka laga yimaado biyo yaraanta, iyo wasaqda lagu shubayo, waxa kale oo xaaladda wabiga uga sii daraya ayaa ah bacaadka saxaraha oo halis ugu jira in uu duugo wabiga.
Dadka beeralayda ee ku nool dhulkan saxaraha ee Masar waxa ay la qabsadeen xaalad kasta oo soo foodsaarta, waxayna xal u heli jireen dhibaato kasta.
Dhibaatooyinka soo foodsaaray waxaa ka mid ah heer kulka daran ee deegaankaas iyo waliba korontada oo ka tagta biyo xireenada ay waraabka wabiga ka helaan.
Balse hadda bacaadka soo durqaya ee saxaraha ayaa aad usoo koobay dhulkii beerashada ku habboonaa. 150 mitir oo kaliya oo wabiga hareerihiisa ah ayaa ku habboon in la beerto, waana xad aad halis u ah kan uu bacaadka ku socdo.
Bacaadka wuxuu soo durqay 120 km 30kii sano ee lasoo dhaafay, waxaa kale oo dhibka sii kordhinaya ayaa ah heerkulka oo xad aan la qiyaasi karin ku socda.
Waxaa ugu wacan ayaa la leeyahay isbadalka cimiladda adduunka.
Waqooyiga dalka Suudaan dhibka waa mid ka duwan kaas, dhalinyaradii beeraha fali jirtay ayaa waxa ay u yaacday dhanka godadka macdanta laga qodo.
Sidaasi darteed beeralayda waxa ay hadda kireystaan muhaajiriinta ka imanaysa Itoobiya, Erit rea iyo waliba gobolka Dafur, kuwaas oo marin ka dhigta waqooyiga Suudaan.
Marka uu wabiga gaaro magaalada Qaahira ayay xaaladda ugu sii darantahay.
Goonyaha wabiga waxaa buux dhaafiyay qashinka, biyuhuna waa kuwa aad gabaabsi u ah, wax aana aad usii yar biyaha ku qulqula ilaha biyaha ee beeraha lagu waraabiyo.
Walwal xooggan ayaa ka muuqda wajiyada saraakiisha wasaaraddadaha ku teedsan wabiga ku waas daaqadaha kasoo eegaya qulqulka biyaha wabiga, indhahooda hortooda ayayna wax kasta ka dhacayaan "Niilka wax kasta ayuu noo yahay anaga, waa waxa aan cabno, islamarkaasna cunno, waa masiibo weyn haddii ay wax ku dhacaan biyahan" ayuu yiri Cali Naqiifi oo ka tirsan wasaaradda wara abka iyo maareynta biyaha Masar.
Horay Masar iyo Itoobiya waxa ay isu dhaafsadeen haddalo kulkulul oo la xiriira dhismaha biyo xireenka weyn ee Itoobiya, kaas oo ay Masar ka baqayso in uu aad u yareeyo biyaha ay hesho.
Qaxootiga Oromada ee ku nool Masar ayaa sheegay in aad loo dhibaateeyo markasta oo ay soo baxaan warar ku saabsan xaaladda dhismaha biyo xireenka itoobiya, sidaas si la mid ah kaniisadaha Ito obiya oo xiriir fog la lahaa kuwa Masaarida ayaa xiriirka u jaray, waxayna Itoobiya ka ceeyriyeen baad ariyo kaniisadahooda ka hawlgali jiray oo Masaari ah.
Sidaasi darteed xaaladda labada dal waa mid ka taloowsan diin iyo aragti siyaasadeed, balse waa mid ku qotanta nolosha labada shucuub.
Itoobiya waxa ay u aragtaa in biyo xireenka uu yahay horumarkii ugu weynaa ebed ee dalkaas soo mara, xitaa caruuraha ayaa ku heesa.
Dadka ka kalluumaysta wabiga ayaa xitaa ay dhibaatada soo gaartay, kalluunkii ayaa aad u yar aaday, waxayna hadda soo qabsadaan wax aad uga yar wixii ay horay usoo jalaaban jireen.
"Markii hore wabiga waan caabudi jirnay, balse hadda ma doonayno wax isaga ku saabsan, wa xaanan rabnaa in aan ka fogaano in kasta oo suurtogal ah" ayuu yiri Khamees Khala oo ka mid ah kall uumaysata wabiga Niilka.
Hadda doomihii lagu kalluumaysanayay qaarkood waxaa loo rogay in ay safriyaan dadka tahrii bayaasha ah ee Yurub u socda.
Si kastaba ha ahaatee wabiga Niilka oo ah wabiga ugu dheer adduunka ayaa hadda loo yaaban yahay mustaqbalkiisa, balse lama oga waxa uu galaafan doono marka cimrigiisa uu soo dhammaado.
DHAMMAAD
BOGGA CAYAARAHA
JURGEN KLOPP IYO LIVERPOOL OO HELAY WAR AY KA CADHOODAAN KADIB MARKII SADIO MANE LAGU SOO DARAY LIISKA XULKA QARANKIISA SENEGAL EE KULAMADA CAALAMIGA AH EE SOO SOCDA.
Kooxda Liverpool ayaa helaysa war ayna jeclaysan doonin iyada oo tababaraha xulka qaranka Senegal ee Aliou Cisse uu xaqiijiyay in Sadio Mane uu diyaar u noqon doono kulamada caalamiga ah ee soo socda ee koobka aduunka loogu soo baxayo isaga oo waliba doonaya Mane oo uu safto kulan ka ku celiska ah ee ay FIFA amartay in South Africa iyo Senegal ay wada ciyaaraan kulan hore loo ciya aray oo uu garsoore qalad wayn ka sameeyay.
Sadio Mane ayuu dhaawac ku soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa Senegal intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa ee dhawaan laga soo laabtay wuxuuna haddaba seegay kulankii Premier Le aque ee ay Liverpool barbaraha la gashay Manchester United iyo waliba kulankii Champions Leaque ee ay Reds 7-0 ku soo xasuuqday kooxda Maribor.
Iyada oo aan wali la ogayn waqtiga rasmiga ah ee uu Sadio Mane garoomada ku soo laaban do ono ayuu macalinka xulka qaranka Senegal ee Aliou Cisse uu shaaca ka qaaday in Mane uu boqol kiiba boqol uu taam u noqon doono kulamada ay la ciyaari doonaan South Africa.
Kulankii South Africa iyo Senegal oo ay hore Senegal guuldaro u soo gaadhay ayay FIFA qasab ka dhigtay in markale la ciyaaro kadib markii uu garsoore ree Ghana ahi shaqadiisa abid ee garsooran imo ku waayay markii uu South Africa siiyay rekoodhe been ahaa taas oo keentay in Senegal ay hesho cadaalad ay markale ku ciyaari karto.
Xulka qaranka Senegal ayaa u baahan in ay laba dhibcood oo kaliya ka shaqaystaan kulamada soo socda si ay koobka aduunka ugu soo bixi karaan markii labaad oo kaliya waxayna hore uga qayb galeen koobkii aduunka ee 2002 kii markaas oo ay aduunka si fiican isku bareen.
Macalinka Senegal ee Aliou Cisse oo ka hadlayay Sadio Mane ayaa yidhi: "Maskaxdayda waxaa ku jira in aanu wax shaki ahi ku jirin in uu isagu nala joogi doono labada kulan ee South Africa isla amr kaana uu boqolkiiba boqol taam buuxa ahaan doono. Ilaa hadda waxa uu samaynayaa tababar shaqsi ah, wuuna ordayaa, laakiin laga bilaabo usbuuca soo socda waxa uu doonayaa in uu si adag taba bar ka u qaato oo uu bilaabo in uu kubbada ku shaqeeyo”.
Hadalkan ayaan ka farxin doonin Jurgen Klopp oo doonaya in Sadio Mane aan wax halis ah la galin isla markaana uu si buuxda oo caadi ah u soo kabsado iyada oo waliba xidiga ree Senegal uu muhiim ka yahay shaxda macalinka ree Germany.
Senegal ayaa hogaaminaysa Group D ee isreeb reebka koobka aduunka waxayna min laba dhib cood ka horeeyaan South Africa iyo Burkino Faso si la mid ah Cape Verde waxayna Senegal ku xis aabtaymayaan kulanka baaqiga u ah ee ay markale la ciyaari doonaan South Africa laakiin in Sadio Mane uu haddaba qayb ka yahay qorshaha qarankiisa ee kulamada November 10 ayaa keenaysa in Liverpool ay isku xumaan karaan.
ARTURO VIDAL OO KU SOO WAJAHAN ITALY, SABABTA UU UGA TAGAYO BAYERN MUNICH, KOOXDA UU OGOLAADAY IN UU KU BIIRO & WAKHTIGA UU DOONAYO IN UU KU BIIRO
Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Chile iyo kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal ayaa la gu soo waramayaa in uu Diyaar u yahay in uu January isaga tago kooxda Bayern Munich kuna biiro ko oxda Inter Milan sida laga soo xiganayo wargayska TMW Laakiin waa in ay Inter Marka hore kala he shiisaa kooxda Bayern Munich qiimaha xiddigan.
Xaqiiqda ayaa ah in ayna ahayn markii ugu horaysay ee xiddigan reer Chile lala xiriirayo ku laab ashada Italy halkaas oo uu uga soo ciyaaray Juventus sanadihii u dhexeeyay 2011 ilaa 2015.
Wargayska Tuttomercatoweb ayaa sheegaya in bixitaankii Tababare Carlo Ancelotti iyo rabitaan ka xiddiga ee tartan cusub ay tahay sababta uu xiddigan doonayo in uu uga tago kooxda Bayern marka la gaaro January.
30 jirkan ayaa kooxda Inter Milan u sheegay in uu ogolyahay in uu ku biiro Inter Milan laakiin waa in ay kooxdu arintiisa kala hadasho kooxda Bayern Munich xilli ay Inter ku rajo weyn tahay in ay amaah ku hesho ka hor inta ayna si toos ah ula wareegi xagaaga dambe.
Xiddigan ayaa kooxda Bayern Munich kula jira heshiis dhacaya 2019 waxana uu kooxda Bayern Munich ku soo biiray sanadkii 2015 isaga oo kaga soo biiray kooxda Juventus.
KEVIN DE BRUYNE OO DOONAYA IN MUSHAARKIISA MAN CITY UU LA MID NOQDO KAN NEYMAR JR UU PSG KA QAATO SI UU HESHIIS CUSUB UGU SAXIIXA CITY.
Manchester City ayaa dooneysa inay heshiiska ay u kor dhiso xiddiga heerka caalami ree Belg iam ee Kevin De Bruyne, laakiin laacibka ayaa doonaya in si xoogan loo wanaajiyo mushaarka uu ka qaato Skay Blues, hadiiba ay dhaceyso inuu saxiixo heshiis cusub.
Kevin De Bruyne ayaa la yimid bandhig wanaagsan tan iyo imaatankiisa kooxda Manchester City, wuxuuna ku leeyahay kaalin weyn in xili ciyaareedkan ay hogaanka ku qabo kooxda City 22 dhibc ood, iyadoo 2 dhibcood kaga sareyso dhigeeda Manchester United. Laacibka ree Belgiam ayaa sidoo kale kaalin xoogan ku yeeshay in Manchester City ay hogaanka u qabato group E ay xili ciya areedkan kaga jirto tartanka Champions League-ga, kadib markii ay 3-dii kula ay soo ciyaartay aysoo wada guuleysatay. qorshihiisu yahay in si xoogan loo wanaajiyo mushaar
De Bruyne ayaa doonaya in lagu qadariyo qaab ciyaareedka wanaagsan uu ka sameenayo safka kooxda Manchester City, kahor inta uusan miiska wada hadalada la fariisan kooxda ree England si uu qalinka ugu duugo heshiis csub uu kusii joogayo Etihad Stadium, wuxuuna ka uu kooxda ka qaadan doono.
Sida uu daabacay wargeyska ree England ee Telegraph laacibka ree Belgiam ee Kevin De Bruyn ayaa wuxuu doonayaa in wada hadalada heshiiskiisa cusub uu saldhig kaga dhigo mushaarka sanad laha ah ee Neymar Jr sanadii kaga soo xaroota kaasoo ku qiimeysan aduun dhan 37 million euros.
Wakiilka Kevin De Bruyne ee Patrick De Couster ayaa la kulmi doono bilaha soo aadan saraa kiisha kooxda Manchester City, si ay ugu dhameeyaan wada hadalada lagu doonayo in laacibka uu qal inka ugu duugo heshiiska cusub sida ugu wanaagsan uguna macquulsan.
Wakiilka De Bruyne ee Patrick De Couster oo tilmaamayay waxa uu ka wado in ay ku soo dham aadaan ayaa wuxuu ka bixiyay tusaalo cad wuxuuna yidhi: "Hadii aan tusalo ahaan u soo qaato, sida mushaaraadka xidigaha Nemar Jr iyo Kylian Mbappé oo kale ay ka qaataan kooxda Paris Saint-Ge rmain, waxaadna qiyaasi kartaa qaabka uu noqon karo wadahadalka”.
Si kastaba Kevin De Bruyn ayaa kaga soo biiray kooxda Chelsea dhigeeda ree Germany Wolf sburg, kahor inta uusan ugu dhaqaaqin Manchester City aduun dhan 75 million euros, wuxuuna De Bruyn heshiiska uu haatan kula joogo Citu uu kaga qaataa sanadii aduun dhan 9 million euros, wux uuna heshiiskiisa dhacayaa sanada 2021.
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP A OCTOBER 18
Benfica 0 - 1 Manchester United
CSKA Moscow 0 - 2 Basel
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP B OCTOBER 18
Anderlecht 0 - 4 Paris Saint Germain
Bayern Munich 3 - 0 Celtic
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP C OCTOBER 18
Qarabag FK 0 - 0 Atletico Madrid
Chelsea 3 - 3 Roma
CHAMPIONS LEAGUE - GROUP D OCTOBER 18
Barcelona 3 - 1 Olympiacos
Juventus 2 - 1 Sporting CP
WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 19-KA OKTOOBAR 2017-KA
M/WEYNE FARMAAJO "ALSHABAB AYAA KA DAMBEEYAY QARAXII ZOOBE". M/weynaha Soomaaliya Max'ed Cabdullahi Farmaajo oo la hadlay Telefisinka AlJazeera ayaa sheegay in marka loo eego sida ay wax uga dhaceen isgoyska Zoobe 14 kii bishaan ay